Wasiir Maareeye oo qaabbilay wafdi ka socda Midowga yurub

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa qaabbilay wafdi ka socda Midowga Yurub.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya, Jens Hoegel oo ah madaxa kooxda u adkaysiga kaabayaasha dhaqaalaha oo uu wehlinayo Luco Pagliara oo ah Maamulka Barmaamijka wax soo saarka ee Somaliya iyo wakiillo ka socda (NIRAS).

Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka , Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareye ayaa xubnahan lagaaray heshiis lagu xoojinayo haqab_beelka cuntada iyo kobcinta horumarka loo dhan yahay.