Baarlamaanka oo ansixiyay heshiiska Xukuumadda Soomaaliya la gashay Turkiga

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor-dhow cod aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiis-kii taariikhiga ahaa oo ay dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha.

Kulanka waxaa soo xaadiray 216 mudane waxaa ogolaatay 213 Xildhibaan, waxaana diiday 3 Xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

 

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay ahmiyadda heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa golaha Wasiirrada XFS uga mahad celiyay ansixinta heshiis taariikhi ah oo dowladda Soomaaliya ay la gashay dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashi dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha ah.

Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada ayaa ku tilmaamay heshiiska mid masiiri ah oo dhaxalgal u ah ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuu shegay in heshiiskani uu yahay mid taariikhi ah, Soomaaliyana ay maanta yeelatay saaxiib iyo walaal dhab ah, kaas oo meesha ka saarayo in aynu biyaheenna iyo waxa ku jiraba uga baqno argagixiso, burcad badeed, kalluumeysi sharci darro ah, sun lagu shubo baddeenna.

Mudane, Xamsa oo ka hadlay ahmiyadda heshiiska u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa sheegay in heshiiskani uu suurto gelin doono in la tababaro lana qalabeeyo ciidankeenna badda, lagana faa’iideysto dhaqaalaha baluugga ah ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka mahad celiyay taageerada bini’aadannimo ee ay ugu fidiyeen xilli baahi weyn loo qabay, shacabka Soomaaliyana aysan illaawi doonin abaalka ay u gashay dowladda aynu walaalaha nahay ee Turkiga.

Soomaaliya oo heshay taageero ku aadan Xubinimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka

Soomaaliya ayaa heshay taageero ku aadan in loo magacaabay xubinta kursiga aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,kaas oo mudadiisu noqon doonto 2025 ilaa 2026.

Taageerada Soomaaliya ee loo fidiyay waxay ka tarjumaysaa kalsoonida lagu qabo horumarka dalka iyo awoodda ay si firfircoon uga qayb qaadan karto doodaha ku saabsan nabadda iyo amniga,gaar ahaan gobolka Geeska Afrika oo la daalaa dhacaya walaacyo amni oo adag.

Ansixinta xubinta aan joogtada aheyn ee Soomaaliya waxay guul u tahay umadda Soomaaliyeed,iyadoo sidoo kale guul u ah ummadaha kale ee ku dadaalaya inay ka gudbaan colaadda una gudbaan nabadda. Labada sano ee soo socota waxay muhiim u noqon doonaan Soomaaliya si ay u muujiso horumarkeeda iyo hoggaaminteeda, iyadoo masraxa adduunka laga yaabo inay dib u qaabayn karto hal-abuurka iyo doorka caalamiga ah ee sannadaha.

Soomaaliya ayaa isku diyaarinaysa doorkeeda ku aadan Golaha Ammaanka ,iyadoo beesha caalamku si weyn u sugayaan wax-qabadka dowladda oo horay loo tijaabiyay sida la dagaalanka argagixisada, budhcad-badeedda iyo dib-u-heshiisiinta siyaasadeed ee dalka.

Haddii Soomaaliya loo doorto kursiga aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka waxay diyaar u tahay in inta lagu guda jiro wadatashiyada ay soo bandhigto aragtiyo ku saabsan xallinta khilaafaadka, dadaallada nabad ilaalinta iyo wax ka qabashada baahiyaha gobollada ay saameeyeen iskahorimaadyadu.

Soomaaliya waxay wajahday caqabado ku gudbanaa wadadii ay ku gaari lahayd guushan oo ay ka mid yihiin colaado daba dheeraaday iyo xasillooni darro. Si kastaba ha ahaatee horumaradii ugu dambeeyay ee dhanka maamulka, amniga iyo diblumaasiyadda ayaa Soomaaliya ka dhigaya mid lagu aamini karo howl kasta.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiis ku saabsan difaaca iyo dhaqaalaha dalka

Golaha Wasiirrada XFS ayaa ansixiyey heshiis ku saabsan difaaca iyo dhaqaalaha oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay dowladda Turkiga.

Shirka Golaha wasiirada oo uu guddoomiyey Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa goluhu ku ansixiyey heshiiskaas oo uu dhawaan dowladda Soomaaliyeed u saxiixay Wasiirka difaaca dalka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 8-dii bishan heshiis ku qotoma Difaaca iyo Dhaqaalaha la saxiixatay Dowladda Turkiga, iyadoo heshiiskaas ay kala saxiixdeen Wasiirrada Gaashaandhigga labada dal.

Madaxweynaha Qaranka oo hor tagaya Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka

Waxaa goor dhow la filayaa inuu furmo kulan wada jir ah oo ay yeelan doonaan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii uu codsaday Madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud in uu hor tago xildhibaannada.

Xoghayaha guud ee golaha Shacabka, C/raxmaan Maxamuud C/lle Jaabiri oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inuu socdo diyaar garoow ku aaddan fadhiga loo madlan yahay, kaas oo uu madaxweynuhu ka jeedin doono qudbad ku saabsan arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Xoghaye Jaabiri ayaa sheegay in kulanku yahay mid aan caadi ahayn, kaas oo diiradda lagu saarayo xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka.

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo

Shucuubta dowladaha caalamka aya maanta u dareeray xuska maalinta 21-ka Febraayo oo ah munaasabad muhiim ah oo loo dabaaldego maalinta Caalamiga ah ee Afafka Dunida.

Maalintaan caalamiga ah waa xus sanadle ah oo loola jeedo sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku saabsan in la ogaado kala duwanaanshaha xagga luqadaha,dhaqanka iyo guud ahaan horumarinta adeegyada lagama maarmaanka u ah kobcinta  afafka oo dhan.

Markii ugu horreysay maalintaan caalamiga ah waxaa 17-kii Noofambar 1999 ku dhawaaqay hey’adda UNESCO ee qaabilsan waxbarashada,seyniska iyo dhaqanka,hasa yeeshee 2008-dii waxaa loo aqoonsaday sannadka Caalamiga ah ee Luuqadaha,ka dib kolkii sanadihii u dhaxeeyay 2002-2007-dii ay soo baxeen qaraarro iyo bayaan lagu aqoonsanaayo maalintaasi

Muhiimadda xuska 21-ka febraayo ayaa ah in dowladaha caalamka ay u howlgalaan ilaalinta in ka badan lix kun oo luqadood,xoojinta midnimada bulshada,tixgelinta qeybaha luqadaha iyo wanaajinta xiriirka dunida, iyada oo loo marayo dhanka afafka iyo dhaqamada .

 Haddaba, Dadka Soomaaliyeed,waxa ay ka mid yihiin shucuubta caalamka ee manta u dabbaaldegaya xuska munaasabadda maalinta 21-ka Febraayo oo ah maalin qaramada moidoobay ay u asteysay xuskaasi.

Waa maxay afka ama luqad?

Afka ama luqaddu waa adeegga ugu muhiimsan nidaamka nololeed ee aadanaha, wuxuuna door weyn ka ciyaaraa xoojinta iskaashiga, is-dhexgalka bulshada ,ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka iyo isku xirka howlaha iyo waxqabadka kale ee ay wadaagaan guud ahaan dadyoowga dunida.

Marka loo eego taariikhda soo jireenka ah iyo keydadka qoraalada ee dunida, Waxay na barayaan in xilli hore dadka Soomaaliyeed ay xiriir ganacsi iyo mid is-dhexgalba la lahaayeen dalal ka mid ah caalamka,gaar ahaan kuwa carabta oo aan wadaagno dhaqan ahaan iyo diin ahaanba .

Waxaa dhab ah in barashada tacliinta diinta islaamka ee ku qoran afka carabiga ay suurtagaliyeen horumar kale ee loo qaaday xagga qoraalka farta,taasina,waxaad ka garan kartaa kororka ereyo badan oo carbeed oo noqday kuwo ku miilmay Afka Soomaliga

Dhinaca kale,barashada luqadaha qalaad ee ka yimid Galbeedka,gaar ahaan gumeystayaashii reer Yurub waxa ay saacideen in ay soo baxaan bulsho wax taqaan oo kaalin xoogan ka qaatay fududeynta qoraalka farta iyo Helitaankii iftiinkii xornimada Soomaaliya.

In la qqoro Afka Hooyo,waxa uu ahaa dadaalkii ugu horeeyay ee fikrad ahaan ka yimid Dowladdi Rayidka ee Soomaaliya,waxaana 1-di July ee sanadkii 1961-kii la magacaabay guddi aqoonyahanno ah oo ka soo baaraandega qoraalka Farta Soomaaliga.

Isku daygaasi loo qaaday xagga qoraalka Farta, waxa uu noqday mid aan miro dhalin,iyadoo sababaha ugu weyn lagu sheegay is-qab-qabsi u dhexeeyay guddigaasi,kaas oo ku aadanaa nidaamka xuruufaha  farta ee la qaadanaayey.

Markii labaad, sanadkii 1971-dii waxaa  la magacaabay guddi u howlgala qoraalka Farta Soomaaliga oo ay abaaabulkeeda lahaayeen Dowladdii Kacaanka ee talada dalka Soomaaliya la wareegtay 1969-kii,waxaana guddigaasi ay soo bandhigeen 18-far oo ay ka mid ahaayeen Cismaaniya,Kaddariya,Al-xabashiya,Al-carabiya iyo kuwo kale

Oktoobar 21kii 1972-dii waa markii ugu horeysay ee lagu dhawaaqo qoraalka Afka Soomaaaliga,waxaana muddo sanad ah lagu diyaariyay Qaamuus ,Buugag iyo Manhajyo ku qoran Afka Somaaliga,iyadoo isbeddel kooban lagu sameeyay xuruuftii Laatiinka ee la qaatay,sida nidaamka xarfaha, shaqallada iyo shibbanayaasha.

21-kii  Jannaayo 1973-dii,waxaa dalka Soomaaliya ka soo baxay wargeys ku hadlaya Afka Soomaaliga, waxaana  la helay Manhaj waxbarasho oo loo adeegsado dugsiyada dalka,isla markaana xambaarsan,aqoonta cilmiga maadiga ah, dhaqanka iyo taariikhda bulsho ee Soomaaliyeed.

Inkastoo wixii ka dambeeya 1991-kii si weyn loo dareemay dib u dhac xoogan oo ku yimid  manhajyada waxbarasho ee ku qornaa Afka ,haddana, Sanadkii 2018-kii waxaa mar kale lagu guuleystay in la mideeyo manhajyadii waxbarasho ee ku baxayey afafka qalaad,isla markaana la sameeyo hal manhaj oo ka tarjumaya Afka Hooyo.

Waxaa xaqiiqo ah in xilligii berisamaadka  ee la qoray Afka ka dib lagu tallaabsaday horumar xagga Afka ah oo bulshada Soomaaliyeed ka saaciday in la helo hal nidaam oo loo maro qoraalka Afka ,isla markaana xambaarsan adeegyada maadooyinka cilmiga ah, kuwa dhaqanka, Warbaahinta, xafiisyada iyo  Waxbarashada.

Af Soomaaligu waa mid ka mid ah luqadaha ugu qarada weyn ee looga hadlo dalalka Geeska Afrika, waana dhaxal ay leeyihiin dad ku dhow 30-milyan oo ku kala baahsan dalalka Jabuuti,Itoobiya,Kenya iyo gudaha Soomaaliya.

Qoraalka Farta waa nidaamka kaliya ee lagu ilaaliyo Afka,waana adeeg aasaasi ah oo ku xiran nidaamka dowladnimo,sidaa daraadeed,waxaa lama huraan ah mas’uuliyiinta Waxbarashada iyo maamulka Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta in uu dorkodu noqdo ilaalinta iyo dhowrista adeegga waxbarasho ee dalka.

Haddii la helo manhaj ku qoran Afka Hooyo,,adeegyo waxbarasho oo lacag la’aan ah iyo isdhexgal bulsho,waxaa cad in ay imaan karaan koboc dhanka Afka ah iyo aqoon waxbarashoo oo tayeysan.

Sidoo kale ,waxaa muhiim ah in bulshada lagu baraarujiyo qoraalka Afka, isla markaan loo fududeeyo helitaanka adeegyadaasi oo ah  nidaanka kaliya ee lagu ilaalin karo in uusan dabar go’in Afka Hooyo.

Gabagabadii anagoo ka faa’ideysaneyna xuska sanadgiirada 41-aad ee afka hooyo, ,waxaan hambalyo u direynaa shucuubta dunida,gaar ahaan shacbiga Soomaaliyeed,waxaanna u rajeyneynaa in sanadkaan kiisa kale  ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

SONNA

Duqa Muqdisho oo casha sharaf u sameeyay maalgashadayaal u dhashay dalka Kuwait

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan casho sharaf ah u sameeyay Ganacsato iyo Maalgashadeyaal u dhashay dalka Kuwait kuwaas oo Magaalada Muqdisho u yimid sidii ay Maalgashi u sameyn lahaayeen.

Kulankan casho sharafta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir, Xoghayaha Guud ee Maamulka G/Banaadir, Xildhibaano, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis, Agaasimeyaal iyo marti sharaf kale.

Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa Ganacsatada reer Kuwait warbixin guud ka siiyay horumarada ka jira Magaalada Muqdisho iyo fursadaha Maalgashi ee ka jira Caasimadda.

Maalgashadeyaasha reer Kuwait ayaa ugu mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho soo dhaweynta iyo sida loogu soo bandhigay fursadaha Maalgashi ee ka jira dalka.

  

Soomaaliya iyo Uganda oo Muqdisho ku kala saxiixday heshiis iskaashiga difaaca ah

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Uganda, Mudane Vincent B. Ssempijja iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku yimi magaalada Muqdisho, iyada oo uu Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyeey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cabdifataax Qaasim.

Wafdiga Wasiirka Difaaca dalka Uganda oo soo dhoweynta ka dib loo soo galbiyay Xarunta Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa halkaasi waxa ay kulamo kula qaateen Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur, madaxda kale ee Wasaaradda iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka XDS Janaraal Maadeey Nuureey Shiikheey, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dal ee dhanka difaaca.

Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Vincent B. Ssempijja ayaa kala saxiixday dhammeystirka heshiis is afgarad (MOU) dhanka difaaca ah, kaas oo labada dowladood ay 8-dii bisha Agoosto 2022-kii ku kala saxiixdeen magaalada Entebbe ee dalka Uganda.

DHAMMAAD

Baarlamanka dalka oo soo gabangabeeyey doodda cutubka 1-aad ee Dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka guud ee labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa Guddoomiyaha ku wehelayay ku-xigeennada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu ajandihiisu ahaa dhameystirka ka-doodista soojeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka, cutubka koowaad, qodobada 1-ilaa 9-aad ee Baaqa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo soo jeedinta mooshin ay soo gudbiyeen 70-Xildhibaan taas oo ah wax badel lagu sameeyo arinta Jinsiyadda Soomaaliya.

Doodda qodobbada 1-aad illaa 9-aad ee cutubka koowaad oo qaadatay muddo afar maalin ah ayay Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanku soo jeediyeen aragtiyo wax ku ool ah, qaabayn, sixid iyo siiqayn, si marxaladda xigta guddiyada Dastuurka ee doodda la socda ay ugu soo dhafaan Dastuurka talooyinka iyo soojeedimaha mudanayaasha labada aqal.

Guddoomiyaha oo soo gunnaanaday Doodii looga hadlaayay cutubka 1aad ee Dastuurka, waxaana uu Guddoomiyuhu sheegay in dib loogu celiyay Guddiga Dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu Guddoomiyaha xusay in maalinta beri loo ballansanyahay kulan aan caadi aheyn oo Xildhibaannada isugu yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wafdi ka socdo Jaamacadda Carabta oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi ka socdo Ururuka Jaamacadda Carabta ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana si diiran garoonka Diyaaradaha ugu soo dhoweeyay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS mudane Xamza Aadan Xaadoow, Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Masar ahna Wakiilka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Danjire Ilyaas Sheekh Cumar iyo Cabdullaahi Otobi oo ah Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya.

Mas’uuliyintan oo ka kooban labo xubnood ayaa si kooban warbixin uga dhegeystay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS Xamza Aadan Xaadoow iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar Danjire Ilyaas Sheekh Cumar oo si walaalnimo leh ugu soo dhoweeyay dalka.

Wafdigan ayaa dhambaal ay ka sidaan Jaamacadda Carabta gaarsiin doona Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud.