Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan la yeeshay Xildhibaan Fowsiyo oo u tartameysa xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud, oo ay wehliyaan wasiir ku xigeenka iyo xoghayaha Joogtada ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo u taagan xilka Gudoomiyaha Midowga Afrika.

Kulanka oo ahaa mid muhiim ah ayaa Wasiir Xasan Macallin waxaa uu taageero iyo dhiirigalin u muujiyay Xildhiban Fowsiyo oo soo noqotay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka una soo tartantay Xilka Madaxwaynaha Soomaaliya, haatanna ah Musharax Gudoomiyaha Midowga Afrika. Wasiirka ayaa ku ammaanay Marwo Fowsiyo dadaalkeeda nabad dhisidda iyo kartideeda diblamaasiyadeed taas oo u horseedi doonto guusha xilka Gudoomiyaha midowga Afrika.

Musharax Fowsiyo Xaaji Yuusuf ayaa ugu mahadcelisay wasiir Xasan Macallin taageerada iyo garab istaagga uu u muujiyay, iyada oo sheegtay in Soomaaliya guulo la taaban karo ay ka gaartay sare u qaadista maqamka Soomaaliya ay ku leedahay Qaaradda Afrika.

          

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo hey’adda Interpeace oo kala saxixday is-afgarad ah oo la xiriira nabad-dhiska

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Soomaaliya iyo  Hey’adda Interpeace ayaa maanta kala saxiixday isafgarad istaraatiiji ah oo la xiriira nabad-dhiska, iyada ay heshiisku ay saxiixeen wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Itonde Kakoma oo ah madaxweynaha Interpeace.

Heshiiskan oo la xiriira horumarinta Hannaanka Dhab u heshiisiinta Qaran ayaa waxaa  qeyb ka ah howlaha kor loogu qaadayo isdhexgalka bulshada, wada noolaashiyaha, sookabashada iyo guud ahaan arrimaha dib u heshiisiinta. Labada dhinac ayaa lagu wadaa in iskaashaadaan awoodsiinta bulshada qeybaheeda iyo hey’adaha dowladda ee kashaqeeya arrimaha nabadda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi oo madasha ka hadlay ayaa faahfaahiyay waxa uu ka dhigan yahay isafgaradkan “ Waxaan ku faraxsanahay iskaashigan aan la yeelaneyno Interpeace, oo ah suurogelinta bey’ad ku habboon nabadda iyada oo laga duulayo tiirarka hannaanka dhab u heshiisiinta qaran, taas oo muhiim u ah Xasillinta Soomaaliya”.

Dhankiisa, Madaxweynaha Interpeace Itonde Kakoma ayaa ka hadlay ahmiyadda heshiiska “Iskaashigan waa tallaabo muhiim ah loo qaaday ballanqaadyadeenna ku aaddan Hannaanka Dhab u heshiisiinta Qaran.

                  

Wasiirka Caddaaladda XFS oo qaabilay madaxweynaha hey’adda Interpeace iyo wafdi uu hoggaaminayo

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha hey’adda Interpeace Mudane Itonde Abraham Kakoma iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka booqasho shaqo ku jooga.

Mudane Xassn Macallim iyo Mudane Itonde Abraham ayaa ka wada hadlay arrimo la xariira cadaallada, nabadeynta iyo xasilinta oo muhiim u ah horumarka dalka iyo wadajirka bulshada.

Madaxweynaha hey’adda Inter Peace ayaa wasiir Xassan Macallim uga mahad-celiyay qaabilaadda iyo soo dhaweynta, waxuuna ammaanay dadaallada dowladda ee dib-u-eegista Dastuurka, iyo horumarinta Caddaaladda iyo garsoorka oo gundhig u ah nabad kusoo dabaalidda dalka.

Wasiirka ayaa Mudane Itonde Abraham iyo hey’adda uu madaxda ka yahay uga mahad celiyay shaqada ay dalka ka hayaan ee la xiriirta dadaallada nabadeynta bulshda, waxuuna ku dhiirri geliyay iney joogteeyaan.

   

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Ankara:-Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ka dib markii uu dalka Turkiga uga qeyb galaya shirka 3-aad ee Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ugu horeeyaan dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha iyo Difaaca.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dhowaan wada galay heshiis caalami ah oo quseeya dhanka Difaaca iyo dhaqaalaha.

 

ATMIS oo soo Gabagabeysay Wejigii 2-aad ee dhimista Ciidankooda (WARBIXIN)

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya  ATMIS ayaa dabayaaqadii bishii Janaayo soo gebagabeeyey Wejigii labaad ee dhimista ciidankooda, kadib markii ay dowladda Soomaaliya ku wareejiyeen sagaal saldhig oo ciidan. Xilwareejinta ayaa ku soo beegantay iyadoo 3,000 oo askari laga saaray Soomaaliya. Labadii Weji ee hore ee dhimista, 5,000 oo Askari ayaa ka baxay Soomaaliya, 13 saldhig oo ciidan ayaa lagu wareejiyay ciidamada Soomaaliya. Howlgalka oo loo yaqaano ATMIS ayaa waxaa ku jira ciidamo ka kala socda Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda.

Alhaji Sarjoh Bah, oo ah Agaasimaha maareynta khilaafaadka ee arrimaha siyaasadda, nabadda iyo amniga ee guddiga Midowga Afrika, ayaa sheegay in soo-saarkii labaad uu muujinayo in Soomaaliya laga yaabo in ay isu diyaariso in ay xakameyso dhammaan mas’uuliyadda amniga ee dalka dhammaadka 2024-ka, markaasoo howlgalka uu ku eg yahay, lana filayo in gabi ahaanba laga baxay. “Dhammaystirka marxaladan dhimista, iyadoo ay jiraan caqabado waaweyn, oo ay ku jiraan El Niño [qaabka cimiladu], waxay marag madoon u tahay rabitaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan kala-guurka habeysan,” Bah ayaa yiri intii ay socotay xafladdii xil-wareejinta oo ka dhacday Muqdisho.

Saraakiisha ayaa markii hore filayey inay dhameeyaan wejiga labaad ee ka bixitaanka ATMIS dhamaadka bisha Sebtembar. Si kastaba ha ahaatee, weerarrada Al-shabaab ee weli socda oo ay weheliyaan dib-u-soo-noqoshada ciidamadii horay looga qabsaday, ayaa dowladda Soomaaliya ku qanciyay inay codsato in dib loo dhigo xilliga la dhimi doono.

Qorshaha Wejiga 3-aad

Qorsheynta Wejiga 3-aad ee dhimista ayaa bilaabatay bishii Febraayo intii lagu jiray shir afar maalmood socday oo ay ka soo qayb galeen taliyeyaasha howlgalka. Wejigan ayaa la filayaa in ay ku jiraan bixitaanka 4,000 oo askari oo dheeraad ah bisha June. Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef, ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in ciidamada ammaanku ay galayaan “marxaladda ugu xasaasisan ee howlgalka.”

“Ma fududa, laakiin waa inaan ka gudubnaa caqabadaha anagoo ku sii jirna feejignaanta ugu badan inta lagu jiro xilliga kala guurka,” Souef ayaa ku yiri sii deynta wararka ATMIS. Taliyaha ciidamada ATMIS ee dalka Uganda Lt. Gen. Sam Okiding ayaa sheegay in taliyeyaasha ay ka wada hadleen arrimo badan. “Waxaan baarnay xaaladda amniga Soomaaliya, waxaana tixgelinnay halka ay hadda taagan tahay al-Shabaab, iyo sidoo kale waajibaadkeenna iyo xaaladda amni ee ATMIS-ka kaddib,” ayuu yiri.

Maraykanka oo Dhisaya Saldhigyo Ciidan

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa dabayaaqadii bishii Janaayo waxa ay ku dileen saddex dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib howlgal ay ka fuliyeen meel u dhow magaalo xeebeedka Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya. Weerar kan la mid ah oo Mareykanka uu fuliyay ayaa bartamihii bishii hore ee Feberaayo waxaa uu ka dhacay deegaan ka fog fog ee Maamulka Jubbaland ee Koonfurta Soomaaliya.

Maalmo kadib howlgalkii Jubaland, ayaa dowladda Mareykanka waxa ay ku dhawaaqday in ay qorsheyneyso in ugu yaraan afar saldhig oo ciidan ay ka dhisto magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay; Dhuusamareeb, oo ah degmo ka tirsan Galgaduud; Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe; iyo Kismaayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heshiiskan ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu tayeynayo ciidamada Soomaaliya iyo ciribtirka Al-Shabaab. “Heshiiskani waxa uu caawinayaa qorshayaashayada aan dalka kaga xoraynayno Al-shabaab iyo sugidda amniga,” Maxamuud ayaa sidaas ku yiri xafladdii saxiixa.

Guutada Danab ee Milatariga Soomaaliya ayaa lagu xirayaa saldhigyada cusub. Milatarigu waxa ay aasaaseen guutada 2017 kii dib markii ay Soomaaliya iyo Maraykanku heshiis ku gaareen in ay qortaan, tababaraan, qalabeeyaan, iyo la taliyaan 3,000 oo rag iyo dumar ah oo ka kala socda gobolada dalka si loo dhiso awood ciidan oo xoog leh oo ka dhex jirta ciidanka qaranka Soomaaliyeed.

Guutada ayaa markii hore ka koobnaa dad gaar ah oo ka yimid gobollada ugu saboolsan dalka. Laakiin aragtideeda dadwaynaha ayaa kor u kacday wakhti ka dib, oo hadda waxay shaqaaleysiinaysaa musharaxiin aqoon sare leh, oo uu ku jiro ugu yaraan hal dhakhtar.

Ciidanka Danab waxaa loogu talagalaa in 72 saacadood gudahoodoo weerar deg deg ah, waxayna si joogto ah u raadsadaan ilaa 350 Askar cusub ah markiiba, si ay u tababaraan, islamarkaana ay la wareegaan goobta dagaalka.

Waxaa qortay Madashada Difaaca Afrika ee Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka (ADF)

Share this Article

Ciidanka taliska Abiye oo laga saaray magaalada Bahir-dar

xaalad kacsan ayaa laga soo warineyaa, magaalada Bahir Dar ee xarunta is maamulka Amxaaradda ee Itoobiya, ka dib dagaalo qaraar oo shalay ilaa saaka ku dhex maraya ciidanka maamulka Addis Ababa iyo jabhadda FANO.

Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah, jabhadda Fano ayaa inta badan la wareegtay magaalada Bahir Dar, mana jiro wax dhaq dhaqaaq dadweyne oo saaka ka jira halkaas.

Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa baajisay dhammaan duulimaadyadii ay ku tagi laheyd magaalada Bahir Dar.

Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin tirada khasaaraha nafeed ee dagaalka ka socda Bahir Dar, haddana ilo war gal ah, waxay sheegeen in ku dhowaad 20 kamid ah ciidanka maamulka Addis Ababa lagu dilay dagaalka.

Guul darooyinka is daba jooga ah ee ay la kulmayaan ciidanka maamulka Abiy ayaa tusaale u ah hogaamin xumada Abiy Axmed, taas oo sida khubarada gobolka aaminsan yihiin keeni doonta burburka Itoobiya.

Magaalooyinka iyo degaanada ku dhow dhow Bahir Dar, ayuu dagaalka ku fidey, waxaana kamid ah, waqooyiga Shoa, Gojjam, Gondar, waqooyiga Wollo iyo kuwo kale,
Maamulka Abiy ayaa hadda isku dayaya in ay iska caabiyaan dharbaaxada kulul ee ay ku dhufteen jabhadda FANO, waxayna ciidamo ka soo aruuriyeen deegaanka Benshagul ee dhaca waqooyiga galbeed ee Itoobiya,
Isku daygaas oo u muuqanaya mid aan xilliga waaciqi aheyn, maadaama gobolka intiisa badan horey looga soo saaray maamulka Abiy.

 

Share this Article

Madaxweyne Xasan oo ka hadlay halista damaca gurracan ee Ethiopia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka qeyb-galay Madasha Diblumaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga ayaa ka hadlay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay xasilloonida marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas.

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in xadgudubka Xukuumadda Itoobiya ay ku sameynayso midnimada iyo madaxbannanida Soomaaliya ay wiiqayso dadaallada caalamiga ah ee xasilinta marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas, waxa uuna beeniyey dhammaan qodobbada mala-awaalka ah ee ay ku marmarsiyoonaysay Xukuumadda Itoobiya, kuwaas oo ay ku doonayaan in ay ku xalaashadaan Baddeena.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee daris-wanaagga iyo iskaashiga ku saleysan is-ixtiraamka iyo dheef-wadaagga, waxa uuna sheegay in xasilloonida dalalka dhaca Badda Cas ay aas-aas u tahay nabadda iyo ganacsiga caalamiga ah, sidaas awgeed dowladda Soomaaliya ay mudnaan siinayso iskaashiga iyo xasillooni gobolka.

Madaxweynaha ayaa xusay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, isgoo sheegay in xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada ay barbar socdaan qorsheyaal lagu adkeynayo dowladnimada, laguna xoojinayo iskaashiga iyo doorka Soomaaliya ee Gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin; ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, qaadista cunaqabateynta hubka iyo dhammeystirka deyn cafinta.

MAXAAD KA TAQAAN HAB-DHAQANKII RASUULKA (N.N.K.H)

Nabi Maxamad naxariis iyo nabad galiyo tushiisa ha ahaatee, waxaa uu ahaa mid habdhaqankiisu aad u wanaagsanaa, waxaa uu lahaa sifa kasta oo wanaagsan, Alle ayaa ku tilmaamay kitaabkiisa in nabi Maxamad uu aqlaaq wanaagsan lahaa.

Sifooyinkiisa mucjisaadka ah waxaa kamid ahaa,

-Inuu furfurnaa: nabigeena suuban ma ahayn mid qalbi adag oo dadka aan u damqan laakiin waxaa uu ahaa mid qalbi jilicsan oo dadka u naxariista, nabigeena NNKH dadka danyarta ah iskama waynay siin jirin, iskabadaaye markii la soo diray dadkii diinta qaatay ee ugu horeeyay waxaa ugu badnaa dadka danyarta ah iyo kuwa qabaa’ilka yaryar ka soo jeeday, nabigeenna dadka siwanaagsan ayuu ula hadli jiray marka uu la hadlaayo.

-Waa uu hadal macaanaa: nabigeenna NNKH mucjisaadka Alle uu siiyay waxaa kamid ahaa inuu hadal macaanaa, taasna waxaa tusaale u ah sida uu ku kasban jiray asxaabtiisa iyo sida cadowgiisa uu ula hadlijiray, waxaa dhicijirtay qof xanaaqsan inuu u yimaado kadibna marka uu nabiga hadalkiisa maqlo dagijiray, xiligiisii waxaa u imaan jirtay dad aan islaam ahayn oo nabiga u caraysan kadibna markay hadalkiisa maqlaan diinta Islaamka ayay soo gali jireen.

Masaajidka nabiga ayaa maalin waxaa soo galay nin reer baadiye ah oo aan wali baran hab-dhaqanka diinta Islaamka, kadibna Kaadi ayaa qabatay waxaa uuna bilaabay inuu ku kaadiyo masaajika dhexdiisa kadibna waxaa ku waxaa ku soo yaacay asxaabtii nabiga, rasuulka ayaa ku yiri asxaabtiisii ka leexda, markii uu dhamastay kaadidii ayuu rasuulku amray baaldi biyo ah korka looga shubo si loo daahiriyo Meesha.

Ninkii reer baadiyaha ahaa oo ku farxay naxariista nabiga iyo hadal wanaaggiisa ayaa yiri Ilaahow aniga iyo Maxamad un janada nagali, qisadaan waxaa inooga soo baxaysa naxariista iyo hadal-wanaagga nabigeenna Maxamad NNKH.

Haddaba, anaga haddii aan muslimiinnahay waxaa na la gudboon kudayshada rasuulka iyo inaan hadal wanaagsan dadka ku la hadalno dhaqankii rasuulkana aan la nimaano.

Hab-dhaqankii wanaagsanaa ee rasuulka iyo sifaadkiisii halkaan laguma soo koobi karo, kaliya sidii uu dadka ugu naxariisan jiray haddaan maagno bug inaan ka qorno waa way ka badanaysaa.

Sidaasi darteed, aan ku dayano rasuulka, ku dayashadiisa ayay noogu jirtaa guusheena aduun iyo tan aaqiro, Allena waxaa uu lee yahay ku dayasho wanaagsan ayaa rasuulka idiin kuugu sugnaatay.

W/Q Muuse Cabdinuur Maxamuud.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

ADDUUNKU MA AHAN MEEL LAGU WAARO EE WAA MAALMO

Diinteena Islaamka waxay noo sheegatay in adduunkan aan joogayno maalmo kooban qof walbana uu ka tagayo maalin maalmaha kamid ah, sidaa daraadeedna ay laga maar maan tahay in looga faa’ideysto u tabcashada daarta aakhiro ee aan dhamaadka laheyn, daartan aduunyo ee aan maanta ku noolnahay ma ahan tii rasmiga aheyd ee waa meel aan safar ka nahay waxaana loo baahanyahay in aan lagu kadsoomin dhaldhalaalkeeda.

Aduunku waa waqti yar, waxaana loogu talagalay in ruuxa muslimka ahi ugu shaqeysto aakhiradiisa oo ah gurigiisa rasmiga ah, waa beer uu ku beerto qofka Muslimka ah si aakhiro ugu baxsado, wixii maanta adduunka aad ku beerato ayaad beri guran dooontaa,safar dheer oo aan kasoo laabasho laheyna waa la geli doonaa Alle ha inoo fududeeyo camalka wanaagsan ee aan maalinta dambe aan u baxsano waa waxa kaliya aakhirada na anfacayo waa camal wanaagsan iyo cibaado suuban waana in ruux walboo muslim ah intaa ku dadaalo.

Islaamku wax walbo wuu inoo qorsheeyey nolosheena adduun iyo midda aakhirana wuu inoo miisaamay si labadaba ugu shaqeysano si isu dheela tiran waayo labaduba shaqo bay inaga rabaan si nolosheena u noqoto mid nidaamsan Alle ka cabsi ku dheehan dagan aan cabsi iyo argagax ku jirin taana waxaa heli kara ruuxa Rabbigiisa ka baqa adduunkiisana u shaqeysta dhammaan dhinacyada noloshana sidaa bay ku hagaageysaa lama rabo inaad noqoto qof hal dhinac keliya u go’ay dhankii kalana halmaama waayo noloshu waxaa la rabaa inay ku socoto si hagaagsan oo isu dheelatiran midaas ayaa abaal marinta adduun iyo midda aakhiraba ay ka dhalanayaan.

Beerta iyo abuuritaankeeda waxay u baahan yihiin dadaal iyo adkeysi joogto ah  inaad ku qaabisho oo aadan marnaba ka daalin waayo waa mustaqbalkaadi iyo waxa aad u aayi doonto waligaa sidaa daraadeed waa in aad si dhameystiran ugu dadaashaa ka miro dhalinta guulahaaga labad daarood if iyo akhiro Alle ha ina waafajiyee wanaagooda.

Noloshaada waa inay ahaataa mid nafsad ahaan kheyrka rajeysa uuna ka buuxo dadaal iyo go’aan adeyg, arrinkaasina wuxuu ka muuqdaa waxyaalahan soo socdo:

Camiraadda arlada

Allaah Kor ahaaye Wuxuu yiri: “Wuxuu idinka abuuray dhulka oo idin

dejiyey dhexdiisa si aad u camirtaan” (Huud: 61)

Allaah wuxuu nagu beeray arladan oo na amray inaan camirno oo ku hormarinno ilbaxnimo iyo dhismo u adeegeysa aadmiga, oo aan ka hor  imaaneyn shareecada Islaamka ee sahlan, balse wuxuu ka yeelay camiraaddeeda iyo hormarinteeda waxyaalaha ay dooneyso shareecada iyo cibaadooyinka  xitaa waqtiyada lagu jiro duruufta adag iyo marka uu xaalka murugsan yahay , sidaas awgeed buu

Nabigeenna NNKH ku baraarujiyey qofka Muslimka ah in haddii qiyaamuhu dhaco isagoo gacanta ku haya abuur uu doonayo inuu beero, markaa waxaa saaran inuu ku dhaqsado beeritaankeeda, hadduu karo si ay ugu noqoto sadaqo. (Axmad 2712)

Dhex galka dadka

Islaamka wuxuu ku baaqaa in lagala qayb qaato dadka xagga dhismaha iyo sameynta ilbaxnimo iyo wax hagaajinta, iyo in la dhex galo dadka oo lala xiriiro si edeb iyo dabci san leh si kastaba ha u kala duwanaatee dhaqammadoda iyo diimahooda, wuxuuna Islaamka nagu baraarujiyey in ka dhex bixidda iyo ka fogaanshaha dadka aanay ahayn dowga dadka diinta ugu yeera  iyo kuwa wax hagaajiya, sidaas awgeed buu Rasuulkii Alle SWT ka yeelay in qofka dadka dhex gala oo ku sabra waxa ka soo gaara oo dhibaato iyo gef ah uu ka fiican yahay qofka ka gooni noqda oo ka fogaada (w.w. Ibnu Maajah 4032).

Diinta Islaamka waxay tixgelin iyo mudnaan siisa Cilmiga

Ma aha arrin kedo ku timid in kelmedda ugu horreysa ee ka mid ah

Qur’aanka ee lagu soo dejiyey Nabigeenna NNKH tahay: Iqra (Akhri),  Waxaa halkaa lagu caddeeyey inuu Islaamka dhiirrageliyo dhammaan noocyada culuunta  nafaca u leh aadmiga ilaa uu ka dhigay dariiqa uu maro qofka Muslimka ah isagoo cilmo doon ah uu yahay jid uu u hayo Jannada, sida uu Nabigeenn scw yiri: “Qofkii qaada waddo uu ku dalbayo cilmi, Allaah wuxuu ugu sahlaa waddo ka mid ah waddooyinka Jannada.” (Ibnu Xibbaan 84).

Islaamku ma yaqaan dagaal ka dhexeeya diinta iyo cilmiga sida diimaha kale, bal si ka duwan taasi si dhan, diinta waa baaqa cilmiga waana taageeraha iyo ugu yeeraha dadka barid iyo barashoba maadaama uu ugu jiro khayr aadimiga.

Sidaas awgeed buu Allaah u maamuusay qaddarka caalimka ee bara dadka khayrka oo u yeelay darajooyin sare, wuxuuna Nabigeenna NNKH sheegay in dhammaan uunanka ay u duceeyaan macallinka bara dadka khayrka. (At-Tirmidi 2685)

WD: Ibrahim Warsame

 

 

RUN BAA REER LAGU DHAQAA (WACYIGELIN)

Mar haddii la doonayo in dhidibka loo taago qoys wuxuu ka bilowdaa heshiiska ugu horreeya ee gabadha iyo wiilka.

Wuxuu heshiiskaasi ka bilowdaa damac jaceyl iyo aragti ama aqoon deris iyo waxbarasho la iksu bartay .

Sida Soomaalida wiilka ayaa bilaaba daandaansiga iyo shukaansiga waana mas’uulka doonaya xilka qoyska in uu qaado.

Ma habboona marka in been la isu sheego lana sheegto daaro iyo xoolo aan la heysan sida badanaaba ka timaada wiilasha .

Sida la og yahay haddii qalad yimaado badanaa wuxuu ka yimaadaa wiilasha waxaana mahmaah qalad ah u sameeyey odayaashii hore ee soomaalida taas oo wiilasha ay ka dhigtaan tixraar iyo daliil ay wax ku soo xero galiyaan waxayna ka mid tahay maahmaahdan waxyaabaha hadhow dhibaatada u keena ee la isku afgaran waayo.

Gabadha haddii been loo sheego oo loo sheego dahab iyo barwaaqo iyo adduun waxay kaa sugeysaa wixii aad ka ballanqaaday waxaana aad u kala fog gabdhihii beenta loo sheegi jiray iyo kuwa hadda jooga waxayna gabdhaha hore ahaayeen kuwo haddii been loo sheego oo la soo xero galiyo waxay ahaayeen kuwo ku dhiirada dhaqanka markaas ay arkaan iyo wixii hanti ah oo ay helaan waxayna meel iska dhigi jireeb hanqaltaagga iyo beenta loo sheegay.

Waxay  ahaayeen kuwo aad u xishooda kana xishooda qoyskii la keenay in ay burburiyaan waxayna ku mahmaahi jireen gabdhahaas Meesha aad ku qoydo waa lagu qallaalsadaa.

Raggii ay la soo ballantay ayey ka xishon jirtay wanaaggi iyo heshiiskii dhexmaray in ay dib uga noqoto waxayna hablahaas xoogga saari jireen in ay abuuraan wanaag iyo kalgacal xoolo lagu helo mana laheyn muran iyo afnaq qoysku isaga hor yiimaado ee waxay ahaayeen kuwo waxay qabaanba reerkooda ku dhaqda oo maradooda la huwadasi aan looga dareemin waxa ka dhex guuxaya inkastoo qalbiga ay uga taagan tahay beentii loo soo sheegay ilaa ay raas weyn ka noqoto.

Qarniyadan aan haatan ku jirto wey ka duwan yihiin xaaladdaas waxaadna moodeysaa in ay isku mar yihiin qosolka iyo  ooyinta, faraxadd iyo murugada, naceybka iyo is jaceylka waxaana taas keenaysa gabdhahan dambe aqoon ayey u leeyihiin ballantu muslimka halka ay ka taagan tahay .

Waxaa kale oo ay cabbirayaan maadaama ay aqoon leeyihiin ninka been ku bilaabay reekii iyagoo aan weli is baran in aan wax wanaag ah ka soo socon, sidaas ayey qalbiga galiyaan.

Gabdhaha laftigooda sheekada hore ee jaceylka la isla jilayo qaar baa tusa wiilasha soo jiidasho iyo dhaqan wanaag, hadal macaan oo wiilka qalbigiisa koollo ku noqda.

Wax badan ayey baraha bulshada ka daadihiyaan inta aan la is baran marka uu jaceylkaa la suuxo wiilka ayaa isagoo kabaabyeysan oo aan miyir lahyn ayaa heshiis dhab ah iyo meher la galaa iyadoo loo marayo meelihii sharciga aha aiyo qoysaska labada dhinac.

Iyadoo qarasha aad u badan u uku baxay guurkii iyo is barashadii oo weliba qarashkaa lagu bixiyey hoteelo iyo meelo kale marka dhaqanka runta ah la guda galo oo guri la tago qof waliba wuxuu la soo baxaa geeso aan midka kale ku ogeyn ka dibna geesahaas ayaa la isku hertiyaa .

Awal aqoon fiican la isuma laheyn runna la isuma sheegin labada qof waxaa loo yaabaa ka dib oo aad looga naxayaa labadii jaceylkooda lala yaabanaa ee baraha bulshada laga daawaday toddobaad ka dib waxaad maqleysaa waa is fureen reerkii.

Sidaa darteed waxaa habboon in reerka run lagu dhiso runtana lagu dhaqo ragga iyo haweenkaba run baa reer lagu dhaqaa , beeni raad ma leh.

W/Q: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre