Madaxweynaha JFS oo ka qeyb-gali doona shirweynaha 6-aad ee ururka QM u qaabilsan arrimaha deegaanka

Nairobi- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya uga qeyb-gali doono Meertada rasmiga ah shirweynaha 6-aad ee ururka Qaramada Midoobay u qaabbilsan Arrimaha deegaanka.

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddalka cimilada JFS Khadija Mohamed Al-makhzoumi iyo safiirka safaaradda soomaaliya ee dalka kenya danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa shalay ka qeyb galay Furitaanta Meertada rasmiga ah shirweynaha 6-aad ee ururka qaramada midoobay u qaabilsan Arrimaha deegaanka.

Wafdiga ay hogaamineyso Wasiir Khadija Mohamed Almakhzoumi ee shalay ka qeyb-galay furitaanka Meertadaas ayaa hordhac u ah wafdiga Madaxweynaha JFS Hassan Sheikh Mohamud oo dhawaan la filaayo iney ka qeyb-galaan shirkaas.

Shirkan oo socon doono ilaa 1 much ee 2024 ayaa diiradda lagu saaray sida ay dalalka caalamka uga wada shaqeyn lahaayeen sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada deegaanka oo ugu horeyso wasaqowga hawada, isticmaalka bacaha, xaalufinta deeganka iyo isbeddelka cimilada.

Maxkamadda gobolka Banaadir oo soo gabagabeysay dhageysiga dacwad loo heysto eedeysane Sayid Cali

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwad loo heysto eedeysane Sayid Cali Macalim Daa’uud oo ku eedeysanaa In uu gubay Xaaskiisa Alle ha u naxariiste Luul oo u dhimatay dhaawacii kasoo gaaray.

Marqaatiyaal uu keenay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa la horkeenay Maxkamadda kuwaasi oo ka jawaabay waxii ay goob joogga u ahaayeen ama maqleen.

Maxkamadda ayaa dhageystay oo Su’aalo waydiisay Sayid Cali Macalim Daauud waxaa uu sheegay in xaaskiisa sababta uu u gubay in ay tahay asaga oo ka maseeray isla markaana murankii ka dhashay uu keenay dabka in uu qabad siiyo guriga balse waxaa uu ku dooday ujeedkiisu in uusan aheyn in uu dilo xaaskiisa, asaga oo ka jawaabaya mid ka mid aj su’aalaha ayaa yiri ” Xaaskeyga waan jeclahay, waxaan na dhexmaray muran, waxaa ay igu tiri nin kale ayaan guursanaya ee iska keey fur anna waan xanaaqay nafto ayaan soo gatay, waana ku gubay qol alaabta taalay ayada ayaana gashay dabka lakiin jn aan badbaadiyo ayaan isku dayay.”

Xeer Ilaaliye ku xigeen Yaxye Maxamuud Saciid oo soo gaba-gabeeyay doorka Xafiiska ee dacwad oogista ayaa ka codsaday Maxkamadda in lagu xukumo dil toogasho ah oo ah qisaasta Luul Cabdicasiis.” Waxaan Maxkamadda ka codsanayaa in dil toogasho ah ku xukunto, kaasoo ah qisaasta Luul Cabdicasiis”

Abuukaate Xalane oo ah qareenka difaacayay ayaase qaba in uusan dambiile aheyn Eedeysane Sayid Cali isla markaana uusan galin dambiga loo maxkamadeynayo.”Madaama aysan jirin cid si dhab ah u cadeyn karta, Luul ayada ayaa isgubtay,waxaana codsanayaa in Eedda xafiiska Xeer Ilaaliyaha la burburiyo.”

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud Sabaan ayaa sheegay in in dacwadda uusoo gaba-gabeeyay xukunkana ay dhawaan soo saari doonto.” Maanta waxaan soo xernay gal dacwadeedka sumadiisa tahay, 147/2024 waxaana dhawaan soo saari doona xukunka go’aanka Maxkamadda.”

Maxkamadda waxaa soo xaadiray boqolaal qof oo daneynayay sida dacwadda u socotay, ehaladda Luul ayada oo warbaahinta toos looga daawanayay.

Xildhibaannada labada Aqal ee BFS oo maanta dood labaad ka yeeshay Cutubka 2-aad ee Dastuurka KMG

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee  Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta shir guddoomisay kulanka 18aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa goobjoog ahaayeen Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim iyo ku xigeennada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ajandaha kulanka maanta oo ahaa sii wadidda ka doodista soo jeedinnada wax ka beddelka Dastuurka KMG ah Cutubka labaad Qod. 10-aad illaa iyo 20-aad ayay Sanatarrada iyo Xildhibaannadu maanta dooddooda si gaara diiradda ugu saarnayd xorriyadda diinta, caqiiddada, sinnaanta, xuquuqda asaasiga ah iyo qodobo kale oo ay ka mid ahaayeen xorriyadda nabadgelinta qofnimada isla markaaba waxay si gaar ah xildhibaannada iyo Sanatarrada uga doodeen gudniinka gabdhaha iwm.

Doodda cutubka labaad oo gashay maalinkii labaad ayaa waxaa aragtidooda ka dhiibtay ku dhowaad sideetan Xildhibaan oo dhammaantood si yaabo kala duwan uga hadlay qodobada cutubka labaad ee dastuurka KMG ah ee loo soo bandhigay, waxaana ka doodista cutubka labaad Qod. 10-aad ilaa iyo 20-aad qorshaha shintirka ee ku cad habraaca doodaha Dastuurka KMG ah uu yahay in la la soo geba gebeeyo kulanka soo socda ee kualnkan ku xiga.

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka oo la kulmay madaxda hay’adda USAID

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiin ka socday Hay’adda Kaalmada iyo Hormarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) oo ay hoggaaminaysay madaxa hay’adda ee Soomaaliya Sheri-Nouane Duncan-Jones.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay howsha ka hortagga leexsashada gargaarka, arrimaha u adkaysiga aafooyinka, Xasilinta deegannada la xoreyay iyo arrimaha la xariira abaaraha soo noqnoqday.

Guddomiyaha Hay’adda SoDMA, ayaa aad uga mahadceliyay Hay’adda USAID hawlaha gargaar iyo horumarineed ay ka waddo dalka, isagoo ballanqaaday dhankiisa in la sii xoojin doono ka mira dhalinta qodobbadii laga wada hadlay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan saagootin ah la qaatay Safiirka sii baxaya ee dowladda Türkiye u joogay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan saagootin ah la qaatay Safiirka sii baxaya ee Dowladda Türkiye u joogay Soomaaliya, Mudane Ibrahim M. Yagli.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Danjiraha muddadii uu ka howlgalayay Soomaaliya kaalintii uu ka qaatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Türkiye.

Safiirka sii baxaya ee Türkiye, Mudane Ibrahim M. Yagli, oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay sidii wanaagsaneyd ee ay dowladda Soomaaliyeed iyo shacabka ugu garab istaageen gudashada waajibaadkiisa.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in Dowladda Türkiye ay tahay saaxiib dhab ah oo is-garab taagay Soomaaliya xilliyo adag oo ay soo martay iyo hadda oo lagu soo xadgudbay Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

  

Howlgal lagu khaarajiyay 10 dhagarqabe laguna furtay saanad ciidan oo laga fuliyay deegaan hoosta Xarardheere

Ciidanka Xoogga Dalka iyo deegaanka degmada Xarardheere ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Baraag- Cali Gaduud ku khaarajiyay 10 dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

G/Sare Cabdiraxmaan Jimcaale oo horgacayay howgalkan qorshaysan ee laga fuliyeen deegaankaas 40 KM u jira magaalada Xarardheere ayaa sheegay in halkaas maleeshiyaadka looga furtay 4 qori oo ah AK47 iyo quriga nooca Baasuukaha ah(Saban).

Sanaadda ciidan ee laga furtay ayaa lagu soo bandhigay goob fagaare ah, iyadoo shacabka deegaanka ay ka mahadceliyeen howgallada ka dhanka argagixisada ee ka socda halkaas, kuwaas oo khasaare xooggan loogu gaarsiiyay Diin laawayaasha khawaarijta ah.

    

Wasiirka Beeraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Xogahayaha Guddiga la dagaalanka ayaxa ee Hay’adda FAO

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Dr. Mamoon Al Alawi oo ah Xogahayaha Guddiga la dagaalanka ayaxa ee Mandiqadda Dhexe ee Hay’adda FAO.

Kulan ayaa diiradda lagu saarey sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta Guddiga iyo Soomaaliya ayadoo sare loo qaadaayo aqoonta shaqaalaha ka shaqeeya la dagaalanka Ayaxa taaso qayb weyn ka noqon doonta sare u qaadida sugnaanta cuntada dalka.

Wafdiga uu hogaaminayay Xoghayaha ayaa u yimid in ay Soomaaliya kusoo dhoweeyaan madaxda saree ee Guddiga islamarkaana ay u kuur galaan xaaladda Ayaxa Soomaaliya.

Wasiir Maareeye aya Wafdigan kaga mahadceliyay Shaqada adag ay hayaan.

Soomaaliya ayaa gudigan ka mid noqatey sanankii 2023 waxaana xubin ka ah in ka badan 16 dal.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha Wadada Laamiga ee Isgoyska Towfiiq illaa Miisaanka Dhuxusha

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Dhagax-dhigay dhismaha Wadada Laamiga ee Isgoyska Towfiiq illaa Miisaanka Dhuxusha ee Degmada Yaaqshiid.

Munaasabadda Dhagax-dhiga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka G/Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid, Odayaasha Dhaqanka, Haweenka, Ardeyda iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada Degmada Yaaqshiid.

  

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS oo booqday Xarunta Cilmi-baarista qaanuunka iyo Garsoorka dalka Qatar

Qatar:-Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Qatar ayaa booqday Xarunta Cilmi-baarista qaanuunka iyo Garsoorka dalka Qatar, waxaana Madaxda xarunta, cilmi-baarayaasha iyo hawlwadeennada warbixin dhamaystiran ka siiyeen shaqada xarunta iyo hannaanka ay u shaqeyso.

Wasiir Xasan Macallim oo sidoo kale booqday xarunta diiwaan-gelinta iyo nootaayooyinka dalka Qatar, ayaa madaxda iyo howl-wadeennada maamula ka dhegaystay warbixin ku sahabsan qaabka casriga ah ee loo maamulo arrimaha diiwaan-gelinta iyo hubinta nootaayooyinka.

Mudane Xassn Macallim ayaa ka waraystay sida dowladda Qatar u sameyso wacyi-gelinta qaanuunka, tababaridda shaqaalaha qaanuunka ee dawladda, maamulka nootaayooyinka iyo heshiisyada,

Wasiir Xasan Macallim oo dowladda Qatar  ku ammaanay horumarka ballaran ee dhinaca kaabayaasha caddaaladda iyo garsoorka, ayaa sheegay in Soomaaliya u baahantahay inay ka faa’iidaysato khibradda dalalka saaxiibka ah inta ay ku jirto geeddi-socodka dhismaha qaranka.

  

Wasiir Fardowso”Talaabadii koowaad ee lagu ilaalinaayey badqabka duulimaadyada waan qaadnay”

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fardowsa Cigaal oo la hadashay warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya sharciyd buuxda u leedahay maamulka hawadeeda, iyadoo maamulka Hargeysa ugu baaqday inay nidaamkii lagu wada shaqeyn jiray ku soo laabtaan.

“Hargeysa awalba waan wada shaqeyn jirnay, hadda waxaa miiska saarnaa inay heshiisyo naga codsanayeen, haday jiraan waxay ka cabanayaan diyaar baan u nahay xalkeeda, Talaabadii koowaad ee lagu ilaalinaayey badqabka duulimaadyada isticmaala hawada dalkeena waan qaadnay” ayay tiri wasiir Fardowsa Cigaal,

Wasiir Fardowsa Cigaal ayaa sheegtay in maamulka Hargeysa ay raadeerkii loogu talagalay inay kula hadlaan diyaaradaha magaalada Hargeysa imaanaya ku carqaladeyeen hawada Waqooyiga Soomaaliya, iyadoo intaa ku dartay hadii laga waantoobi waayo la qaadi doono talaabooyin lagu xadidayo shaqada garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawad XFS ayaa dhanka kale sheegtay in hawada Soomaaliya tahay mid kamid ah kuwa ugu waaweyn qaaradda Afrika, iyadoo tilmaantay in airspace Soomaaliya boqolkiiba 60 yahay dhanka badda halka 40-ka kale yahay Bariga.

“Diyaaradaha ka dagaya magaalooyinka waawayn ee dalka oo ay ku jirta Hargeysa waa xaquuqa annaga siinay, maadaama aanahay dal soo korayo dhaqaale ahaan iyo in la fududeeyo isku socodka dadka ayaa keentay taasi, hadii aan rabnana Caasimadda ayaan ku ekeen karnaa oo waxaan dhihi karnaa meelaan Muqdisho aheyn lama dagi karo, hadaysan jirin sababo qasbaya in la maro way fududahay in la maro meeshii markaas loo ogalaaday” ayay tiri wasiir Fardowsa Cigaal.

Wasiirradda ayaa sheegay inay ka xun-tahay in walaalaha Waqooyi galbeed iska indha tiraan oo dhax-galaan shaqooyinka aysan laheyn, iyadoo ugu baaqday inay ka waan toobaan waxaasi, iyadoona intaa ku dartay in la qaadi doono talaabooyin lagu xadidayo shaqada garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa.

“Waxaan ka xunahay in dadka iska indhatiraan oo ay dhaxgalaan waxaysan shaqo ku laheyn, waxaana ka guurnay nidaamkii hore, hadii ay sii socdaan waxaan qaadi doonaa talaabooyin kale” ayay tiri wasiir Foosiyo Cigaal.

Dhanka kale Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka la isla dhaxmarayay baraha bulshada ee ku aadanaa inay aad isugu dhawaadeen diyaaradaha Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines, isagoo sheegay inay kun Fiid ay labada diyaaradood fogaan ahaan isu jireen oo shaqada hagista diyaaradaha ay ku socota si caadi ah.