Wasiirka Difaaca oo haweenka Soomaaliyeed ku amaanay doorka ay ka qaadanayaan xoreynta dalka
Wasiir Biixi” Soomaaliya waxay mar labaad muujisay isbeddel xooggan oo dib u habeynta dhaqaalaha iyo hay’adaha maaliyadda,”
DUNNIDA INAAN WAX U DHOOFINNO MAXAA NAGA HORTAAGAN?
Intii aanay gumeystayaasha faranjigu qabsan oo kala qaybsan,soohdin beenaadyada iyo seerayaashana ku kala qoqoban
Soomaalidii hore ayagoon lacagna aqoon, dowlad iyo talis wax u kala hagaajiyana aan lahayn bay waxyaabo badan aduunka u iib-gay jireen, kuwo kalena uga soo baddalan jireen.
Waxay dhoofin jireen qeyb kamida kheyraadka uu dalkeena eebbe ku manaystay oo aan caanka ku nahay sida hilibka xoolaha,subagga,malabka,malmalka,gar-ceesaanka,haragga shabeelka,foolka maroodiga,xabagta beeyada iyo waxyaabo kale oo dalalkii la gayn jiray abdo iyo qayma sare u lahaa.
Dalalka carabta,afrika, iyo meelo kale ayay wax soo saarkooda u iib-gayn jireen,waxayna ka gadan jireen raashin,dhar,cirbadaha lagu tosho,iyo waxyaabo kale oo noloshooda xilligaa muhiim u ahaa,milgo iyo abdana u lahaa.
Ganacsigaasi ma ahayn mid dheelis-tiran oo waxay dunida u dhoofiyaan iyo kuway ka soo dhoofsanayaani isku tayo iyo isku wax-tar ma ahayn balse ku qanacsanaayeen maxaa yeelay kansho kale oo ka rooni uma aanu furnayn.
Inkastoo ay mar mar abaaro gaag ma reebtooyin ah ku wax-yeeloobi jireen haddana Soomaalidii xilligaa joogtay baydi iyo barwaaqo ayay ku noolaayeen, waxayna rumeysnaayeen inay uumiyaha ugu ayaan badan yihiin,cid qadan iyo quud ku dhamina aanu aradka guudkiisa ku dhaqnayn.
Wax kastoo noloshooda la xadhiidha ayagaa farsamaysan jiray oo dhirta iyo saanta xoolaha ayay ka samaysan jireen aqallo waaweyn oo ay suudiga iyo dhaxanta kaga gambadaan,dhar ay xidhaan, kabo, weelal ay wax ku shubtaan,hub ay dugaaga isaga dhiciyaan kuna ugaarsadaan sida qaanso iyo leeb iwm,waxyaabaha dibadda uga yimaadaahina ma badnay.
Waxay ahaayeen dad isku filan oo waxay haystaan ku iimaan qaba, wax ka maqani inay jiraan aanay la ahayn oo qab leh,farshaxan iyo dhaqan firba fir ka soo dhaxlay oo ay asaagood ugu faani karaanna ku dhaata.
Deeqsinimo ayaa astaan u ahayd oo martida iyo maganta aad bay u tix-galin jireen balse dhanka kale tuugsiga iyo baryaha cid aan Alle ahayn wax la weydiisto hiddo uma aanay lahayn oo reer dhan iyo ruux kaligii ah midkoodna inuu asaagiis u gacan soorsado kuma dhiiran jirin haddii aanay musiibo ku habsan oo xoolaha ka baabi’in.
Dulucda maahmaahdii ahayd “biyo gacmahaagaa looga dhargaa” ayay ku dhaqmi jireen oo qof waliba muruqiisa iyo maskaxdiisa ayuu ku ciil bixi jiray oo cood iyo calafba ku tabcan jiray,haddii abaar iyo aanfo ku dhacdona Alle ayay baryi jireen oo ducada iyo durraansiga ayay u bayri jireen.
Wax sidaa la ahaadaba kolkii ay saan-caddaalayaashu dalka soo galeen, gumeysiga arxan darrada ahna ka bilaabeen ayay wax waliba is baddaleen,dhoofintii iyo iib-gayntii wax soo saarka soomaaliduna wiiqmay, waxayna la yimaadeen qorshe cusub oo dadka hal-abuurkooda iyo dhaq-dhaqaadoodaba lagu cuuryaaminayo.
Waxaa soo korodhay aragti cusub oo soomaalida looga dhaadhicinayo inay cayr ama saboolyihiin oo ay kaalmo iyo gurmad u baahanyihiin haddii kale ay dhimasho qarka u saaranyihiin,ayna dabar-go’ayaan haddii aanu aduunku badbaadin oo aan caawimaad la siin.
Figraddaasi si fudud ayay ku dhaqan gashay oo soomaaliya waxaa loo aqoonsaday mid kamida dalka ugu faqrisan aduunka,waxaana sanad walba magaceenna lagu cunaa malaayiin doolar oo aan wax inaga soo gaadhin,ururo aynaan garanaynna meherad ay ka mucaashaan u ah.
Shaki kuma jiro inuu qorshahaasi maskaxdeenii iyo muruqeenneeba fadhiidka ka dhigay oo ina cuuryaamiyay,raashinka dhacay ee macawinada lagu sheegona lagu soo beego xilliga ay inteena fara ku tiriskaa ee beeralayda ah wax u soo go’aan inay dunida wax u dhoofiyaanna ku hammiyaan.
Waa runoo hadda wax badan waan iib-gaynaa sida xoolaha nool,qeybo kamida kheyraadka badda sida hilibka iyo dhegaha liibaax badeedka,qudaarta sida liinta la qallajiyay iwm,
balse boqolkiiba toban 100/10 wax ka yar ayay ka tahay wax soo saarkeenna, umana dhiganto waxyaabaha laynagu soo qufo oo maalin walba dekadeheenna laga soo dajiyo, nolosheenuna ay martida u tahay oo kheyraadkeenii inaga indha-saabay.
Maskaxda in laynaga gumeysto haddaad been moodi jirtay hadda waad baraarugtay soma maaha? ma’se la joogaa xilligii aan magac xumida iyo fadhiidnimada ka bixi lahayn oo dalkeena dihin tabcan lahayn,asaageenna horumar iyo hodantinimo kula tartami lahayn?
Waa weydiin aan hor-dhigaya soomaali walboo damiir leh,bubaaqiisu fayowyahay,bah-dilka iyo dheg-xumida astaanta laynooga dhigayna ka gilgilanaya,maankiisuna soomaaliyoo barwaaqo noqatay ku fooganyahay oo aayaha dadkeena iyo dalkeena inay samaadaan naawilaya.
WQ: Abwaan Hareeri
WAA LA KALA DHEEREEYAY ORODSE MA AHAN (WARBIXIN)
Qaadista Cunaqabateynta Hubka kadib, maxaa loo baahan yahay? Sua’ashaasi ayaa waxaa laga yaabaa inaad isweydiiso, haddaba si jawaab waafiya loo helo waxaan su’aashaasi hor dhigay Prof. Yaxye Shiikh Caamir, “Cuna qabateyntii Hubka waa la qaaday. Macnaheedu ma ahan Berri Hub ayaad helee.
Warshadii Rasaasta Dalka lagu sameyn jiray ee Magalaada Mahadaayna kuuma dhisno, Qoraaladda aan Akhriyay qaar waxa ay sheegayaan in Hadda Dowladu ay bilaawday, Codsigii sidii ay Hub ku heli laheyd”.
Prof. Yaxye ayaa sii watay hadalkiisa, “Inta aadan Hubka helin waa in aad Taqaan Nuuca Hubka Culus ee aad u baahan tahay, Tirada aad uga baahan tahay, Qiimaha Hubka, awood ma u leedahay in aad hesho? Haddii aad hesho sideed u xafidee?.
Waxaad u baahan tahay in la tababaro Ciidamadii Hubkaa culus isticmaali lahaa, Dayactirka joogtadda ah ee Hubkaa, Rasaastiisa oo kugu filan joogtana ah ma heli kartaa”.
Sidee looga faaideysan karaa fursadaan? Ayuu ka hadlay Prof . Yaxye, “Wax badan ayaa igu soo dhacay oo la xiriiro sideen uga faa’iideysan karnaa qaadista Cunaqabateyntan nalaga qaaday.
Waxyabaha ii soo baxay waxaa ka mid ah in Howshaan aan loogu sinin Hal Xafiis ama Labo Xafiis. in si wada jir ah Go’aan loo gaaro iyo in Gudiyada Difaaca ee Labada Aqal ay si joogtaa saameyn ugu yeeshaan, in saraakiishii hore iyo khubarada Ciidamada ee Somalida lagala tashado, in Diplomasiiyiintii Hore loo yeero, si dhinaca siyaasadda ay Talo uga dhiibtaan iyo in si aad ah loo raadiyo Xogta Damaca iyo Danaha wadamada kale ee aan Xiriirka la leenahay”.
Prof. Yaxye Shiikh Caamir ayaa ugu dambeyntii ku talinaya sidan:- “Wadanka aad Hubka ka gadato, ogow Dayactirkiisa iyo Rasaastiisa isaga ayaad ku tiirsan tahay, haddii xiriirkiinu xumaado ogow, hubkaagu waa howl gab, raadso Hub Rasaastiisa iyo dayactirkiisa aad meela badan ka heli karto. War helaa tala helo. Haddiise Qof ama koox aan aqoon durugsan u leheyn loo kaliyeeyo, waxaa dhici karto in lagu shalaayo Cuna qabateyntiyaaba noo rooneyd ay ka dhacdo”.
Haddaba, waxaa Magaalada New York ka qabsoomay kulan aad u ballaarnaa oo ay Soomaaliya soo qaban qaabisay, ayna ka qeyb-galayaan 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika.
Madaxweynaha ayaa ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgelay ee dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, muhiimadda iskaashiga amniga ee heer qaraadadeed iyo heer caalam, bixitaanka ciidamada ATMIS iyo xasilinta siyaasadeed ee Soomaaliya.
Waxaa ka soo qeyb-galay dalalka, Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar, Imaaraatka, Sucuudiga, Shiinaha, Jabbaan, Hindiya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Sweden, Netherlands, Finland, Spain, Norway, Midowyada Carabta, Midowga Afrika iyo Yurub.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku qabatay Xarunta Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee Magaalada New york ee Cariga Maraykanaka shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska Ciidamada iyo howlgallada Xoreynta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada New York ee dalka Maraykanka ku sugan ayaa guddoomiyay Shirkaasi, kaasi oo ay ka soo qeyb-galeen in ka badan 26 dal, Wakilo ka kala socday Ururada Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika,
Waxaa looga hadlay ajandeyaashan; 1- Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.2-Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya. 3-Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York waxa uu ku guddoomiyey Shirka Amniga Soomaaliya oo lagu muujiyey muhiimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.
“Dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo leh hay’ado amni oo si buuxda ula wareega mas’uuliyadda sugidda amniga dalka”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey dalalka ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee taageeray in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, haatanna ku garab taagan cafinta deynta iyo dhismaha Ciidamada Qalabka Sida.
“Waxaan soo dhaweynayaa go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka kaga qaaday Soomaaliya. Tani waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, waxayna muujinaysaa horumarka la taaban karo ee ku yimid hannaanka maamulka hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo go’aankani uu awood noo siinayo in aan si buuxda u qalabeyno ciidamada Qaranka Soomaaliya”.
Saaxiibada Caalamka ee shirka ka soo qeyb galay ayaa sheegay in ay taageerayaan Soomaaliya, iyagoo qiray horumarka uu dalka ku tallaabsaday. Waxa ay ku bogaadiyeen DFS qaabka ay u wajahday aragtideeda ku wajahan horumarinta laamaha amniga. Tallaabadan ayaa ah mid muhiim u ah in Soomaaliya awood loo siiyo in ay gacanta ku dhigto arrimaheeda amniga iyo sidii loo sii xoojin lahaa xasilloonida dalka.
Magaalada New York waxaa kaloo lagu kala saxiixday heshiis qeyb ka ah Saadka Ciidamada Soomaaliya, “Maanta waxaan magaalada New York ee dalka Mareekanka ku kala saxiixannay heshiis seddex geesood ah oo ay ku heshiiyeen Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ‘UNSOS’,
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya “’ATMIS’ iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo loogu talagalay taageerada Saadka qeyb ka mid ah Ciidamada Amniga Soomaaliya”, sidaasina waxaa yiri Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ka mid ahaa Wafdiga Madaxweynaha oo ku sugan magaalada New Yorka.
Dhinaca kale Hey’adda Lacagta adduunka ee IMF-ta ayaa lacago badan oo deyn ah ku leh inta badan dalalka ku yaal qaarada Afrika, Web-side-ka Business Insider Africa ayaa soo bandhigtay 10-ka waddan ee Afrika ugu sarreeya ee leh deymaha ugu hooseeya ee Sanduuqa Lacagta Aduunka.
Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ah hey’adda ugu weyn maaliyadda adduunka, isagoo taageero dhaqaale siiya dowladaha ay la kulmaan dhibaatooyinka dhaqaale, iyadoo Dalka Somalia aanan lagu soo darin liiskan la soo bandhigey, waxaana la filayaa in maanta dalka Somalia laga cafiyo deymaha lagu leeyahay oo dhan $4.5bn, lacagihii ay dowladii hore ee Siyaad Barre ka amaahatay Bangiga Adduunka.
Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay dhammaan Ummadda Soomaaliyeed dal iyo dibad ku wargalinaysaa in la gaaray waqtigii dhammaadka safarkii dheeraa ee geediga DEYN_CAFINTA, taasi oo ay shaacin doonaan Giddiga sare ee IMF-ta iyo Bangiga Adduunka, ugu dambeynna 13-ka Bishaan December ee dhammaadka sanadkan 2023-ka. DeynCafintu Waa Albaabka Maalgashiga iyo Bilaawga Horumarka Dalka.
Marka Bisha Desenber 12-ka iyo 13-ka waxay noqon doonaan maalmo baal dahab ah ka gala taariikhda Ummadda Soomaaliyeed.
Haddaba maalmihii wacnaa waan guda galnay sida:- ku biirista Bulshada Bariga Afrika, qaadista Cuneqabateynta Hubka, Deyn cafinta Soomaaliya iyo kuwa kale, marka soow ma oran karno waa la kala dheereeyay Ordse ma ahan.
WQ :C/llahi Ruush
DHIBAATADA QABYAALADDU LEEDAHAY.
Waxaa muhiim ah inaanu kala fahamno Qabiilka iyo Qabyaaladda, Qabiilku waa wax laguugu garanaayo ruuxa aad adigu tahay iyo isir ahaan halka aad ka soo jeedo, abtirsigaagu halkuu ku arooro iyo dadka dhalasha ahaan isku xigtaan.
Ujeedooyinkaasi waa kuwa uu Eebba wayni ugu talo-galay kolkii tolka iyo jilibka uunkiisa isku raaciyay.
Sida ay diinteena suubani tilmaamaysana qabiilka in laysku aqoonsado iyo in lagu abtirsadaaba ceeb maahan, waxaana sidaa qeexaysa aayad ka mid ah aayadaha qur’aanka Eebbe, taasoo ahayd” waxaanu idinka dhignay qabiillo iyo shucuub si aad isku barataan”.
Nabigeenii suubanaa (NNKH) qudhiisa waxaa laga hayaa axaadiis badan oo abtirsiga iyo is taakulaynta xigaalka iyo tol waynaba tirtirsiinaysa.
Xariirinta iyo taban-taabada xigtadu waaba arrin waajib ah, oo ay diinteenu jidaysay qofkii qaraabada xigtada ah gooyana wuxuu Illaahay u ballan qaaday inuu goyn doono, sidaana wuxuu ku yiri xadiisul qudsi.
Qabyaalad: qabyaaladdu waa ficil xun markii sida foosha xun loo isticmaalo oo ah inaad qabiilkii u isticmaasho si qaldan oo aan ahayn sidii loogu talagalay waxeyna kugu hoggaamineysaa, Dhibaato iyo burbur waxeyna kuu diideysaa horumarka iyo nolosha wanaagsan.
Qabyaaladda in si qaldan loo isticmaalo waxaa keena jaahilnimada iyo doqonnimo markaad akhriso taariikhda dadyowga dunida ku nool waxaa ogaaneysaa dhibaatada ay leedahay qabyaaladda.
Dadka ay ku weyn tahay qabyaaladda waa kuwa ugu liita xagga nolosha.
Waxa ay diinteena suuban muslimiinta ka xarimtay qabyaaladda, waayo dhibaatada qabyaaladda ma ahan mid dunida oo kaliya kugu saameyneysa ee waxa ay kula soconeysa ilaa iyo qiyaamaha, waxaana cadeyn u ah xadiiskii Nabigeena Maxamed(NNKH) ee ahaa dadka u dagaalama qabyaaladda darteed kuwii wax dila iyo kuwii la dilaba waa ahlu Naar.
dunida kuwaa ugu hooseeya xagga nolosha waa kuwaa aan wali ka ilbixin dhibaatadii qabyaaladda wali waxey moodayaan in uu qabiilka wax taraayo laakiin dhib mooyee dheef keeni maayo.
Tusaale, waxaa kugu filan dalkeena halka ay qabyaaladdu geysay, waxa halkaan na dhigay waa qabyaaladda maanta waxeynu nahay dal ay tusaale u soo qaataan hoggaamiyaal shisheeye oo badan.
Markaan maamul dowlaadnimo ka door bidnay qabyaaladda waxaa kala daatay awooddeenii waxaa lumay magacii iyo sharaftii aan laheyn waxaana in badan aan ka harnay dunida gaar ahaan kuwa nala deriska ah oo ka baqi jiray guuxeenna.
Haddaba Aynu iska deyno qabyaaladda si mustaqbalkeenna adduun iyo mid aakhiro aan u wajahno ugana faa’iideysano fursadaha qaaliga ah ee manta na horyaalle ee dowladdeenna soo dhirindhirisay .
DALKA EDATORIAL
Madaxda Maaliyadda XFS oo Turkiga uga qeyb galay shir loga hadlaayey Iskaashiga Ganacsiga
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Raaxa Maxamuud Janaqoow oo ku sugan Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa ka qeyb gashay shirka Iskaashiga Ganacsiga Hey’adaha Dowliga ah iyo kuwa aan Dowliga aheyn ee gaarka loo leeyahay (PPP).
Shirkaan oo ah kii 8-aad ee lagu qabto Dalka turkiga ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta arrimaha Haweenka iyo ku garab siinta ganacsiyada muhiim ka ah.
Wasiiru Dowlaha ayaa sheegtay in doorka ugu muhiim san ee ay u taagan tahay uu yahay horumarinta iyo xoojinta qorshayaasha haweenka Soomaaliyeed, xili maanta loo dabaaldagayo maalinta caalamiga ah ee Haweenka 8-March.
Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay haweenka Soomaaliya oo maanta xusaya 8-da maarso
Madaxweynaha Jamhuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah u diray guud ahaan haweenka dunida,gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed oo maanta u dabbaaldegaya munaasabadda 8-da Maarso oo ah maalin caalami ah.
Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay doorkii haweenka Soomaaliyeed ay ka soo qaateen halgankii dalka iyo dadaalada kale ee xilligaan ay uga qeybqaadanayan la dagaalanka kooxaha khawaarijta.
Madaxweynaha Jamhuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kula dardaarmay haweenka in ay halkaasi ka sii wadaan dadaaladooda ku aadan ka qeybqaadashada horumarka dalka,isagoo u rajeeyay in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.
Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Dunida
Soomaaliya iyo dalalka kale ee dunida ayaa maanta u dabbaaldegay xuska munaasabadda 8-dda Maarso oo ah maalin weyn oo xambaarsan dadaalkii loo soo galay dhismaha ururkaasi iyo kaalintii ay ka qaateen ka qeybgalka arrimaha bulshada ,dhaqaalaha ,siyaasadda iyo guud ahaan horumarada xoogan ee ka jiray dunida.
Waxaa xusid mudan in aan ogaanno kaalin nuucee ah ayeey haweenku ka qaateen dhaqdhaqaaqyadii iyo halgankii kale ee loo galay raadinta 8-dda Maarso?.
Dadaalkii ugu horeeyay ee loo galay raadinta sinnaanta shaqada , xuquuqda taranka , ilaalinta badqabka dumarka iyo guud ahaan helidda maalin u gaar ah haweenka,waxa uu soo ifbaxay dhaamaadkii qarnigiii 18-aad iyo horaantii qarnigii 19-aad,xilligaasi oo ay bilowdeen kacdoonadii shaqaalaha ee ka curtay Mareykanka iyo Yurub .
Dhowr arrimood ayaa sabab u ahaa aasaaskii maalinta haweenka,waxaana ka mid ahaa:-
1-halganka xoogagga shaqeeya ee haweenka ay kaga qeybgaleen kacdoonadii shaqaalaha ee looga horjeeday milkilayaasha warshadaha iyo beeraha.
2-dhismaha ururadii shaqaalaha iyo raadinta maalin iyo xuquuq u gaar ah haweenka.
Hirgainta arrimahaasi, waxa ay mideeyeen dumarkii ku noolaa wadamada Yurub , Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeeti ,waxaana sanadihii u dhaxeeyay 1907-1917-kii dhacay bannaanbaxyo si gaar ah loogu raadinaayey xuquuq iyo maalin ay leeyihiin haweenka.
Si loo xaqiijiyo hadafka, muhiimadda iyo xaqa ay haweenku u leeyihiin in la siiyo maalin u gaar ah,aawadeed,waxaa sanadkii 1975-tii, golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay ay ku dhawaaqeen in 8-da Maarso loo asteeyay xuska maalinta haweenka aduunka.
Haddaba,dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay wadamada maanta u dabbaaldegay munaasabadda maalinta caalamiga ah ee 8-dda Maarso oo ah xus taariikhi ah oo lagu muujiyo waxqabadkii haweenka iyo doorkii shariiifka ahaa ee ay ku lahaayeen xoriyadda dalka iyo horumarkiisa.
Waxaa xaqiiqo ah in qeybaha haweenka ee dalka Soomaaliyeed ay kaalin wax ku ool ah ka qaateen ama ka ciyaareen dhaqdhaqaaqyadii xoriyad doonka ee ay hoggaaminaayeen ururkii SYL,kuwaas oo naf iyo maalba ku bixiyay halgankii xaq u dirirka ee lagu helay gobanimada anta.
Sidoo kale,haweenku waxay door muhiim ah ku lahaayeen wax soo saarka beeraha,warshadaha, dhismahii ururadii bulshada ee dalka,gaar ahaan ururkii shaqaalaha ee gudaha dalka ka curtay dagaalkii labaad ka dib iyo guud ahaan ka qeybgalka barnaamijyada horumarineed ee dalka ka hanaqaaday xilliyadii la soo dhaafay.
Inkastoo, Xilligii Xoriyadda ay aad u yaraayeen dumarka wax bartay ,haddana, dowladdi rayidka ee talada dalka la wareegtay 1960-kii,waxa ay ku guuleysatay in loo siman yahay raadinta xirfadaha shaqo, waxbarashada iyo xuquuqaha kale ee bulshada,waxaana waqtigaasi iyo sanadihii ka dambrryay so baxay dumar leh aqoon iyo xirfado kala duwan oo wax ku kordhiyay horumarka dalka.
Dhinaca kale dowladdii kacaanka ee ay hoggaaminaayeen mileteriga Soomaaliya,iyadoo aaminsan nidaamka hantiwadaagga waxa ay haweenka u aqoobsadeen udub-dhexaadka bulshada ee lagama maarmaanka u ah habka dhaqan dhaqaale ee dunidaan casriga ah.
Haweenka Soomaaliyeed,waxaa lagu tiriyaa in ay yihiin kuwa ugu badan xoogagga shaqeeya,waxayna 30-kii sano ee u dambeeyay ay u howlgaleen badbaadinta iyo go’aan ka gaarista qorshaha qoyska ,kan guriga , ilaalinta caafimaadka carruurta, hannaanka dakhli-abuur iyo horumarinta hab-nololeedka guud.
Waloow ay jiraan caqabado iyo dhibaatooyin u gaar ah haweenka,haddaana,daraasad ama cilmi baars caalami ah oo la sameeyay ayaa muujineysa in fursadaha shaqo ee ay helaan dumarku ay weli yihiin kuwo ka hooseeya fursadaha shaqo ee ay helaan ragga,
Maanta tirada ugu badan Xoogagga shaqeeya dunida, boqolkiiba 45.4 waa haween, waana kuwo ka dambeeya isbadal kasta oo loo qaado dhanka horumarka,sidaa daraadeed,waxaa waajib ah in xil la iska saaro kor u qaadidda xirfadaha aqooneed ee haweenka .
Gabagabadii ,waxaan halkaan dhambaal hambalyo ah uga direynaa Ururada Haweenka Caalamiga ah ee Dunida,kuwaas oo maanta u dabaaldegay xuska munaasabadda 8-dda Maarso,waxaanna u rajeyneynaa horumar iyo barwaaqo.
SONNA
Maamulka Qorsheynta XFS oo ka hadlay arrimo la xiriiray waxqabadka wasaaradda
Maamulka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulan looga hadlaayey ansixinta warbixin sannadeedka waxqabadka iyo horumarinta qaranka ee sannadkii 2023.
Kulankaasi waxaa ka soo qeyb-galay mas’uuliyiin ka kala socday Wasaaradaha iyo Hay’adaha ku midaysan tiirarka Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka sida Tiirka Siyaasadda loo dhanyahay, Tiirka Amniga iyo Sarayntata Sharciga, Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha,, iyo Tiirka Arrimaha Bulshada.
Kulankaaso oo lagu soo bandhigay Guulaha la gaaray iyo caqabadihii jiray 2023-kii,waxaa ka hadlay Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta Mudane Maxamuud Siciid Nuur,isagoo kula dardaarmay ka soo qeybgalayaasha in warbxinta tan xigta ay noqoto mid wanaagsan oo ka waxtar badan tan hadda.
Warbixin sannadkeedka Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka ayaa la filayaa in la daahfurio todobaadka soo socda.
Biden oo Israel u sheegay in gargaarka Gaza uusan noqon wax lagu gorgortamo
Madaxweyne Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in Maraykanku uu xeebta Gaza ka dhisi doono marin ku meel gaar ah si sahayda gargaarka bini’aadanimo loogu oggolaato in ay si nabad ah u gaaraan dadka rayidka ah ee reer Gaza.
Biden ayaa sheegay in Israa’iil ay qasab ku tahay inay u ogolaato Gaza in la gaarsiiyo gargaar dheeraad ah ,isagoo intaa raaciyay in la hubiyo badqabka shaqaalaha hey’adaha oo aan lagu qaban ama lagu sameyn faragalin ama dagaal.
Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale Tel Aviv u sheegay in mudnaanta la siiyo ilaalinta iyo badbaadinta nolosha dadka rayidka ah ee aan wax galabsan .
Dhinaca kale,wafdi ka socda Xamaas ayaa ka dhoofay Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ,iyadoo sarkaal ka tirsan kooxda uu sheegay in Israa’iil ay fashilisay dhammaan isku daygii dhexdhexaadiyeyaasha ee lagu doonaayay in heshiis la gaaro.
Ugu yaraan 30,800 falastiiniyiin ah ayaa la dilay, 72,198 kalena waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7,halka tirada dhimashada Israa’iil ee weerarradii Xamaas ay gaareyso 1,139.










