Saldhigii ugu waynaa Khawaariijta ee Deegaanka Cali Yabaal oo la burburiyay iyo Dagaal ka socda

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deegaanka ayaa Weerar dhowr jiho ah ku qaaday saldhig kooxda khawaariijta ah  ku laheed dhul howd ah oo u dhaw Deegaanka Cali Yabaal oo hoostago Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Dagaal xooggan ayaa ka socday Deegaanka Cali Yabaal waxaana Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deegaanka si rasmi ah gacanta ugu dhigeen goobahii khawaariijta saldhiga u aheed.

Sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deegaanka dagaalka oo bilaawday saakay aroortii ayaa ilaa iyo hadda socda,waxaana khawaariijta lagu gaarsiiyay jab xoogan.

Kooxda Khawaariijta ah oo isku day-day in ay difaacdo saldhiggaas oo muhiim u ahaa ayaa ugu dambeeyn cagta la mariyay oo laga saaray,waxaana hadda xabadu kasii dhaceeysaa dhulka howdka ah ee u dhaxeeyo Cali Yabaal iyo Cowswayne.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta Deegaanka ee ku sugan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa maalin walba baadi-gooba xubnaha ka tirsan Khawaariijta eek u dhuumaaleeysanaayo dhulka howdka ah,kuwaas oo hadda noqday qaar la dilay iyo kuwa nolosha lagusoo qabtay.

RW Xamsa oo faray hay’adaha Amniga in ay baaritaan ku sameeyaan dilka shaqaale ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka dhageystay warbixinno ku saabsan horumarrada laga gaaray adeegga iyo maamulka Hawada Soomaaliya, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, iyaga oo soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlaha duulimaadyada dalka.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa faray hey’adaha amniga in ay baaritaan dhab ah ku saameeyaan, isla markaana ay gacanta ku soo dhigaan dhagar-qabayaasha ka danbeeyey dilkii muwaadin ka tirsanaa shaqaalaha Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo xalay meydkiisa laga helay gurigiisa, si caddaaladda loo horkeeno, isaga oo tacsi u diray ehellada iyo qoyska uu ka baxay marxuumka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gaadiidka iyo Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed horumarka ay sameeyeen, isaga oo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad gaar ah siinayso horumarinta Hey’adda Duulista Hawada, si loo sii labo jibbaaro guulaha la gaaray.

Maxkamadda G/Banaadir oo mudeysay dhageysiga Dacwadda ka dhanka ah eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa mudeysay dhageysiga Dacwadda ka dhanka ah eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo loo haysto inuu xaaskiisa ku gubay magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in dhageysiga Dacwadda ee Eedeysanaha la qaadi doono maalinta Arbacada ah Tariikhdana tahay 21/2/2024,saacddu markey tahay 09:00 Subaxnimo,Taliyaha Qeybta Baarista Dambiyada CID ayaa lagu wargaliyay in eedeysanaha uu xiligaa horkeeno maxkamadda.

Dhawaan ayay ahayd markii eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud uu xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Marxuumad Luul Cabdicasiis uu ku gubay degmada Dharkenley,maalmo kadibna ay u geeriyootay dhibaatada dabku u geystay.

 

Xukunka Kooxdii gaystay Dhimashada iyo Dhaawaca

Dable Xoogga Arwaax Ibraahim Axmed, Axmed Ibraahim Axmed, Dable Xoogga Maxamed Shariif Rooble Maxamuud ( Oo Maqane ah), iyo Abshir Axmed Xasan Cabdi Jalaf (Oo Maqane ah) ayaa lagu soo eedeeyay dembiga ah jid gooyo ay ka dhalatay Dhimasho, Dhaawac iyo burbur Hantiyadeed.

Dable Xoogga Arwaax Ibraahim Axmed iyo Dable Xoogga Maxamed Shariif Rooble Maxamuud (Oo Maqane ah) ayaa loo haystay dembiyada kala ah Dil bareer ah, Dhaawacyo, Qalqal-gelin shacab, Jidgooyo, ka tagis goob shaqo, isku day dhac iyo qasaaro soo gaaray gaari ay ku rasaaseeyeen uuna lahaa Dhibane Aadan Cabdi Cusmaan, Ayna ku dhinteen Marxuumiinta kala ah Cabdullahi Maxamed Gacal iyo Shukri Axmed Weheliye, kuna dhaawacmeen dhibanayaal Guuleed Ibraahim Hiloowle oo 16 jir ah, iyo Kaaho Cabdulle Caddow falkaas oo ka dhacay Xabaal Duub oo ka tirsan tuulada Maxaa Saciid ee hoostagta degmada Cadalle kow iyo labaatankii bishii Augost 2023.

Halka Axmed Ibraahim Axmed iyo Abshir Axmed Xasan Cabdi Jalaf (Oo Maqane ah) iyagana loo haysto gacansiin dambi iyo isku day dhac iyaga oo wadayaal ka ahaa Labo Mooto Fekon oo lagu geeyay Arwaax iyo Maxamed Shariif goobtii uu falka ka dhacay.

Arwaax ayaa usoo gacan galay Laamaha Cadaaladda Shan iyo Labaatankii bishii Augost 2023 halka Axmed Ibraahim Axmed uu isna soo gacan galay Sadax iyo Labaatankii bishii November 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Sedax iyo Tobankii bishii January ee Sanadkan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn ku kala xukuntay:

1- Ex Dable Xoogga Arwaax Ibraahim Axmed iyo Ex Dable Xoogga Maxamed Shariif Rooble Maxamuud(Oo Maqane ah) ayay Maxkamadda kuwada xukuntay Dil toogasho, ahna Qisaasta Marxuumiinta kala ah Cabdullahi Maxamed Gacal iyo Shukri Axmed Weheliye, Sidoo kale in ay wada bixiyaan Magta iyo Qarashaatkii ku baxay dhaawacyada Dhibanayaasha kala ah Kaaho Cabdulle Caddow iyo Guuleed Ibraahim Hiloowle, sidoo kalana ay bixiyaan qarashka gaarigii ay ka burburiyeen Dhibane Aadan Cabdi Cusmaan.

2- Axmed Ibraahim Axmed iyo Abshir Axmed Xasan Cabdi Jalaf (Oo Maqane ah) ayaa iyagana lagu Xukumay min 5 Sano oo Xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Wasiirka Dastuurka XFS oo ka qeybgaley dood dadweyne oo ku saabsan dhameystirka dastuurka KMG

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa xalay Muqdisho kaga qeyb-galay dood dadweyne oo ku saabsan dhameystirka dastuurka iyo mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya.

“Dhameystirka waa himilo, balse geedi socodka Dastuurka waa in uu socdaa, marka aan Baarlamaanka geyno , waxay ka dhigantahay in geedi socodka oo uusan dhamaan” ayuu yiri Mudane Xasan Macalin Maxamuud.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Xasan Macalin Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in dalkaan daawadiisa tahay dastuur iyo sharciga oo sareeyo, taas oo uu ugu baaqay dhamaan dadka Soomaaliyeed in loo wada istaagno si loo helo dastuur dhameystiran.

“Geedi-socodku waxa uu ku dhammaan doonaa marka dadweynuhu afti u qaadaan. Geedi socodku ha joogsado ayey siyaasiyiintu qaar leeyihiin, marka shaqada socotaa. Putland iyo Somaliland geedi-socodka intuu uu socdo waan dooneynaa laakiin ma qasbi karno” ayuu ku daray hadalkiisa Wasiir Xasan Macalin.

Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan guda galay ka doodista dhameystirka dastuurka KMG iyadoo la filayo in ugu dambeyn labada gole ansixiyaan si dalka uga baxo dastuurka KMG oo tan iyo 2012-kii ay ku baxday malaayiin dollar.

 

 

  

Ciidanka xoogga oo ka hortagay khawaarij dooneysay weerar arbushaad ah

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa soo afjaray Koox Khawaarij ah oo doonayay weeraro arbushaad ah iney ku qaadaan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa helay Xogta dhagarta Argagixiso dooneysay iney weeraro Arbushaada ku qaadaan dagmada Ceeldheer ayaa looga hortagay Nawaaxiga Haanta Cagadheere,

Guutada 24-aad Khaalid Bin Walid ee Ciidanka xoogga dalka  iyo kuwa deegaanka ayaa dagaal kooban kadib so afjaray Khawaariijta dooneysay iney dhibaateyan Shacabka ku dhaqan Ceeldheer


Taliye Guutada 24aad Khaalid Bin Walid Gaashaanle Maxamed Dhagaweyne ayaa Warbaahinta qaranka u Xaqiijiyay in Khawaariijta Jab culus la gaarsiiyay Dhagartoodana laga War hayay walina ay Ciidanku sii baacsanayaan tirada yar ee naf la caariga ah .

War-murtiyeedka laga soo saaray shir-madaxeedka Midowga Afrika oo si adag looga hadlay damaca gurracan ee Ethiopia

Ururka Midowga Afrika oo labadi maalin ee la Soo dhaafay shir madaxeedkii 37-aad ku yeeshay xaruntooda magaalada Addis Ababa ayaa soo saaray war-murtiyeed ku saabsan arrimo kala duwan oo khuseeya qaaradda.

Warmurtiyeedka laga soo saaray Meertada 37-aad ee shir-madaxeedka Midowga Afrika ayaa waxaa kamid ahaa qodobo si gaar ah looga hadlay Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo xadgudubka gurracan ee Ethiopia.

Waxaa lagu bogaadiyey hoggaanka wanaagsan ee Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, dowladda Soomaaliya guulaha ay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, iyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo saaxiibada la shaqeeya taageerada iyo naf hurnimada.

Midowga Afrika warmurtiyeedka uu soo saaray ayaa si adag uga hadlay Xadgudubka Ethiopia ee dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii ay heshiis beenaad ay ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa Itoobiya iyo maamulka gobolka Waqooyi ee Soomaaliya (Soomaaliland) 1-dii January 2024.

AU waxay mar kale xaqiijisay inay ka go’an tahay iyo inay taageerto midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax-bannaanida, dhammaan dalalka xubnaha ka ah, oo ay ku jirto Soomaaliya. Midowga Afrika ayaa ugu baaqday labada dal in ay xiisadda dejiyaan oo ay wada hadal macno leh yeeshaan si arrinta xal nabadeed looga gaaro.

Midowga Afrika waxa uu sidoo kale ka codsaday Dowladaha xubnaha ka ah iyo Beesha Caalamka inay kordhiyaan kaalmada ay siiyaan DFS, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa ciidamadeeda Ammaanka, looga adkaan lahaa Al-shabaab iyo horumarinta is-dhexgalka bulshada iyo xasilloonida deegaannada cusub ee laga saaray. AU waxay ku ammaantay UN, EU, UK, US iyo saaxiibada kale taageeradooda dhaqaale iyo saadka ee joogtada ah ee ATMIS.

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay 6-qof oo ku eedeysan dilka shaqaale ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka

Boliiska degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa maanta Warmurityeed ka soo saaray geerida Marxuum Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan oo meydkiisa laga helay hoyga oo ka degan yahay Waaxda Janaraal Daa’uud gaar ahaan Xaafadda Ceel Qalow.

Warmuritiyeedka Saldhiga Boliiska Degmada Wadajir ayaa lagu yiri:

“Caawa fiidkii abaare 06:30 PM ayaa Saldhiga Boliiska Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaa soo gaartay xogta in meydka muwaadin uu yaalo gurigii uu dagaanaa oo ku yaala Waaxda Janaraal Daa’uud gaar ahaan Xaafadda Ceel Qalow.”

Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay soo qabteen 6 ruux oo looga shakisan yahay dilka Marxuumka oo ka tirsanaa shaqaalaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya, iyadoo weli ay socdaan baaritaano ku aadan dhacdadan.

“Ciidanka Boliiska oo goobta gaaray, ayaa bilaabay baaritaano la xariira dhacdada. waxaana gacanta Boliiska hada ku Jira ilaa 6 eedeysane iyo cadeymihii goobta loogu tagay, waxaa socda baarista kiiskan wixii ku soo kordha dib ayaan bulshada kala wadaagi doonaa.” ayaa la raaciyay.

Guddiga gaarka ah ee arrimaha xabsiga dhaxe ee golaha shacabka oo kulan la yeeshay taliyaha Ciidanka Asluubta

Guddiga Gaarka ah ee Arrimaha Xabsiga Dhexe Xamar ee Golaha Shacabka BJFS ayaa Maanta kulan kula yeeshay xarunta Guddoonka iyo Gudiyada ee Villa Hargeysa Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Kulanka waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Gaarka ah xil. Gen. Bashiir Cabdi Maxamed Ameerika.

<Taliiyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa warbixin guud ka siiyay Guddiga xaalada maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Xamar, asagoona aad ugu dheeraaday marxalada ay ku sugan yihiin maxaabista kuwa xukuman iyo kuwa xukun sugayaasha ah, tirada .axaabiista ku jira Xabsiga iyo guud ahaan xaalada Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Taliyaha ayaa sidoo sheegay inay jiraan caqabado u baahan in laga taageero sida daryeelka Caafimaadka maxaabista iyo wax-baridooda iyo in laga saacido inay helaan Gaadiid iyo meesha lagu xiro Maxaabiista oo aad yar ayna ubaahan yihiin balaarin.

Intaasi kadib xubnaha guddiga ayaa Su’aalo la xariira xaalada maxaabista iyo Xabsiga dhexe ee xamar weydiyay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Mudane Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Waxa uuna taliyaha Ciidanka asluubta uu mid mid ugu jawaabay Guud ahaan Su’aalihii la weydiiyay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga Xil. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa uga mahadceliyay Taliyaha iyo mas’uuliyiintii la socday sida wanaagsan ay u soo ajiibeyn kulanka, Asagoona sheegay inay xoojin doonaan wadashaqeynta iyo dardar gelinta howlaha Baaxada leh ee horyaala Guddiga Gaarka ah ee Arrimaha Xabsiga Dhexe ee Xamar ay si wanaagsan uwada shaqeyn doonaan.

      

Wasiir Isaaq” “Dalkeenna si uu ugu biiro Bulshada Bariga Afrika, wuxuu u soo maray dhaba dheer oo qaatay muddo 10 sano ka badan”

Wasiirka ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal (Fanax) ayaa ka hadlay marxaladihii kala duwaan ee loo soo maray heshiiska ku biirista Bulshada Bariga Afrika, dadaalkaas oo ugu dambeyn guuleystay.
Wuxuu ku bogaadiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, markiii uu xafiiska yimid inuu juhdi xooggan ku bixiyay sidii loogu guuleysan lahaa kuu biirista suuqan oo Soomaaliya faa’ido badan ugu jirto.
”Haddaaan si kooban i iraahdo, runtii waxaad ogtihiin in dalkeenna si uu ugu biiro Bulshada Bariga Afrika uu soo maray safar oo rintii qaatay ku dhawaad 10-sanno, taas oo maalinba meel laga soo gudbaayay, madaxweyne  Xasan Sheekh markii uu ku guuleystay doorashada waxyaabihii ugu horeeyay uu sameeyay waxay ahaayeen magacaabis, haddii madaxtooyada laga soo gudbo,” ayuu yiri wasiir fanax.
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in si loo dhaqaajiyo howsha ku biirista Bulshada Bariga Afrika, madaxweynuhu magacaabay ergayga Soomaaliya u qaabilsan Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika Dr. Cabdisalaan Cumar Hadliye oo horay u soo noqday wasiirkii arrimaha dibadda, wuxuuna ergayga dadaal xooggan uu geliyay si loo daadejiyo loona dhaqaajiyo arrintaan.
Ergayga oo sharxayay faa’idada Soomaaliya u leedahay ku biirista ururkan ayaa sheegay in dhammaan dadka Soomaalida ee ganacsiyada ku leh dalalka ku boobay Bulshada Bariga Afrika ay ka heli karaan nidaam socdaal oo fudud.