Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Sweden iyo Mareykanka oo soo dhoweeyay heshiiska iskaashi ee Soomaaliya iyo Turkiga

Jaaliyadda Soomaaliya ee ku nool dalka Sweden ayaa soo dhoweeyay heshiiska difaaca badda ee Dowladda Federaalka ay la gashay dowladda Turkiga.Guddoomiyaha Jaaliyadda Maxamed Xamdi Sheekh Axmed oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ugu hambalyeeyay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed tallaabadii Baarlamaanka ay ku ansixiyeen heshiiska amni iyo dhaqaale ee lala galay Dowladda Turkiga.

” Waxaan halkan hambalyo weyn uga jeedinayaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, anigoo maanta ku faraxsan tallaabadii ay qaadeen Baarlamaanka federaalka , xukuumadda Soomaaliyeed iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan maanta anagoo ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden taageereynaa oo garab taagan nahay heshiiskii shalay Baarlamaanka Soomaaliya ansixiya oo ku aaddanaa difaaca Badda iyo bariga dalkeenna,

Dhinaca kale, Soomaaliya ku nool dalka Mareynkanka gaar ahaan gobolka Menasota ayaa soo dhoweeyay heshiiskii amni iyo dhaqaale ee dalkeenna uu la galay waddanku aynu walaalaha nahay ee Turkiga, kaas oo Baarlamaaanka labadiisa Aqal ay shalay ku ansixiyeen ka dib, fadhi ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Heshiiskan oo socon doona muddo 10-sanno ah, ayaa ku qotoma iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha ah, waxayna jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka ay si weyn u bogaadiyeen tallaabada loo qaaday heshiiskan.

” Tallaabada ay qaadeen madaxdeenna Soomaaliyeed, waa taariikhi, waxay taabaneysaa qof kasta oo Soomaali ah meel kasta uu adduunka ka joogo, waxayna wax tareysaa oo farxad gelineysaa jiilka soo socda oo aynu inagu ka tegi doono, waxayna ka nixisaaa cadowgayaga,” ayay tiri mid ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota.

Sidoo kale, Farxiya Khaliif oo ah wakiilka Galmudug ee waqooyiga Mareynkanka ( North America), ayaa warbaahinta qaranka u sheegtay in ay aad ugu faraxsan yihiin oo ay soo dhoweeynayaan go’aankaas, islamarkaana ay ku bogaadinayaan madaxweynaha tallaabada uu dhanka difaaca Badda u qaaday.

Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shalay cod aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiis ay dowladda Soomaaliya la gashay dhiggeeda dalka Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha ah.

Ciidanka Qaranka oo markii ugu horeysay ka qeyb galeya carbis Milatary oo ka dhacaya dalka dibaddiisa

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibrahim Sheikh Muxuyidiin ayaa hadal u jeediyay Ciidaada sida gaarka u tababaran, kuwaas oo ka qeyb gali doona Carbis Military oo lagu wado in maalinta sabtida ah lagu qabto dalka Kenya.

“Carbiska ka dib waxaa abaal-marinno la guddoonsiin doonaa ka qeyb galayaasha, abaal-marinahaas oo isugu jira mid maaddi iyo ammaan ah ayaa dalka macno weyn u leh.”

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ibraahim Sheekh Muxuyidiin ayaa kula dar daarmay ciidamada ka qeyb qaadanaya Carbiska Milatari in ay tusaale u noqdaan sharafta iyo karaamada Qaranka iyo Ciidanka Soomaaliyeed.

Taliyaha xoogga dalka ayaa xusay guulihii ay ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ka gaareen dagaalladii 1977-kii, isagoo ugu baaqay ciidamada inay ku daydaan.

“Waxa la iska rabo markaa halkaas tagtaan waa adkeysi, dulqaad, iyo Akhlaaq, iyo inaa la dhihin ciidamada Soomaaliya ma helin tababar ku filan”. Ayuu raaciyay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo

Kismaayo,:- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JFS Mudane Baashe Yuusuf Axmed iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta safar shaqo ugu baxay magaalada Kismaayo ee Caasimadda Ku-meel-gaarka ah ee Dawlad-Gobaleedka Jubbaland.

Guddoomiyaha ayaa magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Jubbaland Mudane Cabdishakur Sh. Maxamed Rashiid, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Nuuradiin Maxamed Khaliid iyo qeybo ka mid ah bahda Garsoorka ee Jubbaland.

Safarka guddoomiyaha, ayaa waxa ku wehelinaayey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaiman Maxamed Maxamuud, iyo Agaasimaha Guud ee Machadka Tobabarka Garsoorka Mudane Axmed Maxamuud Xasan, waxaana ujeedka safarkoodu uu daaran yahay ka qeyb-galka Shirka Golaha sare ee Machadka Tobabarka Garsoorka Soomaaliya oo ka qabsoomaya magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha iyo weftigiisa, ayaa sidoo kale inta ay ku sugan yihiin magaalada Kismaayo, waxay u kuur-geli doonaan xaaladda guud ee Garsoorka Jubbaland, horumarada socda iyo caqabadaha horyaala intaba.

Cabdiwali Gaas: Mucaarad iyo Muxaafad waa inaan Madaxweynaha ku garab istaagno heshiiska Turkiga

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cabdiwali Gaas ayaa ka hadlay heshiiska ay wada saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saabsanaa iskaashiga dhanka difaaca iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda heshiiskan, isagoo carabka ku adkeeyay in awoodda dalka ee sugidda amniga biyaha ay tahay mid xadidan, isla markaana heshiiskan uu wax badan ka qaban doono kaluumeysiga sharci darrada ah iyo burcad badeedda.

Waxa uu sidoo kale ku baaqay in heshiiskan aan la siyaasadeynin, lana taageero madaxda dalka, si loo difaaco midnimada iyo qaranimada dalka, lagana hortago Khatar kasta.

“Soomaaliya waxay leedahay badda ugu dheer Afrika, mana lahan awood ay isaga difaacdo burcad-badeedda, qashinka lagu daadiyo, iyo duulaan dibada kaga yimaada, arrimahaas ayaa abuuray baahida loo qabo in la raadiyo waddan aan walaalo nahay oo na caawiya.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore.

Waxa uu intaasi ku daray in Soomaaliya aysan dooneyn inay iska horkeenaan Dowladaha Turkiga iyo Itoobiya, isla markaana ay carqaladeeyaan Ammaanka Gobalka, isaga oo carabka ku dhuftay inay lagama maarmaan tahay in laga hortago damaca Itoobiya.

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa Hindiya

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed Admiral Cabdi Warsame ayaa Dalka Hindiya kaga qeybgalay Shirweeynaha Milano 2024.

shirkan oo ay ka qeybgaleen in ka badan 50 Doowladood ayaa la isku dhaafsadaa tababbarada iyo khibradaha Ciidanka Badda.

Dhinaca kale Admiral Cabdi Warsame  ayaa la kulmay dhigiisa dalka Hindiya oo ay ka wada hadleen iskaashiga Ciidamadda Badda Soomaaliya iyo Hindiya wada shaqeeyntooda.

   

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo hambalyo u diray xuska aasaaska Ciidanka Asluubta

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa hambalyo u diray Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo maanta u dabaal-degaya sanada guurda 54-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Asluubta oo aheyd 22- Feb-1970.

Taliyaha ayaa Ciidanka u rajeeyay Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xiggeenada, Dableyda Ciidanka Asluubta iyo Xaasaskooda in sanadkaan sanadkiisa xiga ay ku gaaraan Horumar iyo Baraare.

Munaasabada Xuska ayaa waxa ka qayb gelaya Madax kala duwan oo ka socota Haya’addaha Dowladda sida golaha xukuummadda,labada gile Baarlamaan,talisyada Ciidanka iyo waaxda Garsoorka.

Taliyihii hore Ciidanka Badda oo Soo dhoweeyey heshiiska Difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiye

Taliyihii hore ee Ciidammada Badda Admiral Faarax Qare ayaa soo dhaweyay heshiiska iskaashiga Difaaca badda ee ay wada galeen soomaaliya iyo Turkiga

Taliyaha oo wareysi siinayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in wax lagu farxo tahay in la helo dowlad ilaalisa badda Soomaaliya,sidoo kalena tababbarta ciidanka badda Soomliyeed,si looga hortago kallumeysiga sharci darada ah,Budhcad badeeda,qashinka lagu shubo badda Soomaaliya iyo hadii cid kale isku daydo in ay ku xadgudubto biyaha badda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Taliyaha in la helo ciidan Soomaaliyeed oo u tababbaran difaaca badda Soomaaliya ay tahay mid shaqsi ahaan uu aad ugu farxay.

”Intii aan noolaa waa Warkii iigu farxadda badnaa waayo waxaan helaynaa Ciidan Soomaaliyeed oo awooda Difaaca Baddeena”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xukuumadda iyo labada gole ee Baarlamaanka dalka ayu ugu mahad celiyay ansixinta heshiiskan oo sida uu sheegay xal u noqonaya dhibatooyinkii ka jiray Badda Soomaaliya.

Shir looga hadlayo quudinta ardada Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu qabtay

Shir looga hadlayey qiimaha ay quudinta ardayda dugsiyada Soomaaliyeed ay u leedahay horumarinta kartida iyo karaanka aadanaha (Human Capital Development) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay Soomaaliya martigalisay ayaa waxaa qeyb ka ahaa waddamada Faransiiska iyo Finlaan oo hadda si wadajir ah u guddoomiya Isbahaysiga Quudinta Ardayda Dugsiyada (School Meals Coalition).

Ujeeddada shirkan ayaa ahayd in la soo bandhigo qiimaha iyo saamaynta wanaagsan ee quudinta ardaydu u leedahay sare u qaadista waxbarashada ubadka, iyo in loo qareemo barnaamijka quudinta ardayda. Waxaa kale oo shirka ka soo qeybgalay qaar ka mid ah diblomaasiyiinta dalalka aynu saaxiibbaha nahay ee taageera waxbarashada sida Midowga Yurub, Talyaaniga, Madaxa Hay’adda Cuntada Adduunka u qaabbilsan Soomaaliya iyo madaxda hay’ado badan oo caalami ah. Mas’uuliyiin ka socday Rugta Ganacsiga, iyo qaar ka mid ah shirkadaha waaweyn ee ganacsiga dalka ayaa iyagana shirkan ka soo qeybgalay.

Wasiirka Waxbarashada oo hadal dheer ka jeediyay shirka, ayaa si weyn u tilmaamay ahmiyadda ay quudinta ardayda dugsiyada u leedahay koboca waxbarashada ardayga Soomaaliyeed. “Waxa aan doonaynaa in dugsiyadu noqdaan goobo daryeel iyo danqasho siiya ubadka Soomaaliyeed, in iskuuladu noqdaan meel ubadku ka dugsado jahliga iyo gaajada”, ayuu yiri Wasiir Faarax Cabdulqaadir.

Mas’uuliyiinta u hadlay dalalka Faransiiska iyo Finlaan ayaa iyagana tibaaxay qiimaha quudinta ardayga, waxaana ay ballanqaadeen in ay garab taagan yihiin taageeridda wax walba oo lagu kobcinayo karaanka aadanaha ee ardayga Soomaaliyeed.

Wasiir Faarax Cabdulqaadir “Macalimiinta dowladda u shaqeeya sanadka 2025 waxay noqon doonaan 10-kun oo macalin”

Wasiirka wasaaradda waxbarashada dowladda FS mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in xukuumadda Danqaran oo ahmiyad weyn siinaysa horumarinta waxbarashada dalka ay kordhinayso macalimiinta wax ka dhiga iskuulada dalka, si loo balaariyo adeegga waxbarashada aas aasiga ah.

Waxa uu sheegay in bisha March ee sanadkan dowladdu ay qaadanayso 3-kun oo macalin oo cusub, kuwaas oo dalka oo dhan loo qeybin doono, islamarkaana 2025-ta macalimiinta dowladda u shaqeeya la gaarsiindoono ilaa 10-kun oo macalin.

Tallaabadan ayuu sheegay inay qayb ka tahay go’aan ay dowladdu ku qaadatay horumarinta waxbarashada dalka, iyadoo la kordhiyey miisaaniyadda dowladdu ku bixiso waxbarashada, lana gaarsiiyey 10%, halka ay markii hore aheyd 3%.

Wasiir Faarax Cabdulqaadir ayaa sheegay in horumarinta waxbarashadu ay fursad weyn u abuurayso dalka, islamarkaana ay qayb ka qaadanayso yareynta faqriga.

Wasiirka shaqada oo la kulmay safiirka Sucuudiga

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Maxamed Cilmi ibraahim ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Maxamed Bin Axmed Al Muwallad.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka iyo iskaashiga labada dal ee xubnaha ka wada ah Jaamacadda Carabta, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa dhinacyada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.