Madaxweynaha Galmudug iyo Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qeybgalay xaflad soo dhaweyn ah

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa magaalada Nairobi kaga qayb galay xaflad soo dhaweyn ah oo ay u sameeyeen Jaaliyadda reer Galmudug ee waddanka Kenya.

Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Soomaaliya ee waddanka Kenya Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle iyo Xildhibaan Yusuf Xasan Cabdi oo laga soo doorto Kaama kuunji

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibraahim Cabdulle ayaa xusay inay soo dhaweynayaan wafdiga Madaxweynaha Galmudug, isagoo intaa ku daray inay ka shaqeynayaan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal

Madaxweynaha Galmudug ayaa bulshada la wadagaay marxladda wanaagsan ee ay mareyso Galmudug, dadaallada iyo horumarka socda isagoo uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen.

 

   

Maxkamadda gobolka Banaadir oo markale Saakay u fariisaneyso Dhageysiga dacwad ka dhan ah nin gubay xaaskiisa

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta markale u fariisaneysa dhageysiga dacwad ciqaabeed uu eedeysane ka yahay Sayid Cali Macallim Daa’uud oo horay u gubay Xaaskiisa oo uur lahayd.

Sayid Cali Macallim Daa’uud ayaa 26 kii January, 2024,degmada Dharkenley nolosha ku gubay marxuumad Luul Cabdicasiis oo ahayd xaaskiisa oo uur lahayd,ugu dambeyna u geeriyootay iyada iyo ilmihii yara ee caloosha ay ku sidday.

Ciidanka ammaanka ayaa Eedeysanaha gacanta kusoo dhigay 05-02-2024 xilli uu ku dhuumaalaysanayay meel u dhow degmadda Wisil ee gobolka Mudug.

Maxakamadda Gobolka Banaadira ayaana sakay lagu wadaa in xeer ilaalinta iyo qareennada difaacayo dhibanaha iyo eedeysanaha in hormkenaan maxkamadda caddeymo iyo marqaatiyo dhameystiran.

Dowladaha Soomaaliya & Qatar oo kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga arimaha sharciga

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macallim Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga Dooxa iyo wasiirka Cadaaladda dalka Qatar, mudane Ibraahiim Bin Cali Almuhannadi ayaa maanta kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga arimaha sharciga.

Heshiiskan Is-afgaradka ah wuxuu ka turjumayaa danaha labada dal ee isweydaarsiga macluumaadka iyo khibradaha qaabka diyaarinta, qorista iyo daraaseynta qabyo-qoraallada heshiisyada iyo heshiisyada is-afgaradka.

Sidoo kale, waxay labada dowladood iska kaashanayaan cilmi-baarista sharciga iyo garsoorka ee labada dawladood, barnaamijyada tababarrada sharci iyo garsoor, kor-u-qaadidda xirfadda & aqoonta sharciyaqaannada, qareennada iyo nootaayooyinka.

Munaasabadda saxiixa is-afgaradka oo ka Xarunta Wasaaradda Cadaaladda ee Qatar ayey labada wasiir kulan gaar ah oo ay ku qaateen uga wada hadleen xiriirka labada dal, iskaashiga Cadaaladda ee labada dal,dhameystirka dastuurka Soomaaliya ,dhismaha cadaaladda dalka iyo in labada wasaaradood iska kaashadaan khibrad wadaagga iyo dhanka sharciga.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee dowladda Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kenya ay u soo magacawday dalkeenna Mudane Cyprian Kubai Iringo.

Danjire Cyprian Kubai oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu kaga siday Madaxweynaha dalkiisa Mudane William Ruto ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyed uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran, waxa uuna xusay in uu ka shaqeyn doono adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu hambalyeeyey Danjiraha xilka loo igmaday ayaa u rajeeyey in uu ka miro dhaliyo sidii uu xaqiijin lahaa gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed, waxa uuna xusay ahmiyada ay u leedahay Soomaaliya iyo Kenya iskaashi wadajir ah oo ku saleysan danaha labada dowladood iyo guud ahaan Gobolka.

Shirweynaha 6aad ee Ururka QM u qaabilsan Arrimaha Deegaanka oo lagu wado in uu ka furmo magaalada Nairobi

Nairobi, (SONNA):- Shirweynaha 6aad ee Ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Deegaanka ayaa lagu wadaa inuu toddobaadkan ka dhaco magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

In ka badan 100 hoggaamiyeyaasha caalamka ah ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan shirkaasi , iyadoo lagu wado inuu madaxdaasi ka mid noqdo Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu shirkaasi khudbad ka jeediyo.

Isbeddelka cimilada iyo saameynta aafooyinka wata ee uu leeyahay iyo in si wadajir ah xal loogu helo ayaa ah ajendaha ugu weyn shirka.

Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamada dadaalka xooggan ugu jira in xal loo helo isbeddelka cimilada oo dhibaatooyinka uu dhowaan ka geystay dalka ay ka mid yihiin roobabkii fatahaadaha watey ee El Nino oo qeybo badan khasaare isugu jira dhimasho , burbur hanti iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ay ka geysteen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dadaaladaasi isbeddelka cimilada la xiriira hormuud ka ah ayaa saxiixay Sharciga Ilaalinta iyo Maareynta Degaanka oo hore ay u ansixiyeen Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Maxkamadda Rafcaanka oo soo gaba-gabeysay dacwad ka dhan ah saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka

Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa maanta soo gaba-gabeysay dacwad rafcaan ah oo eedeysanayaal ay ka yihiin saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Dowladda Soomaaliya taasoo soo socotay tan iyo Bishii 11aad ee Sannadkii Tagay.

Qeybta hore ee fadhiga Maxkamadda ayaa waxaa lagu dhageystay Marqaatiyaal ay dalbatay Maxkamadda oo uu ka mid yahay sargaal ka tirsan Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda kaasoo wax laga weydiinayay xogta uu keydiyay systemka Hey’adda gaar ahaan sannadaha la sheegay in Lacago lunsaday adeegyadii la qabtay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir Saciid Cali Maxamed oo ahaa guddoomiyaha guddiga garsoorka dacwadda ayaa sheegay in dacwadii ay soo gaba-gabeysay maxkamadda dhawaan ay soo saari doonta xukunka.” Dacwadii maanta intaas ayaan kusoo afmeernay, dhinacyada iyo eedeysanayaasha waxaana soo sheegi doonaa waqtiga xigga ay maxkamadda ku dhawaaqi doonto xukunka.

Dacwadda maanta la soo gaba-gabeeyay ayaa waxaa eedeysanayaal ka ahaa:
1. Saabir xasan Cabdi Nuur
2. Cabdullaahi Maxamuud Cosoble.
3. Cumar Macalin Nuur (c.kartiin)
4. Aadan Maxamed Cabdi

Waxay dhammaan ka tirsanaayeen Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxaana dhammaadka sannadkii hore xukuno kala duwan hore ugu soo riday maxkamadda gobolka Banaadir marka laga reebo Aadan Maxamed Cabdi oo maxkamadda ay fasaxday markii ay ku waysay waxyaabahii lagu soo eedeeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo madaxtooyada ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga ee dowladda Ingiriiska

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga ee Dowladda Ingiriiska Mudane James Stephen Heappey oo booqasho ku yimid dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Wasiirka guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray xaqiijinta amniga, tayeynta Ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada oo hadda maraya heer wanaagsan, taas oo suuragalisay in dalkeennu uu ka gudbo marxaladdo adag oo ay ka mid tahay qaadista cunaqabateynta hubka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadnaqay Boqortooyada Dowladda Ingiriiska doorka ay ka qaadato tababarida ciidamada Soomaaliyeed, xilli ay Soomaaliya isku diyaarineyso la wareegida mas’uuliyada amni ee dalka, kadib bixitaanka qeybaha ka harsan ciidamada ATMIS.

Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Boqortooyada Ingiriiska Mudane James Stephen ayaa bogaadiyey horumarada muuqda ee ay si wadajir ah ugu tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo xusay sida ay uga go’an tahay dowladdiisa xoojinta iskaashiga difaaca iyo la dagaallanka argagixisada ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo UK.

Gudoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay Ergayga Madaxwaynaha ee Xasilinta & Ilaalinta Arimaha Rayidka

Gudoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin ayaa maanta xarunta hay’adda ku soo dhaweeyay Ergayga gaarka ah ee Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud u qaabilsan Xasilinta iyo ilaalinta arimaha Rayidka Mudane Cumar Xaashi.

Gudoomiyaha hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa ergayga kaga warbixiyay shaqada hay’adda, wuxuuna si gaar ah kaga hadlay sida ay hay’addu u gaartay dadka rayidka ah ee ku dhaqan goobaha laga xoreeyay Khawarijta, isagoo sidoo kale taabtay in inta badan ay hay’addu gargaar gaarsiisay goobaha la xoreeyay.

Ergayga Madaxwaynaha ee xasilinta iyo ilaalinta arimaha rayidka ayaa kaga mahadceliyay madaxda hay’adda soo dhawaynta loo sameeyay, isagoo ku nuux nuuxsaday sida ay muhiimka u tahay in Xafiiskiisa iyo Hay’adda SODMA ay yeeshaan wada shaqan xooggan oo ku saabsan sidii gargaar loola gaari lahaa dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegannada iyo degmooyinka la xoreeyay.

 

Madaxweynaha Hirshabeelle oo jowhar ka furay shirweynaha maamullada, goballada iyo degmooyinka

Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta Jowhar ka furay shirweynaha maamullada, goballada iyo degmooyinka dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo isku-xirka dadaalada xasilinta.

Shirka waxaa kale oo goobjoog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) labada gole ee Dowladda, Guddoomiyayaasha goballada Shabeellada dhexe iyo Hiiraan, hoggaanka degmooyinka Dowladda Hirshabeelle.

4-cisho ayuu socon doonaa shirweynaha waxaana diirada lagu saari doonaa mudadaasi hannaanka shaqo ee goballada iyo degmooyinka Dowladda Hirshabeelle.

Sidoo kale waxa ay is-dhaafsan doonaan doodo ku aadan qaababka ay u shaqeeyaan waxana ay wadaagi doonaan waayo-aragnimadooda.

“7-sanno oo ay dhisan tahay Hirshabeelle waa shirkii ugu weynaa oo ay Dowlad goboleedka Hirshabeelle u dhan tahay waana farxad weyn, waqtiga aad halkan joogtaan waxaad ogaan doonta halka uu hiigsigeena runta uu yahay.”

 

   

War-murtiyeed laga soo saaray shirka wadatashiga ah ee Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta DFS iyo dowladaha xubnaha ka ah

Wasiirka  wasaaradda Awqaafta Arrimaha Diinta XFS Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa maanta soo xiray  Shirweynaha wadatashiga Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta JFS iyo Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowlad Goboleedyada dalka,oo ka socday Muqdisho.

Shirkan oo mudda shan cisho ah ka Socday magaalada muqdisho ay looga hadlayay iskaashiga la dagaalanka fikirka xagjirka,kaas oo inta uu socday looga dooday sidii dalka looga suulin laha fikirka xagjirka ah

Dood wadaag ku saabsan ka Hortaga iyo Daaweynta xagjirnimada Rabshadaha wata ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay inta uu socday,Waxaana Dooda ka qeyb qaadanayay Culimada Diinta,Odayaasha Dhaqanka,Haweenka iyo Dhalinyarada.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta XFS Abuukar Jeylaani oo gabagabada shirka ka hadlay ayaa yiri ‘’Culimada Soomaaliyeed agtooda ayay taallaa sidii ay xagjirnimada u baabi’in lahaayeen”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta XFS Saalax shariif Siidkey ‘’Bil gudaheed in ay dhacaan kiisas badan oo is dilka qoyasaska ah waa weerar diinta  iyo akhlaaqda lagu soo qaaday oo laga yaabo in ay khawaarijtu ka dambeyso

Shirka ayaa ugu dambeyn laga soo saaray warmurtiyeed dhowr qodob ka kooban:-

1) in la joogteyo wadashaqeynta ka dhaxeyso wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Heer faderaal iyo mid maamul goboleed,si loo dar-dargaliyo howlaha wasaaradda Awqaafta iyo Arimha DFS iyo kuwa xunha ka ah dowaldda.

2)wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta heer faderaal  iyo mid  dowlad gobleedya waxa ay isla qateen in shirkadaha ku tartamayo adeegga xajka in warqadda ogolaansha ah ay kasoo qaataan wasaaradaha dowlad goboleedyada ay ka tirsan yihiin tartanka ka hor.

3) in wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Heer faderaal iyo kuwa dowlad goboleedyada ay si siman u wadagaan deeqaha waxbarashada iyo mashariicda hormarineed.

Qodobadaa iyo kuwa kale ayaa ku xusnaa warmurtiyedka shirka laga soo saaray maanta.