Madaxweyne Guudlaawe oo shirguddoomiyey kulan SoDMA ku soo bandhigaysay raadadka ay reebtay Elnino

-Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo xalay shir-guddoomiyay shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle.

Waxaa kale oo ka qeyb galay shirka Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo masuuliyiin ka socotay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA) oo uu hoggaaminayay Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle.

Shirka gaarka ah ayaa warbixin looga dhageystay Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle oo ku aadan raadadka ay reebtay Elnino.

Sidoo kale waxa ay warbixinta kusoo gudbiyeen inay ku dhawaad 500-kun oo ruux ay ku saameysay Dowladda Hirshabeelle iminkana waxaa taagan %65 cabsi laga qabo Elnino ka dhallato Roobka Gu’ga ee la filayo inuu dhawaan curto.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa faray dhammaan cida ay khuseyso inay ka hor dhacdada ay talaabo qaadaan si loo yareeyo khatarta ay geeysaneyso.

 

Share this Article

Mas’uuliyiin ka socday Hay’adda Maareynta Musiiboyinka iyo Hirshabelle oo booqday biya xireenka Sabuun ee duleedka Jowhar

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka  Md, Maxamuud Macallim Cabdulle oo ay qayb ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdiraxmaan Daahir Guure, wasiir ku-xigeenka  Wasaaradda Gargaarka , Guddoomiyaha Gobolka Shabeeladda Dhexe  Axmed Mayre Makraan , iyo Masuuliyiin kale ayaa maanta waxa ay booqasho ku tageen biya xireenka Sabuun ee duleedka Magalaada Jowhar.

Mas’uuliyiintaan ayaa kormeeeray qayabaha kala duwan ee biya xireenka,  kaas oo ay ka muuqdaan sameyntii ka soo gaartay Fatahaadii El-Niño ee sanadkii hore.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ayaa sheegay in ay ka shaqeyn donaan dib u dayactirka kanaalkaan, anagoo ayuu yiri kaa shaneyna Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamka .

si looga hor taggo daadad iyo fatahaado laga cabsi qabo in roobka gu’ga uu sameeyo waxaana loo bahanyahay in la habeeyo biya xireenada iyo goobaha kale ee biya mareenada ah, ayuu intaa ku daray Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka .

Madaxa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo wadahadallo la yeeshay saraakiil ka tirsan Ingiriiska

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Ahmed Said Mohamed, oo safar shaqo ku jooga dalka Boqortooyada Ingiriiska, ayaa kulamo wax ku ool ah la qaatay Masuuliyiin  sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, tan Dibadda, Xafiiska baasaboorka iyo Xarunta lagu daabaco baasaboorka ee dalka Uk.

Kulamada ayaa waxaa diiradda lagu saaray aqoonsiga baasaboorka Soomaaliyeed, wadashaqeynta labada dal ee dhanka socdaalka iyo Horumarinta xirfadda saraakiisha HSJ.

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda ayaa xoogga saaraysa iskaashiga caalamiga ah oo ay la leedahay Hay’adaha dhiggeeda ah ee dunida, taas oo ujeedkeedu yahay in sare loogu qaado awoodda baasaboorka Soomaaliyeed iyo in laga wadashaqeeyo arrimaha socdaalka.

Israel oo duqeymo cusub ku dishay 40 ruux oo ku sugnaa bartamaha Gaza

Duqeymo ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen guryo la deggan yahay oo ku yaalla bartamaha Gaza ayaa lagu dilay ugu yaraan 40 falastiiniyiin ah,sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.

“Waxaan ugu baaqaynaa caalamka xorta ah in ay si degdeg ah u joojiyaan dagaalkaan xasuuqa ah ee ay ciidamada Israa’iil ku hayaan dadka rayidka ah”sidaasi waxaa yiri Xafiiska warbaahinta dawladda ee Gaza.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa ku warameysa in ciidamada Israel ay dib u galeen cisbitaalka la go’doomiyay ee Nasser ee Khan Younis ka dib markii ay ka baxeen muddo kooban, iyada oo ay sii xumaanayso xaaladaha xarunta caafimaadka.

Waxaa weli xayiran lacagihii deeq-bixiyeyaasha reer galbeedka ee loogu talagalay dadka Falastiin,waxaana la sheegayaa in baahida bini’aadanimo ee ka jirta Gaza ay gaartay meel aad u daran.

Ugu yaraan 29,410 falastiiniyiin ah ayaa la dilay, 69,465 kalena waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar.

Safiiirka JFS ee Kenya oo tababar u soo xiray Shaqaale ka tirsan Dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Tababarkan oo socday muddo todobo casho ah ayaa waxa ay ka qeyb galayaasha ku qaateen casharo ku saabsan Nidaamka Qandaraasyada Dheef-wadaagga ah ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan (PPP) , kaasi oo ay bixxinayren quburo ka tirsan Hay’adda International Finance Corporation (IFC) ee hoostagra Bankiga Adduunka.

Ugu horeey waxaa halkaasi ka hadlay Madaxda Hay’adda IFC iyo Mashruuca Nidaamka Qandaraasyada Dheef-wadaagga ah, kuwaasi oo ku dheeraaday waxtarka uu u leeyahay Mashruucaan Guud ahaan Dalka iyo Dadka Soomaliyeed.

Sidoo kale qaar ka mid ah ka soo qeybgalayaashii ka faa’iideystay intii uu Taba-barkaan ayaa ka warbixiyey waxyaabaha ay ka faa’iideysteen.

Ugu dambeyntii Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya waxa uu shahaadooyin Gudoonsiiyay Dhamaan wiilasha iyo Gabdhaha ka faa’iideystay Tababarkani.

Maxay kawada hadleen Guddoomiye Aadan Madoobe & Safiirka Sweden ee Soomaaliya?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Sweden Ambassador Joachim Waern.

Guddoomiye Sheekh Aadan iyo danjiraha ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee labada dal, doorka Dowladda Swedish-ka kaga jirto gaarsiinta maashaariicda horumarineed ee dalka laga fuliyay, waxaana uu danjiraha xusay in dowladda Sweden taagereyso howlaha hortabinta leh ee horyaala Golaha Shacabka.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Golaha Wasiirrada iyo Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay heshiiska taariikhiga ah ee difaaca iyo dhaqaalaha ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la gashey Jamhuuriyadda Turkiga.

2. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida ayaa sheegay in heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ka dhexeeya ee ay ansixiyeen goleyaasha qaranka uu muhiim u yahay difaaca badda iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

3. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga dhexmarey aanu ahayn mid lagu colaadinayo dalalka deriska, balse uu yahay mid u adeegaya danaha amniga ee Soomaaliya.

4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo si rasmi ah u saxiixay Heshiiska Difaaca iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Turkiga.

5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley Shir Madaxeedkii 37-aad ee Midowga Afrika, isagoo sidoo kale halkaasi wadahadalo miradhal ah kula yeeshay madax iyo diblomaasiyiin kale.

6. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlayey arday ku guuleysatey deeq waxbarasho ee shahaaddada PhD oo ay jirto culuunta badda ayaa kula dardaarmey ardeydaasi inay ka faa’ideysaan fursaddan qaaliga ah ee furaha u noqon karta inaan kheyraadkeena badda si wanaagsan uga faa’ideysano.

7. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhambaal qoraal ah oo khaas ah ka helay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta.

8. Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo soo gabagabeeyay doodad cutubka 1aad ee Dib u Eegista Dastuurka.

9. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa daahfuray barnaamij lagu tayeynayo xuquuqda shaqaalaha iyo goobaha shaqada.

10. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Golaha Wasiirrada uga mahad celiyay ansixinta heshiiska taariikhiga ah ee difaaca iyo dhaqaalaha ee dhexmarey Soomaaliya iyo Turkiga.

11. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulamo muhiim ah la qaatey guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

12. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa warbixino la xiiriira horumarka iyo shaqada adeegga iyo maamulka hawada Soomaaliya la dhegeystay Wasaaradda Gaadiidka iyo weliba Hay’adda Duulista Hawada Dalka.

13. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa sheegay in heshiiska taariikhiga ah ee dhexmarey Soomaaliya iyo Turkiga uu xoojinayo dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto difaaca iyo dhowrista madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

14. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay falkii ay ku kacdey Dowladda Ethiopia oo dooneysay inay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ka hor istaagaan ka qeybgalka Shir Madaxeedkii 37-aad ee Midowga Afrika ee dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa.

15. War Murtiyeedka ka soo baxay Shir Madaxeedkii 37-aad ee Midowga Afrika oo si adag looga hadley muhimadda dhowrista madaxbanaanida waddamada Afrika, iyo damaca guracan ee Ethiopia ay ku dooneyso inay ku xadgudubto qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

16. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa sheegay in xadgudubka Ethiopia ee badaha Soomaaliya uu noqon karo mid sii dhiirigelin kara argagixisada ka jirta gobolka ee khatarta ku ah nabadda caalamka.

17. Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan oo khudbad ka jeediyay kulan uu Golaha Ammaanka kaga hadlayey xaaladda Soomaaliya, ayaa sheegay in Ethiopia ay weli gobolka ka waddo xadgudubyo iyo falal khatar gelin kara amniga.

18. Midowga Afrika oo isku raacay in Soomaaliya ay noqoto musharaxa keliya ee bariga Afrika u tartamaya mid ka mid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

19. Soomaaliya iyo Uganda ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday dhameystirka heshiis is afagarad oo dhanka iskaashiga difaaca la xiriira.

20. Hay’adda Duulista Hawada ayaa maamulka Hargeysa ee gobolllada waqooyi ku eedeysay inuu ku kacayo falal lagu carqaladeynayo maamulka hawada.

21. Wasiirka Waxbarashada Mudane Faarax Sheekh Abdulqaadir ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso in sannadka 2025 ay tirade macalimiinta kordhiso kana dhigto 10,000 oo macallin.

21- Wasiirrada Maaliyadda ee heer federaal iyo dowlad goboleed ayaa shir ku saabsan federaaleynta arrimaha dhaqaalaha ku yeeshay Muqdisho.

22- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa ka qeybgaley kulan dadweyne oo looga hadlayey dhameystirka dastuurka.

23- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Muqdisho ku qaabilay ganacsato u dhashey Kuwait oo doonaya inay maalgashtaan Soomaaliya.

24- Wasaaradda Arrimaha Diinta ayaa Muqdisho ku qabatey kulan looga hadlayey la dagaalanka fikirka xagjirka ah.

25- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya Cabdullaahi Bin Mutlaq, iyagoo ka wadahadley xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.

26- Ku-Simaha Wasiirka Arrimaha DIbedda Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Midowgaa Afrika AFCTFA.

27- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa magaalada Qaahira kaga qeybgaley shirka 131-aad ee Wasiirrada Maaliyadda ee waddamada Carabta.

28- Shirka wadatashiga wasaaradaha shaqada ee heer federaal iyo dowlad goboleed ayaa lagu soo gabagabeeyay Muqdisho, waxaana looga hadley horumarinta waxbarashada farsamada gacanta iyo tababarada xirfadaha shaqada.

29- Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa booqday qaar ka mid ah kuliyadaha tababarka ciidamada ee Qatar , halkaas oo ay tababaro uga socdaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

30- Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa magaalada Dooxa kulan kula yeeshay Taliyaha Ciidamada Qatar General Salem Bin Hamad Al Aqeel.

31- Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ayaa dilay 7 argagixiso oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab, kadib hawlgal milateri oo ka dhacay degmada Kurtun Waarey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

32- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaaya shacabka ayaa weerar ku burburiyay saldhig ay Khawaarijta Al Shabab ku lahaayeen degaanka Cali Yabaal ee degmada Ceel Dheer.

33- Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya shacabka ayaa gacanta ku soo dhigay horjooge Saciid Cali Gacamey oo dhibaato ku hayey shacabka ku nool degmooyinka Ceel Dheer iyo Galcad ee bartamaha Soomaaliya.

34- Qaramada Midoobay ayaa bodaadisay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dowlad dhiska.

35- Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay lix qof oo wax laga weydiinayo dilka sarkaal ka tirsanaa Hay’adda Duulista Rayidka oo magaciisa la yiraahdo Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan.

36- Ciidanka ammaanka ayaa fashiliya boorso lagu soo qariyay waxyaabaha qarxa oo la doonayey in lagu waxyeeleeyo shacabka magaalada Muqdisho.

Wasiir Xasan Macallin oo ka qayb galay munaasabada sanad guurada 54aad ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS  Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa Maanta ka qayb galay Munaasabada sanad-guurada 54aad ee Aas-aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo lagu qabtay taliska Ciidanka Asluubta.

Munaasanadda oo ahayd Mid aad loo soo agaasimay waxaa goob joog ka ahaa taliyaha Ciidanka Asluubta Generaal Sareeye Guuto Mahad Aadan Cabdiraxmaan iyo Saraakiil sare oo katirsan ciidamada qalabka Sida ee Asluubta, Nabad sugidda iyo Booliska, waxaa laga jeediyay qudbado taabanaya taariiqda ciidanka Asluubta iyo Marxaladihii ay soo Mareen.

Wasiir Xasan Macalin oo soo xiray munaasabada ayaa hambalyo u diray sareeyeyaasha, saraakiisha, saraakiil xigeenada, alifleyda, dableyda iyo dhamaan xasaaskooda iyo caruurtooda isagoona bogaadiyay howlaha ay ciidanka Asluubta uhayaan dalkooda iyo dadkooda ee ku aadan Daryeelka, illaalinta iyo  dhaqan cellinta Maxaabiista.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay heshiiska ay DFS la gashay dowladda Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo qoraal soo dhigay boggiisa Facebooka ayaa ku yiri, “Waxaan saxiixay Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo qayb ka ah dadaalada aan ku bixinayno dhowrista amniga, khayraadka, gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.”

Dr Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweyanha JFS oo ka hadlay muhiimadda uu leeyahay heshiiskaan ayaa yiri,”Heshiiskani oo mudadiisu tahay 10 sano waa mid taageeraya hurumarinta dhaqaalaha baluugga, kobcinta wax soo saarka kalluunka, dhisida kaabayaasha dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka badda, la dagaallanka argagaxisada iyo ka hor taga  wax kasta oo sharci darro ah oo la mariyo xeebaha Soomaaliya, waxa uuna Soomaaliya gaarsiin doonaa in ay dhisato  Ciidan Badeed oo ku filnaada  difaaca baddeenna.”

Ugu dambeyn qoraalka uu soo dhigay Madaxweynaha waxa uu ku soo gabagabeeyey, “Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo  waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan  ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed, waxaana heshiiskan uu qeyb ka qaadanayaa nabadda iyo xasilloonida gobolka.”

Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyay kulanka 14-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 14-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa mudanayaasha labada aqal ku amaanay dedaalkooda joogtada ah, wuxuuna guddiga warbixin ka siiyay dooda dhameystirka dib u eegista Dastuurka KMG ah oo la soo gabagabeeyay cutubka koowaad iyo bilaawida cutubka labaad ee dib u eegista Dastuurka.

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad Xil. Xuseen Iidow ayaa guddiga uga warbixiyay fahamka iyo halka uu maraayo doodaha iyo shintiriska Dastuurka oo dhowaan la bilaabi doonto cutubkiisa labaad.

Gunaanadka kulanka ayaa xubanaha Guddiga Joogtada waxay ka doodeen hubinta ajandyaasha isbuuclaha ah sida shintiriska, hindise sharciyeedyada iyo ajendeyaasha kale muhiimka ah ee horyaala fadhiga Golaha Shacabka.