Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulan duco ah oo loo sameeyay AUN Madaxweynihii 2-aad ee Tanzania

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo wakiil ka ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley kulan quraan akhris iyo duco loogu sameeyay Jasiiradda Zanzibar Allah ha u naxariistee Al Xaaji Sheikh Ali Hassan Mwinyi oo ahaa Madaxweynihii 2aad ee Jamhuuriyadda Tanzania.

Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Madaxweynaha Jasiiradda Zanzibar Dr. Hussein Ali Mwinyi oo ah wiilka Madaxweyihii hore ee geeriyooday kana qeyb ahaa kulanka ducada la wadaagay tacsi uu uga siday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxan marxuumka Ilaahay uga baryay inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii, ehelkii iyo shacabka reer Tanzania ee uu ka baxay uu samir iyo iimaan ka siiyo.

  

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐤𝐮 𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 w𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐞𝐲 s𝐡𝐢𝐫𝐰𝐚𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐥𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐚𝐲𝐬𝐚𝐧

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Mudane ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Xasan Maxamed Bulaale, ayaa ka qaybgalay shirwaynaha labaad ee caafimaadka Midaysan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, isla markaana ay ka soo qaybgaleen xubno katirsan Xukuumadda JFS, labada Aqal ee Barlamaanka JFS, aqooyahano iyo xubno ka socday Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Wasiir ku xigeenka ayaa waxa uu sheegay in ay muhiimtahay xoojinta Hal shaqaale oo Caafimaad ah si loo dhaqaajiyo isbadal wanaagsan oo la jaan qaadka hadafka Wasaaradda, waxa uuna  ka qaybgalayaasha ku dhiirigeliyay inay iska kaashadaan oo ay hal-abuuraan, iyadoo la isticmaalayo hab Caafimaad mideysan si loo hubiyo caafimaadka bulshada iyo deegaanka ee jiilasha mustaqbalka.

Barnaamijka Caafimaadka Midaysan waa barnaamij midaynaya iskaashiga qaybaha kala duwan ee caafimaadka si loo xaliyo dhibaatooyinka caafimaadka bulshada, loona helo caafimaadka ugu wanaagsan ee dadka, xoolaha, dhirta iyo degaanka. Wacyigelinta bulshada iyo dowladuba waxa ay asal u tahay horumarinta caafimaadka dadka, xoolaha, dhirta iyo deegaanka oo iyagane ka qayb qaadanaayo horumarinta dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya.

        

Dowladda Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka oo shir muhiim ah uu maanta uga furmay Magaalada Nairobi

Nairobi- Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo uu weyhiyo Wasiirka Wasaaardda Qorsheynta Qaranka  iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta daah-furay shirka dib-u-habeynta Maaliyadda ee Dowladda Soomaaliya iyo Hey’adda lacagta Adduunka ee IMF, shirkaas oo socon doona muddo todobaad ah.

Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa dib-u-eegis lagu sameynayaa wixii horumar maaliyadeed ah ee u qabsoomay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo muddo  Sadex bilood ka hor laga cafiyay deymihii cuuryaamiyay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Qodobada ugu muhiimsan ee looga wadahadlayo shir ayaa waxaa kamid ah sare u qadidda dakhliga Dowladda, hannaanka Maamul-wanagga Maaliyadda iyo horumarinta Barnaamijka Qorshaha Qaranka.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo furitaankii Shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliya ay u qabsoomeen qodobo la taaban karo oo ay ugu horreeyaan horumarinta illaha dakhliga Dowladda oo dadaal dheer ay galisay Wasaaradda Maaliyadda oo kaashanaysa Wasaaradaha Dowlad-Goboleedyada Dalka.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa u mahadceliyay dhammaan hey’adaha ka soo qeybgalay kulankaan oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Cadaaladda, Bangiga dhexe,  Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha iyo IMF iyo Bangiga Adduunka.

Gabagabada shirka ayaa la filayaa in la soo saaro war-murtiyeed ka hadlaya horumarka Maaliyadeed ee Dowladda Soomaaliya saddexdii bilood ee la soo dhaafay kadib gaaristii barta kama dambeysta deyn cafinta.

         

Ra”iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Mudane Abdullah Salem Al Nuaimi, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

Mudane Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada qalabka sida, horumarinta adeegyada asaasiga ah iyo gargaarka.

Dhankiisa, Danjire Abdullah, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan khawaarijta oo ka dhacay Jubbada Hoose

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa howlgal ay si wadajir ah uga fuliyeen gobolka Jubbada hoose Ciidamada Qaranka iyo kuwa dowlad gobolleedka Jubbaland.

Howlgalka oo loo qorsheeyey si heerkeedu sarreeyo laguna dilay in ka badan 30 Khawaarij ah ayaa ciidamadu ka fuliyeen deegaanno hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose iyo Jiinka Wabiga.

Howlgalka ayaa lagu qabtay xubno maleyshiyaad ah oo 10 ku dhaw kuwaas oo dhibaato ku hayay shacabka deegaanka Baar sanguuni tobaneeyo kalena waa kagu dilay sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen saraakiisha Ciidamadu.

Ciidamada Qaranka oo kaashanaya xoogagga deegaanka iyo ciidamada ammaanka dowlad goboleedyada ayaa kordhiyey howlgalada lagu beegsanayo Khawaarijta iyadoo guulo waaweyn laga gaaray howlgaladaas.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo dhagax dhigay dhismaha waddo isku-xirto garoonka diyaaraddaha Maxamed Dheere iyo magaalada Jowhar

Madaxweynaha Dowladda goboleedka  Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta dhagax-dhiggay wadada isku-xirto garoonka diyaaraddaha Maxamed Dheere iyo magaalada Jowhar.

Masuuliyiinta shirkadda u xil saaran dhismaha waddada ayaa madaxweynaha u faahfaahiyay baaxada shaqadda iyo xilliga ay soo dhammaaneyso.

“Sannad iyo bar oo dagaal ah kaddib Dowladda Hirshabeelle isku-tashi ayay ku dhisaneysaa deegaanadeeda. Alle ayaa mahad leh oo maanta noo suurageliyay inaan biloowno dhismaha waddada xiriirisa garoonka iyo magaalada Jowhar.”

Ugu dambeyn madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa shacabka Hirshabeelle ugu baaqay inay Dowladdooda garab istaagaan.

Jabhada Fano oo ku hanjabtay in ay soo ridayso Diyaaradaha Ethiopian Airline

Jabhada hubeysan ee  Amxaarada ah ee Fano ayaa diginin u dirtay hay’adda duulista Itoobiya oo ku saabsan diyaaradaha Ethiopian Airlines oo ciidanka ku soo daabuleysa gudaha gobolka Amxaaradda, Fano waxa ay sheegatay in ay qabsadeen gantaalo lidka diyaaradaha ah oo awood u leh in ay damiyaan ama joojiyaan hawlaha diyaaradaha ganacsi ee shirkadaas, waxana ay xuseen in ay haystaan gantaalo gaaraya 40’000 feet.

Sida lagu helayo xog dhanka duulimaadka ah, Ethiopian Airlines ayaa dib u jihayn ku sameysay khadkeeda duulimadyada ee hawadaha gudaha dalkaas sababa la xiriira khatartan.

Duulimaadkeedii ka imaanayeyey Europe, Woqooyiga Mareykanka iyo Asiya ayaa mar hore khadadkooda dib u jihayn looga sameeyey.

Ethiopia ayaa hadda mareysa meel is-goys ah khatar ah ka markii Jabhada mucaaradka Ethiopia ayaa dib isu soo abaabulashay, waxaana ay fagaareyaal dagaal oo dhawr ah uga soo adkaadeen Ciidanka maamulka Abiy,Si kastaba ha ahaate khatar duulimaadyada ganacsi ayaa waxa khatar kale gelinaysaa dhaqaalaha guud dalka Ethiopia

Booliiska Gobolka Banaadir oo sheegay in baaris lagu wado ciidamo rasaas ku furay Dad Shacab ah

Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Banaadir Macallin Mahdi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ay xireen ciidamo loo haysto in ay rasaas ku fureen Dad ku dibadbaxayay Suuqa Siinaay ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa tilmaamay in aanay Booliisku aqbali Karin in la dhibaateeyo Dadka rayidka ah, sidaas awgeed Hay’adaha awoodda u leh in ay baaraan loo gacangeliyay askarta la xiray si Maxkamad loo horgeeyo ciddii kiis lagu helo.

Ciidamada ayuu Taliyaha uga digay in ay ku dhaqaaqaan falal ka baxsan howlaha loo xilsaaray ee ah sugidda amniga iyo dadka gaysta falalka liddiga ku ah Amniga dalka.

Cid weliba ee xabbad ka ridday Dadkii bannaanbaxayay ee cabashada muujinayay waala xiray, Kiiskaas Baaris ayaa loo diray, haddii alle idmo waxa aan rajayneynaa in Garsoorka & Maxkamaddu ku dhammaato”sida ayuu yiri  Taliye Macalin Mahdi

Taliyaha ayaa sidoo kale digniin u diray Dadka dibadbaxyada dhiga ee xirta waddooyinka ama dhaawaca u gaysta laamiga waxaana uu sheegay in aanay marnaba la aqbali doonin falalkaas maadaama jidka oo la xiro ay ka dhalanayso xayiraad & dhibaato soo gaarta Bulshada.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo isagoo ka wakiil ah madaxweynaha JFS ka qeyb galay aaska iyo tacsida Madaxweynihii 2aad ee Tanzania

Zanzibar:- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa isagoo ka wakiil ah Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu Jasiiradda Zanzibar ee  Jamhuuriyadda Tanzania uga qeybgaley munaasabadda aaska iyo tacsida Madaxweynihii 2aad ee Tanzania Allah ha u naxariisto Al Haji Ali Hassan Mwinyi oo geeriyooday maalintii Khamiista oo taariikhdu ay ku beegneyd 29 February.

Wasiirka ayaa Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan iyo shacabka Tanzania la wadaagey tacsi uu ka siday Madaxweyne Xaaan Sheekh Maxamuud.

Allah ha u naxariisto Al Haji Ali Hassan Mwinyi waxaa uu Tanzania Madaxweyne ka ahaa intii u dhexeysay 1985 ilaa 1995kii.

Innaa Lillahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Diinta dowladda Jabuuti

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Ahmed Macalin Fiqi oo ay wehliyaan wasiirro  xukuumadda Federaalka ah, xildhibaanno BFS ka tirsan iyo maamulka Machadka Heritage ayaa maanta garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho ku soo dhaweeyey Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dinta, Dhaqanka iyo Awqaafta ee dalka Djibouti Md. Muumuin Xasan Barre iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka qeybalaya wajiga 2-aad ee dhammaystirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ah ee Machadka Heritage oo magaalada Muqdisho lagu qaban doono 4 -5 bishan Maarso.

Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ka hadley munaasabadda soo dhaweynta Wasiir Muumin ayaa xusay xiriirka taariikhiga ah labada dal ee walaalaha ah ee Somaaliya iyo Djibouti, iyo in uu ku soo dhowaado gacmo furan dalkiisii labaad, una rajeeyey mudada uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho kulamada uu la qaadan madaxda dawladda Soomaaliya kuwo miro dhal ah oo kor u qaadaya xiriirka labada dal ee walaalaha ah, ku guulaysto hawlaha kale ee uu u soo sodcaalay iyo joogitaan nabad ah.