Taliyaha CXDS oo booqday Kulliyadaha tababarka Ciidamada dalka Qatar

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Cirka ee XDS General Maxamuud Sheekh Xasan (Dable baylood) ayaa Booqday Kulliyadaha tababarka Ciidamada dalka Qatar,halkaasi oo ay tababar kala duwan ku qaadanayaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaalia.

S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa warbixinno ka dhageystay macallimiinta tababarka siinaya Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa Saraakiisha tababarka ku qaadanaya dalka qatar ayaa kula dardaarmay in ay si hufan u qaataan Casharrada la siinayo, waxuuna xusay in dalkooda uu ubaahan yahay, muhiimadduna ay tahay in ay ka faa’idaystaan fursaddan qaaliga ah.

Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa si gaar ah ugu mahad-caliyay dowladda Qatar kaalinta muuqata ee ay ka qaadatay dhismaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Booliska oo war kasoo saaray qarax qasaare geystay oo ka dhacay Muqdiho

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in shan qof ay ku geeriyootay toban kalena uu dhaawac soo gaaray markii ay miino la geliyay isgoyska SOS ee degmada Heliwaa ku qaraxday xalay shacab saarnaa gaari mini Bus ah (Homy) iyo mooto Bijaaj.

Booliska ayaa sheegay in falkan foosha xun ay geysteen xubno ka tirsan khawaarijta arxanka daran.

“Khawaarijta Arxanka daran, ayaa caawa fiidkii 19 Feb 2024, dhagar qarax ah la eegatay gaari nooca dadweynaha ah iyo mooto bajaaj marayay isgoyska SOS ee Degmada Heliwaa”.

Ciidamada ammaanka oo goobta ay wax ka dhaceen gaaray ayaa gurmad xooggan u fidiyay dadkii ku wax yeelloobay qaraxa.

Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.

Qatar oo ballan qaadday in ay sare u qaadeyso taageerada CXD Soomaaliyeed

DOXA- Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo casuumaad Rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Qatar Sarreeye guud, Salem Bin Hamad Al Aqeel Al Nabit, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay dalka Qatar.

Labada Taliye ayaa ka wada hadlay arrimaha saldhigga u ah xariirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dowladood, Soomaliya iyo Qatar.

Labada Taliye ayaa si weyn uga hadlay sidii loo xoojin lahaa taageerada Ciidamada XDS oo dhinac kasta leh, dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo in sare loo qaado deeqaha waxbarasho ee la siiyo saraakiisha Ciidamada Millateriga Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddoow ayaa si gaar ah uga mahad-caliyay dowladda Qatar kaalinteeda kaga aadan dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed, waxuuna ballan qaaday in xariirka labada dal uu ahaan doono mid sii xoogaysta.

Taliyaha Ciidamada Milateriga Dalka Qatar, Salem bin Hamad bin Mohammed bin Aqeel Al Nabit ayaa dhiggiisa Soomaaliya ku soo wareejiyay kulliyadaha Ciidamada ee dalka Qatar.

Soomaaliya oo golaha ammaanka QM hordhigtay gardarada Ethiopia

New York: Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan oo khudbad muhiim ah ka jeediyay kulanka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uyuu kaga hadlay dhaqdhaqaaqyada daandaansiga ah oo ku aaddan hawlaha ciidan ee Itoobiya ay ka waddo xudduudaha Soomaaliya.

Danjire Abuukar Baalle ayaa iftiimiyey arrimaha xasaasiga ah ee ka dhashay faragelintanta Ethiopia, taas oo khilaafsan dhaqanka dowladnimada iyo xeerrarka caalamiga ah, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida muhiimka ah ee loo qabo in golaha ammaanku ogaado dhaqamada sharci darrada ah ee Ethiopia ka wado bariga Afrika.

Waxa uu sheegay in muhiimadda weyn ee ay leedahay ilaalinta xasilloonida gobolka iyo doorka ay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrikaba ka ciyaaraan dadaallada ka hortagga colaadaha, taasoo Ethiopia cadaadis ku saaraysa inay ixtiraamto mabaadi’da caamka ah ee midowga Afrika ku dhusanyahay.

Dowladda Soomaaliya waxay hore u soo saartay bayaan rasmi ah oo ay ku cambaareyneyso wax ay ku tilmaantay gardarro cad oo Ethiopia ku soo haweysatay qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qaramada Midoobay oo bogaadisay horumarka ay Soomaaliya ka samaynayso dhinacyada amniga iyo dowlad dhiska

New York: Iyadoo manta khudbad ka jeedinaysay shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing ayaa ka hadashay Horumarka balaaran ee ay Dowladda Federaalka ku tallaabsatay bilihii la soo dhaafay ee ku aaddan hirgelinta waxyaabaha ay mudnaanta siineyso, waxayna warbixin ka bixisay arrimaha siyaasadda, amniga, gobolka, xaaladaha bani’aadamnimada iyo arrimo kale.

“Dhanka dastuurka,waxaan ku dhiirigelineynaa dhammaan dhinacyada inay isku tanaasulaan si loo dhameystiro geeddi-socodka dastuurka. Haddii aan la helin dastuur loo midaysanyahay, Soomaaliya waxay noqonaysaa mid u nuglaata dhibaatooyin joogto ah marba hadii aan loo haynin xeerar la isku raacsanyahay oo lagu xaliyo caqabadaha,” Catriona Laing ayaa sidaas u sheegtay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Dhanka Is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland, Catriona Laing waxay sii adkaysay hadalkii Xoghaya Guud ee QM Antonio Guterres, kaasoo sheegay in Golaha Amaanka ee QM ay ixtiraamayso madaxbannaanida dhuleed iyo midnimadda Soomaaliya, waxayna ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay galaan wada-hadal nabadeed oo waxtar leh iyo inay ka fogaadaan hurinta erayada ama ficilada sii kicin kara xiisado colaadeed”.

Dhinaca horumarka amniga, Catriona Laing ayaa xustay in “QM ay ku faraxsan tahay in ay ka warbixiso horumarrada wanaagsan ee ku saabsan xasilinta meelaha dhowaan dib loo xoreeyey, gaar ahaan waxaa jira horumar laga gaaray hirgelinta sharciga, maamulka, dib u heshiisiinta, iyo bixinta adeegyada aasaasiga ah. Barnaamijka wadajirka ah ee Qaramada Midoobay ayaa lagu baahiyaa meelaha dib xureeyay.”

Xili ay ka warbixinaysay arrimaha haweenka ee Soomaaliya, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing ayaa tiri “Waxaan sii wadnaa la shaqeynta dowladda, haweenka ku jira baarlamaanka federaalka iyo bulshada rayidka ah si loo horumariyo hirgelinta qoondada haweenka ee 30%. Inkastoo dadaallo wadajir ah la sameeyay, hadana ka qaybgalka haweenka ee arrimaha siyaasadda waa caqabad taagan.”

Dhanka arrimaha bini’aadantinimada ee Soomaaliya, Catriona Laing waxay sheegtay in xaaladdu ay weli tahay mid aad u adag, “Qorshaha ka jawaabidda arrimaha Bini’aadantinimo ee 2024-ka wuxuu u baahanyahay $1.6 bilyan si loo daboolo baahiyaha 5.2 milyan oo ah dadka nugul ee Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, 37% ayaa la dhimay baahiyihii taagnaa 2023. Dhimistani waxay la jaanqaadaysaaa habka cusub ee ka jawaabta baahiyaha bini’aadantinimo iyadoo mudnaan iyo tixgalin gooni ah la siinaayo hoos u dhaca dhaqaale ee caalamka.”

Hay’adda Duulista Rayidka oo digniin adag u dirtay maamulka Waqooyi Galbeed

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa maamulka gobolada woqooyi ku eedeysay inuu ku kacay falal xadgudubyo heerarkoodu kala duwan yahay oo lagu carqaladeeyey diyaarado isticmaalayey hawada sare ee Soomaaliya, sida lagu sheegay War-saxaafadeed Hay’adda ka soo baxay.

Laga soo bilaabo, 11 February 2024, waxaa dhacayey xadgudubyo heerar kala duwan leh kuwaas oo ay ku kacayeen maamulka gobolada waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland, taas oo ay ku carqaladeynayeen khadadka ay diyaaraduhu isticmalaan ee dulmara qeybo ka mid ah hawada gobolada waqooyi ee Soomaaliya. Ficiladaan ayaa ka soo horjeeda shuruucda dalka u yaala iyo kuwa caalamiga ah. Falalkaani waxay khatar galin karaan diyaaradaha iyo rakaabka isticmaala khadadka dulmara qeybo ka mid ah gobolada Waqooyi ee dalka.

Iyadoo ay jiraan caqabadahan, dowladda Soomaaliya waxay qaaday talaabooyin lagu xaqiijinayo bad-qabka duulimaadyada dulmara qeybo ka mid ah gobolada waqooyi ee dalka, kuwaas oo kala ah:

1. Dowladda Soomaaliya waxay soo saartay warsaxafadeed taariikhdu markay ahayd 13 Feebarayo 2024, taas oo bulshada Soomaaliyeed iyo caalamkaba loogu xaqiijinayey bad-qabka duulimaadka hawada Soomaaliya.

2. Dowladda Soomaaliya mar walba waxay digniino u direysay maamulka gobolada waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland si ay uga waantoobaan faldambiyeedyadaas.

3. Dowladda Soomaaliya iyadoo tixgelineysa shuruucda duulimaadka adduunka ayay soo saartay wargelinno (NOTAMs) A0017/24 iyo A0019/24, kuwaas oo lala wadaagay dhammaan caalamka iyo hay’adaha ay khusayso, laguna xaqiijinayey in duulimaadyadu si bad-qab iyo amni ah ku maraan hawada goboladaas, iyadoo aanay wax saameyn ah ku yeelanin carqaladahani addeegii duulista hawada.

Iyadoo ay jiraan digniinahan iyo taloobiyinka la qaaday ayay maamulka gobolada waqooyi ee Somaliland sii wadeen fal-dambiyeedyadan ka dhanka ah shuruucda duulimaadka caalamka.

Haddaba, iyadoo ay intaas jirto, dowladda Soomaaliyeed waxay ka baaqsatay inay qaado talaabooyin kuwaan ka adag, iyadoo u tureysa shacabka Soomaaliyeed ee deegaanadaas ku nool iyo ciddii kale ee isticmaasha addeega Duulista Rayidka

Dowladda Soomaaliya waxay dareensan tahay in carqaladeynta ay wadaan maamulka gobolada waqooyiga ee Somaliland ay ku jiraan gacmo shisheeye, si ay u fushadaan danahooda guracan. Dowladda Soomaaliya waxay ka digeysaa sii socoshada falalkan.

Haddaba, haddii ay sii socdaan talaabooyinkan faldambiyeedka ah ee lagu carqaladeynayo Duulimaadyada Rayidka ah ee dul mara gobolada waqooyi ee dalka, waxay dowladda Soomaaliya iyadoo ka xun ku khasbanaan doontaa inay qaado talaabooyin ad-adag oo lagu xaqiijinayo amniga iyo bad-qabka Duulimaadka Rayidka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sharciga la tiigsan doontaa cid walba oo ku lug leh falalkan guracan.

Laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta oo lagu qabtay Shabeelaha dhexe

Jowhar: Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 3-aad ee qaybta 27-aad ayaa gacanta ku soo dhigay laba dhagarqabe oo miinooyin ku aasayey inta u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Xawaadley ee gobolka shabeellaha dhexe, si waxyeelo ugu geystaana shacabka soomaaliyeed ee sida maalinlaha u isticmaala.

Dhagarqabaayasha ayaa lagu kala magacaabaa Ibraahim iyo Cabdiraxmaan Muuse, waxaana ayne u qaabilsanaayeen dhinaca howlgalada miinooyinka, iyaga sheegtay in muddo ah ay ka tirsanaayeen kooxda cadowga Khawaarijta.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya oo booqday suuqa weyn ee Business Bay Square Mall

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane Jabril Ibrahim Abdulle ayaa booqday suuqa weyn ee Business Bay Square Mall isaga oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladaha dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Danjire oo ka hadlay booqashadiisa ayaa yiri, “Waxaa sharaf ii ahayd inaan soo booqdo Suuqa weyn ee cusub ee Business Bay Square Mall (BBS Mall) ee dhawaan laga dhisay xaafada Eastleigh ee magaalada Nairobi.”

Danjiraha waxa uu intaas ku daray, “Waxaa aad uga mahadcelinaynaa maamulka Business Bay Square Mall oo si hagar la’aan ah noogu soo dhaweeyay suuqa BBS Mall. Waxaa aad ula yaabnay quruxda iyo muqaalka Suuqaan oo ah kii ugu weynaa ee laga fuliyo wadamada geeska iyo bartamaha Afrika”.

Safiirka waxa uu hambalyo iyo bogaadin u diray guudoomiyaha Business Bay Square Mall, Ganacsade Moalim Wali iyo guud ahaan maamulka Suuqa, oo uu hogaaminayo Mudane Muniir Axmad,

Macalin Wali ma aha oo kaliya inuu dhisay Mall-ka balse sidoo kale wuxuu uu ku soo kordhiyay dalka Kenya goobo ganacsi oo casir ah

Damjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa sidoo kale sheegay “Markaan dhex marayay Suuqa, waxa aan aad ula dhacay naqshadda casriga ah iyo jawiga sare, oo i xusuusinaya goobaha ganacsi ee ku yaal wadamada horumaray iyo kuwa Bariga Dhexe. Waxay ahayd wax aan ula dhacay in aan arko kumanaan macaamiil iyo ganacsato faraxsan oo ku dhex jiray ganacsigooda”

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu xiisaha badan waa Suuqa Dahabka ugu weyn ee Afrika ee Sub-Saharan, kaas oo la filayo inuu soo jiito ganacsiga iyo shacab ka kala yimaada Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo shirguddoomiyey kulanka wadajirka ee BFS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 14-aad ee Labada Gole Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Fadhiga waxaa Guddoomiyaha ku weheliyay ku-xigeennada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad JFS. Ajandaha kulanka waxaa looga hadlay dib u eegista KMG, dhameystirka ka doodista soojeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka Cutubka 1-aad Baaqa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobka 1-aad ilaa 9-aad.

Xildhibaannada Labada Aqal ayaa waxay ka doodeen qodobo dhowr ah, waxaa ka mid ahaa mabaadii’da aasaasiga ah, calanka Jamhuuriyadda iyo kuwa maamul goboledyada, Jinsiyadda, caasimadda dalka ee Muqdisho, Astaanta Qaranka ereyada ay ka kooban tahay in lagu qoro buuga Dastuurka, sidoo kale Xildhibaannada ayaa ka hadlay xuduudaha dalka uu leeyahay.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo soo xiray fadhiga maanta ayaa waxaa uu sheegay in jadwalka uu ahaa in maanta la soo gabagabeeyo dooda cutubka koowaad loona gudbo cutubka labaad ayaa Xildhibaannadda u sheegay in maalinta beri ah lasoo gabagabeynayo dooda Xildhibaanada ee qodobada 1-aad ilaa 9-aad, isla-markaana beri ay noqoto maalin shaqo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeer shaqo ku tagay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer shaqo ku tagay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku adkeeyey hirgelinta, horumarinta shuruucda dalka iyo ladagaallanka Musuqa iyo isticmaalka Maandooriyaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warbixinno ku saabsan qaab dhismeedka, hannaanka shaqo, qorshaha furan ee dib u habaynta iyo tirakoobka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka dhageystay qeybaha kala duwan ee hoggaannada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo bogaadiyey guulaha muuqda ee ay ku tallaabsadeen Ciidanka Booliska ayaa Sarakiisha iyo taliskoodaba ku adkeeyey in ay hirgaliyan ku dhaqanka xeerarka iyo siyaasadaha la dajiyey si loo ilaaliyo sharafta Ciidanka iyo bulshada, loona abuuro iskaashi sal adag leh oo qeyb weyn ka qaato amniga dalka iyo bad qabka carruurta iyo haweenka Soomaaliyeed.