Shir ku s๐š๐š๐›๐ฌ๐š๐ง q๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š i๐ฌ-๐›๐ž๐๐๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง oo ka furmay Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shir ballaaran ๐จ๐จ k๐ฎ s๐š๐š๐›๐ฌ๐š๐ง q๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š i๐ฌ-๐›๐ž๐๐๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ay g๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ญ๐š๐๐ฎ h๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐ฌ๐จ.

Shirka oo ay si wada-jir ah u soo qaban-qaabiyeen Xafiiska Raโ€™iisal Wasaaraha XFS iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, ayaa waxa ka soo qeyb-galay hayโ€™adaha dawladda iyo qeybaha kala duwan ee ganacsiyada gaarka ah.

Shirkan, ayuu ujeedkiisu yahay siddii ganacsatada dalku ay qeybta ugu muhiimsan uga qaadan lahaayeen hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaran isla-mar-ahaantaana loo xoojin lahaa iskaashiga dawladda iyo ganacsiyada gaarka ah.

Guddoomiye ku xigeenka golaha shacabka oo kulan laqaadatay safiirka shiinaha

Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka BJFS Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta booqatay Safaarada Shiinaha ay kuleedahay Magaalada Muqdisho waxaana soo dhaweeyay safiirka ufadhiya Dalka Ambassador Fei Shengchao.

Labada masโ€™uul ayaa ka wada-hadlay xoojinta xirriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee labada dal ee walalaalaha ah, howlaha horutabinta u leh Golaha Shacabka ee BJFS iyo sidii muhiimad gaar ah loo siin lahaa shuruucda taageereysa amaanka guud iyo xasilloonida dalka, horumarinta waxbarashada iyo awoodsiinta haweenka Soomaaliyeed.

Ambassador Fei Shengchao ayaa Guddoomiyaha ugu hambalyeeyay in ay noqotay Gabadhii ugu horeysay ee xilalka ugu sareeya dalka soomaliya qabata, isagoo u rajeeyay in ay ku guuleysato howlaha hor yaalla, isagoo muujiyay sida dowladda Chinaha u garab taagan tahay Soomaaliya.

Sidoo kale Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa uga mahadcelisay Dowladda Shiinaha taageeradeeda,garab istaaga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka xoogga oo howlgal ka dhan ah khawaarijta ka fuliyay degaanno ka tirsan koofurta Mudug

Ciidanka xooga dalka gaar ahaan guutada 13-aad Qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudugย  oo garab ka helaya Macawisleyda deegaanka ayaa howlgal culus ka wada koofurta Gobolka Mudug.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada ayaa warbaahinta Qaranka u sheegtay in ay ku guuleysteen in kooxda Khawaarijta ay ka saaraan howdka u dhow deegaanka Jeex Jeexa kaas oo ku yaalla inta u dhaxeysa Caad Iyo Camaaro.

Shirweynaha Culimada dacwada Salafiga Soomaaliyeed oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Culimada dacwada Salafiga ย Soomaaliyeed ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka soo qeyb-galeen masโ€™uuliyiin kale duwan oo ka socda Culimaaโ€™diinka, dowladda iyo qeybaha kale ee bulshada.

Shirka ayuu ujeedkiisu yahay gudashada waajibaadka Diiniga ah ee Culimada ka saaran dalka, dadka iyo Diinta ayadoo loo maraya cadeynta xaqa iyo naseexeynta Bulshada iyo cadeynta mowqifka Culimada Salafiga ee ku aaddan marxaladda dalku marayo.

Shirka ayaa sidoo kale lagu faaqididoonaa dardar-gelinta arrimaha dacwada iyo dhabbaha bulshada loogu gudbinayo, xoojinta wada hadallada Culimada oo muhiim u ah iska warqabka iyo isku xirnaanta marxaladda hadda uu dalka ku jiro, adkeynta mowqifka saxda ah ee laga qaatay khawaarijta iyo qorshaha dalka looga saarayo argagixisada.

Muhiimadda ugu wayn ee shirka ayaa ah ka hortagga damaca gurracan ee Itoobiya iyo garab istaagga mowqifka dowladda ay ka qaadatay damacaas.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo ka qayb galay shir muhiim ah oo ka dhacay Yugaandha

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa magaaladda Kampala ee dalka Yugaandha uga qeyb galay shirka guddoomiyeyaasha maxkamadaha sare ee dalalka Qaaradda Afrika oo sannadkaan lagu lafa gurayo nidaamka xallinta khilaafaadka.

Billowga shirka ayaa laysku weydaarsaday doodo badan oo ka qeyb galayaashu ay ka jeediyeen hannaanka loo maro xallinta khilaafaadka kahor maxkamadaynta.

Wasiirka arrimaha gudaha oo la kulmay madaxa cusub ee barnaamijka SSF

Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Bianca Jinga oo ah madaxa cusub ee barnaamijka SSF wejigiisa 3-aad iyada oo labada dhinac ay hoosta ka xariiqeen adkeynta xiriirka iyo ka wadashqeynta arrimaha hortabinta leh.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Fiqi ayaa soodhoweynta xilka cusub ee loo magacaabay kasokow waxaa uu xusay hortabinnada Wasaaradda ee dhanka Xasillinta, nabad dhiska iyo Dib u heshiisiinta.

Dhankeeda, madaxa SSF Bianca Jinga waxaa ay sheegtay in howlaha wejiga 3-aad ee barnaamijka aanu ku koobneyn Xasllinta ee ay diyaar u yihiin in ay taageero ka geystaan arrimaha horumar u sameynaya bulshada Soomaaliyeed oo ay dhab u heshiisiinta iyo nabadda ugu horeeyaan.

Dowladda Soomaaliya oo xayirtay malaayiin Dollar oo loo waday Khawaarijta

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la xayiray Akoono cusub oo lacago badan loo marinayey Khawaarijta, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo kulan mira dhal ah la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Tiiceey

Daressalaam: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Daaโ€™uud Aweys Jama ayaa magaalada Daresalam kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Tanzania, Mudane January Makamba.

Labada wasiir ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo baahida loo qabo in la abuuro nidaam iskaashi oo dhinacyo badan leh.

Mudane Daaโ€™uud Aweiys Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa Dowladda Tanzania uga mahadceliyay doorka ay ka cayaartey ansixinta xubinnimada Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC, iyo tallaabada ay ugu tanaasushey in Soomaaliya ay noqoto xubinta keliya ee Bariga Afrika ka socda ee u tartamaysa kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Tanzania, Mudane January Makamba ayaa uga mahad celiyay Dowladda iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud sida ay ugula tiiraanyoodeen geeridii Madaxweynihii hore ee Tanzania Al Xaaji Sheikh Cali Xasan Mwinyi, wafdina u direen Tanzania sii uu uga qeybgalo aaska iyo tacsida hoggaamiyahaasi hore.

Mudane Makamba ayaa sidoo kale Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay dhameystirka hannaanka ku biirista Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC), isagoo dhanka kalena ballanqaadey in dowladdiisa ay garab istaagi doonto sidii ay Soomaaliya ula qabsan lahayd hawlaha iyo adeegyada kala duwan ee EAC.

Waxaa sidoo kale uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Tanzania xusay in dowladdiisa ay si buuxda u taageersan tahay qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Labada Wasiir ayaa ugu dambeyn ku baaqey in laga wada shaqeeyo xasiloonida gobolka, si diiradda loo saaro horumarka iyo haqabtirka adeegyada muhiimka ah ee shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka oo ka qaybgalay shirweynaha 8-aad ee midowga Baarlamaanka ururka Islaamka

Abidjan: Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha Shacabka Baarlamaanka JS mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qaybgalay shirka 18-aad ee Midowga Baarlamaanada URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA (PUIC) โ€œParliamentary Union of the OIC Member States (PUIC)โ€ Guddoomiyha waxaa shirkaan ku wahlinaya Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka jamhuuriyada Federalka ee Soomaaliya Shirkan oo looga hadlayay Isbadalka Cimilada Aduunka ayaa waxa uu ka socdaa Magaalada abidjan ee Caasimadda Wadanka IVORYCOAST

Intaas Kadib Guddomiyaha oo hadal kooban ka jeediyay shiraka ayaa kawar bixiyay xaalada Arrimaha Somaliya iyo sidoo kale heshiis beenaadkii ay galeen Itoobiya iyo Soomaaliland, isku dayga xad-gudbay Qaranimada, Madax-bannaanida iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxuuna sheegay in Itoobiya ay jibisay inay ilaaliso xeerarka iyo mabaadiida deris-wanaagga, ixtiraamka Madaxbanaanida dhuleed ee Dowladda Soomaaliya.

Gabagabadii shirka Midowga Baarlamaanada Ururka Iskaashiga Islaamka (PUIC) ayaa lagu caddeeyay inay si buuxda u diideen heshiis beenaadkii ay galeen Itoobiya iyo Soomaaliland, isku dayga lagu xad-gudbay Qaranimada, Madax-bannaanida iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna soo jeediyeen Itoobiya inay ilaaliso xeerarka iyo mabaadiida deris-wanaagga, ixtiraamka Madaxbanaanida dawladaha, iyo in aan la faragelin arrimahooda gudaha si loo helo amni iyo xasilooni ka dhalata gobolka.

 

DHAMMAAD

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay xilal cusub

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta u magacaabay Kamaaludiin Daahir Xasan Guutaale inuu noqdo Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha.

Mudane Xamsa waxaa sidoo kale uu u magacaabay Cabdirisaaq Cali Ibraahim inuu noqdo Ku xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha, iyadoo Mahad Maxamed Cumar uu u magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Waaxda Habmaamuuska ee Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha.