Wasiir Balcad “ Itoobiyaanku waxay isku dayeen inay madaxweynaha ka joojiyaan shirkii uu saakay ka qeybgalaayey”

Addis Ababa- Siihayaha wasiirka Arrimaha Dibadda ahna wasiiru dowlaha wasaaradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Cumar (Cali Balcad), oo wareysi siiyay warbaahinta Qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyay isku day ay dowladda Itoobiya ku dooneysay inay Madaxweyne Xasan Sheekh ay kaga baajiso shirka madaxweynayaasha dalalka Afrika oo uu doonaayey inuu ka jeediyo khudbad ku aadan xad-gudubka dowladda Itoobiya ay ku sameysay madax bannanida iyo midnimda jamhuuriyadda Soomaaliya kadib is afgarad beenaad ay kala saxiixdeen abiy Axmed iyo Muuse Biixi.

“Madaxweynaha saakay markii uu damcay inuu aado shirka ayaa waxaa su’aal ka timid dhinaca amniga oo ku aadan cidda madaxweynaha baabuurka la raaceysa, Itoobiyaanku waxay ku doodeen inay iyagu la raacayaan, iyaga oo hubeysay, Annaguna aan ku doodnay in ciidamadeenna aan annagu wadano inay la racayaan taas ayaana keentay inuu socodka madaxweynaha uu dib u dhac ku yimaado” ayuu yiri wasiir Cali Cumar (Cali Balcad).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kaga qayb galay furitaanka shir madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika gaar ahaan shirka madaxweyneyaasha ayaa ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay xaaladaha ka soo cusboonaaday gobolka, waxaana ku baaqay in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo looga hortagayo falalka caqabadda ku ah nabadda iyo amniga ee ka soo ifbaxaya guud ahaan qaaradda.

Madaxweyne Xasan shekh ayaa madaxweynayaasha dalalka afrika u sheegay in aan la aqbali karin talaabooyinka ay Itoobiya dhawaan ku dhaqaaqday, gaar ahaan heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee ay la saxeexdeen Somaliland oo ah gobol ka mid ah Soomaaliya,  Madaxweynaha ayaa   tallaabadaasi ku sifeeyay mid baalmarsan sharciyada caalamiga ah iyo kuwa Afrika islamarkaana aan la aqbali karin.

Wasiirk Balcad “Madaxweynaha ayaa xilligii qadada kadib kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxdii shirka joogtay, asaga oo kulan la yeeshay Moussa Faki oo ah shir guddoonka Midowga afrika oo uu kaga dacwooday dhacdadii saakay. Intaas kadibna madaxweynuhu waxa uu go’aansaday inuu dib ugu soo laabto dalkiisa, iyada oo awalba qorshuhu ahaa in uu hal maalin uu soo joogo Addis Abab”.

Dawladda Soomaaliya oo si kulul u canbaareysay ficilka lagula kacay wafdiga Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ee Adis ababa ku sugan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u canbaareysay ficilka ay dowladda Itoobiya ku doooneyso inay ku carqaladeyso wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ee ka qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika ee sanadka 2024 kaas oo ka dhacaya magaalada Addis Ababa.

Tallaabadani ayaa waxaa ay jabineysa dhammaan hab-maamuuska dublamaasiyadeed iyo kan caalamiga ah iyo sharuucda loo aas-aasay midowga Afrika.

Labada Gole e ee Baarlamaanka JFS oo kulan wadajir ah uga dooday wax ka bedalka dastuurka

Guddoomiye ku xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Sooomaaliya  Mudane Cali Shacbaan Ibraahim ayaa shir guddoomiyay kulanka 13-aad ee wadajir ah ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka, waxaana looga dooday wax ka bedalka dastuurka KMG ee dalka.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen ku-xigeennada labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, ayaa ajandihiisu ahaa:

  1. Dib-u-eegista Dastuurka KMG marxalada 2-ad.
  2. Dhammaystirka ka doodista soo jeedimaha wax ka bedelka Dastuurka CUTUBKA 1-aad: Baaqa Jamhuuriyadda• QODOBKA 1-aad ilaa 9-aad.

Xildhibaannada Labada Aqal ayaa si furan uga dooday ajandihi maanta, qodob qodobna u dul is  taagay qodobka koowaad illaa sagaalaad ee Dastuurka KMG ah oo ay doodiisu maalmahaan u furan tahay Xildhibaannada labada.

Guddoomiye Cali Shacbaan oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in la qoray nuxurka dooda Xildhibaannada iyo aragtidooda, sixid, siiqayn iyo soo jeedinba, lana sii wadi doono doodda Dastuurka maalinta Isniinta ah.

                     

Shirka 21-aad ee wasiiradda maaliyadda DFS iyo dowlad goboleedyada oo Muqdisho ka furmay

Waxa maanta ka ka furmay magaalada Muqdisho kulan ay isku yimaadeen Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir. Shirkaan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka Maaliyadda Dalka iyo mideynta canshuur dalka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo si rasmi ah shirka u furay, ayaa sheegay in uu muhiim yahay shirkaan ay isagu yimaadeen Wasiiradda Maaliyadda Federaalka iyo heer Dwlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir. Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in inta shirkaan uu socdo ay dooddooda diiradda ku  saari doonaan arrimaha mudnaanta u  leh Horumarinta Dhaqaalaha dalka, mideyn hannaanka canshuuraha, hannaanka sii xoojin kadib barnbarnaamijka Deyn laga cafiyay Soomaaliya ee loo yaqaano HIPC.

Shirkaan Wasiirada Maaliyadda dowladda Federaalka,dowlad Goboleedyada iyp Gobolka Banaadir ayaa looga hadli doonaa mashaariicda horumarineed ee Bangiga adduunka uu ka taageero guud ahaan Soomaaliya iyo wadaaga Kheyraadka.

Shirkaan oo ah kii 21aad ee ay isagu yimaadeen Wasiiradda Maaliyadda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa la filayaa in berri la soo gaba-gabeeyo iyadoo Warmutiyeedka laga soo saari doono. Shirkaan ayaan waxan ka qeybgalayn Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland inkasta oo shirka lagu caasuuumay.

          

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Muqdisho ka daah-furay barnaamijka shaqo hufan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta daahfuray Barnaamijka Shaqo Hufan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Furitaanka munaasabadda waxaa goog joog ahaa Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim, Wasiirka Xanaannadda Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, hay’adaha kala duwan ee deeq-bixiyaasha ah, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO) iyo madax kala duwan oo munaasabada lagu casuumay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Shaqada iyo Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim,  oo faafaahin ka bixiyay, Barnaamijka Shaqo Hufan, ayaa waxaa uu sheegay in mashruucan ay Wasaaradda kormeeri doonto, isagoona xusay in shaqaalaha wax-qabadkoooda lagu abaalmarin doono xuquuqda shaqalaha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha oo gunnaanadka munaasabadda soo xiray ayaa si rasmi ah u furay Barnaamijka Shaqo Hufan, isagoona khudbad uu ka jeediyay ku sheegay in shaqaalaha Soomaaliyeed iyo dhalinyarada ay bartaan xirfado kala duwan oo ay ku shaqeystaan, Wasaaradduna ay bilowdo tababaro dhalinyarada lagu baraayo xirafado shaqo. Waxaana uu tilmaamay in shaqaalaha cadaalad loo sameeyo si shaqada ay u hufnaato.

                 

Hawlgal Ciidanka Qaran ku fuliyey oo lagu dilay Horjoogeyaal Khawaarij ah

Shabeellaha hoose:-Howlgal Guulaystay oo ay iska kaashadeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada Caalamka ayaa xalay laga fuliyey Dagmada KUNTU WAAREY ee gobolka Shabeellada hoose.

Howlgalka oo ahaa Duqayn dhinaca cirka ah ayaa xalay abaaro 11:30 habeenimo ka dhacay goob ay ku aruursanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta.

Howlgalkaas ayaa cadowga lagu gaarsiiyey khasaaro, iyada oo 7 dhagar qabe nolosha lagu dhaafiyey halka dhawaca uu yahay 4, horjoogeyaal ayaana qeyb ka ah.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay Shirka Midowga Afrika

Addis ababa:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb galay furitaanka Shir madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay kulanka, ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo looga hortagayo falalka caqabadda ku ah nabadda iyo amniga ee ka soo ifbaxaya guud ahaan qaaradda.

Madaxweynaha ayaa markale ku celiyay in aan la aqbali karin talaabooyinka ay Itoobiya dhawaan ku dhaqaaqday, gaar ahaan heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee ay la saxeexdeen Somaliland oo ah gobol ka mid ah Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa tallaabadaasi ku sifeeyay mid baalmarsan sharciyada caalamiga ah iyo Kuwa Afrika islamarkaana aan la aqbali karin.

  

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulamo muhiim la qaatay Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, oo booqday Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, ayaa kulamo uu la qaatay waxa uu la wadaagay warbixinno kala duwan oo ku saabsan arrimaha amniga iyo dib-u-xoreynta, Arrimaha Siyaasadda loo dhanyahay, Horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee aan dunida la leenahay.

Waxaana uu Ra’iisul Wasaaruhu warbixin gaar ah ka siiyay Guddoomiyeyaasha labada Aqal dadaalka ay Dowladdu galisay difaaca madax-bannaanida iyo Midnimada dhuleed ee Qarankeenna oo ay Itoobiya si gurracan u damacday in ay ugu xad-gudubto Dalkeena, waxaana arrintaas Dowladdu ka soo hoysay guulo diblomaasiyadeed oo wax ku ool ah.

Xukuumadda #DanQaran oo barnaamijkeeda siyaasadeed ee ay horgeysay Baarlamaanka uu ka mid ahaa qabyo-tirka Dastuurka KMG ah, ayaa juhdi dheeri ah galisay sidii dastuurka looga saari lahaa ku-meel gaarnimada, si dalku u yeesho Dastuur dhammeystiran oo ay ku cad-yihiin arrimaha asaasiga u ah Qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Baarlamaanka 11aad uu ku suntan yahay in uu yahay goleyaashii ugu shaqada iyo dadaalka badnaa, iyaga oo meel-mariyay shuruucdii iyo Xeerarkii ugu badnaa, waxuuna ku bogaadiyay gudo-gelidda doodaha la xiriira dhameystirka dastuurka.

TIXANAHA SHEEKADA MAANO FAAY (QEYBTII 68-AAD

Waa qoys ladan oo lacagta uu gubayo badankeeda uu iyaga ka heli jirey ugu dambayntiise aabbihii markuu ka quustay wuxuu ku yiri, “Maandhow bannaanka iga mar, carruurta ha iga fidmayne!”

Beryahaan dambe dhibaatooyin culus baa ka soo food saaray xagga dhaqaalaha. Saaxiibbadiisii ay baddaas ku wada jireen markii uu kaalintiisii gabay, ayay badankoodu ka daysteen kharashkii ay ka bixin jireen.

Aad buu u xayraansan yahay wax walba wuu ku kacsan yahay, xataa nafsaddiisa In badan buu ku tashadaa in uu is daba qabto, ee dabeecadihiisa baddelo haddana mar walba wuu ku guulaysan kari waayaa.

Waalidki caasi kuma ahee aad buu u jecel yahay, laakiin waxaa ku adkaata fulinta waxa ay la jecel yihiin ilaa hadda waa ka xishoodaa in uu aabbihii sigaarka ku hor cabbo, wax ka weynna iskaba daa.

Wanaagga lagula taliyo aad buu ugu riyaaqaa, khaladaadkiisa u garaystaa, waanada u qaataa, in uu ku camal fali doono u ballan-qaadaa haddana markii fulinta la gaaruu dhexda ka barriiqdaa, isagoo baddii dhex muquufayuu is-arkaa.

Khamriga iyo dumarka ayuu is yiraahdaa isku ilowsii dhibaatada markaasuu noqdaa ninkii holaca ku dhex jirey, oo bensiinka biyaha moodaye is yiri ku qabooji! Maana-Faay ayuu galabtaas ku tashaday in uu isku ‘qaboojiyo!’ Aad buu ugu farxay, markii ay u soo gashay.

Daacadnimo is-tustus ah buu ku soo dhaweeyey qalbi-furnaan xad-dhaaf ah buu u muujiyey kaftan iyo maad buu ku hafiyey saskii markii ay u soo gashay ku dhacay raadkiisii buu ka tirtiray.

Wallaahi yarkaan dumaashi boqor eh waaye! bay niyadda ka lahayd, iyadoo kaftankiisa u qoslaysa asaguna hoostuu uga mindiyo lisanayey,

faan been ah ku asqaysiinayey tartiib-tartiib buu sheekada majaraheedii meeshii uu rabey ugu leexiyey tabtii baase ka xumaatay.

Markii ay ‘Axmed’ marar badan soo hadal qaadday, ayuu is yiri, Ninkaan ay ku wardinayso ka sii yara jeedi.

 

“Axmed wax akhbaar ah ma ka heshay?” iyo “Goormuu imaanayaa?” bay dhawr jeer ku celcelisay maadaama uu ogaa in uu kadis ku baxay, iyadana war gelin, waxaa ku soo dhacday in uu gol- dalooladaas ka faa’iidaysto.

“Markii uu baxayey kollayba wuu kula socodsiiyey sow ma aha?” ayuu ogaal-waydiiyey “Maya,” Maanaa daacadnimo ugu jawaabtay “See ku dhici kartaa?” Kulmiyaa la soo booday.

“Waxaa la dhahayey kadis aas ku baxay,” Maanaa wiilkeedii ku difaacday “Ma-kee?” Kulmiyaa ka hor keenay, “Toddobaad ka hor baabu annaga noo sheegay in uu Jilib u bixi doonee.”

“Wallaahi?” Maanoo dabinkii ku dhacday baa la soo boodday “Si xun buu yeelay saaxiibkay,” Kulmiyaa sii watay,

“Markuu yimaadana waan ku canaanan doonaa arrintaas.” “Ad Setamaan ka hor aas kuu sheegay miyaa?” “Haah, waliba intuusan ii sheegin baan maqlaayey habeen isagoo Mulki u sheegaya, markaasaan waydiiyey oo waxaan…”

“Yaah, yaah?” Maanaa markay magaca dhaddig maqashay, intay is celin wayday hadalkii ka dhex gashay, “Mulkina yaa waaye?”

“Gabadha saaxiibtiis ah nooh! Mulki sow ma taqaanid, yartii hadda markaad soo galaysey iridka ka sii baxaysey?” “Wax irid ka sii baxaaya ma arkin,” Maanaa si xanaaq ah u tiri.

Intuu koomadiinka gacan-togaaleeyey, oo sawir uu maanta galiyey ka soo saaray buu yiri, “Mulki waa is- taqaanniine, waa tan nooh!”

Intay sawirkii si qallafsan uga dhifsatay, in yar ka dibna tuurtay, bay wajiga jilbaha gashatay.

Kulmiye hoostuu ka qoslay, isagoo sawirkii dhulka ka haabanaa, halkiisiina ku celinaya saasaa la rabaa! buu uurka ka yiri;

afkana su’aal been ah ku kajamay, ee yiri, isagoo iska dhigaaya sidii nin aan qarracanka ay la muusoonayso weli dareemin, “Waa is taqaanniin sow ma aha?”

 

WARSHADAHA SAMEEYAHA BIYAHA KALA DUWAN OO MUGADISHO KU SOO BADANAAYO.

Magaalada mugadisho ee caasimada dalka waa magaalo ay ku nool yihiin shacab aad u badan oo gaaraya sadax malyan waana shacab iskugu kuwa wax haysta iyo kuwa aan wax haysan balse magaalada ay tahay mid barakeysan oo uu qofka nolol maalmedkiisa Ka helaayo waana magaalo ku fiican ganacsiga kala duwan.

Maalinba maalinka Ka sii danbeesa magaalada mugadisho waxaa ku soo badanaayo ganacsiyo kala duwan oo ay horey u awoon shacabka Soomaaliyeed ganacsiyadaas waxaa hirgalinaayey ganacsato iyo dhalinyaro layimid fikirado kala duwan oo ay ku hormarinayaan hal-abuurada ay layimaadeen ayaga oo Ka dhabeenaayo riyooyinkooda.

Soomaaliya sodon sano oo ay ku jirtay xaalad hubanti la aan ah balse marna maquusan in ay ka harto dunidan horumatay marwalba waa ay lajaan qaadeysay inkastoo sidii larabay aan ku gaarin hormar balse hormar baaxad leh ayaa ka muuqdo dalka.

Warshada waxsoosaara dalka waa ay ku soo badanayaan maalinba maalinka Ka sii danbeesa sababtuna waxa ay tahay dalka oo xaaladiisa amni ay hagaagsanaatay, amaankeeda la isku haleen karo islamarkaana uu dalka ka jirto dowladd ilaaliso kala danbeenta iyo nidaamka dalka u dagan taasi waxa ay ganacsatada ku dhiira galisay in dalka ay maalgashtaan oo ay keensadaan warshado waxsoosaar leh iyo hal abuuro kale .

Warshada soora biyaha kala duwan ee dalka laga isticmaalo ayaa saa’id ugu soo badanaayo magaalada muqisho waxaana warshadahaan keenay dalka ganacsato doonaayo in ay hormariyaan ganacsigooda ismarkaana ay la tartamayaan ganacsiyada Ka jira caalamka.

Bulshada Soomaaliyeed dadaal ayey ugu jiraan hormarka noloshooda iyo midda dalkooda sababtoo ah bulshada haddii ay sameeyaan hormar baaxad leh waxaa hormaraaya dalkeena marka bulsho hormar sameeso waa dalka oo horumaro.

Fursado badan ayey dhalinyarada Soomaaliyeed Ka helayaan warshadaha iyo ganacsiyada ku soo badanaayo dalkeena waxaana ay u noqoneysaa shaqa abuur xooggan taasina dadka waxa ay Ka dhigeysaa kuwa shaqeesta islamarkaana maala xoogooda oo ay ku sameeyaan dhaqaalaha.

Soomaaliya waa ay u baahantahay warshado badan waayoo waxa ay Ka qeeb qaadanayaan kaabayaasha dhaqaale ee dalka ayaga oo fududeenaayo bixinta canshuuraha dalka, hormarka qeyb weyn Ka qaadanaayo iyo shaqo abuur ay u abuurayaan dhalinyaro badan oo shaqo sugayaal ah.

Dowladdu waxaa looga baahan yahay garab istaag xooggan oo ay u sameeso ganacstada ayna ku dhiira galiso ganacstada in ay dalka keenaan warshado waxsoosaara ismarkaana meesha laga saaro soo dhoofinta shixnadaha kala duwan taasi oo dalka iyo dadka oga dhigan in ay Ka maar maan waxa dibada laga keeno badalkeeda ay isticmmaalaan waxa dalka soo saaro.

 

Ugu danbeyn dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxa ay ku biireen Ururka ganacsiga bariga Africa oo muhiim u ah ganacsiyadeena iyo shacabka Soomaaliyeed taasina waxa ay Ka qeyb qaadaneysaa hormarada ganacsi ee dalkeena Ka jira , sidii ganacsiyo cusub dalka laga soo saaro oo loo dhoofiyo suuqyada caalamka arinkaa waxa uu naga dhigayaa dad waxsoosaar leh ismarkaana Ka kaaftooma shixnadaha dibada nalaga keeno.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan