Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay madasha diblumaasiyadda Antalya

Antalya:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Madasha Diblumaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga ayaa ka hadlay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay xasilloonida marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee daris-wanaagga iyo iskaashiga ku saleysan is-ixtiraamka iyo dheef-wadaagga, waxa uuna sheegay in xasilloonida dalalka dhaca Badda Cas ay aas-aas u tahay nabadda iyo ganacsiga caalamiga ah, sidaas awgeed dowladda Soomaaliya ay mudnaan siinayso iskaashiga iyo xasillooni gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in xadgudubka Xukuumadda Itoobiya ay ku sameynayso midnimada iyo madaxbannanida Soomaaliya ay wiiqayso dadaallada caalamiga ah ee xasilinta marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas, waxa uuna beeniyey dhammaan qodobbada mala-awaalka ah ee ay ku marmarsiyoonaysay Xukuumadda Itoobiya, kuwaas oo ay ku doonayaan in ay ku xalaashadaan Baddeena.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, isgoo sheegay in xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada ay barbar socdaan qorsheyaal lagu adkeynayo dowladnimada, laguna xoojinayo iskaashiga iyo doorka Soomaaliya ee Gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin; ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, qaadista cunaqabateynta hubka iyo dhammeystirka deyn cafinta.

  

Ciidanka Xoogga oo hawlgal ka sameeyey Deegaanka Cali Yabaal

Galgaduud:-Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Saxiibada Caalamka Ayaa howlgal Ka sameeyey Deegaanka Cali Yabaal oo hoostaga Degmada Ceeldheer iyo deegaano kale oo ka tirsan à Gobolka Galgaduud.

Ciidanka Kumaandooska Ayaa Heley Xogta in Khawaariijta ay isku aruursanayaan Deegaanadaas Howlgalka ayaana lagu laayey horjoogayaal iyo maleeshiyaad.

Deegaanada howlgalku ka dhacay ayaa ciidanku la wareegay waxaana la burburiyey saldhigyadii Khawaarijta.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo u hambalyeeyay Wasiirka Caafimaadka Qadar oo loo aqoonsaday wasiirka ugu wanaagsan dunida

asiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Xaaji Aadam ayaa yiri”waxaan u hambalyeynayaa Wasiirka Caafimaadka Dowladda Qadar H.E Dr. Hanan Mohamed Al kuwari oo ku guuleysatey Wasiirka ugu wanaagsan aduunka.

Wasiirka ayaa xusay in abaalmarintaan ay muuineyso dadaalka gaarka ah ee ay wadaan Wasiirada Caafimaadka ee ku kala sugan daafaha dunida oo ay Soomaaliya ka mid tahay,isagoo yiri “tallaabadaan waxay  kor u qaadeysaa tayada shaqo ee hay’adaha dowliga iyo hirgalinta qorshayaasha lagu horumarinayo  bulshooyinka Caalamka.

“Waxaan u aragnaa dadaallada lagu dhiirigelinayo saraakiisha kale ee Dowladdaha iyo bixiyeyaasha adeegga Caafimaadka in ay yihiin kuwo    Kobcinaya hal-abuurka iyo kor u qaadista aqoonta iyada oo la tixgelinayo xaaladaha ku saabsan arrimaha caalamiga ah ee maanta iyo burrito ayuu hadaladiisa ku soo gabagabeeyay wasiirka caadifaadka XFS Mudane Cali Xaaji Aadam.

Madaxda dhaqanka Awdal oo isku raacay in ay Itoobiya ka difaacdaan xeebahooda

Odayaasha dhaqanka  ee Gobolka Awdal,gaar ahaan kuwa dega magaalada lug-haya ayaa isku raacay in meel looga soo wada-jeesto damaca Ethiopia ee ah in ay dekad ka sameysato xeebaha deegaanadaasi.

Odayaasha dhaqanka ee gobolkaasi ayaa xusay in ay muqadas tahay difaaca iyo ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Hoggaamiyaasha dhaqanka ee gobolka Awdal waxa ay  ku baaqeen in loo diyaar garoobo difaaca badda Soomaaliya ,isla markaana laga hortago damaca xun ee Itoobiya.

Hadaladaan ka soo yeeray odoyaasha dhaqanka ayaa dabasocda kulan aad u ballaaran oo ka dhacay xeebta Lug-haya,kaas oo ay isugu tageen qeybaha bulshada sida odoyaasha dhaqanka, ganacsato ,culuma udiin,hawee,dhallinyaro  iyo waxgarad kale.

Madaxa Hay’adda Maaraynta XFS iyo Safiirka Imaaraadka Carabta oo ka wadahadlay dardargalinta arrimaha samofalka ee dadka barakacay

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la xariiray arrimaha gargaarka iyo taageerada mashaariicda adkeysiga la qaatay safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta Md. Axmed j. Al-rumeysi.

Labada masuul ayaa isla meel dhigay in ka hor curashada bisha Ramadaan gargaar degdeg ah la gaarsiiyo dadka nugul ee ay saameeyeen fatahaadihii El-nino, in la hagaajiyo biya xireennada muhiimka ah si loo yareeyo qatarta fatahaado ka dhalan kara roobka gu’ga.

Safiirku ayaa sidoo kale la wadaagay Guddoomiyaha hey’adda xogta la xariirta in ceelal laga hirgaliyo degaanno badan oo ay ka jiraan baahi biyood, isagoo intaa raaciyay in la soo gabagabeeyay wajiga 1-aad,haddana la guda-galayo wajiga labaad ee wax u qabashada dadka barakacay.

Guddoomiyaha SoDMA Md Maxamuud Macallin ayaa uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka taageerada hagar la’aaneed ee ay la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo guddoomiyay shirka wada-tashiga golaha wakiilada ee dowlad goboleedyadda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyay shirka wada-tashi guddoomiyeyaasha Golaha Wakiilada dowlad goboleedyadda,kaas oo looga hadlaayo qodobbo badan oo ay ku jiraan arrimaha dastuurka. dalka iyo guddoonka BJFS.

Shirkaasi waxaa Guddoomiyaha ku wehelinaayey Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacade.

Shirka wada-tashiga ayaa qeyb ka ah talo gelinta arrimaha dib u eegista Dastuurka oo doodiisa ay ka socoto Baarlamaanka labadiisa aqal ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ujeedka shirka oo ka socda Magaalada Muqdisho ayaa ah in guddoomiyeyaasha dowlad goboleedyadda ee ka qeyb galaya shirka wada-tashi ee wax ka bedelka dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay shacabka gobolada u gudbiyaan ama gaarsiiyaan horumarada lagu saleeyay qodobada dastuurka.

Caalamka oo cambaareeyay xasuuqa Israel ay ku heyso dadka gargaar doonka ah

Wasaaradaha arrimaha dibadda, kooxaha gargaarka iyo ururada xuquuqda ayaa cambaareeyay xasuuqa foosha xun ee Israa’iil ay ku dishay in ka badan 100 qof oo sugayay inay helaan gargaar cunto oo degdeg ah waqooyiga Gaza.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in afar carruur ah oo kale ay gaajo iyo fuuq-bax ugu dhinteen waqooyiga dhulka Falastiin.

Weerar toogasho ah oo lagu qaaday Daanta Galbeed ee Ceel ayaa waxa ku dhintay laba Israa’iiliiyiin ah, taas oo dhalisay cabsi laga qabo rabshado kale oo ka dhan ah bulshooyinka Falastiiniyiinta.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa taleefoon kula xiriiray Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo kan Masar Abdel Fattah el-Sisi, iyadoo Washington ay sheegtay in ay riixeyso xabbad joojin ku meel gaar ah oo laga sameeyo Gaza.

Ugu yaraan 30,035 qof ayaa la dilay 70,457 oo kalana waxaa  lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo lagu soo dhoweeyay DalkaTurkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga ,halkaasi oo loogu sameeyay soo dhoweyn diiran.

Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya Madasha Diblomaasiyadda Antalya ,wuxuuna mudada uu joogo halkaasi uu  kulamo muhiim la yeelan doonaa hoggaanka dalka Turkiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay uga qeybgalay meertada 6-aad ee shirka Qaramada Midoobay oo ka dhacay Magaalada Nirobi ee Dalka Kenya,,kaas oo looga hadlay isbaddalka cimilada adduunka.

XFS oo heshiis la gashay Sanduuqa Horumarinta Beeraha Caalamka

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo Wasiirka Beeraha XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay weheliyaan Wasiiro kale oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, sida Wasiirka Qorsheynta iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay Wakiilka Soomaaliya ee  Sanduuqa Horumarinta Beeraha Caalamka (IFAD).

Kulankaan ayaa waxa lagu gorfeeyay heshiis lagu maalgelinayo horumarinta beeraha Soomaaliya, kaas oo uu maalgalinayo Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha ee magaciisa loo soo gaabiyo IFAD.

Kulanka kadib Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayaa saxiixay heshiiska mashruuca maalgalinta horumarineed ee Beeraha Soomaaliya kaas oo taagri doona wax soosaarka Beeraha Dalka, oo hadii ay helaan maalgalin rasmi ah qeyb weyn ka qaadan doona sare u qaadidda dakhliga Dowladda.

Howlgal ka dhan ah Khawaarijta oo laga fuliyay gobollada Baay iyo Bakool

 Howlgal Qorshaysan oo ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed Gaar ahan Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ayaa laga Fuliyey deegaano maleshiyada Khawaarijta Ay ku dhuumaaleeysanayeen kuwaasi oo ahaa goobo lacago Baad ah Dadka Shacabka Soomaaliyed uga Qaadan jireen.

Degaanada Howlgalkaan Qursheysana laga fuliyey Waxaa ka mid ah lawi nasro Bagdaad Day -Gaab  labaatan jirow iyo Degaanka Garas Dheere ee Isku Xira Gobalada Baay iyo Bokool.

Hool-Gal kan Guuleystey waxaa Hogaaminayey Taliyaha Guutada 8-aad Qeybta 60-aad Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyed G/le Maxamed Nuur Mad- Dheere oo ay qeyb ka ahaayey Saraakisha Taliska Guutada 8-aad iyo Halgamaa ibdow Baare iyo Gudoomiyihii hore Ee Degmada Diinsoor Ee Gobalka Baay Abdi salaan Haaji Siidow .

Dhamaan Degaanadan Hool-Galkan laga Fuliyey Waxaa Hada kusugan Gesiyasha Guutada 8-aad Ee Qeybta 60-aad CXDS