Taliyaha CXD oo xarigga ka jaray Masjid laga hirgaliyey xarunta Taliska guud ee Villa Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Maanta Xariga ka Jaray Masaajidka Al Xaaji Sheikh Maxamuud  oo laga hirgaliyey Xarunta Taliska Guud ee Villa Baydhabo

Taliyaha Arurka 38-aad ee Taliska Guud G/Sare Salaad Xasan Jaamac iyo saraakiil kale ayaa goobjoog ka ahaa xarig jarka Masaajidkaan cusub, waxaana Taliyaha uu ku amaanay saraakiisha juhdiga ay galiyeen in xerada ay ka dhisaan Masjid lagu cibaadaysto.

Ma jirto meel ka wanaagsan oo dhaqaale lagu bixin lahaa dhismaha guriga ilaahay, waadna ku mahadsantihiin dhismaha masaajidkaan quruxda badan ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray howlgelinta Maxkamadda Xabsiga Muqdisho ee ku yaal KM7

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo daahfuray howlgelinta Maxkamadda Xabsiga Muqdisho ee ku yaal KM7 oo loo dhisay qaab casri ah, ayaa sheegay guulaha laga gaaray amniga iyo dhaqaalaha dalka in aan la xaqiijin lahayn haddii aan dib-u-habeynta lagu sameeyn lahayn hannaanka caddaaladda iyo garsoorka dalka.

Waxa uu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in Xukuumadda #DanQaran ay mudnaan gaar ah siisay garsoorka iyo caddaaladda, taas oo cadeynaysa in markii ugu horreysay laga dhigay caddaaladda mid kamid ah lixda tiir ee ay Xukuumaddu leedahay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa waxa uu intaas ku daray in Xukuumaddu ay xoogga saareyso sidii dalku u yeelan lahaa xabsiyo casri ah oo dabooli kara baahida xabsi ee ka jirta Soomaaliya, isaga oo ugu mahadceliyey hey’adda QM iyo deeq bixiyeyaasha ka qeyb qaatay Dhismaha Maxkamadda Xabsiga Muqdisho ee ku yaal KM7 (Ex Control Afgooye).

Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin oo soo xirtay shirka latashiga hay’adaha dowladaha xubinaha ka ah DFS

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar  ayaa maanta soo xirtay Shirka latashiga hay’adaha dowladaha xubinaha ka ah DFS iyo Maamulada kale ee soojeedinta waxkabadalka Cutubyada 1aad ilaa 4aad ee Dastuurka.

Shirkaan oo muddo saddax maalin ah ka socday Magaalada Muqdisho ayaa guddiga madaxa banaan ee dib u eegista Iyo hir gelinta dastuurka Iyo Sidoo kale guddiga la socodka dib u eegista dastuurka, waxaa soo agaasimay Guddiga Madaxabanaan ee dib u eegista Iyo hir-gelinta Dastuurka, Guddiga la socodka dib u eegista Dastuurka iyo Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Waxana ka qeybgalayey Wasiiro Xildhibaano iyo sanatero,xubnaha Guddiga Madaxa-banaan ee dib u eegista Iyo hir gelinta dastuurka Iyo Guddiga la socodka dib u eegista Dastuurka, labada aqal Wasarada Caadaladda iyo Dastuurka ,wakiilo ka socday Golayaasha wakiilada ee Dowlad Goboleedyada Dalka Iyo Sidoo kale khubaro ku xildheer arrimaha Dastuurka.

Gudoomiyayasha baarlamaanka Maamul Gobaleedyada Dalka ayaa ugu horen kahadlay shirkaan iyagoo sheegay in muhiim ay tahay in ladhameystiro Dastuurka ayna taageersanyahiin wax kabadalkiisa si loogu baxo Dastuur qabyo ah.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadalada Muumina Sheekh Cumar ayaa kahadashay gabagabada shirkaan iyadoo kadigtay in  dastuurka aan la siyaasadeeynin danshaqsiyadeedna loo fiirinin.

Ugu danbeyn waxaa shirka soo xirtay Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha shacabka Marwo sacdiyo yasiin Xaji samatar iyadoona kuboorisay dhamaan ka soo qeebgalayaasha iyo madaxda kala duwan ee ku sugnaa shirka in si cadaalad ah ay ugarab istaagaan dhameeystirka iyo waxkabadalka Dastuurka Dalka labada Guddi ee hadda gacanta ku haayana looga baahanyahay in si daah furan ay ugu shaqeyaan maadaama Shacabka soomaaliyeed ay nasugayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey shirka isbadalka Cimillada Adduun ee QM

Nairobi :- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeediyay Meertada 6aad ee Shirka Qaramada Midoobey ee Isbeddelka Cimilada Adduunka oo ka furmay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay sida isbeddelka cimiladu uu u saameeyey  Adduunka, khatarta uu ku leeyahay nolasha shucuubta iyo caqabadaha gaarka ah ee ka soo gaaray shacabka Soomaaliyeed.

“Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka saameynta ugu badan ay ka soo gaartay isbeddelku cimiladu. Dhawaan waxaan ka soo baxnay abaar na haysatay muddo 4 sano ah oo xiriir ah, hadda waxaa dalka dhan laga dareemayaa heer kulayl aan horey loo arki jirin, dhammaan arrimahan waxaa sababay isbeddelka cimilada.”

May be an image of 3 people, people studying, lighting, dais and text that says 'Estonia 1 Guatemala Guinea Guinea- Guinea-Bissau Bissau'

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalalka ka qeyb-galaya shirkan ay la yimaadaan qorsheyaal ku dhisan iskaashi horseed u noqda wax ka qabashada saamaynta isbeddelka Cimilada, isaga oo adkeeyay in dalalku ay u sinnaadaan fursadaha maalgashiga ee wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.

“In si wanaagsan loo maareeyo, loona ilaaliyo badqabka deegaanka Soomaaliya, iyadoo dowladdeena ay ka go’an tahay arrinkaas, waxay xaqiijin doontaa in kheyraadkeenna baaxadda leh oo ay ka mid yihiin baddeenna, dhulka hodonka ah iyo xoolaha aan ku tilmaamannahay ay fursad u noqdaan shaqo abuurka, tamarta cagaaran iyo kobac dhaqaale ee dalkeenn iyo guud ahaan Geeska Afrika”.

May be an image of 4 people and dais

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xusay in uu dalkeenu u nugul yahay isbeddelka Cimilada, ayaa sheegay in si wax looga qabto saameynta xooggan ee la xiriirta arrintaas ay Dowladda Soomaaliya diyaarisay shuruucda lagu ilaalinayo deegaanka iyo qorsheyaasha lagu fulin lahaa, iyadoo bartamaha sannadkan dalka laga mamnuucayo bacaha iyo balaastiigga waxyeeleeya deegaanka,  taas oo ay barbar socoto barnaamijka lagu dhireynayo Soomaaliya oo bilowday sannadkii 2022.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulan sagootin ah la qaatay danjiraha Turkiga u joogay Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan sagootin ah kula qaatay danjiraha dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga u joogay Soomaaliya, Mudane İbrahim Mete Yağli.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa safiirka ku ammaanay inta uu joogay daddaalladii diblomaasiyadeed ee uu ku bixiyey horumarinta iskaashiga ee ka dhaxeeya labada dowladood, isagoona xusay in Dowladda Turkiga kaalin weyn ka qaateen dagaalka lagu jiro kooxaha Khawaariijta ah.

Dagaal qaraar oo ka socda nawaaxiga magaalada Bahir Dar ee dalka Itoobiya

Bahir Dar :- Dagaal qaraar ayaa ka socda nawaaxiga Magaalada Bahir Dar ee dalka Itoobiya kaas oo dhexmaraya ciidanka maamulka Ra’isul wasaare Abiy Axmed iyo jabhada Fano oo taageero ka helaysa dadka deegaanka, waxana laga cabsi qabaa in wakhti dheer uu qaato.

Afhayeenka Jabhada Fano, Mareshet Tsehayu oo ku sugan gobalka Gojjam oo dhaca waqooyga dalka Itoobiya ayaa sheegay in dagaalka oo xuduntiisu tahay magaala-madaxda gobalka Amxarada ee Bahir Dar uugalay maalintiisa 4-aad.

“Maalin walba ciidanka regime-ka way dhimayaan tirada nala dirireysa haddii ay yihiin 400 waxa ay gaarsiineyaan 150 askari, waayo askarta waa la dilaya ama nolosha ayaa lagu qabanaya”, sidaa waxa yiri afhayeenka Fano.

Dhanka kale Guddiga Xuuqul Aadanaha ee Itoobiya ayaa war-bixin dheer oo faah-faahsan kana kooban 9 bog ku sheegay in 138 qof lagu dilay gobolka Gambella, halka 113 kalema la dhaawacay tan iyo bishii May 2023.

Ciidamada Itoobiya oo xasuuq u geystay toboneeyo ka soo jeeda gobolka Amxaarada

Bahir Dar:- Dad goob-joogayaal ah ayaa ka waramay xasuuq ay ciidmada Itoobiya ka geysteen magaalada Merawi oo 30 km dhanka Koonfur uga beegan magaala madaxda gobolka Amxaarada ee Bahir Dar.

“Waxay ahayd wixii ugu xumaa ee aan abid la kulmo nolosheyda,” ayuu yiri mid ka mid ah goobjoogayaasha xasuuqa, isaga oo intaasi ku daray: “Waxa kaliya ee aad ku qiyaasi karto falalka naxariis darrada ah ee nuucaan ah, waa filimada naxdinta leh oo kale.”

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay rag isagu jira waayeelo iyo dhallinyaro ay kala soo baxeen guryaha iyo maqaayadaha, iyagoo garaacaya, kadibna ay ku toogteen waddooyinka 29-kii bishii January ee lasoo dhaafay.

Dadka ay ciidamada Itoobiya si bareer ah u toogteen ayaa lagu qiyaasay inta u dhaxeysa 50 ilaa 100 rag ah. “Waxaan tiriyey ugu yaraan 50 mayd oo lagu dilay hal meel, oo uu ku jiro walaalkay,” ayuu yiri goobjooge.

Jabhaddda Amxaarada ee loo yaqaano Fano ayaa tan iyo bishii April ee la soo dhaafay la dagaalamaysay ciidamada Itoobiya, kadib markii ay xukuumadda dalkaas si xun ula dhaqantay dadka deegaankooda kasoo jeeda.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa bishii August ee 2023 ku dhawaaqay bandow si loo caburiyo dadka, lana qaboojiyo kacdoonka looga soo horjeedo Dowladda Dhexe ee ka billaawday Gobolka Amxaarada.

“Dilalka aan loo meel dayin ee loo geysto dadka rayidka ah ayaa sii hurinaya naceybka loo qabo Dowladda. Isla xisaabtan la’aanta ka jirta Itoobiya ayaa sii  dhiirigelineysa dembiilayaasha,” ayay tiri Hay’adda Amnesty International.

In kasta oo ay adag tahay in si buuxda loo helo faahfaahinta xasuuqa ka dhacay Merawi ka dib markii uu Abiy Axmed ka jaray isgaarsiinta, hadana waxaa soo baxaya macluumaad iyo caddeymo anfariir geliyay dunida iyo Hay’adaha ka shaqeeya xuquuqda aadanha.

Hay’adda Amnesty International iyo wadamada reer galbeedka ayaa ku baaqaya in baaritaano lagu sameeyo xasuuqa ka dhacay Merawi, si loo maxkamadeeyo mas’uuliyiintii ka dambeysay xasuuqa sidoo kalena ay caddaalad u helaan qoysaskii dadkooda la laayay.

Xildhibaan Fowsiyo oo si rasmi ah ugu dhawaaqday inay u sharaxan tahay xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika

Xildhibaan Fowsiyo Xaaji Aadan oo ka mid ah Golaha Shacabka BJFS ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay tahay murashax u taagan xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, oo doorashadiisa la qaban doono 25-ka Febraayo ee sanadka soo soocda.

Marwo Fowsiyo ayaa ku nuux-nuuxsatay muhiimadda uu Soomaaliya u leeyahay xilkan, iyadoo xustay in qofka xilkan qabta uu faa’iido u horseedi karo dalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Waxay intaas ku dartay: “Soomaaliya waxay isku dayday inay jagadan hesho 1970-meeyadii, laakiin kuma aysan guuleysan, weligeedna ma qaban, balse markaan waxaa guddoonka leh bariga, waxaana ka sharaxan annaga iyo Kenya.”

Xildhibaan Foosiya ayaa hadalkeeda ku soo gebegabeysay in Soomaaliya fursad aad u sarreysa ay u leedahay hanashada xilkan haddii lagu bixiyo dadaal ku filan.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo daahfuray Ardaaga Casriyeynta Dowladnimada Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta daahfuray Ardaaga Casriyeynta Dowladnimada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in loo baahan yahay jid ka duwan kii hore in aan qaadno si loo xaqiijiyo dowladnimo casri ah oo ka taabagasha dalkeenna.

Wuxuu hoosta ka xarriiqay in hannaanka casriyeynta dowladnimada Soomaaliya uu yahay mid wax weyn ku soo kordhinaya hannaanka shaqo iyo maamul ee dalka, isaga oo tilmaamay si hadafkaas looga miro-dhaliyo loo baahan yahay in shaqooyinka iyo heerarka kala duwan ee dowladda lagu saleeyo aqoon, karti iyo tartan daah-furan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in xafiiska Ardaaga Casriyaynta Dowladnimada noqdo madal lagu karkariyo aragtiyaha, loogana doodo afkaaro horumarinaya hannaanka dowladnimo ee casriga ah, isaga oo kula dardaarmay khubarada ka shaqeynaysa ardaaga aqoontii ay soo barteen u gudbiyaan hey’adaha kale ee dowladda.

 

  

Shirweynaha Maamulada, Gobollada iyo Degmooyinka Hirshabeelle oo lagu soo gebegabeeyay magaalada Jowhar

Jowhar:- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa soo xiray Shirweynaha Maamulada, Gobollada iyo Degmooyinka ee ka socday magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle, ku xigeenkiisa Mudane Yusuf Ahmed Hagar (Dabageed), wasiiro iyo siyaasiyiin kala duwan ayaa ka qeyb galay munaasabadda lagu soo gebagebeeyay shirka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa yiri: “Gulufka ka dhanka ah Khawaarijta waa sii socon doona inta laga saarayo guud ahaan Hirshabeelle”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in wejiga xiga uu ku wajahan yahay galbeedka maamulkaasi.

Shirweynaha Maamulada, Gobollada iyo Degmooyinka ee 4tii maalin ee la soo dhaafay ka socday magaalada Jowhar ayaa diirada lagu saaray daadejinta hanaanka dowladnimo.