Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo kulan la qaatay Wafdi ka Socday Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS oo kulan la qaatay Wafdi ka Socday Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ( FAO )

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Hay’adda Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramada midoobe ee(FAO) waxaana hoggaaminayey Mudane Etienne Peterschmitt oo ah Agaasimaha Xafiiska FAO ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga u dhaxeeya wasaaradda iyo hey’adda FAO, iyo dardargelinta mashaaricda horutabinta u leh horumarinta xoolaha, dhirta iyo daaqa.

 

  

Wasiir Fiqi” Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaa ay dajisay qorshe dhab u heshiisiin loogu sameynayo Bulshada,”

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka shirka aragti wadaagga ee Machadka Heritage oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wasaaraddiisu dejisay qorshe dhab u heshiisiin loogu sameynayo Bulshada, kaas oo la daah-furayo marka laga baxo bisha Ramadaan ee foodda nagu soo haysto.
Sidoo kale, wasiirka ayaa tilmaamay in la dhammeystiray qorsheyaal qoto dheer oo wax lagaga qabanayo khilaafyada iyo ka hortagooda, kuwaas oo hadda soo dhammaaday laguna qoray labada luqadood ee Soomaaliga iyo Ingiriiska.
” Waxaan dejinay istiraatijiyad qorsheyaal qoto dheer oo wax lagaga qabanayo xalinta khilaafyada iyo heshiisiinta noocyadooda kala duwan,waxaa ugu weyn hannaan aan hadda soo dhammeystirnay oo layiraahdo hannaanka dhab u heshiisinta qaran ka hortagga iyo xalinta khilaafyada, wuu soo dhammaaday labada luqadood ee Igiriiska iyo Soomaaliga ayuu ku qoran yahay, waxaana daah-fureynaa marka Ramadanka laga baxo’,”.
Wasiir Fiqi, oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in hannaankan dhab u heshiisiinta, wadatashi lagala sameeyay dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan iyo maamul gobolleedyada dalka.
” Wadatashi ururada Bulshada rayidka iyo dhammaan iyo dowlad gobolleedyadaba, hannaankaas lix tiir buu ka kooban yahay, wuxuuna koobayaa dhammaan tallaabooyinka la qaadayo, waxaana ku dhex lifaaqan oo iyaduna la diyaariyay qorshaha fulinta hannaanka dhab u heshiisiinta qaran oo ka kooban in ku dhow labo boqol oo tallaabo oo lagu hirgelinayo hannaankaas,’ ayuu yiri wasiirka.
Ugu dambeyntii, Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Axmed Macallin Fiqi ayaa u mahadceliyay machadka Heritage,isagoo rejeeyay muddada labada cisho ah ee uu shirka socda inuu guul ku soo idlaado.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Dowladda Britain

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Dowladda Britain oo uu hoggaaminayey Xoghayaha Joogtada ah ee Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta Sir Philip Barton.

Kulanka ayaa waxay labada dhinac kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga faca-weyn ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo UK, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyey Dowladda UK kaalinta ay ka qaadato dib-u-soo kabashada dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, isbeddelka cimillada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Dhankooda, wafdiga Mudane Philip Barton ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda soo dhaweynta diirran, iyagoo muujiyey sida ay u bogaadinayaan guulaha wax-ku-oolka ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay gaareen muddadii la soo dhaafay

 

 

  

Soomaaliya xubin rasmi ka noqotay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah xubin uga noqotay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika(EAC), kadib munaasabad ka dhacday magaalada Arusha ee waqooyiga Tanzania.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Cabdirishiid Xaaji ayaa xoghayaha guud ee Ururkaas Dr. Pmathuki u gudbiyey dukumentiyada ansixinta iyo habraacyada ee ka mid noqoshada ururkaas.

Mudane Jibril Cabdirishiid Xaaji ayaa inta munaasabadda socotay la guddoonsiiyey calanka wadamada ku bahoobay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Munaasabadda waxaa goob goob joog ka ahaa Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

 

    

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeer shaqo ku tagay laanta ilaalinta Canshuuraha ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, Ayaa kormeer shaqo ku tagay Laanta ILaalinta Canshuuraha ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,ujeedka uu Taliyaha Ciidanka Boliisku ku tagay  Laanta ILaalinta Canshuuraha ayaa ah ukuur galka Howlaha shaqo ee laanta Ilaalinta Canshuuraha ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

S.Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa lahadlay Saraakiisha iyo Ciidamada Laanta  Ilaalinta Canshuuraha waxa uuna faray  in ay siwaagsan uga shaqeeyaan kobcinta dhaqaalaha dalka maadama ay iyaga wakiil uga yihiin Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Sidoo kale Taliyaha ayaa ciidanka Boliiska kula dar-daarmay in ay ka fogaadaan waxyaabaha maanka dooriyo  ee qatarta ku ah nafta, amniga iyo dhaqaalaha.

 

     

Ciidanka Qaranka oo khawaarijta ku weeraray duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool

Bakool:-Ciidamada Qaranka ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray goob ay isku uruursanayeen duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Wararka hordhaca ah ee aan ka heleyno howlgalkaas ayaa xaqiijinaya in Khawaarijta jab culus lagu gaarsiiyey halkaas, waxayna ciidamadu soo bandhigeen meydadkii ay ka carareen.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada fuliyey howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey inay Khawaarijta ka xoreeyeen goobihii ay isku uruursanayeen ee lagu weeraray.

Goordhow la soco faahfaahin dhameystiran:

Dowladda Soomaaliya oo maanta gudbineyso heshiiska rasmiga ah ee ku biirista EAC

Magaalada Arusha ee waqooyiga Tanzania waxaa maanta ka dhacaysa munaasabad ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku gudbineyso heshiiska rasmiga ah ee ku biirista Urur Gobolleedka Bariga Afrika.

Waxaa heshiiska gudooomi doona Xoghayaha Guud ee EAC. Wafdiga Soomaaliya waxaa ka mid ah Wasiirka Ganacsiga Mudane Jibriil Cabdirishiid Xaji Cabdi, Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo xubno kale.

Madasha aragti wadaagga sanadlaha ah ee Heritage oo Muqdisho ka furmay

Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka furmay shirka sanadlaha ah ee Madasha Aragti wadaagga ee Heritage, kaas oo socon doono mudda laba maalin ah ,waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin katirsan dowladda iyo madax ka socoto dowlada Jabuuti, Kenya iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha Machadka Heritage Mudane Musrsal Saney oo ka hadlay furitaanka madasha ayaa madaxda ku soo dhaweeyey wajiga labaad ee madasha 7-aad ee aragti wadaagga ee sanadlaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Axmed Macallin Fiqi oo madasha ka hadalay ayaa sheegay in wasaaradu ay dajisay qorshe dib u heshiisiin loogu sameynayo Bulshada Soomaaliyeed

“Wasaaradda Arrimaha gudaha waxaa ay dajisay qorshe dhab u heshiisiin loogu sameynayo Bulshada waxaan daah fureynaaa qorshahaas Ramadan marka laga baxo”.Wasiir Axmed Macallin Fiqi”

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS ,mudane Xasan Macallin ayaa isna madasha ka yiri “Dowladda Soomaaliya waxay rabtaa inay caado ka dhigato oraahdii Soomaali heshiis ah Duniddana la heshiis ah laakin Itoobiya waxay dooratay iney noqdaan kuwo faquuqan oo nabadda ku lid ku ah”.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dinta, Dhaqanka iyo Awqaafta ee dalka Djibouti Md. Muumuin Xasan Barre ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay ka qeyb-galka madasha.

“Adduunka oo dhan in maanta nabad looga wada baahan yahay waa la wada ogyahay, waliba Geeska Afrika oo aynnu ku naalllo, marka loo eego dhibaatooyinka ka dhacaya Geeska Afrika iyadana waynnu wada ognahay. Nabaddu siidii ay dhaqan inoogu noqon lahayd in laga shaqeeyaa waa muhiim.” Wasiir muumin, wasiirka Awqaafta ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Kenya kana hadlay madasha ayaa bogaadiyey Madasha Heritage, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay nabadda Geeska Afrika.

Hawlgal ka dhacay gobolka Jubbada Hoose oo lagu dilay 35 Khawaarij ah

Ciidanka Kumaandooska Danab iyo daraawiishta Jubbaland ayaa Howgallo lagu baacsanayo khawaarijta maalintii 3-aad kawada socda Gobolka Jubbada Hoose ee Dowlad Gobolleedka Jubbaland.

Howgalladan ayaa waxay ka socdaan tuulooyinka Muuse-xaaji, Malaaylay, Turdho, Baxar-saafka, iyo degaanno kale, iyadoo lagu dilay horjoogeyaal iyo maleyshiyaad badan halka qaar kale nolosha lagu qabtay.

Ciidamada ayaa khawaarijta ugu galay godadkii ay ku dhuumaaleysanayeen ee deegaannadaas, waxaana looga dilay 35 Horjoogayaal iyo maleeshiyaad isugu jira Soomaali iyo Ajaabib, sida warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen saraakiisha Howgallada qeybta ka ah.

Horjoogeyaasha la dilay waxaa ku jira Jaabir oo dhalashadiisu tahay Kenyaan, horjoogihii sirdoonka Khawaarijta Saadiq iyo horjoogihii qaraxyada uqaabilsanaa oo lagu magacaabo Cabdiqani ayaa dhammaantood lagu dilay howlgalka sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka.

Howgalladan oo wali socda ayaa ilaa hadda lagu nolasha lagu soo qabtay 7 dhagar qabe oo khawaarijta muhiim u ahaa, kuwaas oo dhibaato ku hayay dadka deegaannadaas ku dhaqan.

 

Madaxda Boliiska iyo kan Gobolka Banaadir oo guddoomiyay shir looga hadlayay amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Caasimada Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir gudoominayaya Shirka amniga Caasimada kaasi oo lagu qabatay Xarunta Dowlada Hoose ee Xamar,

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maamulka Gobolka Banaadir, Saraakiisha Boliiska, Nabad sugida iyo Guddoomiyaasha Dagmooyinka Ee Gobolka Banaadir,

U jeedka Shirkan ayaa ahaa sidii loo adkeen lahaa amniga caasimadda iyo Nawaaxigeed maadama ay nagu soo Food leedaha Bisha barakeysan ee Ramadaan.