Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Maraykanka

Washington: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS ayaa kulan casho ah la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Maraykanka gaar ahaan caasimadda Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Ra’iisul Wasaare Saalax ayaa jaaliyadda uga warbixiyay xaaladda dalka iyo guulaha wax ku oolka ah ee la gaadhay, isagoo usoo jeediyay qurbajoogga dalkan ku dhaqan inay dalka usoo laabtaan oo ka qeyb qaataan horumarrada socda.

  

 

Guddoomiye Madaale oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Cabdalla Bin Saalim Al-Naciimi oo kulan wada qaatay ayaa ka wada hadlay arrima dhowr ah oo ay ka mid yihiin dargalinta heshiisyadii horey u dhacay oo ay ugu horeyso mataaneenta Muqdisho iyo Doxa.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale Danjiraha Dowladda Qatar kala hadlay dib u cusbooneysiinta mashaariicda lagu hor-marinaayo dib-u-dhiska Caasimadda, Asigoona kaga mahadceliyay Boqortooyada Qatar kaalinta hagar la’aanta ah oo ay marwalba la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho, Khamiis, 29 February, 2024 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa guddoomiyay shirka Golaha Amniga Qaranka oo looga hadley dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab iyo sugidda amniga dalka.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nairobi kaga qeybgelaya Shirweynaha 6aad ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Degaanka.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga ee Dowladda Britain James Stephen Heappey.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee Kenya u fadhin doona Soomaaliya Cyprian Kubai Iringo.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga illaalinta iyo maareynta deegaanka oo ay horray u ansixiyeen labada aqalka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

6- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa daahfuray Madasha Mabaadii’da Nabadda ee Soomaaliya.

7- Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku guda jira ka doodista cutubka 2aad ee Dastuurka Ku Meel Gaarka ee Soomaaliya.

8- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir muhiim ah oo looga hadlayey qorshaha qaran ee hortagga dhibaatooyinka ay dalkeenna ku sababeen Isbeddelka Cimillada Adduunka.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah la qaatay Dowladda Turkiga Ibrahim M. Yagli oo xiligiisii uu dhammaadey.

10- Banaanbax lagu taageerayo heshiiska taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga oo ka dhacay garoonka ciyaaraha Eng Yariisoow ee magaalada Muqdisho.

11- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daud Aweis Jama ayaa waddamaxa xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Waddamada Islaamka ka codsadey inay ku garab istaagaan Soomaaliya mowqifka ay uga soo horjeeddo xadgudubka Ethiopia ay ku soo faragelisay qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xasan Macallim Maxamuud iyo Wasiirka Cadaaladda Qatar,

1- Mudane Ibraahiim Bin Cali Almuhannadi ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga arimaha sharciga ee labada dal.

2- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa sheegtay in hawlaha maareynta hawada Soomaaliya ay si buuxda bedqab ugu shaqeynayaan, isla markaana aanay jirin wax dhibaato ah oo ka taagan.

3- Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ka qeybgaley shir ay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ku soo bandhigtay warbixin ka xiriirta saameyntii ka dhalay roobabka iyo fatahaadihii Elnno ee degaanada HirShabeelle.

4- Wasiirka Waxbarashada Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ka qeybgaley munaasabad lagu xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo.

5- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwad loo heysto eedeysane Sayid Cali Macalim Daa’uud oo ku eedeysanaa in uu gubay xaaskiisa oo u dhimatay dhaawacii soo gaaray.

6- Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa soo gaba-gabeysay dacwad rafcaan ah oo eedeysanayaal ay ka yihiin saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Dowladda Soomaaliya taas oo soo socotay tan iyo bishii November 2023.

7- Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan jirin amni xumo iyo halis badqab oo ka jira hawada Soomaaliya.

8- Magaalada Muqdisho oo lagu daahfuray Hay’adda Dhowrista Xogta oo muhiim u ah keydinta xogta gaarka ah ee shacabka.

9- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Sulub Ahmed Firin ayaa Mudane Qaasim Axmed Rooble u magacaabey inuu noqdo Afhayeenka cusub ee Ciidanka Booliska.

10- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Dr. Mamoon Al Alawi oo ah Xoghayaha Guddiga la Dagaalanka Ayaxa ee Mandiqadda Dhexe ee Hay’adda FAO.

11- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabada sanad-guurada 54aad ee Aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

12- Ciidanka Xoogga Dalka iyo shacabka degmada Xarardheere ayaa dilay 10 xubnood ka tirsan Khawaarijta Al Shabab kadib hawlgal milateri oo ay ka fuliyeen degaanka Baraag- Cali Gaduud.

13- Ciidammada Xoogga Dalka saaxiibada caalamka ayaa dilay 30 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabaab, kadib hawlgal ka dhacay degaanka Jilib-Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

14- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la qaatay Madaxa USAID Soomaaliya Sheri-Nouane Duncan-Jones.

15- Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka qeybgalaya dhoolatus milateri oo calami ah oo ka socda Kenya.

16- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Ahmed Said Mohamed, ayaa magaalada London kulan kulan kula qaatey saraakiil tirsan Dowladda Britain.

17- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Maxamuud Macalin iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka HirShabeelle ayaa booqday biya xireenka Sabuun ee duleedka magaalada Jowhar.

 

==============DHAMMAAD==============

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Nairobi: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Kenya dhiggiisa dalkaas Mudane William Ruto.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, adkeynta xiriirka diblomaasiyadda, shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heer qaaradeed.
  

Koox hubaysan kuna eedeysan dambiyo culus oo lagu qabtay deegaanka Garasbaaley

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee ka hawlgala Saldhigga Boliiska deegaanka Garasbaaley ayaa maqribnimadii caawa gacanta ku soo dhigay shabakad ka kooban 4-dhalinyaro ah, kuwaas oo dilay Marxuum Xasan Cabdulqaadir Ibraahim oo ka tirsanaa ciidanka XDS.

Dilka kadib ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo sameeyay kadabatag ayaa gacanta ku soo dhigay shabakad oo watay mooto iyo laba Bastooladood oo ay dilka ku geesteen.

Eedeysanayaasha ayaa la horgeyndoonaa maxkamadda awoodda u leh inay kiiskooda dacwadooda dhegeysato.

 

Wasiirka warfaafinta oo qaabilay madaxa hay’adda iskaashiga caalamiga ee Turkiga ( TIKA)

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ee Turkiga ( TIKA), xafiiska Soomaaliya Zafer Eşki.

Wasiirka iyo Madaxa hay’adda ayaa la wadahadley iskaashiga labada dal ee dhinaca horumarinta warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska.

Dhinacyada ay TIKA iska kaashanayaan Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa ka mid ah barnaamijka casriyeynta keydka cajaladaha , horumarinta qalabka televishanka , raadiyaha Iyo Wakaaladda Wararka ee SONNA.

Wasiir Daud Aweis ayaa uga mahadceliyay Hay’adda TIKA hawlaha samafalka ee ay Somalia ka wadeen dhowrkii sanno ee la soo dhaafey, isagoo xusay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ay abaal weyn u hayaan Turkiga iyo shacabkeeda.

Madaxa TIKA ee Soomaaliya Mr. Eşki ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay inay sii labanlaabayaan Iskaashiga iyo wadashaqeynta ay la leeyihiin Soomaaliya.    

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Nairobi uga qayb galaya shirweynaha isbaddalka cimillada

Nairobi:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Nairobi halkaas oo uu kala qeyb-galayo Madaxda Caalamka Meertada 6-aad ee Qaramada Midoobeey ee Isbeddelka Cimilada oo lagaga arrinsanayo dhibaatada xooggan ee caalamka ka soo food saartay dhanka cimilada, taas oo si gaar ah saameyn xooggan ugu yeelatay nolasha shucuubta dalalka soo koraya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinaya shirkan caalamiga ah ayaa soo bandhigaya saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka xooggan ee cimilada, isagoo muujin doona dadaalka ay dowladdu ku wajahayso abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqday.

Dadka Soomaaliyeed oo ku howllan in ay iska u dulqaadaan argagixisada caqabadda ku ah noloshooda ayaa haddana waxay u nugul yihiin abaaraha, fatahaada iyo roobabka duufaanta wata, taas oo xoojinaysa in ay ka qeyb qaataan dadaal kasta oo xal loogu raadinayo dhibaatada isbeddelka cimilada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nayroobi waxa uu kulammo la qaadan doonaa qaar ka mid ah madaxda iyo masuuliyiinta ka soo qeyb-galaya shirkan, si uu xoojiyo doorka dalkeennu uu ku leeyahay qorshaha caalamiga ah ee ka hortagga isbeddelka cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heer qaaradeed.

Israel oo duqeymo cusub ku dishay 40 ruux oo ku sugnaa bartamaha Gaza

Duqeymo ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen guryo la deggan yahay oo ku yaalla bartamaha Gaza ayaa lagu dilay ugu yaraan 40 falastiiniyiin ah,sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.

“Waxaan ugu baaqaynaa caalamka xorta ah in ay si degdeg ah u joojiyaan dagaalkaan xasuuqa ah ee ay ciidamada Israa’iil ku hayaan dadka rayidka ah”sidaasi waxaa yiri Xafiiska warbaahinta dawladda ee Gaza.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa ku warameysa in ciidamada Israel ay dib u galeen cisbitaalka la go’doomiyay ee Nasser ee Khan Younis ka dib markii ay ka baxeen muddo kooban, iyada oo ay sii xumaanayso xaaladaha xarunta caafimaadka.

Waxaa weli xayiran lacagihii deeq-bixiyeyaasha reer galbeedka ee loogu talagalay dadka Falastiin,waxaana la sheegayaa in baahida bini’aadanimo ee ka jirta Gaza ay gaartay meel aad u daran.

Ugu yaraan 29,410 falastiiniyiin ah ayaa la dilay, 69,465 kalena waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Soomaaliya oo furay munaasabadda mabaadii’da nabadda Soomaaliya

Ra’isul wasaaraha XFS mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta ku daahfuray caasimadda munaasabadda Mabaadii’da Nabadda ee Soomaaliya”, waxaa uuna ka hadlay qiimaha ay nabaddu leedahay.

“Waxaan rajayanayaa in dhowaan ay soomaaliya noqoto meel loogu yimaado Nabad gelyada, Wadahadalka, Dimuqraaddiyadda iyo horumarka”.

Mudane Xamse Barre, waxaa uu “Principles for Peace” uga mahad celiyay in ay ka howlgalaan gudaha Soomaaliya. “Waxaad dhalateen Xilli caalamka ay cabsi badan ka jirto” ayuu yiri mudane Xamse oo sheegay in ka shaqeyntooda gudaha Soomaaliya ay soo kordhin doonto.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre waxaa uu sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay hormuud u tahay Arrimaha dib u heshiisiinta, ayna muhiim tahay is waafajinta howlaha nabadda ee socda.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane, Axmed Macallim Fiqi ayaa sheegay in dadka madasha ku sugan oo meelo kala duwan ka kala yimid, dhaqammo kala duwanna leh hadana yoolkoodu uu yahay in nabad iyo xasillooni lagu dabbaalo Soomaaliya iyo meelo ka baxsan.

Mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa xusay in munaasabadda daahfurka Mabaadii’da Nabadda ee Soomaaliya ay kusoo aadayso iyada oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ay soo gabogabeysay Dib u eegista Hannaanka Dib u heshiisiinta Qaran, kaas oo la anisixiyay December sanadkii hore, dhowaanna la daahfurayo.

Nuxurka Qodobada Heshiiska Iskaashiga Difaaca ee Soomaaliya & Turkiga

Madaxweynaha Turkey Recep Dayyib Erdogan ayaa booqday Muqdisho 25 bishii Janaayo ee sanadkii 2015-kii, si uu u furo mashaariic ay Turkey ka hirgaliyeen Soomaaliya. Erdogan ayaa xariga ka jaray terminaalka cusub ee garoonka diyaaradaha aaden Cadde ee magaalada Muqdiosho. Sidoo kale Madaxweynaha Turkiye wuxuu dib u furay cisbitaalka Digfeer oo ay dayactirtay dowladda Turkey, kaasi oo logu mkagac daray Erdogan.

Amniga Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ciidamadu xireen dhammaan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada. Erdogan oo Saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Turkey ay sii wadayso mashaariicda iyo taageerada Soomaaliya, waxaa kaloo uu intaasi ku daray in  uu mashaariic badan ka hirgalin doono, sidoo kalena ay dowladdiisu Muqdisho ka dhisan doonto safaarad weyn, taasi oo laga dhisay Degmada Cabdicasiis, taasi oo noqotay safaaraddii ugu weyneyd eek u yeesho Turkiye qaar ka mid Dinuda.

Safarkaasi waxa uu ahaa kii labaad ee Erdogan uu tago Soomaaliya, isagoo markii uu Ra’iisul-wasaaraha ahaa Soomaaliya booqday sannadkii 2011-kii, wakhtigaasi oo ay Soomaaliya ka jirtay abaar iyo macluul aad u ba’an.​

Haddaba  Macluumaad ayaa laga helayaa heshiis Amni oo ay Dowlada Federaalka ayaa la gashay Dowlada Turkiga maalmo ka hor, taasoo u fasaxeysa Ciidamada Badda Turkigu in awood ay ku ilaalinayaan xeebaha Dalka, kaasi oo ay soo wada saxiixeen Golaha Wasiirada XFS, islamarkaana ay cod aqlibiyad ah u wada ansaxiyeen kulan ay yeesheen Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana uu saxiixay Madaweynaha Soomaaliya, waxaa kaloo laga war dhowrayaa in uu maalmaha soo socda uu heshiiskaasi ansixiyo Baarlamaanka Dalka Turkiye, islamrkaana uu qalinka ku duugo Madaxweynaha Dalkaasi.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu dhawaan safar ku tegi doona Dalka Turkiga, si loo xoojiyo heshiiska. Heshiiskaan ayaa socon doono muddo 10 Sano ah, iyadoo Ciidamada Turkiga lagu wareejinayaa Xeebaha Dalka todobaadyada soo socda, sidoo kale ay dib u dhisaan una Qalabeeyaan Ciidamada Badda Somalia. Ilaa hadda ma cadda in heshiiska ay ku jirto, in haddii lagu soo xadgudbo Xeebaha dalka ay u dhiman doonaan & in kale dhinaca Turkiga, taasoo haddii aan jirin aan waxba ka duwanaan doonin joogidooda waqtigan ee qeyb ka noqoshada howlgalka Amni sugida ee ay dalal badan ku joogaan biyaha Dalka.

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helay nuxurka Qodobada heshiiska Difaaca iyo dhaqaalaha ee ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kadib markii ay si degdega u ansixiyeen Golayaasha Wasiirada iyo Baarlamanka Federaalka, isla markaana uu saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Nuxurka Qodobada Heshiiskaan oo aan wax faahfaahin laga bixin, iyadoo la sugayo in Dowlada Turkigu ansixiso dhankeeda. Heshiiskaan ayaa muddo sanado ah soo jiitamaaya, iyadoo Maamulkii hore ay ka hor istaageen Dowlada Mareykanka haatanse oggolaatay, waxaana la helayaa qodoboda heshiiska oo ay Saxaafadda Turkigu qortay, islamarkaana Saxaafadda loo dusiyay.

Qodobada ugu Muhiimsan Heshiiska

1.Inuu heshiisku socon doono muddo 10 sano ah.

2.Ilo dhaqaale oo dheeri ah oo caawin kara kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.

3.Waxay fasaxday Howgallada Cirka, Dhulka iyo Badda inay si wadajir ah u wada howlgalaan Ciidamada Turkiga iyo Soomaaliya iyo mideynta shuruucda badda ee labada Dal.

4.Qeyb ka mid ah heshiiska Turkiga waxaa loo oggolaaday inuu difaaco Madax-bannaanida Dhuleed, Cirka iyo Xeebaha ee Soomaaliya ee Aagagga gaarka ah ee dhaqaalaha iyo meelaha isku-xiran iyo in lala dagaallamo Dalalka iyo kuwo hunguriyeeya, iyo sidoo kale in laga hortago dhammaan noocyada falalka sharci-darrada ah, sida Burcad-badeedda, Argagixisada, Kaluumeysiga sharci-darrada ah iyo daadinta walxaha qashinka nukliyeerka iyo shucaaca.

5.Waxa lagu heshiiyay in horumarinta Warshadaha Dhismaha maraakiibta iyo Dhismaha Dekedaha guud ahaan xeebaha Soomaaliya iyo Dhismaha xarumaha hal dal kaliya iyo qaar wadajir ah iyo sameynta Aagagga amniga Soomaaliya.

6.Taageeridda tababarrada, farsamada iyo qalabaynta ciidanka Soomaaliya.

7.Waxay caawisaa habeynta iyo iswaafajinta sharciyada badda, maareynta kalluumaysiga iyo habeynta hagitaanka.

8.Waxaa lagu heshiiyay bixinta kaalmo farsamo oo ay ku jirto tababarida iyo qalabeynta Ciidamada Badda ee Soomaaliya sida Maraakiibta Dagaalka iyo Doonyaha hubeysan ee dheeraya.

Hadal heyn badan ayay arrinta heshiiskaasi ka dhalisay Caalamka, waxayna siyaabo kala duwan u faaqidayaan oo qolobo meel u jiidatay, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri.” Heshiiska aan la galnay dowladda Turkiga waxaa uu soconayaa 10 sano waxaana la dhisayaa ciidanka badda Soomaaliya”. Madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambayn sheegay in heshiiskan uu sidoo kale muhiim u yahay kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka baluugga ah, waxa uuna hadalkaani jeediyay kadib markii uu saxiixay heshiiskaasi.

Dhinaca kale Dowladda Turkiye ayaa soo dhaweysay heshiiskaasi dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiye, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay horgeeyaan heshiiskaasi Baarlamaanka Dalkaasi, si uu ansixyo, maadamaa uu horeyba u soo ansaxiyeen Labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, kadibna uu saxiixay Madaxweynaha Ummadda Soomaaliyeed.

Wargeysyo badan oo ka hadla arrimaha Shidaalka ayaa sheegaya in dowlad Carbeed ay ku soo biireysa dowladaha shidaalka dhoofiya dhammaadka sanadkan 2024-ka, taasi oo heysata keyd shidaal oo aad u fara badan, iyagoo ula jeeda Dowladda Soomaaliya, waxayna Wargeysadu badi  soo xiganayaan Wasiirka Tamarta iyo Batroolka Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo shirkadaha shidaalka ee dasneeya arrimaha soo saarista shidaalka, waxayna Wargeysyaduku tilmaameen in Soomaaliya ay hadda gacan ammaan ah ay gashay oo ay ku soo saran karto shidaalkeeda ceegaag gudaha Dhulka iyo Badda Soomaaliya.