Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha shacabka oo warbixin ka dhageystay mareeyaha hey’adda NIRA

Guddiga Arrimaha Gudaha Maamulada Goboladda Iyo amniga ee Golaha shacabka BJFS ayaa kulan la qaatay Maareeyaha Hey’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha “National Identification and Registration Authority”– NIRA Mudane Abdiwali Cali Abdulle ,waxaana wahalinayay Agaasimayaal iyo khubaro ka tirsan hay’adda NIRA .

Kulanka ayaa waxaa shir  guddoominayay ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Xilldhibaan Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afey), waxaana wahlinayay Xoghayaha Guddiga Xilldhibaan. Maxamed Ibrahim Cabdi  (Diyeeshe), iyada oo ay goobjoog ahaa xubnaha Guddiga

Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa
Warbixnta waxqabadka Hey’adda NIRA iyo Su’aalo la xiriira waa jibaadka loo igmaday Maareeyahay.

Maareeyaha Hey’adda ”NIRA” Mudane. Abdiwali Cali Abdulle ayaa Guddiga warbixin Guud ka siiyey waxyaabihii u qabsoomay intii ay jirtay hay’adda, asigoona sheegay in ay hadda ku howlanyahiin sidii ay ubalaarin lahaayeen xarumha hay,adda shacabkana ugu fududaato qaadashada kaarka aqoonsiga Dadweynaha.

Xubnaha Guddiga ayaa bogaadiyey Maareeyaha iyo shaqada adag uu u hayo Bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guudiga ayaa ugu mahadceliyey Maareeyaha in ay muhim tahay wada shaqeynta, islaxisaabtanka iyo kor- joogteynta Hay,adda iyo Guddiga.

   

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Shir-gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada maamulka oo looga hadlay arrimaha amniga deegaanada Hirshabeelle, Howlgalada Khawaarijta looga xoreynayo deegaanada ay ka joogaan Hirshabeelle.

sidoo kale waxaa looga hadlay Baahinta garsoorka, Dar-dargelinta dhismaha gole-yaasha deegaanka, Warbixin mashaariicda Wasaaradda Beeraha ee hada socda iyo kuwa dhawaan bilaaban doona, iyo ka doodista nuqulka, qaab dhismeedka shirkadaha amni ee gaarka loo leeyahay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Safiirka ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay safiirka ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaliya Mudane Cabdullahi bin Mudlaq alcutaybe .

Inta uu kulanku socday, arrimaha laga wada hadlay waxaa ugu muhiimsanaa; howlaha dib u heshiisiinta , Xasillinta dalka iyo iskaashi dhexmara Wasaaradda iyo Jaamacadda Carabta ee dhinacyada nabad-dhiska Soomaaliya iyo arrimo kale.

Maraykanka oo diiddan qaraar cusub oo la xiriira xabbad joojin laga sameeyo Gaza

Mareykanka ayaa wacad ku mamray in uu diidi doono qaraar cusub oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ku dalbanayaan xabbaal-joojin bini’aadannimo oo degdeg ah oo laga sameeyay Gaza.

Qaraarkaan oo ay soo gudbisay Al-jeeriya ayaa lagu dalbaday in si degdeg ah loo dhaqangaliyo qaraar cusub oo xabbad-joojin si xal loogu helo baahida biniaadanimo iyo gurmadka ay u baahan yihiin dadka rayidka ah ee barakacayaasha Falastiin.

Diidmada Mareykanka iyo baaqa Qaramada Midoobay ee dhinaca Gaza ayaa yimid xilli 24-kii saac ee la soo dhaafay halkaasi lagu dilay in ka badan 60 qof oo rayid ah kadib duqeymo ay geysteen ciidamada Israa’ii.

Dhinaca kale,Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay in horumar laga gaaro xabad joojin ka dhaqan gasha Gaza uu sii yaraanayo,isagoo intaa raaciyay in wadahadaladii socday  maalmihii la soo dhaafay ay ahaayeen kuwo aan laga fillan Karin rajo wanaagsan.

Sidoo kale,Ra’iisul-wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku tilmaamay dalabaadka Xamaas ee dhinaca xabbad-joojinta iyo is-dhaafsiga maxaabiista in ay yihiin kuwo khayaali ah, ka dib markii ay kooxdu ku eedaysay Israa’iil horumar la’aanta laga gaaray heshiiska in ay mas’uul ka yihiin Israel..

Duqeymaha Israa’iil ee ka socda Gaza galaaftay nolosha in ka badan 28,858 Falastiiniyiin ah, waxaana ku dhaawacmay 68,667 tan iyo 7-dii October.

WARBIXINTA TODOBAADLAHA EE DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay go’aanka Baanka Adduunka iyo IMF ee deyn cafinta Soomaaliya, isla markaana hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed.

2- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley munaasabad ballaaran oo loogu dabaal dagayay guusha deynta Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed guusha taariikhiga ah.

3- Baanka adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay in Soomaliya laga cafiyey daymihii lagu lahaa oo gaarayay 4.5 bilyan oo doolar, taas oo Soomaaliya siinaysa fursad wayn oo ay kula falgasho caalamka.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Washington ee dalka Mareykanka kulan kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Baanka Adduunka, isla markaana uga mahadceliyay doorkoodii guushii taariikhiga ahayd ee dalkeennu ka soo hoyay barnaamijka deyn cafinta.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatey Ku-Simaha Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Marwo Victoria Nuland, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York ku guddoomiyay Shirka Amniga Soomaaliya oo lagu muujiyey muhimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay khubaro milatari oo ka socday dalka Turkiga.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Talyaaniga ee u fadhin doona Soomaaliya, Pier Mario Daccò Coppi.

9- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud in uu noqdo La- Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dastuurka.

10- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow u magacaabey inuu noqdo La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dib u Heshiisiinta.

11- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Djibouti uga qeyb-galay Shir Madaxeedka 41-aad aan caadiga ahayn ee Urur-Goboleedka IGAD.

12- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo dhoweeyay heshiiska laga gaarey hanaanka doorashada Dowlad Goboleedka Puntland.

13- Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayey go’aankii Golaha Ammaanka uu cunaqabateynta hubka uga qaadey Soomaaliya.

14- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi cabdillaahi, ayaa shir guddoomiyay kulanka wadajirka ah ee labada aqal oo ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda 2024.

15- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qayb galay munaasabdda xuska maalinta Caalamiga ee Duulista rayidka, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay horumar fiican ka gaartay dhanka maareynta Hawada iyo duulimaadyada.

16- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Joachim Waern oo ay ka wada hadleen xiriirka, iskaashiga iyo taageerada ay Sweden siiso Soomaaliya.

17- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go’aanka Golaha Ammaanka uga qaaday Soomaaliya cunaqabateynta hubka.

18- Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle.

19- Urur Goboleedka IGAD ayaa Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD u magacaabay Mudane Maxamed Cabdi Waare.

20- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa sheegay magacaabista Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD ku tilmaamey guul diblomaasiyadeed oo ay dowladda Soomaaliya ku tilaabsatay.

21- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Ethiopia Mudane Abraham Belay ayaa kala saxiixday dib u cusbooneysiinta heshiis is afgarad oo dhanka iskaashiga milateriga.

22- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac magaalada Doha kulan kula qaatay wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Qatar Mudane Dr. Mohamed Abdulaziz Al-Khulaifi oo ay ka wadahadleen xoojinta iskaashiga labada dal.

23- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Aqalka Sare ka hor akhriyay hindise sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka ee 2023, akhrintiisa 1-aad.

24- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa qaabilay ku ku xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho oo waqtigii ay ka hawlgaleysay dalka uu soo dhammaadey.

25- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa magaalada Dooxa kaga qeybgaley Shirka 26aad ee Wasiirrada Dalxiiska Jaamacadda Carabta.

26- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa magaalada Manama ee Boqortooyada Baxreyn kaga qeyb galay kulan weynaha 15aad ee u dhaxeeya wadamada Carabta iyo Jarmalka kaasoo looga arinsanayo arrimaha Caafimaadka.

27- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa magaalada Dooxa ee Qatar kula kulmay Duqa Magaalada Dooxa Mudane Mansour Ajraan Al-Boeinin waxaana ay ka wada hadleen dib u cosbooneysiinta heshiiska mataanayna Muqdisho iyo Dooxa.

28- In Ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay hawlgal milateri oo ciidanka degaanka ka fuliyeen Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

29- Khawaarijta Alshabaab ayaa isaga carartey goobo ay ku dhuumaalaysanayeen oo ku yaalla koonfurta gobolka Mudug.

30- Wabiga Shabeelle ee ku fatahay Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa xaalad go’doon ah geliyay degmada.

31- Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta XFS mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa tababar ku saabsan hubinta ilaha rasmiga ah ee laga helo wararka, mabaadii’da anshaxa iyo badqabka suxufiyiinta u furay 36 suxufi oo ka howlgala warbaahinta qaranka iyo warbaahinta madaxa banaan.

32- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kulan kula yeeshay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Canada Mudane Axmed Xuseen.

33- Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan ka hergelisay mashruuc waxbarasho oo lagu magac daray Bar ama Baro, halkaas oo ka mid ah goobaha laga xoreeyey Khawaarijta.

34- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal milateri oo ka dhan ah Al Shabab ka fuliyay deegaannada kala ah Farag ,Huuyaley , Abagbeeday, Dudumaale, Kojoor, iyo Ceelgaras oo hoostaga Degmada Xuddur ee Gobolka Bakool.

 

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐫𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐞𝐲𝐚𝐚𝐥 𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐰𝐞𝐲𝐭

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ganacsato iyo Maalgashadeyaal u dhashay wadanka Kuweyt kuwaas oo dalka u yimid sidii ay Maalgashiyo uga sameyn lahaayeen.

Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen Xildhibbaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaliya, ayaa Wasiirka oo halkaas ka hadlay, wuxuu sheegay in ay ka dawlad ahaan ku faraxsan yihiin inay qaabilaan Maalgashadeyaal u dhashay wadanka Kuweyt oo danaynaya sidii ay Maalgashiyo waaweyn uga sameeyn lahaayeen wadanka, isaga oo carabka ku dhuftay in wadamada Soomaaliya iyo Kuweyt uu hore uga dhaxeeyey xiriir walaaltinimo oo soo jireen ah isla mar ahaantaana ay soo dhaweynayaan inay arkaan in la gaaray xiligii labada dhinac iska kaashan lahaayeen dhinacyada ganacsiga iyo maalgashiga.

Wasiir Jibril Abdirashid Haji Abdi, wuxuu halkaas kula wadaagay warbixin guud oo ku saabsan horumarada ay ku tallaabsatay dawladda Soomaaliya oo horseeday in maanta Maalgashadeyaasha caalamku ay aad u danaynayaan Maalgashiga wadanka, iyada oo halkaas lagu soo bandhigay warbixino taabanaya fursadaha Ganacsi iyo kuwa Maalgashi ee ka jira dalka gaar ahaan qeybaha muhiimka ah ee ay Soomaaliya danaynayso Maalgashigooda sida qeybaha xoolaha, beeraha, kalluumaysiga, tamarta, iyo kaabeyaasha kale ee dhaqaalaha.

Dhinaca kale, Maalgashadeyaasha oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa Wasiir Jibril uga mahadceliyey soo dhaweynta iyo faahfaahinta uu ka siiyey fursadaha Maalgashi ee ka jira dalka, waxaana ay sheegeen inay dalka u yimaadeen siddii ay qiimeyn ugu samayn lahaayeen sidoo kale na waxa uga oggaan lahaayeen xaaladda wadanka iyo fursadaha Maalgashi ee ka jira iyaga oo carabka ku dhuftay inay dalka ku arkeen horumaro aad u waaweyn oo dhinac walba leh.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa ugu dambayn, wuxu Maalgashadeyaasha halkaas ku guddoonsiiyey buugga Hagaha Maalgashiga oo ah buug ay diyaarisay Wasaaraddu kaas oo Maalgashadeyaasha ku hagaaga fursadaha Maalgashi ee ka jira wadanka.

Wasiir Daa’uud Aweys” Ethiopia waxaa ay gashay qalad weyn oo taageero u noqon kara amaba dhiirri galinaya Argagixisada”.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Soomaaliya mudane,Daa’uud Aweys Jamac ayaa sheegay in xadgudubka Itoobiya ee badda Soomaaliya uu yahay mid tageero u noqonayo argagixsada,saameyna ku yeelan doono waddamada gobolka iyo guud ahaan caalamka.

” Ethiopia waxa ay gashay qalad weyn oo taageero u noqon kara amaba dhiirri galinaya Argagixisada”.Wasiir Daa’uud Aweys”

Dowladda ayuu sheegay wasiirka in ay wali ku taagan tahay go’aanka ah in inta Itoobiya  kalaabaneyso falkaa gurracan ay ku dhaqaaqday aysan jiri doonin wax wada hadal ah oo ay dowladda la galeyso.

Wasiir Daa’uud oo wareysi siiyay warbaahinta qaranka ayaa intaa ku daray hadalkiisa in si cad ay Itoobiya ugu xadgubtay madaxbannaanida iyo qaranimada ummadda soomaaliyeed,taasoo uu sheegay hadeysan kalaaban ay ka dhalan karto cawaaqib xun oo saameeya dhammaan wadamada gobolka.

Wasiirka warfaafinta Soomaliya ayaa intaa ku daray hadalkiisa in soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay in dowladaha deriska la ah ay nabad kuwada noolaadaan,balse cid laga yeelayo aysan jirin in lagu soo xadgudbo midnimada dhuleed ee jamhuuriyadda soomaaliya.

Wasiirka ayaa markale ugu baaqay in itoobiya ay joojiso ficillada gurracan ee aan u adeegeyn danaha labada dal.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo madaxda Midowaga Afrika ugu baaqay in meel looga soo wada jeeysto damaca gurracan ee Itoobiya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS mudane Saalax Axmed Jaamac oo hadal ka jeediyay Kulan madaxeedka 37aad ee Midowga Afrika ayaa u jeediyay xubnaha Ururka Midowga Afrika in si wadajir ah ay u cambaareeyaan ujeeddooyinka gurracan iyo dhulballaarsiga ay Itoobiya ku doonayso in ay ku boobto dhulka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in dowladda ay guula waweyn ka gaartay amniga degaanno dhowr ahna laga xoreyay khawaarijta.

waxa uu si adag uga hadlay damaca gurracan ee Itoobiya, isagoo madaxda u sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin in lagu soo xadgudbo midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Waxaan ugu baaqayaa golaha sharafta leh in ay nagula biiraan cambareynata iyo ka hadalka falkaas gardarada ah ee kasoo horjeeda mabaadida aas-aasiga ah ee ururkan aan kawada midka nahay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac oo hadalkiisa sii wato ayaa soo hadal qaaday qorshaha ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya iyo sida ciidamada Qaranka ugu diyaarsan yihiin la wareegidda amniga guud ee dalka.

“Waxa aan soo gabagabaynay Wajigii 1aad & 2aad ee bixitaanka ciidamada ATMIS oo ka kooban 2,000 iyo 3,000 oo askari in la dhimo, 24ka Juun waxa aan rajaynaynaa dhimis kale taas oo wadarta ka dhigaysa in ka yar 9,500 oo askari” Ayuu Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac.

Tallaabadaan ayuu sheegay in ay sii xoojiyay kaddib markii ciidamada Soomaaliya ay horumar ka sameeyeen dhinacyada sugidda Amniga Dalka, dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo in ay qaadeen tallaabooyin la mahdiyay oo dhanka hormarka ah.

SHEEKO NIN DAWARSI KA DHEX BILAABAY RAKAABKII DIYAARADDA AY KU WADA SAFRAYEEN

Arrin ka mid noqotay dhacdooyinka ugu layaabka badan adduunka ayaa laga soo wariyay, diyaarad kuwa rakaabka qaada ah oo laga leeyahay dalka Qatar, diyaaradan oo u kala gooshaysay dalalka Qatar iyo Iiraan ayaa markii ay ka duushay dhabaha diyaaraduhu fariistaan ee magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar uu qof ka mid ah rakaabkii ku safrayay dawarsi ka dhex bilaabay.

Sida ay ku warantay Wargayska Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxdaa, ninkan diyaarada ka dhex bilaabay dawarsiga, oo dhalashadiisu Iiraani tahay ayaa ka yaabiyay rakaabkii diyaarada ay ku wada safrayeen oo aan u baran cid ka dhex dawarsata diyaaradaha dhexdooda.

Diyaarada dhacddadan layaabka ku noqotay aduunku ka dhex dhacday oo ay lahayd shirkada diyaaradaha ee Qatar Airways ayaa sida wargaysku  sheegtay ka mid ah diyaaradaha ugu tigidhka qaalisan aduunka, sidaa awgeed aad ayay u adag tahay in qofna ku fekaro in diyaarada uu qof rakaab ah oo miskiin ah ama dawarsanayaa gudaheeda soo geli karo.

Dawarsiga ninkan reer Iiraan ee diyaarada ka dhex bilaabay waxa muuqaal fidiyow ah, telefoonkiisa kaga duubay qof kale oo ka mid ah rakaabka, kaas oo markii uu arkay ninka kiishka sita, kamarada telefoonkiisa la raacay, ka dibna shabakadaha xiriirka bulshada ku baahiyay, halkaas oo dood wayni ka dhalatay aragtiyo kala duwana laga bixiyay.

Ninkan oo cumaamad midabka madowga ah ee dadka reer Iiraan caanka ku yihiin ku labisan ayaa dawarsiga bilaabay ka hor intii aanay diyaaradu kicin ee ay rakaabku soo korayeen, hasa yeeshee waxa soo dhex galay shaqaalaha diyaarada oo ka qabtay ka dibna fadhiisiyay kursigii tigidhka ugu qornaa ee uu ku safrayay.

Laakiin markii diyaaradu kacday ee ay hawada gashay ayuu mar kale bilaabay, waxaana degdeg u soo dhex galay shaqaalihii diyaarada, kuwaas oo si xoog ah ku fadhiisiyay ka dibna ku xidh xidhay suunka ammaanka ee diyaarada, gaadhna ka qabtay ilaa diyaaradu ka fadhiisanaysay.

Jariirada Daily Mail ee warkan baahisay ayaa su’aal ka keentay sababta ninkan ku kaliftay inuu diyaarada ka dhex dawarsado? Iyo sida loo rumaysan karo in qof ku safraya diyaarada Qatar Airways oo lix boqol oo dollar lacag ka badan tigidhka ku bixiyay uu dawarsi uga dhex bilaabo diyaarada? Waydiimahaas oo jariiradu ku sheegtay kuwo aan ilaa imika jawaab loo hayn, xog badan oo fasiraad ka bixin lahaydna ay ku daboolan tahay ninkan dhawrtaysiga ka dhex bilaabay diyaarada.

Sources Daily Mail

 

SHEEKO: HOTEL ADEEGIISA BILAA LACAG UGU DHIGAY DADKA BUUR BUURAN

Dhacdo ka mid noqotay arrimaha layaabka aduunka ayaa maamulka hudheel ku yaala dalka Shiinuhu ku kacay dhawaan, taas oo la xidhiidha adeeg bilaa lacag ah oo uu macaamiisha qaarkood u fidin doono hudheelkaas, gaar ahaan kuwa buuxiya shuruudo aad laga wada yaabay oo ku xidhan inuu qofku rag iyo dumar helo adeegaas bilaashka ah.

Sida inta badan warbaahinta dalka Shiinuhu ku warantay, hudheel ku yaala dalkaas oo lagu magacaabo, Nahoun Restaurant ayaa xayaysiis cusub oo uu dhawaan warbaahinta ku baahiyay, adeegyada bilaashka ah ku soo daray, cunto iyo adeeg dheeraad ah oo loo fidin doono, raga aadka u buur buuran, ee miisaankoodu boqol iyo afartan kilo gaadho.

Waxa kale oo adeegan lacag la’aanta ah heli doona, haweenka dhuudhuuban ee miisaankoodu shan iyo sodon ka kilo iyo wixii ka hooseeya yahay, sida xayaysiiskaasi dhigayo, lab iyo dhedig mid kasta oo shuruudahan buuxiya, waxa isaga iyo dadka la socda la siin doonaa adeeg cunto iyo mid sharaab oo bilaash ah.

Si qofku u xaqiijiyo inuu buuxin karo shuruudaas waa inuu isku qiyaaso miisaan albaabka laga galo hudheelkaas ku yaala, kaas oo marka uu ku ogaado miisaankiisu inuu gaadhsiisan yahay qiyaasta la doonayo uu ku bushaaraysto adeegyo bilaa lacag ah.

In kasta oo aad dadka badankoodu ula yaabeen xayaysiiska hudheelkan haddana waxa suura gal ah, in dad buuxiya shuruudahaas laga heli karo dalka Shiinaha oo isagu ah kan dadka ugu tiradda badan dunidu ku nool yihiin.

Sida ay ku warantay jariirad ka soo baxda dalkaasi mulkiilaha hudheelkan ayaa sababta uu go’aankan u qaatay, ku tilmaamay mid uu macaamiishiisa ku dhiiri galinayo kuna doonayo sidii ay fursad ugu heli lahaayeen tartan dhiiri galin iyo jirabaad isugu jira.

WQ: Cumar Maxamed