Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka mid noqonaya guutada Gorgor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababbar u soo xiray cutubyo ka mid noqonaya Ciidamada Side Gaarka ah u tababaran  ee Gorgor oo ka qalin jabiyey dugsiga ciidamada ee Turksom.

Madaxweynaha ayaa khudbadda uu u jeediyay halyeeyadan u istaagay difaaca dalkooda, waxa uu tilmaamay in muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib u habaynta Ciidanka Qaranka oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo argagixisada.

“Deegaanno badan oo muddo dheer ay joogeen argagixisadu ayaa xor ka ah maanta. Sharafta iyo karaamada ay umadda Soomaaliyeed leedahay cidda soo celin karta waa idinka iyo kuwa idinla mid ah ee ka qalin jabiya xeeryahan”.

Cutubyada ciidamadan ayaa Madaxweynaha u soo bandhigay dhoolla-tus ay ku muujinayaan tayadooda iyo tababarrada ay qaateen, Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada Cutubyadan ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyey nolashooda iyo tababarrada ay qaateen, waxayna muujiyeen sida ay uga go’an tahay in ay safka hore ka galaan howlgallada xoreynta dalka.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahad-celiyey dowladda Turkiga doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Soomaaliya & Turkiga oo wada saxiixday heshiis ku saabsan horumarinta Hydrocarbons-ka

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaliya Mudane H.E. Abdirizak Omar Mohamed iyo Wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku joogo Dalka Turkiga ayaa heshiis la galay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Dalka Turkiga Mudane Alparslan Bayraktar.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaliya Mudane H.E. Abdirizak Omar Mohamed iyo dhiggiisa dalka Turkiga ayaa kala saxiixday heshiiska Hormarinta Hydrocarbon Soomaaliya iyo sida looga faa’iidaysanayo.

Qoraal uu soo dhigay Wasiirka bartiisa X ayaa ku yiri, “Aniga iyo dhiggeyga dalka Turkey Mudane Alparsalan Bayraktar waxaan maanta kala saxiixday heshiis dawladeed laba-geesood ah oo ku saabsan horumarinta Hydrocarbons-ka oo ka mid ah kheyraadka dabiiciga ah ee dhaliya ilaha tamarta cayriin.

Tani waa munaasabad muhiim u ah labadeenna dal, waxaana si gaar ah dalka Turkiga uga mahadcelinaynaa taageeradooda ku aaddan xoojinta iyo xawaareynta wax-soo-saarka dhanka Hydrocarbons-ka ee Somalia.”

Wasiir Fiqi oo guddoomiyay kulan heer Wasiir ah oo ay ka soo qeyb galeen Hey’adaha OCHA iyo FOA

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta guddoomiyay kulan heer wasiir oo ay goobjoog ka ahaayeen qaar ka tirsan golaha Wasiirrada XFS iyo wafdi ay horkacayeen madaxda Hey’adaha OCHA iyo FOA.

Kulankan ayaa looga hadlay dhinacyada ay hay’adahaasi ka shaqeeyaan oo ay ka mid yihiin; Banii’aadnimada, Isbadalka cimilada iyo arrimo kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya ay kasoo kabaneyso khataro badan sida khatarta amniga, blase ay weli ku dhib qabto dhibaatooyinka ka dhasha isbadalka cimilada sida abaaraha iyo fatahaadaha oo ay wehliyaan burburka kaabayaasha dhaqaale, nuglaanta qeybo ka mid ah bulshada, dhaqaale yari dadka soo wajahda iyo dhibaatooyin kale.

Wasiir Fiqi oo ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in maalgeshi lagu sameeyo barnaamijyo wax ka qabanaya isbadalka cimilada ayaa yiri: “Dhibaatada ka dhalatay isbadalka cimillada darteed gaar ahaan abaaraha iyo fatahaadaha maanta waxaa gargaar degdeg ah u baahan 5-6 milyan oo Soomaali ah”.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Beeraha XFS, Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa XFS, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Baluugga ah, Wasiiru dowlaha Bey’ada iyo Isbedelka cimilada XFS, iyo Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isul wasaaraha.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Daah-furey Machadka Cilmi baarista ee (IRAD INSTITUTE)

Baydhabo; Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta Daah-furey Machadka Cilmi baarista iyo Doodaha ee (IRAD INSTITUTE).

Munaasabadda Daah-Furka Macadka Cilmi-Baarista waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro, Qubaro ku xeeldheer Cilmi baarista, Aqoonyahano iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Machadka ayaa soo bandhigi doona, cilmi baaris iyo talooyin ka qeyb qaadan doona ilaalinta iyo horumarinta deegaanka iyo dhismaha dowlad awood u leh in ay dabooli karto baahiyaha Shacabka.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo soo xiray shirka horumarinta dhaqaalaha ee IMF iyo Dowladda Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Xumumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta soo xiray shirka horumarinta dhaqaalaha ee IMF iyo Dowladda Soomaaliya.

Shirkan ayaa laba toddobaad ka socday magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, waxaana dib-u-eegis loogu sameyay hannaanka Maaliyadda Soomaaliya ee 3-dii bilood ee la soo dhaafay & waxa u qabsoomay Dowladda kadib gaariddii barnaamijkii deyn cafinta.

Mudane Biixi Imaan ayaa intii lagu guda jiray Shirka xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay Wasaaradda Maaliyadda meel-marinta iyo ka miro-dhalinta qorshayaasha horumarineed ee dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xarigga ka jaray dhismaha Qeybta Baarista Danbiyada ee C.I.D

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee qeybta baarista danbiyada ee C.I.D oo lagu soo kordhiyey qalab casri ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhismahan cusub uu qeyb weyn ka qaadan doonno Horumarinta caddaaladda iyo ka hortagga danbiyada, xukuumadduna ay mudnaan gaar ah siineyso tayeynta iyo horumarinta caddaaladda oo muhiim u ah dalka.

“Boolisku waa isha laga arko dal horumarkiisa iyo caddaaladdiisa, si taas loo xaqiijinaya waa muhiim in la tayeeyo booliska iyo caddaaladda dalka oo ah labo qeybood oo iskaabaya.” ayuu yiri Mudane Xamse.

Ra’iisul Wasaaraha oo kormeerey qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay dhismaha cusub, ayaa uga mahadceliyey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo hey’adihii gacanta ka geystay hirgelinta dhismaha cusub ee loo sameeyey Hey’adda Baarista Danbiyada ee C.I.D.

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo toogasho ku fulisay Askari dilay Askari kale

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 60-aad ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada daraawiishta Koofur Galbeed oo horey dil ugu gestey askari kale.

Cabdiraxiin Cismaan oo maanta dilka lagu fuliyey ayaa horey degmada Diinsoor ee gobolka Baay ku dilay Ibraahim Aadan Salaad wiirow oo ka tirsanaa Ciidanka daraawiishta Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magacaabista Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta Soomaaliya

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Shirkan ayaa lagu ansixiyay magacaabista Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda in Marwo Hodan Cismaan ay noqoto Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, halka Mudane Aadan Rooble uu noqonayo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale lagu ansixiyey shirka Hindise Sharciyeedka Xeerka Hey’adaha aan dowliga aheyn, Habraaca Diiwaan-gelinta Gaadiidka iyo Siyaasadda Qaran ee Kormeerka iyo Qiimeynta.

Golaha Wasiirrada, ayaa warbixinno la xiriira amniga iyo difaaca dalka ka dhageystay Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha, iyaga oo golaha faah-faahin ka siiyey howlgallada socda ee sugidda amniga, xasillinta iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo daah furay hanaan casri ah oo lagu bixin doono baasaboorka

Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Ahmed Said Mohamed, ayaa maanta daah furay hanaan casri ah oo lagu bixin doono baasaboorka.

Hanaankan cusub ayaa ah mid si digital ah loogu hubinayo xogta muwaadinka, hanaanka dirista baasaboorka iyo habka qaadashada intaba.

Adeeggaan cusub oo ah mid la jaanqaadaya habka casriga ah ee bixinta baasboorada, ayaa looga maarmi doonaa in lagu qoro gacanta codsiyada baasaboorka iyo xogta muwaadinka waxa uuna meesha ka saaridoona culeyskii ka iimaan jiray foomamka gacanta lagu buuxiyo, isaga oo soo gaabinaya waqtiga hubinta iyo daabacaadda intaba.

Ciidamada Qaranka oo ka qeyb galay dhoolatuskii ugu horeeyay ee dalka dibadiisa ah

Nairobi:- Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa ka qeyb galay Carbis Ciidan oo ka dhacay dalka Kenya, halkaasi oo ay ku dhigeen wacdaro cajiib ah.

Dhoolatuska Ciidan ayaa waxa sidoo kale ka soo qeyb galay Ciidamada gaarka ah Ee dalalka Kenya, Tanzania iyo Uganda.

Kan ayaa ah Carbiska ugu horreeyay oo lagu qabanayo dalka Dibadiisa oo ay ka qeyb galayaan Ciidamda Qaranka.