Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad oo maanta bilaabay ka doodista cutubta 2-aad ee dastuurka KMG ah

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo wehliyo guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim ayaa shir guddoomiyay kulanka 17-aad ee wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka JFS.

Ajandaha Kulanka maanta ayaa ahaa ka doodista soo jeedinnada wax ka bedelka Dastuurka KMG ah, Cutubka 2-aad Xuquuqda asaasiga ah iyo waajibaadka Muwaadinka.

Ugu horrayn, Guddoonka Guddiyada u xilsaaran dib u eegista Dastuurka ayaa Xildhibaannada iyo Senatorrada Labada Aqal BJFS la wadaagay warbixin soo koobaysa sagaalkii qodob ee cutubka koowaad ee Dastuurka KMG ah ee ka doodistoodu ay soo gaba gabowdat, isla markaana soo bandhigay warbixin uruursan oo soo koobaysa nuxurka aragtiyadii Sanatarradii iyo Xildhibaanadii fikirkoda dhibtay.

Intaas ka dib Xildhibaannada iyo Senatorrada labada Aqal ayaa aragtidooda ka dhiibtay cutubka labaad ee dib eegista Dastuurka oo ay ugu horreeyaan arrimaha diinta, Xuquuqda aasaasiga ee muwaadinka Soomaaliyeed sida xorriyad hadalka iyo Sinnaanta oo ay si daah furan uga aragti dhiibteen.

Dhinaca kale, Xildhibaannada labada  Aqal ayaa go’aan Baarlamaan oo wadajir ah ku meel mariyay in Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan lagu taageero murashaxnimadeeda tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (African Union Commission) loogana jaro Xildhibaan kasta shan bqol oo dolar.

   

Soomaaliya oo ay ku soo qul-qulayaan dalxiisayaal AjaanIib ah

Iyadoo uu soo hagaagayo amniga guud ee dalka, waxaa dalkeenna waxaa soo gaaray dalxiisayaal ajaaniib ah, madax ka socota dalalku aynu saaxiibada nahay, howlwadeeno hay’adaha caalamiga ah, qurbooj iyo dhalinyaro Soomaaliyeed oo wax badan ka maqnaa dalka.

Dalxiisayaal u dhashay dalalka Austria iyo Jarmalka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo Tiyaatarka Qaranka ( National Theater) ku daawaday heeso waddani ah, ciyaaro hiddaha iyo dhaqanka ah iyo music toos ah ( Live).

Dr. Heemo oo u dhashay dalka Austri ayaa ka warbixiyay isbeddelka uu arkay 2013-kii oo uu mar yimid iyo maanta oo la joogo 2024, wuxuuna sheegay inuu jiro isbeddel weyn oo dhanka ah amniga iyo horumar la taaban karo.

” Markii ugu horeysay oo aan Soomaaliya nimid waxay ahayd bishiin 20213, markaas oo aan Xamar nimid, Xamar sidan ma ahayn waxyaabo badan ayay ugu duwaneyd xilligaas, waxaan aragnay waxyaabo badan oo bur bur ah, iskuulada oo bur bursanaa aragnay, laakiin hadda waxyaabahaas oo dhan maan arag,” ayuu yiri Mr. Heemo.

Dalxiisahan u dhashay dalka Austria Dr. Heemo, ayaa sidoo kale, ka hadlay waxyaabaha aad u soo jiidday muddadii ay dalxiiska ku jireen oo ay meelo badan oo dalka ka mid ah ay soo mareen.

” Isbeddelka weyn ee aan aragnay waxaa ka mid ah labo shey, ”midka ugu horeeyo waa dadka oo hadda u heelan una fur furan in ay dadka ajaaniibta ah la sheekeystaan soona dhoweeyaan, midda kale, oo ugu muhiimsan waxaa waaye xagga amniga, xagga amniga waxaa dareemeynaa inuu aad u soo hagaagay gaar ahaan markii aan u imaaneynay iyo hadda waxaan amni iyo bad-qab weyn dareemeynaa hadda,”’.

Dalxiisayaashan oo u kala dhashay dalalka Jarmalka iyo Austria, ayaa soo maray deegaannada Jubbaland iyo Shabeellaha dhexe, Eyl, Boosaaso iyo magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku soo arkeen isbeddel weyn oo dhanka kasta ah.

Ra”iisul wasaare XFS oo shirguddoomiyey shir looga hadlayo dhibaatooyinka isbeddelka Cimilada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir muhiim ah oo looga hadlayey qorshaha Qaran ee hortagga dhibaatooyinka ay dalkeenna ku sababeen Isbeddelka Cimillada Adduunka.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira saameynta kala duwan ee isbeddelka cimilladu ay ku yeelatay dalkeenna iyo heerka uu marayo qorshaha dalka ee la qabsiga isbeddelka cimillada.

Waxaa si gaar ah looga hadlay qorshaha qaran ee dhimista dikhowga hawada, taasi oo hoos loogu dhigayo walxaha hawada wasakheeya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa adkeysiga khataraha ka dhasha isbeddelka cimillada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in isbeddelka cimilladu uu saameyn toos ah ku yeeshay Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca deegaanka oo isbeddello ballaaran laga dareemayey, waxaana uu faray hey’adaha dowladda inay qorshooyin cadcad ka soo gudbiyaan meelaha ugu daran ee u baahan maalgelinta isbeddelka cimillada.

Cutubyo ka tirsan Ciidan Xoogga Dalka oo ka qeybgalaya dhoolatus Ciidan oo caalami ah

Saraakiil iyo askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dhoolatus Ciidan uga qeyb-galaya Dalka dibadiisa ayaa ka anbabaxay garoonka diyaaraddaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Dhoolatuskan oo ka dhacaya dalka Kenya ayaa waxaa qeyb ka ah dowlado kala duwan oo dowlada Soomaaliya qeyb ka tahay, waxaana Xoogga Dalka wakiil uga ah cutubyo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab XDS.

Saraakiisha Ciidanka XDS ee garoonka ka sa gootiyay Ciidankan ayaa kula dardaarmay inay door wanaagsan soo qaataan, ayna sameeyaan bandhig ku qotoma tababarka iyo tayada wanaagsan ee Xoogga dalka oo bilaabay la wareegidda amniga guud ee dalka.

          

Soomaaliya oo gashay Gacan ammaan ah (WARBIXIN)

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiis-kii taariikhiga ahaa oo ay dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, kaasi oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha, iyadoo kulankaasi ay soo xaadiray 216 mudane waxaa ogolaatay 213 Xildhibaan, waxaana diiday 3 Xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiiska uu dhawaan ansixiyay Baarlamaanka labadiisa Aqal uu muhiim u yahay difaaca badda iyo sare u qaadidda dhaqaalaha dalka. Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlay xarunta madaxtooyada ayaa sheegay in badda Soomaaliya ay ka jiraan xad gudubyo badan oo ay ka mid yihiin kalluumeysi sharci darro ah, in ay isticmaasho Argagixisada, Burcad badeeddu ay ka duusho,iyo Wasaqdana oo lagu qubo, balse haatan ay heleen cid ay ku aaminaan, wuxuuna intaa raaciyay in heshiiskan uu socon doono 10 sano ah, muddadaasna la dhisi doono lana qalabeyn doono ciidanka badda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh” Heshiiska aan la galnay dowladda Turkiga waxaa uu soconayaa 10 sano waxaana la dhisayaa ciidanka badda Soomaaliya”. Madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambayn sheegay in heshiiskan uu sidoo kale muhiim u yahay kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka baluugga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isla maalintaasi saxiixay Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo qoraal soo dhigay boggiisa Facebooka ayaa ku yiri, “Waxaan saxiixay Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo qayb ka ah dadaalada aan ku bixinayno dhowrista amniga, khayraadka, gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.”

Dr Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweyanha JFS oo ka hadlay muhiimadda uu leeyahay heshiiskaan ayaa yiri,”Heshiiskani oo mudadiisu tahay 10 sano waa mid taageeraya hurumarinta dhaqaalaha baluugga, kobcinta wax soo saarka kalluunka, dhisida kaabayaasha dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka badda, la dagaallanka argagaxisada iyo ka hor taga  wax kasta oo sharci darro ah oo la mariyo xeebaha Soomaaliya, waxa uuna Soomaaliya gaarsiin doonaa in ay dhisato  Ciidan Badeed oo ku filnaada  difaaca baddeenna.”

Ugu dambeyn qoraalka uu soo dhigay Madaxweynaha waxa uu ku soo gabagabeeyey, “Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo  waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan  ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed, waxaana heshiiskan uu qeyb ka qaadanayaa nabadda iyo xasilloonida gobolka.”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa golaha Wasiirrada XFS uga mahad celiyay ansixinta heshiis taariikhi ah oo dowladda Soomaaliya ay la gashay dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashi dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha ah, wuxuuna shegay in heshiiskani uu yahay mid taariikhi ah, Soomaaliyana ay maanta yeelatay saaxiib iyo walaal dhab ah, kaas oo meesha ka saarayo in aynu biyaheenna iyo waxa ku jiraba uga baqno argagixiso, burcad badeed, kalluumeysi sharci darro ah, sun lagu shubo baddeenna.

Mudane, Xamsa oo ka hadlay ahmiyadda heshiiska u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa sheegay in heshiiskani uu suurto gelin doono in la tababaro lana qalabeeyo ciidankeenna badda, lagana faa’iideysto dhaqaalaha baluugga ah ee dalka, waxa uuna ka mahad celiyay taageerada bini’aadannimo ee ay ugu fidiyeen xilli baahi weyn loo qabay, shacabka Soomaaliyana aysan illaawi doonin abaalka ay u gashay dowladda aynu walaalaha nahay ee Turkiga.

” Runtii heshiiska waa mid taariikhi ah oo Soomaaliya iyo Turkiga-ba u ah muhiim, siiba Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya muhiim u ah, sababta uu muhiim ugu yahayna waxaa waaye waa heshiis iskaashi oo difaaca ah iyo daqaalaha,difaaca marka lagu leeyahayna waa sidii loo ilaalin lahaa amniga dalkan loona tababari lahaa ciidamadeenna Badda, dhulka iyo cirka meesha ay quseyso dowladda ayey ku xiran tahay,” ayuu yiri Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoosta ka xariiqay in uu heshiiskan Soomaaliya ka anfacayo ilaalinta dhammaan wax kasta oo carqalad ku ah dalkeenna.

” Sidoo kale, wuxuu heshiiskan Soomaaliya ka ilaalinaya dhammaan wax kasta oo carqalad ku haayo oo ah deriska iyo bannaankaba, haddii ay tahay dalalka kalluunka sida sharci-darada ah uga xada, haddii ay tahay waddamadan Baddeena wixii ay rabaan ku sameeya iyo burcad-baddeedii oo xoogga wax yar Soomaaliya ay ku dambeeyaan, waxaa dhan ayuu heshiiskan Soomaaliya u anfacayaa,”, Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid taariikhiga ah oo muhiim ah dalalka Soomaaliya iyo Turkiga, isagoona siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay taageeraan heshiiska labada Dowladood si uu u guuleysto. Xukuumadda Soomaaliya ayaa heshiiskan ku tilmaantay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, islamaarkana xustay in ay muhiim u tahay difaaca dhulka iyo hantida Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cabdiwali Cali Gaas ayaa ka hadlay heshiiska ay wada saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saabsanaa iskaashiga dhanka difaaca iyo dhaqaalaha, isagoo ku nuux-nuux saday muhiimadda heshiiskan, isagoo carabka ku adkeeyay in awoodda dalka ee sugidda amniga biyaha ay tahay mid xadidan, isla markaana heshiiskan uu wax badan ka qaban doono kalluumeysiga sharci darrada ah iyo burcad badeedda. “Soomaaliya waxay leedahay badda ugu dheer Afrika, mana lahan awood ay isaga difaacdo burcad-badeedda, qashinka lagu daadiyo, iyo duulaan dibada kaga yimaada, arrimahaas ayaa abuuray baahida loo qabo in la raadiyo waddan aan walaalo nahay oo na caawiya.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore.

Mudane Cabdi Wali waxa uu ku baaqay in heshiiskan aan la siyaasadeynin, lana taageero madaxda dalka, si loo difaaco midnimada iyo qaranimada dalka, lagana hortago khatar kasta, waxa uu intaasi ku daray in Soomaaliya aysan dooneyn inay iska horkeenaan Dowladaha Turkiga iyo Itoobiya, isla markaana ay carqaladeeyaan Ammaanka Gobalka, isaga oo carabka ku dhuftay inay lagama maarmaan tahay in laga hortago damaca Itoobiya.

“Dooddii dastuurka ee socotey todobaadyadii la soo dhaafay qayla dhaantu way badneyd iyo siyaasiyiinta ilmada yaxaaska qubaya ee lahaa difaaca dalka waa in loo midoobaa oo la joojiyaa doodda Dastuurka, balse markii hey’adaha dawladda Federaalka ahi ay meelmariyeen heshiiska iskaashi ee difaaca iyo dhaqaalaha ee dhexmaray Soomaaliya iyo Walaalaha Turkiga wax juuq ah ama taageero ah lagama haayo, sidaasina waxaa yiri Axmed Macallim Fiqi oo ah Wsiirka Arrimaha Gudaha. “Haddii ujeedkooda dhabta ah uu ahaa in badda Soomaaliya la difaaco ma jiro difaac ka weyn heshiiskaasi oo badda looga difaaci lahaa damaca hororka iyo hanyarida xaraashaha.  Hal mar un baa dadka la siri karaa mar kasta maya!”, ayuu sii raaciyay.

Wargeys lagu magacaabo Aldaaqa oo ka hadla arrimaha Shidaalka ayaa sheegaya in dowlad Carbeed ay ku soo biireysa dowladaha shidaalka dhoofiya dhammaadka sanadkan 2024-ka, taasi oo heysata keyd shidaal oo aad u fara badan. Haddaba waa tuma dowladda uu wargeysku sheegayo?, waa Dowladda Soomaaliya, waxa uuna Wargeysku soo xiganayaa Wasiirka Tamarta iyo Batroolka Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo shirkadaha shidaalka., wuxuuna Wargeysku ku tilmaamay in Soomaaliya hadda gacan ammaan ah ay gashay oo ay ku soo saran karto shidaalkeeda.

Dhinaca kale Dowladda Turkiye ayaa soo dhaweysay heshiiskaasi dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiye, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay horgeeyaan heshiiskaasi Baarlamaanka Dalkaasi, si uu ansixyo, maadamaa uu horeyba u soo ansaxiyeen Labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

By. C/lahi Ruush

Wasiir Maareeye” Shacabka Hargeysa iyo Burco waxay muujiyeen sida ay u diidan yihiin in baddooda iyo dhulkooda la qaato”

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka hadlayay Banaanbaxa balaaran ee lagu taageerayo heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Hargeysa iyo Burco diideen damaca gurracan ee Ethiopia.

Wasiir Maareeye” Shacabka Hargeysa iyo Burco way hadleen waxayna muujiyeen sida ay u diidan yihiin in baddooda iyo dhulkooda la qaato, waxayna doonayaan in Soomaali heshiiso oo dhulkeeda cid kale qaadan, waxaana ku amaanayaa shacabka iyo maamulka gobolka Banaadir sida ay u garab taagan yihiin dowladdooda” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku bogaadiyey shacabka caasimadda inay yihiin kuwa u taagan midnimada dadka Soomaaliyeed kuna bixiya dhaqaalahooda, isagoo intaa ku daray in shacabka Soomaaliyeed guud ahaan rabo midnimmo iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in muddo bil gudaheeda keeni doonaan Xildhibaannada Labada Aqal ku matala gobollada Waqooyi qorshe lagu dhameynayo tabashada ay qabaan walaalaha Waqooyi si wadajirka dadeed ee Soomaaliya loo xaqiijiyo, meeshana looga saaro kala qeybinta dadka walaalaha ah.

Siyaasiyiinta iyo shacabka gobollada Waqooyi ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee (Soomaaliland) aya ku tilmaamay damaca gurracan ee Ethiopia mid aanan marna ka hirgali doonin badda Cas, islamarkaana diyaar u yihiin difaaca dhulleed ee Soomaaliya.

QAADISTA CUNAQABATYNTII HUBKA EE SOOMAALIYA TALLAABO WAXTAR U LEH DHISMAHA CIIDANKA IYO SUGIDDA QARANIMADA

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhowaan u codeeyey in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya , taas oo shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay aad u soo dhaweeeyeen.

Cuanqabateyntan oo dalka saarneyd 32 sano ayaa qodbada ay ku shaqeyneysay waxaa ku jiray in Soomaaliya aan la soo galin Karin wax hub ah siiba kan culus maadaama dalka ay ka dhaceen dagaalo sokeeye hubkana uu u gacan cid kasta.

“ Tani waxay wax ka tareysaa in haatan aan dib u soo nooleyn karno awooddii ciidan ee Soomaaliya beri lagu yaqaanay iyo in ciidankeena aan casriyeyn karno una heli karno hubka noocyadiisa cusub” ayuu yiri Col. Maxamed Guulane oo ka tirsan saraakiisii hore ee ciidanka Xoogga dalka .

“Haatan ka dib waxaan awood u yeelan doonaa in aan ilaashano xuduudaheenna ii aan ciidan hubeysan geysan karno iyadoo sanadihii la soo dhaafay ay dalka iska soo galayeen faragelina ku hayeen ciidamo dalal shisheeye ka socda oo qaarkood aanay fasax u heysan in ay soo galaan xuduudaha dalka “ ayuu sii raaciyey/

“Cunaqabateynta la qaaday waxay dib u soo celinaysaa qabkii Soomaaliya waayo dal aan laheyn wax difaaca qab ma lahaan karo “ayuu yiri Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan oo ah qabiir militari oo dalka ku sugnaa tan iyo burburkii.

Soomaaliya waxay xuduudo la leedahay dalal dhowr oo qaarkood oo mararka siyaasadaha ay ku wada dhaqmaan la oran karo ma aha kuwo deggan taas oo mararka qaar dhalisay shakiyo dhinacyo badan leh waxayna qaarkood xilligii lagu jiray doodda  qaadista cunaqabateynta Soomaaliya oo muddo fog soo bilaabantay ay isku dayeen in ay hor istaagaan.

Waxyaabaha ay k doodeen waxaa ku jira in Soomaaliya aysan laheyn hannaan iyo goobo ay hubka ku keydin karto ayna ka cabsi qabaan in hubku u gacan galo gacmo aan ammaan aheyn sida ay ku doodeen.

Sidoo kale waxay dood galiyeen cidda looga dambeynayo hubka cmaqabateynta laga qaaday iyagoo isku dayey in ay ka dhaadiyaan

Soomaaliya iyo dunida qaar in hubka uu u gacan galayo qabaa’il is diidan taas oo socon weyday iyadoo dalalka qaar ee lahaa soo jeedinta qaadista cunaqabteynta ay sheegeen in Soomaaliya ay xilligan ay jiraan sababo ay hub ugu baahan tahay marka la eego dagaalka ay kula jirto Al Shabaab.

Somaaliya xilligan waxay gaartay guulo isdaba jog ah oo ay ka mid yihiin ku biirista Ururka Dhaqaalaha Bariga Afrika , deyn cafinta iyo qaadista cunaqabateynta waana dhowr arrimood oo isu geyntooda Soomaaliya ay u tahay tahay guul.

WQ: Maxamed Shiil Xasan

 

Banaanbax lagu taageerayo heshiiska taariikhiga ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo Muqdisho ka socda

:-Banaanbax balaaran oo uu soo qaban-qaabiyey Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka socda garoonka Ciyaaraha Eng Yariisow ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka soo qeyb-galeen qeybaha kala duwan ee bulshada Caasimadda.

Banaanbaxan ayaa lagu taageerayaa heshiiska dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ee Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha, kaas oo uu dhawaan ansixiyay labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan labada aqal, Maamulka Gobolka Banaadir, Arday iyo dadweyne kale oo fara badan ayaa ka qeyb-qaadanaya Banaanbaxa, waxaana goobta ka muuqdo boorar ay ku xardhanyihiin xiriirka wanaagsan ee labada dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Qaar kamid ah Banaan-baxayaasha oo la hadlay wakaaladda SONNA ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku bogaadiyey hogaamintiisa wanaagsan iyo heshiiska taariikhiga ah ee uu la galay dowladda Turkiga oo ah saaxiib la isku haleyn karo.

Madaxda goobta ka hadashay ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid fursad wayn u ah labada dal gaar ahaan Soomaaliya oo xiligan ku jirta marxalad ay u baahan tahay saaxiib sida Turkiga oo kale ah, waxayna sheegeen in damaca gurracan ee Ethiopia uusan marna ka hirgaleynin Soomaaliya.

Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa qayb ka ah dadaalada dowladda ku bixineyso dhowrista amniga, khayraadka, gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay Turkiga waddan saaxiib iyo walaal ah oo lagu aamini karo iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimada iyo midnimadeenna dhuleed ee Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in heshiiskan uu qeyb ka qaadanaya nabadda iyo xasilloonida gobolka.

XIKMADOOYIN XUL AH

  1. Saaxiibtinimadu ma aha qofka aad waqtiga ugu dheer taqaanay. Saaxiibku waa qofka intuu kuu yimaado ku yiraahdo; anigaa halkan kuu jooga oo ku garab taagan, ficilna ku cadeeya
  2. Ka faa’iideyso oo si fiican u isticmaal waqtigaaga. Dib waad u aqrisan kartaa qoraal, fariin ama Buug, Waad ku soo ceshan kartaa video muuqaal ah ama mid dhageysi ah laakiin ma jiro Aduunka nidaam “System” dib kuugu soo celin kara Waqtigi ku dhaafay ee aadan isticmaalin ama ka faa’ideysan
  3. Haddii qof si dhab ah u rabo in uu qeyb ka noqdo Noloshaada, waxay si dhab ah u sameynayaan dadaal si ay ugu soo biiraan. Nolol la wadaagayo ma aha wax la jili karo ama afka keliya laga sheegi karo
  4. Wanaag ku bedel xumaan kasta, dhoola cadee goortii aad murugeysan tahay, ku qanacsanow halka aad joogto iyo waxa aad heysato. Had iyo jeer cafi cid kasta. Ogow dadku way is bedelaan, qaladaad waa dhacaan, laakiin xusuusnow noloshu waa soconaysaa
  5. Dadka qaarkii waa sidi daruurta oo kale, goortii ay kaa tagaan waxay kuu noqotaa maalin qurxoon
  6. Mar kasta aad ka shakido ilaa heerka aad gaari karto, xusuuso ilaa inta aad soo socotay, waxa aad ka soo gudubtay, dagaalada qarsoon naftaada ee aad ku soo guuleysatay iyo dhamaan cabsidi aad ka soo adkaatay
  7. Xiriirku kuma xirna Da’da, masaafo fog, isu dhowaansho, kala maqnaansho iyo in la is waco daqiiqad kasta maalinti. Waxaa muhiimka ah waa in la helaa Aaminaad iyo daacadnimo. Aaminaada gabadhaha ee ninkeeda iyo Daacad ahaanshaha ninka ee gabadhiisa
  8. Dadku ma oga oohintaada, Dadku ma oga murugadaada, Dadku ma oga xanuunkaaga, balse waxay dhamaan ogaadaan goortii aad hal qalad sameyso. Laakiin Alle SWT ayaa og Ilin kasta oo indhahaaga ka timaada, wuxuuna kaa cafiyaa qalad kasta oo aad sameysay. Ha rajo dhigin

 

FAAII’DOOYINKA SALIIDA QUMBAHA LAGA HELO.

Cilmi baaris lagu sameyeey aya lagu ogadey in saliida qumbaha iney jirka ka caawiso in uu iska difaaco fayraska iyo bakteeriyada. waa saliid aad u qimo badan oo ay tahay inay guri walba taalo. Maqaarka ayaa mar la marsadaa, marna wad qadaneysaa, xata cuntada ayaad ku karsan kartaa. Saliida qumbahu waxa ay xamili kartaa dab aad u kulul. xaga saliidaha kale aaney xamili karin. waxaa muhim ah iney Saliida aad isticmaleysid ay ahaato mid dabiici ah (Organic ) oo saafi ah.

Faaiidooyinka saliida qumbaha:

  • Saliida qumbuhu 90% waxay ka samaysan tahay dufanka acidka leh ee loo yaqaan “Fatty Acids” kaasoo waxtar weyn u leh jirka bini’aadanka. dufanka kale markii uu qofka cuno waa in jirka uu kala soocaa balse dufanka saliida qumbaha marka uu jirka galo waxaa si toos ah loo geeyaa beerka si tamar ahaan loogu isticmaalo. Marka dufankaan tamar ahaan loo isticmaalana waxuu dawo u yahay qalalka iyo cudurka laleebabada oo ah mid ku dhaca qayb ka mid ah maskaxda oo kontaroosha dhaq dhaqaaqa muruqaha.
  • -Qeybo ka mid ah dunida waxay u tahay cunto aasaasi ah, qarniyo badan ayayna cunayeen. Waxaa jirta qowmiyad loo yaqaan “Tokelauans” oo dagta qeyb ka mid ah dalka New Zealand  cilmibaaris lagu sameeyay qawmiyadaas waxaa lagu ogaadey in aananba lagu arkin xanuunka wadna qabadka (heart attack) kaasoo ka yimaado xidada wadnaha oo xirmo, sababtuna waxay tahay in cuntada ay cunaan boqolkiiba 60% waa geedka qumbaha.
  • Cayilku waxaa uu ka mid yahay dhibaatooyinka ugu waa weyn dunida maanta haysta. Saliida qumbuhu waxay ka mid tahay waxyaabaha yareeya cayilka. Waxaa jirta daraasad ku talisay waxaa jirta  in hadii la qaato 15 illaa 30 gram oo qumbo ah maalintii in ay gubayso 120 kalari oo jirka ka mid ah. Hadaba hadii aad rabtid inaan cayilka iska ridid ku dadaal isticmaalka saliida qumbaha adigoo ka foogaanaya dawooyinka halista badan ee la sheego in cayilka lagu yareeyo.
  • Saliida qumbaha waxaa ku jira aashito loo yaqaan lauric acid taasoo awood u leh inay disho noocyada kala duwan ee Jeermiska sida fangaska bakteeriyada, iyo fangaska.
  • Saliida qumbaha waxay yareeysaaa khatarta cudurka kolestaroolka ama dufanka dhiigga.
  • Saliida qumbaha waxay timaha ka ilaalisaa waxyeellada waxayna qoyskaa maqaarka. Korka iyo timaha ayaa la marsadaa waxayna hagaasisaa muuqaalkooda. Cilmi baaris la sameeyay ayaa lagu arkay in saliida qumbuhu ay u fiican tahay dadka maqaarkoodu qalalan yahay.
  • Fatty Acids ka ku jira qumbaha waxuu uu wanaajiysaa shaqada maskaxda, waxaana uu yareeyaa khatarta cudurka dhimir beelidda ee loo yaqaan “Alzheimer’s”.
  • Saliida qumbaha waxay yareysaa khatarta qallalka. Tijaabo lagu sameeyay caruur qabtay cudurka qallalka oo cunto looga dhigay qumbe ayaa lagu arkay inuu qumbuhu uu caawin karo inuu yareynta qallalka.

WQ: C/salaam M. Yaasiin