R/wasaare Xamsa oo sheegay in DFS ay gacanta ku hayso dhismaha golaha culimada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay shirwaynaha dacwada Salafiga Soomaaliyeed,isagoo sheegay in culimadu doorwayn ku leeyihiin dawladnimada, siyaasada iyo amniga, iyagoo si gaara uga masuul ah dacwada iyo ilaalinta diinteena suubban.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in kooxaha Khawaariijtu dowladnimadeena caqabad wayn ku yihiin, isla markaana dowladdu kula jirto dagaal xoogan oo dhinacyo badan ah, sidaa awgeed waxaa culimada Soomaaliyeed looga fadhiyaa in ay doorkooda shariifka ka qaataan, isla markaana bulshadeena ka wacyi galiyaan afkaarta qaldan ee dhalinyareedan ay ku qaldaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu gacanta ku hayso dhismaha golaha culimada Soomaaliyeed oo waxwayn katari doona isku soo dhawaynta kala afkaar duwanaanta culimada Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa waxaa dhinaca kale uu sheegay in dowladdu gacanta ku hayso dhamaystirka dastuurka oo ah qabyo wayn oo dowlanimadeena hortaagan, sidaa awgeed in culimadu kaalintooda ka qaatan oo eegaan qodobada dastuurka oo ay waafajiyaan diinteena.

Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada oo war ka soo saartay falkii maanta ka dhacay garoonka Aadan Cadde

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxafadeed ka soo saartay dhacdadii maanta ka dhacday garoonka Aadan Cadde, taas oo sababtay in uu hakad ku yimaadaan diyaaradaha ka shaqeeya gudaha dalka.

Warsaxafadeedka oo ka kooban hal bogga ayaa u dhignaa sida tan, “Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, waxay maanta oo ay taariikhdu tahay 06/03/2024 ka xuntahay falkii ka dhacay Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cabdulle kaas oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ay kala kulmeen dib udhac ku yimid duulimaadyadii Gudaha ee sida maalinlaha ahaa uga duuli jiray Garoonka.

Wasaaraddu, Dhammaadka Sanadkii 2022 waxay heshiis la gashay shirkadaha Diyaaradaha kaas oo ku saabsanaa wada shaqeynta Wasaaradda iyo Shirkadaha Diyaaradaha si loo saxo khaladaadka ka dhaca shirkadaha Diyaaradaha kuwaas oo saameyn ku yeesha Muwaadiniinta sida maalinlaha ah uga safra Garoonka Aadan Cadde, Khaladaadkaas waxaa ka mid ah;

Diyaaradaha oo ka dib dhaca wakhtiga duullimaadka, qeyb kamid ah Shirkadaha Diyaaradaha oo aan haysan Diyaarado ay ku howl-galaan, Shirkadaha oo Shacabka u jara Tigidho ka badan tirada ay diyaaraddu qaaddo iyo iyaga oo aan dhowrin xuquuqda Muwaadiniinta xilliyada uu baaqdo duullimaadka. Sidoo kale in aysan ku dhaqmin jadwalka maalin-laha ee duullimaad-yada aada Goballada iyadoo dhammaan shacabka loo jaro tigidho isku wakhti ah, isla markaasna dhammaan Rakaabka Safraya ay ku soo xareeyan Garoonka salaada Subax ka dib.

Haddaba si loo saxo dhammaan khaladaadka aan kor kusoo xusnay Wasaaraddu waxay samaysay System casri ah, System-kaas oo faraya shirkadaha Diyaaradaha:-

  1. In System-ka ay kusoo gudbiyaan, nooca Diyaaradda ay isticmaalayaan si loo xaqiijiyo in shirkaddu ay haysato Diyaarad badqabta oo ay Rakaabka ku qaadi karto, sidoo kalana loo xaddido tirada Tikidhada ay diyaarad waliba qaadi karto.
  2. In ay system-ka kusoo gudbiyaan Xogta Rakaab-ka ay qaadayaan, si ay hay’adaha amnigu u hubiyaan.

Haddaba; Waxaan Shacabka Soomaaliyeed u cadeyneynaa in dhacdadii maanta ay ka dhalatay kaddib markii ay shirkadaha Diyaaraduhu ay u hoggaansami waayeen awaamirta Wasaaradda, kana hor yimaadeen fulinta system-ka loo dajiyay iyaga oo diidaya in ay saxaan khaladaadka aan kor kusoo sheegnay.

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay u xaqiijineysaa shacabka soomaaliyeed inay ka hor-tegi doonto wax kasta oo dib u dhac u keeni kara Safarkooda iyadoo Wasaaraddu ay la xisaabtimi doonto shirkadahii iyo shakhsiyaadkii sababta u ahaa dib u dhaca.”

May be an image of text

Wasiir Khadiija Al-makhzoumi oo kulan la yeelatay Iskuduwaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo Iskuduwaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay Mudane George Conway.

Kulanka Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa diiradda lagu saaray, isbeddelka cimilada, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo xidhiidhka deeq-bixiyayaasha ee dalkeena, iyo sidii xoogga la saari lahaa xoojinta xiriirka aan la leenahay Sanduuqa Cimilada Cagaaran (GCF).

Qoraal kooban oo ay soo dhigtay Wasiir Khadiija ayey ku tiri, “Waxaan kulan la yeeshay Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee UN-ka iyo Iskuduwaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay Mudane George Conway. Waxaanu ka wada hadalnay isbeddelka cimilada, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo xidhiidhka deeq-bixiyayaasha ee dalkeena, iyo sidii xoogga la saari lahaa xoojinta xiriirka aan la leenahay Sanduuqa Cimilada Cagaaran (GCF).”

BJFS oo maanta bilaabay ka doodista cutubka 3-aad ee Dastuurka KMG ah

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta shir guddoomisay kulanka 22-aad kalfadhiga 4-aad ee labada Aqal ee BFS, kulanka guddoomiyaha waxaa ku weheliyay ku-xigeenka kowaad iyo Labaad ee Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka oo maanta ahaa siiwadida ka doodista soojeedimaha wax ka beddelka Dastuurka, iyadoona la bilaabay Cutubka 3-aad ee dib u eegista Dastuurka oo ka hadlaya Dhulka, Hantida iyo Deegaanka Qodobka 42-aad 47-aad.

Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista Dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Iidow, oo faafaahin ka bixiyay furitaanka cutubka Seddexaad ee wax-ka bedelka Dastuurka Soomaaliya ayaa sheegay in cutubka uu muhiim u yahay Dhulka, hantida iyo Degaanka ay leedahay ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada labada Aqal ayaa aragtidooda ka dhiibtay cutubka Saddaxaad ee dib eegista Dastuurka, ayaa waxaa looga dooday, Dhulka, Guddiga Qaranka Madaxabanaan ee Dhulka, Shuruudaha Xubinnimada Guddiga, Kheyraadka Dabiiciga ah iyo Deegaanka.

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo soo xirtay Fadhiga maanta ayaa waxay sheegtay in maalinta sabtida ah ay dhameestiri doonaan ka doodista Custubka 3aad een Dastuurka dalka.

Wafdi ka socda dowladda Turkiga oo maanta soo gaaray Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray Saraakiil kala duwan oo ka socda dowladda turkiga, waxaana lagu soo dhaweeyay xarunta Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ee Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhiga DFS Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa wafdigan kulan kula qaatay xarunta Taliska Ciidanka XDS.

Saraakiisha ka socday Dalka Turkiga ayaa isugu jiray Talisyada Ciidamada badda,dhulka iyo mas’uuliyiin ka socota Wasaarada difaaca dalka Turkiga.

Ujeeddada safarkooda ee Soomaaliya ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay dhismaha iyo qalabaynta Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo in la xoojiyo heshiiskii dhowaan ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ahaa heshiis difaac iyo mid dhaqaale.

Shirkaan waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka badda ee XDS  Admiral, Cabdi Warsame, Taliyaha Ciidamada dhulka Gen, Dayax Cabdi Cabdulle iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsiga XFS oo dalka keenay Calanka bulshada bariga Afrika oo ay Soomaaliya ku biirtay

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo maalmahii la soo dhaafay safar shaqo ugu maqnaa waddanka Tanzania ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, isaga oo sida Calanka Ururka dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika oo maalmo ka hor ay Soomaaliya si rasmi ah ugu biirtay.

Wasiir Jibriil, ayaa sidoo kale 4-tii bishan Maarso, 2024 wuxuu Calanka Soomaaliya iyo dhukmentiyadii ansaxinta heshiiska ku biirista Ururkaas geeyay xarunta Ururka oo ku taalla magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa Calanka Ururka Dhaqaalaha Bulshada Afrika ku wareejin doona Madaxweynaha dalka Dr; Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo marka ugu horreysa si heer qaran ah loogga taagi doono Madaxtooyada Villa Somalia, intaa ka dibna la suri doono guud ahaan xarumaha hay’adaha dowladda ee wadanka oo dhan.

Shir looga hadlaya wax qabadka Xafiiska hanti dhowrka ee sanadkii tagay oo ka furmay Muqdisho

Hantidhowraha Guud ee JFS Mudane Avv: Axmed Ciise Guutaale ayaa shir guddoomiyey kulan sanadeedka Bahwadaagta Caalamiga ah ee dhanka horumarka ka taageerta XHGS oo si fogaan-arag ah u qabsoomay.

Shirkan oo sannadle ah ayaa waxaa looga hadlay waxqabadka Xafiiska ee sannadkii 2023, caqabadaha jiray iyo horumarada laga gaaray xaqiijinta yoolasha Qorshaha Istaraatiijiyadda ee 2023-2027.

Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa bahwadaag Caalamiga ee Xafiiska hanti dhowrka ka taageera dhanka horumarka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo amray in degdeg loo fasaxo duulimaadyada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka jawaabaaya cabashooyinka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa garoonka dayaaradaha Aden Cadde ayaa booqasho deg deg ah ku tagay garoonka halkaasi oo kula kulmay shacabkii dayaaradaha sugayay, oo uu ka dhageystay cabashooyinkooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku amray wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maamulka Garoonka iyo Shirkadaha Dayaaradaha inay si deg deg ah u qaadaan dadka rakaabka ee sugayay safaradooda.

Ra’iisul Wasaaraha oo kula hadlayay qaar ka mid ah rakaabka hoolka garoonka ayaa sheegay in dowladdu ay ka xuntahay dib u dhaca iyo culeyska ku yimid safaradooda, isaga oo ballanqaaday in arrintan oo kale aanay dib u soo laaban doonin.

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo dil ku xukuntay nin horay u dilay xaaskiisa

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dil ku xukuntay Sayid Cali Macallin Daa’uud oo lagu helay dambi ah in uu xaaskiisa Marxuumad, Luul Cabdicasiis nolosha ku gubay.

Dacwadda kiiska Sayid Cali Macallin oo marxalado kala duwan soo martay ayay maxkamaddu maanta ku dhowaaqday natiijada kasoo baxday baarista fal dambiyeedka, waxaana si weyn usoo dhoweeyay go’aanka Maxkamadda ehelada Luul Cabdicasiis Maxamed.

Wasiir Maareeye oo qaabbilay wafdi ka socda Midowga yurub

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa qaabbilay wafdi ka socda Midowga Yurub.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya, Jens Hoegel oo ah madaxa kooxda u adkaysiga kaabayaasha dhaqaalaha oo uu wehlinayo Luco Pagliara oo ah Maamulka Barmaamijka wax soo saarka ee Somaliya iyo wakiillo ka socda (NIRAS).

Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka , Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareye ayaa xubnahan lagaaray heshiis lagu xoojinayo haqab_beelka cuntada iyo kobcinta horumarka loo dhan yahay.