Maxkamadda Racfaanka oo mar kale dhageysaneysa dacwad la xariirta musuq-maasuq

Maxkamadda gobolka Banaadir  ayaa maanta markale u fariisatay dhageysiga Dacwad la xariirta Musuq maasuq oo loo heysto sarakiil katirsan Hay’adda Socdaalka Jinsiyadda,

Guddoomiyaha maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir Saciid Cali Maxamed ayaa su’aalo waydiiyay sargaal ka socday Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda,isagoona sheegay in Maxkamadda ay màanta soo gabagabeyneyso kiiska la xariira Musuq maasuq.

Qareennada difacaya eedeysanayaasha ayaa dhankooda iska bari yèelay eedda, xeer ilaalinta kusoo eedeysay muwakiliintooda ee la xariirta Musuq maasuqa

Avv Cabduqaadir Qareenka eedeysane Cumar Macalim ” Majirto cadeymo waafi ah oo la keenay dambiyada lagu soo eedeeyay ”

Avv Maxamed Xasan qareenka Difaacaya eedeysane Cabdullahi Cosoble” waxaan Codsanayaa in Xuriyadiisa dib loogu celiyo Muwakilkeyga ”

Xeer Ilaaliye Ku xigeen Maxamed Kurtun ayaa maxkamadda Rafcaanka  ka codsaday in eedeysanayaasha ku xukunto dambiyada ay kusoo eedeeyeen.

Sarakiishaan ayaa waxaa horay xukun kala duwan ugu riday Maxkamadda Gobolka Banaadir, hayeeshee Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa racfaan ka qaadatay, waxaana ay isugu jiraan kuwo dalka ku sugan iyo kuwo ku maqan dalka dibaddiisa.

Hay’adda Dhowrista Xogta oo xalay laga Daah-furay Muqdisho

Munaasabad lagu Daahfuray Hay’adda Dhowrista Xogta ayaa xalay lagu qabtay Muqdisho, waxaana kasoo qayb galay wasiiro,xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo bulshada ka socday.

Maareeyaha Hay’adda Dhowrista Xogta Mudane Maxamed Axmed Cali oo ka hadlay Munaasabadda Daahfurka Rasmiga ee Hay’adda ayaa soo dhoweyn iyo mahadcelin kadib ayaa faahfaahiyay masuuliyadaha shaqo ee Hay’adda.

Maareeyaha ayaa sheegay in Hay’addu ay u xilsaaran tahay korjoogtaynta hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee kaydiya xogta gaarka ah ee dadwaynaha.

Xildhibaanada baarlamaanka gaar ahaan guddiga isgaarsiinta dalka ayaa sheegeen in ay kaalin weyn ka qaateen dhismihii hay’addaan ayaga oo xumay muhiimadda ay dalka u leedahay. Si lamid wasiirada oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha gudaha, wasiirka Waxbarashada iyo tacsliinta sare, wasiirka Duulista hawada iyo Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada oo munaasibadda ka hadlay ayaa dhammaantoodba isku raacay iney wax badan ka bedeli doonto xogta haarka ah ee dadweynaha iyo tan dowladda ayna xiligii loogu baahi badnaa la daah-furay.

Wasaaradda Caafimaadka oo gaadiid Caafimaad ku wareejisey Isbitaalka Madaxtooyada

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr, Maryama Mohamed Hussein ayaa  labo Gaari oo nooca gargaarka deg degga ah (Ambulance) islamarkaana loogu talagaley fududeynta adeegga Caafimaadka ku wareejisay Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Madaxtooyada.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda ahna kusimaha Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maryama Mohamed Hussein ayaa sheegtay in Gawaaridan qalabaysan ay wax wayn ka tari doonaan fududeynta adeegyada Caafimaad ee Isbitaalka Madaxtooyada Qaranka.

Sidookale Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Villa Soomaaliya Dr. Hussein Mohamud Hussein ayaa ka mahadceliyey Gaadiidka lagu wareejiyey, waxa uuna tilmaamey inay qeybwayn ka qaadan doonaan hawlaha iyo adeegyada caafimaad ee Madaxtooyada Qaranka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS oo Daahfuray Mashruuca Booskaaga Beer ka sameyso

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Daahfuray Mashruuca Booskaaga Beer ka sameyso,kaa oo lagu hormarinayo waxsoo saarka dalka.

Kulanka daahfurka waxa ka qeybgalay wasiiru dowlaha wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane, Asad C/risaaq,agaasimaha guud ee wasaaradda iyo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Beeraha maamul goboleedyada dalka.

Mashruucan oo laba weji leh, wejiga koowaad waxay Dawladdu ku taageeraysaa dadka beeraha ku leh magaalooyinka agtooda  iyo dadka reer magaalka ah ee leh Boos dhuleed oo magaalada u dhow, waxaa lagu taageerayaa oo lagu dhiirigelinayaa sidii ay beertooda ama booskooda uga sameysan lahaayeen Beer iyo Xoolo isku dhafan oo haysta ceel biyood, matoor, Koronto solar ah iyo Calaf Xoolaha oo 7 Casho ku soo go’aya (hydroponic Grass). Wejiga 2-aad waxaa laga hirgelinayaa dalka oo dhan.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo Daah-furka mashrucan ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradu ay ku dadaali doonto sidii Beera looga sameeyn lahaa dhulalka bannaan ee daafaha magaalada ku yaal, sii Sara loogu qaado waxsoo saarka dalka,dadka Soomaaliyeedna la baro qaab fudud oo Quudkooda (Cuntadooda) ula soo bixi karaan iyagoo degan oo aan guurguurayn (Agropastoral Community)

Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha Beeraha ee maamul goboleedyada ayaa dhankooda soo dhaweyay mashrucan,iyagoo sheegay in wax badan uu ka badali doono habka waxsoowaxsoo dalka.

Wasiirka Warafaafinta XFS oo khudbad ka jeediyay shirka wasiirada warfaafinta islaamka,kana hadlay xadgudubka Itoobiya

Istanbul;- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, ahna Guddomiye Ku-Xigeenka Golaha Wasiirrada Warfaafinta ee Ururka Waddamada Islaamka ee OIC, Mudane Daud Aweis Jama ayaa ka codsadey dalalka xubnaha ka ah ururka inay ku garab istaagaan Soomaaliya mowqifka ay uga soo horjeeddo xadgudubka Ethiopia ay ku soo faragelisay qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

Wasiirka oo khudbad ka jeedinayey shir aan caadi ahayn oo Wasiirrada Warfaafinta ee waddamada Islaamka ay ku yeesheen magaalada Istanbul , loogana hadlayey gabbood-falka ay Israel ku hayso dadka reer Falastiin ee ku dhaqan marinka Gaza, ayaa xusay in Soomaaliya oo dadaal ugu jirta inay dalkeeda amni ku soo dabaasho, ay nasiib darro tahay in Ethiopia oo si sharciga caalamiga ka baxsan heshiis is-afgarad la gashey gobolka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya.  Wasiirka waxaa uu sheegay in go’aanka gurracan ee Ethiopia uu khatar ku yahay gobolka Geeska Afrkika oo dhan iyo caalamka intiisa kale.

Waxaa dhanka kale Wasiirka Warfaafinta uu khudbaddiisa ku xusay in waddamada Islaamka looga baahan yahay inay u midoobaan dalabka ah in la soo dhiso dowlad Falastiiniyiinta ay leeyihiin oo ku saleysan xudduudihii 1967-kii, si xal kama dambeys ah loogu helo qadiyadda reer Falastiin, meeshana looga saaro xasuuqa iyo burburinta ay Israel ku hayso dadka reer Falastiin.

Shirka Wasiirrada Warfaafinta ee Ururka Waddamada Islaamka ayaa sidoo kale dul istaagey khatarta wararka sida khaldan loo tebiyo oo si weyn loogu adeegsadey mashaakilka ka aloosan Gaza, isla markaana qalabka warbaahinta ee dalalka reer Galbeedka ay u janjeeraan dhanka Israel, taas oo xadugudub ku ah xuquuqda aadanaha, xuquuqda xorriyatul qowlka iyo dhexdhexaadnimada looga fadhiyey saxaafadda.

Sidoo kale waxaa kala oo xubnaha OIC ay cambaareeyeen xadgudubka ka dhanka ah suxufiyiinta ee ka socda Gaza oo ku dhowaad 100 suxufi ay dileen ciidamada Israel, iyadoo gabagabadii shirka laga soo saarey warmurtiyeed lagu taageerayo qadiyadda reer Falastiin, loogana soo horjeedo tacadiyada isdaba joogga ah ee Israel ay ka waddo dhulka la haysto ee reer Falastiin.

 

 

 

Hay’adda Duulista Rayidka” Majirto amni xumo iyo halis badqab oo ka jira hawada Soomaaliya”

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa goor-dhow sheegtay in aysan jirin amni xumo iyo halis ka jirta hawada Soomaaliya.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo shirkadaha duulimaadka ee isticmaala hawada Soomaaliya u caddeynaysaa inay si buuxda gacanta ugu hayso badqabka duulimaadyada isticmaala hawada Soomaaliya.Ma jirto amni xumo iyo halis badqab oo ka jira hawada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha JFS oo saxiixay sharciga ilaalinta iyo maaraynta deegaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay sharciga illaalinta iyo maareynta deegaanka oo ay horray u ansixiyeen labada aqalka ee Baarlamaanka JFS.

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Almakhsuumi ayaa madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadcelisay inuu saxiixay sharcigaan oo muhiim ah ilaalinta deegaanka.

“Waxaan u mahad celinaayaa madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  oo maanta saxiixay sharciga ilaalinta iyo Maareeynta Deegaanka ee ay horrey u ansixiyeen Labada aqal ee baarlamaanka JFS” ayey tiri wasiir Khadiijo Maxamed Almakhsuumi.

Wasaaraddda deegaanka iyo isbaddelka cimilada ee DFS ayaa in muddo ah ku howlaneed soo saaridda sharci lagu badbaadin karo, laguna maareeyn karo deegaanka.

Sharcigan ayaa muhiim u ah illaalinta iyo maareeynta deegaanka si looga hortago, loona yareeyo saameeynta dalkeenu ku yeelan karto isbeddelka cimiladda.

Safaarrada Soomaaliya ee Itoobiya oo faah faahin ka bixisay hakadka ku yimid dalka ku galkii Caafimaad ee India

Addis Ababa-Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay hakad ku yimi dalku galka ama visaha caafimaad ee dalka India oo ay si fudud ku heli jireen mudawaadiniinta Soomaaliyeed ee arrimaha caafimaadka ugu socdaalaya dalka Hindiya.

Helitaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Visaha caafimaadka Hindiya waxaa goor horeba hirgelisay oo dadaal iyo waqti badan ku bixisay Safaaradda JFS ee dalka Ethiopia, iyadoo dhammaan muwaadiniinta u fududayn jirtay warqadaha ay uga baahdaan safaaradda.

Xoghayaha koowaad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ethiopia Mustaf Mahdi Canshuur ayaa warbaahinta Qaranka uga waramay waxyaalaha kallifay hakadka ku yimi helitaanka dal ku galka caafimaadka ee  Hindiya oo ay si fudud ku heli jireen muwaadiniinta Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in labada warqadood ee ay bulshadu ka qaataan safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa ay maraan dariiqa saxda ah ayna yihiin document dawladeed oo sax ah, balse ay jiraan docuemen-tiyo dheeraad ah oo ay dadku iyagu la tagi jireen safaaradda Hindiya kuwaas oo khaladadaad badan ka soo laabteen, isla markaana sababay in safaaradda Hindiya ee Addis Ababa ku soo celiso.

Safaaradda JFS ee Addis Ababa waxay intaa ku dartay in Safaaradda Dawladda Hindiya ee dalka Ethiopia ay iyadu mas’uul ka tahay bixinta Visaha caafimaadka dalkeeda, loona baahan yahay in dadku iska soo saxaan waxyaalaha ka khaldan warqadahooda caafimaadka ee ay la tagi jireen safaaradda Hindiya ee Addis Ababa.

Xoghaye Mustafe waxa uu intaa ku daray inuu jiro qorshe baaxad leh oo ay wado safaaradda JFS ee Addis Ababa, isla markaana ay dedaal ku bixinayso hagaajinta iyo dib u habaynta hawlaha la xiriira Visaha caafimaadka Hindiya.

Safaaradda JFS ee Addis Ababa waxay marwalba u taagan tahay caawinta iyo u adeegida bulshada Soomaaliyeed ee arrimaha caafimaad ugu socda dalka Hindiya.

Dood cilmiyeed ku saabsan ka hortagga fikirka xagjirnimada oo Muqdisho lagu qabtay

Dood cilmiyeed ku saabsan ka hortagga iyo daweynta xagjirnimada rabshadaha wata ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo dabar-goyn lahaa fikirka xagjirnimada sidoo kalena loo daweyn lahaa afkaaraha qaldan ee bulshadda lagu jaha wareerinayo, iyada oo loo marayo madalo aqooneed oo ay isku arkayaan indheer-garadka bulshadda si bulshadda inteeda kale loogu soo bandhigo run ahaanshiyaha fikradaha qaldan ee lagu marin habaabinayo.

Wasiirka wasaaradda diinta iyo arrimaaha awqaafta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Wasiir Mukhtaar Roobow iyo wasiirrada dowlad goboledyadda ayaa ku sugnaa madashaan oo maalmahaan lagu lafa gurayey hannaanka ugu wanagsan ee lagu daweyn karo aragtiyadda korinaya ama faafinaya fikirka xagjirka ah, iyada oo dhinacyaddii dooda ka qeybgalay bogaadiyeen doorka dowladda ee la dagaalanka afkaarta xagjirnimada ah.

Culimaddii dooday ka qeybgashay ayaa soo bandhigay sababaha keena fikir xagjirnimada ah, iyada oo xiganaya daliilo adag, waxaana ay tilmaameen in dhallinyaradda iyo dadka kale ee aaminsan fikradaha xagjirka ah in laga dhaadhiciyay hab fikir qaldan, iyada oo laga been sheegay diinta islaamka iyo in lagu soo duulay muslimiinta taasina ay keentay in si fudud lagu qaadsiiyo dhallinyaradda afkaarta qataraha ee naf haliga ah.

Dood cilmiyeedka ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhammaan dhinacyada kala duwan ee bulshadda sida culumo-owdiinka Soomaaliyeed, odayaasha dhaqanka, aqoonyahano iyo bulshadda rayidka, iyada oo dooday lagu soo bandhigay doodo cilmiyeed ku saabsan sidii looga hortagi lahaa, loona daweyn laaha fikirka xagjirnimada ah.

       

Wasiirka Caddaaladda ee XFS oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Qatar

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macallim Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta safar shaqo ugu baxay dalka Qatar.

Wasiir  Xasan Macallim Maxamuud ayaa inta uu joogo Dooxa, waxaa uu dhiggiisa Qatar la qaadayaa kulamo looga hadlayo horumarinta Iskaashiga Caddaaladda iyo arrimaha la xariira ee labada dal, sida xabsiyada iyo dhaqan-celinta, danbi-baarista iyo sarraynta sharciga

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS ayaa sidoo kale booqanaya sida qorshuhu yahay hey’ado iyo xarumo kale oo ka shaqeeya arrimaha sharciga, qaanuunka iyo cilmi-baarista.

Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa intii uu xafiiska joogay waxaa uu safarro kale oo lagu xoojinayay tayada Caddaaladda ee dalka iyo xiriirrada aan dunnida kale la leenahay ku tegay wadamo ay kamid yihiin Turkiga, Masar, Ciraaq, Marooko, iyo Talyaaniga.