Wasiiru-dowlaha Isgaarsiinta XFS oo ka qeybgalay shirweynaha Taleefannada gacanta

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan, Axmed Cismaan Diiriye ayaa ka qeybgalay Shirweynaha Caalamiga ah ee taleefannada gacanta (Mobile World Congress) oo soo agaasimay Ururka Isgaarsiinta Moobeellada Adduunka ee GSMA, waxaana lagu qabtay  magaalada Barcelona ee dalka Spain.

Intii uu socday Shirweynaha, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa kulamo doceedyo layeeshay qaar ka mid ah Madaxda Hey’adaha Caalamiga ah iyo hogaamiyeyaasha shirkadaha waawayn ee Tiknolojiyada ku hawlan, waxa uuna la wadaagay Dadaalada ay Dowladda Soomaaliya wado ee ku aadan horumarinta kaabayaasha  dhijitaalka, Amniga Internetka iyo hormarinta xirfadaha digitalka .

Wasiiru-dowlaha ayaa la kulmay Madaxda World Bank oo kala ahaa Mr. Guang Chen, Madaxweyne Ku Xigeenka Kaabayaasha iyo Isabel Neto, Madaxa Dhijitalka, waxaanay ka wada hadleen tageerada Bangiga Aduunku uu siiyo wadamada Bariga Afrika ee dhanka hormarinta Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada. Wasiiru-dowlaha ayaa ugu mahadceliyey taageerada iyo dadaalka ay ku bixinayaan Casriyeenta Isgaaraiinta iyo Dhijitaalka Dalkeena.

Shirweynahan waa Madal sanadle ah oo ay isugu yimaadaan khubarada isgaarsiinta iyo teknolojiyada, waxaana diiradda lagu saaraa mustaqbalka isgaarsiinta dunida oo xiliigaan isbadalo waaweyn sameeneyso.

Dowladda oo dhul ku wareejiyay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa dhul ku wareejisay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, halkaas oo lagu ballaarin doono xafiisyada cusub ee Safaaradda.

Wasiirka Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Fardowsa Cusman Cigaal oo dhulkaasi ku wareejisay sii hayaha safaaradda Shiinaha Chen Wendi ayaa sheegtay in tallaabadani ay xoojineyso xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in safaaradda cusub ay horumarin doonto adeegyada ay u hayso shacabka, sida habaynta fiisaha iyo fududaynta ganacsiga.

Sii hayaha Safaaradda Shiinaha, Chen Wendi, ayaa sheegay in dhulkan cusub uu ka caawin doono safaaradda in ay sii ballaariso howlaheeda shaqo iyo in ay si wanaagsan uga shaqeyso danaha labada dal.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo shir muhiim ah kaga qayb galay Washington DC

Washington DC- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka kaga qayb galay Madasha Xaaladaha Nuglaanta ee 2024-ka, taas oo uu soo qaban-qaabiyay Bangiga Adduunka.

Shirkan ayaa lagu falanqeynayaa caqabadaha nuglaanta, xaaladaha ay ismaandhaafyada iyo colaaduhu keenaan iyo sida ugu habboon ee looga bixi karo.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Saalax Axmed Jaamac ayaa Madasha la wadaagay waayo-aragnimada Soomaaliya ee ku aaddan sida dalalku uga gudbi karaan heerka nuglaanta una gaadhi karaan adkeysi iyo horumar waara.

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagaga hadlay dardargalinta hawlgallada ciribtirka khawaarijta, dhammeystirka bixitaanka ATMIS, iyo diyaar garowga qorshaha howlgalka kooban ee lagu xaqiijinayo amniga marka dalka ay ka baxaan ciidanka ATMIS .

Madaxweynaha oo dhageystay warbixin ku saabsan qorshaha horumarinta amniga dalka, ayaa ku adkeeyay hay’aduha amniga in ay ka dhabeeyaan hirgelinta Habraaca Xakameynta Hubka iyo Rasaasta ee lagu maamulayo dalka, kaddib qaadistii cunaqabateynta hubka, waxa uuna tilmaamay in guusha laga soo hoyey qaadista cunaqabataynta hubka ay aas-aas u ahayd hirgelinta qorshaha ilaalinta saanadda iyo hubka Ciidamada Qalabka Sida.

Shirka maamulada degmooyinka iyo gobolada Hirshabeelle oo looga hadlay adeegga bulshada

Jowhar: Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo shir-guddoomiyay shirweynaha maamullada, goballada iyo degmooyinka Dowladda Hirshabeelle iyo isku-xirka dadaalada xasilinta.

Shirka oo galay maalintii 3-aad ayaa lagu gorfeeyay amniga iyo cadaallada iyo sida wax ka beddel xooggan loogu sameeyay qeybahaasi.

“Waa inaan degmo walba ka hirgelinaa ciidamo xoog badan oo ilaaliyo heybada Dowladnimada” ayuu yiri mudane Dabageed.

Ugu dambeyn madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle ayaa shacabka ku nool deeganada Hirshabeelle waxa uu ugu baaqay inay la shaqeeyaan maamulka si loo gaaro Dowladnimo loo dhan yahay.

Wasiirka caafimaadka oo shir muhiima uga qayb galay Dooxa Qatar

Dooxa: Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa Dalka Qadar ee magaalada Dooxa uga qeybgalay shirka Golaha Bariga dhexe ee Tayada iyo badqabka Daryeelka Caafimaadka (Middle East Forum on Quality and safety in Health care).

Shirkani ayaa ahmiyad gaar ah siinayey sidii loo horumarin lahaa Tayada iyo badqabka daryeelka Caafimaadka si kor loogu qaado daryeelka bulshooyinka dalalka qeybta ah ah madashan baaxadda leh, inta uu shirkan socday ayaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Aden waxaa uu kulan doceedyo kala duwan la yeeshey Wasiirada dhiggiisa ah ee dalalka aan saaxiibada nahay.

Si gaar ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa u kulan mira dhal ah la yeeshay dhiggiisa Dalka aynu walaalaha nahay ee Qadar Dr. Hanan Mohammed Al-kuwari, labada Dowladood ayaa dib u eegis ku sameeyey heshiiska horumarinta iyo dib u dhiska Caafimaadka dalkeena Soomaaliya oo baahi weyn u qaba ballaarin iyo horumarin dhanka tayada Caafimaadka ah.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.

Hay’adaha SoDMA iyo HIKMA Charity oo iska kaashanaya arrimo la xiriira ka wada shaqaynta gargaarka

Madaxa mashaariicda hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka Dr; Ismaaciil Jimcaale oo uu wehliyo u qaybsanaha arrimaha Carabta ee SoDMA, Cabdirahman Waxiid ayaa kulan ku saabsan ka wada shaqaynta arrimaha gargaarka la qaatay Agaasimaha hay’adda maxalliga ah ee HIKMA Charity Association, Maxamuud Sheekh Cabdirahman iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxda hay’adahan ayaa waxay ka wada hadleen sidii looga wada shaqayn lahaa arrimaha gargaarka, horumarinta iyo Iskaashi dhexmara labada dhinac.

Wasiir Fiqi oo la kulmay madaxda hay’adda nabadda iyo xalinta khilaafaadka

Kulan isbarasho iyo is xog wareysi ah ayaa maanta waxaa uu dhex maray Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallim Fiqi iyo xubno sare oo ka socday hay’adda PRINCIPLES FOR PEACE (P4P) FOUNDATION oo ka shaqeysa howlaha nabad-dhiska iyo ka hortagga ismaandhaafka.

Xubnaha Wasiirka la kulmay waxaa ka mid ahaa marwo; Hibo Qasaas oo ah Agaasimaha fulinta ee hey’adda iyo marwo: Khadiijo Cali Cosoble oo ka tirsan maamulka sare ee hey’adda, wuxuuna mudane Fiqi aad usoo dhoweeyay in ay ka howl billaabaan Soomaaliya.

Hay,addaan ayaa maalinta berri ah lagu wadaa in ay ku daahfurto caasimadda Muqdisho barnaamijkeeda ku aaddan mabaadi’da nabadda iyo xalinta khilaafaadka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta Xafiiskiisa Villa Hargeysa ku qaabilay danjiraha Dawladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Amb. Dr. Abdalla bin Salim Al Nuceymi.

Kulanka Guddoomiye Sheekh Aadan iyo danjiraha ayaa looga hadlay xiriirka labada baarlamaan iyo wadashaqeyntooda.

Sidoo kale waxaa looga hadlay sidii dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar ay kaalin uga qaadan laheyd aqoon kororsiga Xildhibaanada iyo howl-wadeennada Golaha Shacabka, waxaana uu Guddoomiyuhu xusay in Dowladda iyo shacabka Qatar ay kaalin weyn ka soo qaateen dib u dhiska dalka.

 

Shirkii Guddiga Sare ee Machadka tababarka Garsoorka Soomaaliya oo lasoo gabagabeeyay

Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Shirkii Guddiga Sare ee Machadka tababarka Garsoorka Soomaaliya oo maalmahan ka socday Caasimadda.

Shirkan oo ay goobjoog ahaayeen mas’uuliyiinta garsoorka maamul goboleedyada Jubbaland, Hirshabeelle, Koofur galbeed iyo Galmudug ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeedkan.