Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo shir guddoomiyay kulanka labada aqal ee ka doodista cutubta 3-aad ee dastuurka

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 23-aad kalfadhiga 4-aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka wehliyay Guddoomiyaha ku xigeennada Labaad Aqal.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa ka doodista soo jeedimaha wax ka bedelka Dastuurka KMG ah, Cutubka 3-aad qodobadiisa 42-aad illaa 47-aad.

Xildhibaannada iyo Sanatarrada ayaa ka dooday sii wadida dhameystirka cutubka saddexaad ee Dastuurka KMG ah oo ka hadlaya dhulka, hantida iyo deegaanka, waxayna mudanayaasha labada gole dood iyo aragtiyo wax ku ool ah ku biiriyeen wax ka beddelka Dastuurka gaar ahaan cutubka 3-aad oo maanta dooddiisa la soo gabagabeeyay.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo soo xiray kulanka maanta ayaa sheegay in dooda cutubka sedexaad lasoo gabagabeeyay isla-markaana la bilaabi doono cutubka afaraad.

          

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay qalinjabinta dufcadda 22-aad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabadda qalinjabinta dufcadda 22-aad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa ka hadlay mudnaanta ay dowladdu siinayso tayaynta waxbarashada dalka iyo muhiimadda bixinta canshuuruhu u leyleyihiin horumarinta adeegyada bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay dadaalkii dowladda soomaaliyeedu u gashay  dib u furidda Jaamacadda Soomaaliyeed oo la hirgaliyay sanadkii 2014 ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso hormarinta iyo kor u qaadida waxbarashada dalka.

“Waxbarashada dalkeennu waxa ay soo martay duruufo kala duwan, waxaana maanta joognaa in intaan oo arday ah ay ka qalinjabiyaan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, taas oo daliil u ah in haddii la wada dadaalo oo gacmaha la is-qabsado aynu gaari karno natiijo tan ka sii weyn. Waa in muwaadiniintu si hufan bixiyaan canshuuraha qaranku ku leeyahay”.

Madaxweynaha ayaa ammaanay Hormuudka iyo Bareyaasha Jaamacadda Ummadda oo ku soo shaqeeyay duruufo adag, isla markaana ka miradhaliyey hiigsigii dib u soo nooleynta Jaamacadda iyo barbaarinta jiilka msutaqbalka, wuxuuna ardayda qalinjabisay kula dardaarmay in ay dhexda u xirtaan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen horumarka dalkooda, aqoontoodana ay ugu adeegi lahaayeen shacabkooda.

Ardayda maanta ka qalinjabisay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ah dufcaddii 22-aad ee ka baxda Jaamacadda ayaa tiro ahaan gaarayey 1535 Arday, kuwaasi oo dhammaystay kulliyadaha kala duwan ee heerka koowaad iyo heerka labaad ee taqasuska sare.

                        

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa tababar diblumaasiyadda u soo xiray Danjireyaal

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar ku saabsan diblumaasiyadda oo soconayey muddo saddex toddobaad ah u soo xiray toban Danjire oo ay dhawaan ansixiyeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay danjireyaasha cusub in iyaga oo khibraddooda adeegsanaya ay wax weyn ka beddelaan muuqaalka siyaasadeed ee Soomaaliya, isla markaana ay dalkeenna u abuuraan saaxiibbo wanaagsan oo siyaasadeed.

“Waxaan u baahannahay in siyaasaddeennu ay ku saleysnaato Soomaali Dunida Heshiis la ah oo danteeda ka shaqeynaysa, lehna siyaasad deggan oo ku saleysan caqli iyo cilmi, waana taas sababta keentay in aan diblumaasiyadda u xulano dad ruug caddaa ah oo leh khibrad”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayey Safiirrada tababarka loo soo xiray.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo shahaadooyin guddoonsiiyey danjireyaasha ayaa ku bogaadiyey Machadka Diblumaasiyadda iyo Tababarka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya, kaalinta uu ka qaato kor u qaadidda aqoonta diblumaasiyiinta Soomaaliyeed.

Ra”iisul wasaaraha XFS oo maanta ka sameeyey Wasaaradda Qorshaynta iyo Dhiirigelinta Maalgashiga howlo isugu jira daah-fur, xarig-jar iyo dhagaxdhig

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka sameeyey Wasaaradda Qorshaynta iyo Dhiirigelinta Maalgashiga howlo isugu jira daah-fur, xarig-jar iyo dhagaxdhig.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhagax-dhigay Dhismaha Machadka Qorsheynta, Istatistikada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Qaranka iyo Dhismaha Hey’adda Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliyeed, isaga oo daah-furay hoolka cusub ee Wasaaradda iyo hey’adda Istaatistikada Qaran oo loo bixiyey Nuur Weheliye.

Dhismeyaasha la dhagax-dhigay oo qeyb ka ah Wasaaradda Qorsheynta iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayuu Ra’iisul Wasaaraha ku tilmaamay kuwo wax weyn ku soo kordhinaya dalka iyo horumarka la hiigsanayo, isagoo ku bogaadiyey Wasaaradda hirgelinta barmaamijka casriyeynta dowladnimada oo muhiim u ah dalkeenna, kaas oo horseedaya isbeddel la taaban karo.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga oo tababbar loogu soo xiray Baydhabo

Baydhabo:-Waxa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta ku meelgaar ah maamul goboleedka Koofur Galbeed tababbar loogu soo xiray saraakiil iyo saraakiil xigeeno ka tirsan qaybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Tababbarkaan oo ay bixinayeen saraaakiil ka socotay hoggaanka isku xirka shacabka iyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed CIMIC ayaa lagu baranayay maaraynta dhibaatooyinka wajahaya shacabka ku dhaqan deegaanada laga saarayo khawaarijta,iyadoo Saraakiisha iyo saraakiil xigeenada qaatay tababbarka ayaa ah kuwa loo soo xulay sidii fahan guud uga qaadan lahaayeen waajibaadka isku lamaan ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed , waajibaadkaas oo ah bad baadinta shacabka iyo baacsiga khawaarijta.

Hoggaanka isku xirka shacabka iyo ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ee cimic ayaa wada dadaalo dheeraad ah oo ku aadan isku xirka shacabka iyo ciidanka , iya sidii looga feejignaan lahaa dhibaatooyink gaari kara shacabka ku dhaqan deegaanada laga saarayo khawaarijra arxanka daran.

     

NISA oo gacanta ku dhigtay xubin Sare oo ka tirsanaa Khawaarijta

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa gacanta ku dhigtay Guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenlay Abuukar Axmed Caddow Tifoow oo ka tirsanaa Khawaarijta kaas oo in muddo ah ku dhex dhuumanayay Hay’addaha Dowladda.

Abuukar ayaa intii u dhaxeysay 2015 ilaa 2019 soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Wadajir, sidoo kale 2019 ilaa 2020 waxaa uu Guddoomiye kasoo noqday degmada Dharkeynley isaga Khawaarijta kala shaqeeyay fududaynta falal amni darro oo ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho.

Xogta Hay’adda NISA ay heshay waxa ay caddayneysaa in Abuukar Axmed Caddow uu Khawaarijta ku biiray intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2014, waxa ay tababar Sirdoon ku siiyeen magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose isaga oo Khawaarijta ka caawin jiray gudbinta xogta Saraakiisha iyo Xafiisyada dowladda iyo fududaynta dhagaraha Kooxda.

NISA oo heshay xogta dhagar qabahan ayaa dabagal ku haysay mudddooyinkii u dambeeyay waxaana ugu dambeyn lagu guuleystay in 04-tii March 2024, laga qabto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde isaga oo ka yimid dalka Kenya.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka waxa ay u digeysaa cidkasta oo la shaqeysa Khawaarijta waxaana ka go’an adkaynta nabadgalyada muwaadinka Soomaaliyeed.

TIXANAHA SHEEKADA MAANO FAAY (QEYBTII 68-AAD)

Waa qoys ladan oo lacagta uu gubayo badankeeda uu iyaga ka heli jirey ugu dambayntiise aabbihii markuu ka quustay wuxuu ku yiri, “Maandhow bannaanka iga mar, carruurta ha iga fidmayne!”

Beryahaan dambe dhibaatooyin culus baa ka soo food saaray xagga dhaqaalaha. Saaxiibbadiisii ay baddaas ku wada jireen markii uu kaalintiisii gabay, ayay badankoodu ka daysteen kharashkii ay ka bixin jireen.

Aad buu u xayraansan yahay wax walba wuu ku kacsan yahay, xataa nafsaddiisa In badan buu ku tashadaa in uu is daba qabto, ee dabeecadihiisa baddelo haddana mar walba wuu ku guulaysan kari waayaa.

Waalidki caasi kuma ahee aad buu u jecel yahay, laakiin waxaa ku adkaata fulinta waxa ay la jecel yihiin ilaa hadda waa ka xishoodaa in uu aabbihii sigaarka ku hor cabbo, wax ka weynna iskaba daa.

Wanaagga lagula taliyo aad buu ugu riyaaqaa, khaladaadkiisa u garaystaa, waanada u qaataa, in uu ku camal fali doono u ballan-qaadaa haddana markii fulinta la gaaruu dhexda ka barriiqdaa, isagoo baddii dhex muquufayuu is-arkaa.

Khamriga iyo dumarka ayuu is yiraahdaa isku ilowsii dhibaatada markaasuu noqdaa ninkii holaca ku dhex jirey, oo bensiinka biyaha moodaye is yiri ku qabooji! Maana-Faay ayuu galabtaas ku tashaday in uu isku ‘qaboojiyo!’ Aad buu ugu farxay, markii ay u soo gashay.

Daacadnimo is-tustus ah buu ku soo dhaweeyey qalbi-furnaan xad-dhaaf ah buu u muujiyey kaftan iyo maad buu ku hafiyey saskii markii ay u soo gashay ku dhacay raadkiisii buu ka tirtiray.

Wallaahi yarkaan dumaashi boqor eh waaye! bay niyadda ka lahayd, iyadoo kaftankiisa u qoslaysa asaguna hoostuu uga mindiyo lisanayey,

faan been ah ku asqaysiinayey tartiib-tartiib buu sheekada majaraheedii meeshii uu rabey ugu leexiyey tabtii baase ka xumaatay.

Markii ay ‘Axmed’ marar badan soo hadal qaadday, ayuu is yiri, Ninkaan ay ku wardinayso ka sii yara jeedi.

 

“Axmed wax akhbaar ah ma ka heshay?” iyo “Goormuu imaanayaa?” bay dhawr jeer ku celcelisay maadaama uu ogaa in uu kadis ku baxay, iyadana war gelin, waxaa ku soo dhacday in uu gol- dalooladaas ka faa’iidaysto.

“Markii uu baxayey kollayba wuu kula socodsiiyey sow ma aha?” ayuu ogaal-waydiiyey “Maya,” Maanaa daacadnimo ugu jawaabtay “See ku dhici kartaa?” Kulmiyaa la soo booday.

“Waxaa la dhahayey kadis aas ku baxay,” Maanaa wiilkeedii ku difaacday “Ma-kee?” Kulmiyaa ka hor keenay, “Toddobaad ka hor baabu annaga noo sheegay in uu Jilib u bixi doonee.”

“Wallaahi?” Maanoo dabinkii ku dhacday baa la soo boodday “Si xun buu yeelay saaxiibkay,” Kulmiyaa sii watay,

“Markuu yimaadana waan ku canaanan doonaa arrintaas.” “Ad Setamaan ka hor aas kuu sheegay miyaa?” “Haah, waliba intuusan ii sheegin baan maqlaayey habeen isagoo Mulki u sheegaya, markaasaan waydiiyey oo waxaan…”

“Yaah, yaah?” Maanaa markay magaca dhaddig maqashay, intay is celin wayday hadalkii ka dhex gashay, “Mulkina yaa waaye?”

“Gabadha saaxiibtiis ah nooh! Mulki sow ma taqaanid, yartii hadda markaad soo galaysey iridka ka sii baxaysey?” “Wax irid ka sii baxaaya ma arkin,” Maanaa si xanaaq ah u tiri.

Intuu koomadiinka gacan-togaaleeyey, oo sawir uu maanta galiyey ka soo saaray buu yiri, “Mulki waa is- taqaanniine, waa tan nooh!”

Intay sawirkii si qallafsan uga dhifsatay, in yar ka dibna tuurtay, bay wajiga jilbaha gashatay.

Kulmiye hoostuu ka qoslay, isagoo sawirkii dhulka ka haabanaa, halkiisiina ku celinaya saasaa la rabaa! buu uurka ka yiri;

afkana su’aal been ah ku kajamay, ee yiri, isagoo iska dhigaaya sidii nin aan qarracanka ay la muusoonayso weli dareemin, “Waa is taqaanniin sow ma aha?”

 

WARSHADAHA SAMEEYAHA BIYAHA KALA DUWAN OO MUGADISHO KU SOO BADANAAYO.

Magaalada mugadisho ee caasimada dalka waa magaalo ay ku nool yihiin shacab aad u badan oo gaaraya sadax malyan waana shacab iskugu kuwa wax haysta iyo kuwa aan wax haysan balse magaalada ay tahay mid barakeysan oo uu qofka nolol maalmedkiisa Ka helaayo waana magaalo ku fiican ganacsiga kala duwan.

Maalinba maalinka Ka sii danbeesa magaalada mugadisho waxaa ku soo badanaayo ganacsiyo kala duwan oo ay horey u awoon shacabka Soomaaliyeed ganacsiyadaas waxaa hirgalinaayey ganacsato iyo dhalinyaro layimid fikirado kala duwan oo ay ku hormarinayaan hal-abuurada ay layimaadeen ayaga oo Ka dhabeenaayo riyooyinkooda.

Soomaaliya sodon sano oo ay ku jirtay xaalad hubanti la aan ah balse marna maquusan in ay ka harto dunidan horumatay marwalba waa ay lajaan qaadeysay inkastoo sidii larabay aan ku gaarin hormar balse hormar baaxad leh ayaa ka muuqdo dalka.

Warshada waxsoosaara dalka waa ay ku soo badanayaan maalinba maalinka Ka sii danbeesa sababtuna waxa ay tahay dalka oo xaaladiisa amni ay hagaagsanaatay, amaankeeda la isku haleen karo islamarkaana uu dalka ka jirto dowladd ilaaliso kala danbeenta iyo nidaamka dalka u dagan taasi waxa ay ganacsatada ku dhiira galisay in dalka ay maalgashtaan oo ay keensadaan warshado waxsoosaar leh iyo hal abuuro kale .

Warshada soora biyaha kala duwan ee dalka laga isticmaalo ayaa saa’id ugu soo badanaayo magaalada muqisho waxaana warshadahaan keenay dalka ganacsato doonaayo in ay hormariyaan ganacsigooda ismarkaana ay la tartamayaan ganacsiyada Ka jira caalamka.

Bulshada Soomaaliyeed dadaal ayey ugu jiraan hormarka noloshooda iyo midda dalkooda sababtoo ah bulshada haddii ay sameeyaan hormar baaxad leh waxaa hormaraaya dalkeena marka bulsho hormar sameeso waa dalka oo horumaro.

Fursado badan ayey dhalinyarada Soomaaliyeed Ka helayaan warshadaha iyo ganacsiyada ku soo badanaayo dalkeena waxaana ay u noqoneysaa shaqa abuur xooggan taasina dadka waxa ay Ka dhigeysaa kuwa shaqeesta islamarkaana maala xoogooda oo ay ku sameeyaan dhaqaalaha.

Soomaaliya waa ay u baahantahay warshado badan waayoo waxa ay Ka qeeb qaadanayaan kaabayaasha dhaqaale ee dalka ayaga oo fududeenaayo bixinta canshuuraha dalka, hormarka qeyb weyn Ka qaadanaayo iyo shaqo abuur ay u abuurayaan dhalinyaro badan oo shaqo sugayaal ah.

Dowladdu waxaa looga baahan yahay garab istaag xooggan oo ay u sameeso ganacstada ayna ku dhiira galiso ganacstada in ay dalka keenaan warshado waxsoosaara ismarkaana meesha laga saaro soo dhoofinta shixnadaha kala duwan taasi oo dalka iyo dadka oga dhigan in ay Ka maar maan waxa dibada laga keeno badalkeeda ay isticmmaalaan waxa dalka soo saaro.

 

Ugu danbeyn dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxa ay ku biireen Ururka ganacsiga bariga Africa oo muhiim u ah ganacsiyadeena iyo shacabka Soomaaliyeed taasina waxa ay Ka qeyb qaadaneysaa hormarada ganacsi ee dalkeena Ka jira , sidii ganacsiyo cusub dalka laga soo saaro oo loo dhoofiyo suuqyada caalamka arinkaa waxa uu naga dhigayaa dad waxsoosaar leh ismarkaana Ka kaaftooma shixnadaha dibada nalaga keeno.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

FURSAD GANACSI BAA KA JIRTA AFRIKA (QEYBTA 2-AAD)

Ganacsiga warshadaha yaryar (light industry) ayaa hadda waxaa ay noqdeen fursadaha ugu fiican ee ganacsi ee laga samayn karo qaaraddan afrika. Waxaana marba marka ka dambaysa soo badnaaya baahida loo qabo in gudaha laga soo saara badeecadda halkii debada laga keeni lahaa taas oo keenta in badeecaddu jabnaato lana helo shaqaale aad u jaban. Dawladdo badan oo afrika ka mid ah ayaa aad u dhiir geliya arinta keenida ama maalgashiga warshaddaha yaryar.

Wakiilka (agent) shirkad weyn oo caalami ah loo noqdaa waa fursadda labaad ee ku soo xigta ta warshadaha yaryar. Waxaa aad u yaqaana arinta wakiilka dadka hindida ah oo runtii si fiican ugu jira suuqyadda afrika.

Keenida abuurida badeeco ama adeeg ku cusub afrika ayaa asaguna waxaa uu noqday jaanisyo ka jira afrika, tusaale ahaan haddii aad waddan keento badeeco ama adeeg kuu gaar ah waxaa suurto gal ah in aad faa’iido ka hesho ilaa inta cidkale suuqa kasoo galayso.

Hadaba waxaad moodaa ganacsigii soomalidu taqaanay ee ahaa maryaha, raashinka, electronics, bagaashka iyo shidaalkaba in la isaga daba yimid oo dadkii wadamada u dhashay ee afrikaanka ahaa ay shaqadan soo baranayaan. Taasina waxaa ay keentay in suuqyo badan soomalida ay si fudud uga guuraan amaba uu burburo ganacsi cusub oo dhawaan la abuuray.

5tii sanno ee ugu dambeeyay ganacsiga soomalida 85% shirkaddihii la abuuray waa ay guul daraysteen sababo la xiriira dadkii afrikaanka ahaa ayaa bartay meelihii ay soomalidu kasoo qaadan jireen alaabta. Dadka Hindida ahi ayagu hadda waxaa ay u guureen dhinaca warshadaha yaryar iyo shirkaddo ay wakiilo u noqdaan.

Hadaba halkan waxaan kusoo qaadan doonaa in aan iftiimiyo fursadaha ganacsi ee kajira afrika, waxaan kasoo qaatay intii aan u arkay in ay muhiim tahay:

  • Dhaqashada doorada ama Digaaga

Qaaradda afrika oo aad looga isticmaalo ukunta iyo hilibka dooradda ama digaaga ayaa waxaa soo kordhaysa baahidda loo qabo in la abuuro goob lagu xanaaneeyo digaaga. Waxaa jirta in badanaa hilibka digaaga ee lagu isticmaalo afrika uu ka yimaaddo wadamo ka baxsan afrika.

  • Dharka iyo kabaha huudhayda ah

Badanaa waddamada afrika waxaa aad ugu soo badatay baahida loo qabo dharka ama kabaha la isticmaalay ee tayadoodu aanay liidan, Weliba huudhayga ka yimaada wadamada Europe iyo N/Amerika ayaa aad loo jecel yahay. Faa’iidada qodobkan labaad waa in aad hesho cidii kuu keeni lahayd alaab tayo fiican leh.

WD: Ibraahim Warsame

 

Ra”iisul wasaaraha XFS oo kaTacsiyeey Geerida Aun Bashiir Kacaan oo Muqdisho ku geeriyooday

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuum Bashiir Axmed Cusmaan (Bashiir Kacaan) oo saakay ku geeriyooday Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marxuumka ku sifeeyey muwaadin naftiisa iyo waqtigiisa u soo huray dalkiisa, isla markaana ahaa hawlkar waddankiisa wax badan ugu qabtay aqoontiisa.

“Alle waxaan uga baryayaa in uu naxariistii Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, qoyska iyo ehellada uu ka tegeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo Marxuum Bashiir Axmed Cusmaan (Bashiir Kacaan) oo muddo dheer u soo shaqeynayey dowladnimada Soomaaliya”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Marxuum Bashiir Axmed Cusmaan (Bashiir Kacaan) oo saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxaa uu ahaa Lataliye Sare oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isaga oo 2013 ilaa 2023 ahaa Agaasinka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, muddadaas oo uu ugu adeegayey dalkiisa, aqoontiisa iyo waayo-aragnimada uu u leeyahay dowladnimada.