Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Madasha Isku-duwidda Horumarinta dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa furay Shirka Madasha Isku-duwidda Horumarinta, kaas oo lagu soo bandhigayey guulaha ay Xukuumaddu xaqiijisay, caqabadaha jira iyo talooyin ku saabsan sidii la isku waafajin lahaa  qorsheyaasha Qaranka iyo barnaamijyada mudnaanta u leh Dowladda iyo saaxiibada caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay hey’adaha iyo deeqbixiyaasha in mashaariicda ay ka fuliyaan dalka ay noqdaan kuwo raasumaal leh oo wax u taraya dadka Soomaaliyeed, isaga oo hoosta ka xariiqay in hadda wixii ka danbeeya wadajir loo xisaabtami doono.

Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ka hartay dunida soddonkii sano ee la soo dhaafay, haatanna ay lagama maarmaan tahay in loo shaqeeyo si ka duwan kana xawaare badan sidii hore, si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo.

Madasha waxaa ka soo qeyb-galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah), deeq-bixiyeyaasha, Qaramada Midoobay (UN), Ururrada Bulshada Rayidka ah, iyo marti-sharaf kale.

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ergooyinka joogtada ah ee Ururka OIC

Sii hayaha Ergeyga joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya xarunta Ururka OIC ee magaalada Jidda, Cabdiraxiin Cusmaan Cilmi ayaa ka qayb galay shir aan caadi ahayn oo ay halkaasi ku yeesheen khubarada iyo Ergooyinka Ururka Iskaashiga Islaamka.

Kulankan ayaa waxa uu gogol-xaar u yahay shir kale oo ay yeelan doonaan Wasiirrada arrimaha dibedda ee dowladaha ku bahoobay Ururka, kaas oo looga hadlayo gabbood-fallada ay marinka Gaza ka geysanayso Isra’il.

Wasiirrda arrimaha dibedda ee waddamada ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa la filayaa in ay ka doodaan tallaabada kaga aaddan macaluusha ka jirta Gaza iyo xasuuqa ba’an ee ay Isra’iil ku hayso shacabka Falastiin.

Duqa Muqdisho oo furay kulan looga hadlaayo soo jeedinta ku aaddan dhameystrika Dastuurka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa furay kulan looga hadlayo soo jeedinta ku aaddan dhameystrika Dastuurka Afartiisa cutub ee ugu horreyso, kaasi oo ay ka doodayaan guddi uu dhowaan magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddigaan ayaa ka shaqeyn doona soo diyaarinta xulashada ugu wanaagsan ee ku habboon Magaalo madaxda dalka ee Muqdisho iyo in Bulshada Gobolka Banaadir loo bandhigo soo jeedinta ku aaddan dhameystrika Dastuurka Afartiisa cutub ee ugu horreyso, si talooyinkooda ay ugu biiriyaan.

Natiijada ka soo baxdo doodaha farsamo ee guddigani iyo talooyinka laga soo aruurin doono shacabka Caasimadda ayaa lala wadaagi doonaa guddiyada dastuurka iyo guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka si ay ugu saleeyaan go’aan ka gaarista dhameystirka dastuurka.

Taliska nabad gelyada waddooyinka oo Caasimadda ka hirgeliyay tabbeelayaasha jiifka ee nabad-gelyada

Ciidanka Qeybta Guud Nabad-gelyada Waddooyinka (Taraafiko) oo uu hoggaaminaayo Taliyaha Qeybta Guud Nabad-gelyada Waddoyinka S/Guuto; Bishaar Abshir Geeddi ayaa isgoyska shaqaalaha ka hirgeliyay tabbeelayaasha jiifka ee nabad-gelyada Waddooyinka.

Gen; Bishaar “Waxaa naga go’an in tabbeelayaasha kala duwan ee nabad-gelyada waddooyinka aan ka hirgelinno dhammaan isgoysyada Caasimadda”.

Taliyaha ayaa sheegay in ay si habsami leh u socdaan isla markaana meel fiican ay marayaan hirgelinta Astaamaha Nabad-gelyada Waddoyiinka gaar ahaan tabbeelayaasha jiifka ah.

Taliye Bishaar ayaa muwaaddiniinta Soomaaliyeed faray in ay u hoggaansamaan shuruucda nabad-gelyada waddooyinka si ay u badbaadaan nafta iyo maalka bulshada.

 

Mareykanka oo qeylo dhaan ka soo saaray xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka socda Itoobiya

USA- Dowladda Mareykanka ayaa qeylo dhaan ka muujisay sii socoshada xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka socda dalka Itoobiya, kuwaas oo laga yaabo in ay saamayn ku yeeshaan hannaanka ay Itoobiya ku dooneyso in ay maal gelin uga hesho deyn bixiyayaasha caalamiga ah.

Maamulka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa dunida kala kulmaya waji gabax iyo dhalleeceyn isa soo tareysa oo ku aaddan xeeladaha ay ciidamadiisu ku wajahan kacdoonka dadweynaha, taas oo keentay rabshado iyo fowdo dalka oo dhan ah.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa lagu eedeeyay dilal sharci darro ah iyo duqaymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn kuwaas oo sababay dhimashada dad rayid ah.

“Waxaan si joogto ah ula soconaa xaaladda xuquuqda aadanaha ee Itoobiya si aan u qiimeyno haddii ay jiraan xadgudubyo waaweyn oo saameyn ku yeelan kara taageerada Mareykanka ee kaalmada hay’adaha maaliyadeed ee sida waafaqsan sharciga hay’adaha maaliyadeed ee dunida,” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

“Dowladda Mareykanku waxay walaac xoogan ka qabtaa warbixinnada ku saabsan xadgudubyada xuquuqda bini’aadamka ee ka dhacaya Gobolladda Amxaarada iyo aOromia ee ay ku lug leeyihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa kasoo horjeeda” ayaa la raaciyay qoraalka kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa kal hore uga xannibtay Itoobiya maalgelinta IMF intii uu socday dagaalkii ka dhacay Gobolka Tigray laba sano ka hor.

Xigasho/ Bloomerg

In ka badan 50 khawaarij ah oo lagu dilay howlgalka maalintii 4-Aad ka socda Jubbada hoos

Wasiirka kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in maalintii 4aad howlgal qorsheysan oo ay iska kaashanayaan Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland uu ka socda Gobolka Jubbada Hoose.

Mudane Abdirahman Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in howlgalladaas lagu khaarajiyay in ka badan 50 ka tirsan Khawaarijta, iyadoo sidoo kale gacanta lagu dhigay 20 kale oo dhagarqabeyaal ah, kuwaas oo dhibaato ku hayay dadka deegaannadaas ku dhaqan.

“Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha Jubaland waxa ay Maalintii Afaraad oo xiriir ah Hawdka ku baacsanayaan Khawaarijta, 50 ka badan waa la dilay, 20 kale nolosha ayaa lagu qabtay, Dhul badanna waa laga sifeeyay, alle ayaa mahadsan” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala.

Howlgalladan ayaa waxay ka socdaan tuulooyinka Muuse-xaaji, Malaaylay, Turdho, Baxar-saafka, iyo deegaanno kale, iyadoo lagu dilay horjoogeyaal iyo maleeyshiyaad badan halka qaar kale nolosha lagu qabtay tan iyo Sabtidii la soo dhaafay, waana howlgal balaaran oo khawaarijta loogu galay godadkii ay ku dhuumaaleysanayeen.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanayaa kuwa deegaanka ayaa Howlgallo lagu ciribtirayo Khawaarijta ka wada Dowlad gobolleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, kuwaas oo khawaarijta lagu gaarsiiyay jab xooggan.

Soomaaliya iyo Hindiya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa xafiiskiisa kula kulmay wafdi uu hogaaminayo Xoghayaha Guud ee galbeedka Aasiya, waqooyiga iyo bariga Africa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Hindiya Dr; Sureh Kumar.

kulanka ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga labada dal ee dhinacyo badan leh, iyada oo si gaar ah loo dul istaagay horumarrrada ay ku tallaabsatay Soomaaliya ee dhanka amniga iyo dhaqaalaha.

Kulankan oo ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen safiirkeena dalka India Axmed Cali Daahir iyo xubno ka socday Wasaaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa waxaa aad loogu falanqeeyay dhibaatada muwaaddiniinta Soomaaliyeed ay ku qabaan visaha dalka Hindiya oo ay u aadaan dalalka deriska.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa soo jeediyay in adeegga visaha loo soo dhoweeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee caafimaadka iyo waxbarashada dalkaas u aada, loona keeno magaalada qunsuliyad ay ka dalbadaan visaha.

Wafdigan ayaa maalmaha ay joogaan Muqdisho waxa ay la kulmi doonaan mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Qadar oo ka wada hadlay iskaashiga arrimaha difaaca

Doxa- Wasiir ku xigenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane, Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa magaalada Doxa ee Caasimadda dalka Qadar kula kulmay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda Qadar Dr; Khalid bin Mohamed al-Attiyah.

Kulanka labada mas’uul ayaa qayb ka ahaa in ka badan 70 dowladood oo lagu marti qaaday shir sanadeedka bandhigga difaaca badaha caalamiga ah ee Dooxa (DIMDEX 2024) oo la qabtay sanadkii siddeedaad.

Wasiir ku xigenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane, Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda Qadar Dr; Khalid bin Mohamed al-Attiyah ayaa ka wada hadlay arrimo quseeya difaaca dalka iyo sidii loo horumarin lahaa xiriirka labada wasaaradood.

20-qof oo gaajo ugu geeriyootay gobolka Amxaarada ee Itoobiya

CORRECTION / People who fled the war from May Tsemre, Addi Arkay and Zarima gather around in a temporarily built internally displaced people (IDP) camp to receive their first bags of wheat from the World Food Programme (WFP) in Debark, 90 kilometres of the city of Gondar, Ethiopia, on September 15, 2021. (Photo by Amanuel Sileshi / AFP) / ìThe erroneous mention[s] appearing in the metadata of this photo by Amanuel Sileshi has been modified in AFP systems in the following manner: [Debark, 90 kilometres of the city of Gondar] instead of [Dabat, 70 kilometres northeast of the city of Gondar]. Please immediately remove the erroneous mention[s] from all your online services and delete it (them) from your servers. If you have been authorized by AFP to distribute it (them) to third parties, please ensure that the same actions are carried out by them. Failure to promptly comply with these instructions will entail liability on your part for any continued or post notification usage. Therefore we thank you very much for all your attention and prompt action. We are sorry for the inconvenience this notification may cause and remain at your disposal for any further information you may require.î

Addis ababa: Dagaalada ka socda gobolka Amxaarada ee itoobiya ayaa sababay dhimashada ku dhowaad 20 qof oo gaajo u geeriyooday, xilli abaaro ba’an ay ka jiraan gobolka, waxaana xirmay goobaha waxbarashada.

Wararka laga helayo gobolka ayaa sheegaya in abaar ba’an ay ka jirto oo saameeysay guud ahaan gobolka, waxaana kiisaska geeridu ka dhaceen degmooyinka Sehala iyo Janamora ee gobolka Amxaraada, sida ay qortay warbaahinta Addis-Standard.

In ka badan 2.6 milyan oo arday ayaa waxbarasho la’aan ah, iyadoo 3,000 oo dugsi oo ku yaala guud ahaan gobolka Amxaarada ay weli xiranyihiin sababa la xiriira walaaca amni ee sababay dagaalada daba dheeraaday ee u dhaxeeya ciidamada dowladda Itoobiya iyo jabhadda Fano ee gobolka Amxaarada.

Iyadoo uu wali socdo dagaalka jabhadda Fano iyo ciidamada dowladda itoobiya, ayaa maamulka Abiy Ahmed waxa lagu eedeynaya in uu xasuuq ka geystay gobolka Amxaarada.

Imaaraatka Carabta oo kaalmo raashin ah soo gaarsiiyey Soomaaliya

Hay’adda maareynta musiibooyinka ee SoDMA, ayaa maanta munaasabadd Kooban oo ka dhacday Garoonka Aadan Cade waxa ay dowladda Imaaraadka Carabta kala wareegtay Shixnad gargaar ah oo ka kooban qaybaha kala duwan ee raashinka.

Shixnadaan gargaar ayaa waxaa waday mid kamid ah diyaaradaha xamuulka qaada ee dowladda Imaaraadka Carabta, waxana uu ku soo aaday xilli Bisha Barakaysan ee Ramadaan fooda inagu soo hayso.

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda maareynta musiibooyinka Dr Axmed Cabdi Aadan oo ay wehliyaan Agaasimayaal ka tirsan SoDMA, ayaa shixnadaan kala wareegay Masuuliyiin ka socday Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho, isaga oo ballanqaaday in mucaawinadan ay gaarsiin donaan shacabka Soomaaliyeed ee danta yar iyo kuwa barakacyaasha ah madaama haatan laguda galayo bisha Ramadaan.