Hawlgal lagu burburiyey goobo Khawaarijtu ku dhuumanayeen oo ka dhacay Galgaduud

):-Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa lagu beegsaday goobo Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen oo ka tirsan gobolka Galgaduud,sida ay xog ku heshay Wakaaladda Wararka SONNA.

Hawlgalka ayaa ka dhacay Deegaanka loo yaqaan Ceel-wadalaan oo ka tirsan Degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Gobolka Shabeellada hoose ayaa sidoo kale waxa Ciidamadu howlgal ku burburiyeen saldhigyo Cadowgu ku lahaa deegaano ka tirsan gobolkaas

Waxaa jira Khasaaro badan oo Khawaarijta lagu gaarsiiyey howlgaladaas xalay laga fuliyey labada gobol.

Faahfaahinta goor dhow kala soco Warbaahinta qaranka.

Muhiimadda Qabyo-tirka Dastuurka

Mudo dheer ayaa dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaslia qabyo ahaa, hadda waxaa bilaabtay in la bilaabo howl la rabo in datuurka Soomaaliya la ebyo ama la dhameystiro si uu qabyadda ragaadisay uu uga baxo.

Marka hore, waxaa xusid mudan in la fahmo cidda xaqqa u leh in ay soo jeediso in dastuurka dib u eegis lagu sameeyo. Sida caadiga ah seddex jiho ayaa xaq qaanuuni ah u leh in datuurka la dhameystiro. Labada grab ee uu ka kooban yahay baarlamaanka ayaa keeni kara hindisaha dastuurka lagu dhameystrayo. Waxaa iyana waajib dastuuri ah, in xukuumadda ay soo jeediso Hindse wax looga bedeli karo dastuurka qaranka.

Waxaa iyanaa jirta oo aan meesha ka maqneyn in dhinac sadaxaad uu dastuurku u ogol yahay in ay soo jeediyaan hindise. Dhinacaas oo saamilaha rasmiga ah ee dastuurka iska leh, waana shacabka Soomaliyeed oo soo ururin kara 10,000 oo saxiix oo noqonaya hindise qaraar dastuurka wax looga bedelayo sida dastuurku uubqabo.

Haddaba midda lagu bilaabay howshan hadda dastuurka lagu dhameystirayo waxaa hindisaha keentay xukuumadda oo ka mid dhinacyadda xaqa u leh in howshan la amba- qaado. Waxaa xusid mudan in dowladdu ay howshan ku bilaaday waditashi la yeelatay qeybaha kala duwan ee bulshadda iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Xukuumadda doodeeda ayaa ku soo bandhitay in muddo dheer loo baahnaa in dastuurka la dhameystiro, hase haatee ma suuroobin sabah kasta ha jirtee. Xukuumaddu waxay hindisaheeda ku soo jeedisay in dastuurka iyo nidaamka doorashada howl hufan in laga qabto. Ogow howshan waa dan guud ee mahan dan gaar ah. Waxaa la rabaa xukuumad iyo mucaarad in ay u mideysan yihiin.

Wadotashi ka dib, qaraarkii wax ka badalka waxaa la geeyay baarlamaanka oo ansixiyay in howlahaa hindisa xukuumadda ku xusan in la meel mariyo. Hadda iyo Dan, howshu way socotaa waxaa loo baahan yahay xukuumadda iyo mucaaradka ay ka wada shaqeeyaan dastuurka dalka si dalka uu u yeesho dastuur dhameystiran oo ay ka wada shaqeeya dhamaan dadka daneenaya in ay dalkan xukumaan.

Siyaasiyiinta mucaradka waxay dan ugu jirtaa in howsha dastuurka in ay xukuumadda kala shaqeeyaan haddii ay rabaa in markii ay xukunka yimaadaan lala shaqeeyo. Howsha dastuurka waa dan qaran oo ay tahay cidkasta oo wanaagga dalkan raba in ay ka qeybqaato. Marka xaqiiqa la abooro, dadka diidan waxaa laga yaabaa in ay saluugsan yihiin sida wax loo wado, laakiin taa macnaheeda maha in cidi diidi karto in dastuurka la qabyo-through. Waxaa waajib ah in ay ra’yigooda ay ku daraan howsha social oo aan aheyn mid u gaar ah xisbi, koox ama urur.

Iyadoo hadda la geli karo wada shaqeyn ma haboona in la abuuro xasard aan jirin. Dalkan intaa ka badan ma ahaan karo dastuur la’aan, marka waxaa waajib Soomaalinimo ah in mucxaafad, mucaarad iyo dhamaan dadka Sama doonka ah in ay howshaab mudnaanteeda siiyaan oo meesha laga saaro dan gaarka oo aan dalka iyo dadka Soomaaliyeed aan waxtar buuxa u Lahey. Waxaa la rabaa in caqliga, aqoonta, farsamada iyo xirfadda in lagu jiheeyo in dastuur dalkan waxtar u leh in la diyaaryo.

Ugu danbeyntii gudiyadda u xilsaran howshaan waxaa laga rabaa in iyana ay u Gutman waajibaadka la saaray ee ah in dastuurka si wanaagsan looga shaqeeyo oo ay wadtashiga ku daraan mucaaradka ogol in howsha si wanaagsan Danton qaran si wanaagsan looga shaqeeyo oo cid walba laga qeybgaliyo oo talo wanaagsan heysa. Haddii intaa la helo waxaa suurowbeysa in dalkan uu ka baxo dastuur la’aanta, ciddii ay dani ka heyso siyaasadda ay raali ku noqdaan howsha socoto.

Marka howshu dhamaato, waxaa ugu danbeyn lagu ansixin doonaa codeynta baarlamaana iyo afti dadweyne oo labaduba u baahan ololeyn badan iyo wadoshaqeyn dheeraad ah si uusan u fashilmin dastuur laga wadashaqeeyay muxaafad iyo mucaaradba.

‘Qoraalkaaga u isticmaal si waxtar u leh bulsha iyo dowladnimadda Soomaaliyeed.’

W/Q:-Maxamed Maxamuud Cadde oo ah aqoonyahan lafagura arrimaha siyaadda Soomaalida iyo caalamka intiisa kale.

 

Madaxweynaha JFS oo qaabilay safiirrada dalalka Jaamacadda Carabta u jooga Ethiopia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa hoyga uu ka degen-yahay magaalada Addis Ababa ku qaabilay Safiirada dalalka Jaamacadda Carabta u jooga Ethiopia, waxayna ka wada hadleen arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo caalamka intiisa kale.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku bogaadiyay ugana mahadceliyay safiirada dalalka Jaamacadda Carabta ee Ethiopia garab istaagga dhabta ah iyo taageerada ay u muujiyeen Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku guulaysatay inay noqoto dalka kaliya ee ka socda Bariga Afrika ee u sharaxan mid ka mid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee muddo xileedka 2025-2026.

Kulankan waxaa Madaxweynaha JFS kala qayb galay qaar kamid ah xubnaha wafdigiisa sida Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjiraha JFS ee dalka Ethiopia iyo safiirada Jaamacadda Carabta ee Ethiopia.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa markii kulanka uu soo idlaaday waxa uu Warbaahinta Qaranka uga waramay waxyaalihii looga arrinsaday kulankan, isagoona sheegay in kulankani uu muhiimad gaar ah u lahaa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

W/Q:- Zakariye Khaliif Faarax uqaybsanaha Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Safaaradda JFS ee Ethiopia.

  

FURSAD GANACSI BAA KA JIRTA AFRIKA (QEYBTA 2-AAD)

Ganacsiga warshadaha yaryar (light industry) ayaa hadda waxaa ay noqdeen fursadaha ugu fiican ee ganacsi ee laga samayn karo qaaraddan afrika. Waxaana marba marka ka dambaysa soo badnaaya baahida loo qabo in gudaha laga soo saara badeecadda halkii debada laga keeni lahaa taas oo keenta in badeecaddu jabnaato lana helo shaqaale aad u jaban. Dawladdo badan oo afrika ka mid ah ayaa aad u dhiir geliya arinta keenida ama maalgashiga warshaddaha yaryar.

Wakiilka (agent) shirkad weyn oo caalami ah loo noqdaa waa fursadda labaad ee ku soo xigta ta warshadaha yaryar. Waxaa aad u yaqaana arinta wakiilka dadka hindida ah oo runtii si fiican ugu jira suuqyadda afrika.

Keenida abuurida badeeco ama adeeg ku cusub afrika ayaa asaguna waxaa uu noqday jaanisyo ka jira afrika, tusaale ahaan haddii aad waddan keento badeeco ama adeeg kuu gaar ah waxaa suurto gal ah in aad faa’iido ka hesho ilaa inta cidkale suuqa kasoo galayso.

Hadaba waxaad moodaa ganacsigii soomalidu taqaanay ee ahaa maryaha, raashinka, electronics, bagaashka iyo shidaalkaba in la isaga daba yimid oo dadkii wadamada u dhashay ee afrikaanka ahaa ay shaqadan soo baranayaan. Taasina waxaa ay keentay in suuqyo badan soomalida ay si fudud uga guuraan amaba uu burburo ganacsi cusub oo dhawaan la abuuray.

5tii sanno ee ugu dambeeyay ganacsiga soomalida 85% shirkaddihii la abuuray waa ay guul daraysteen sababo la xiriira dadkii afrikaanka ahaa ayaa bartay meelihii ay soomalidu kasoo qaadan jireen alaabta. Dadka Hindida ahi ayagu hadda waxaa ay u guureen dhinaca warshadaha yaryar iyo shirkaddo ay wakiilo u noqdaan.

Hadaba halkan waxaan kusoo qaadan doonaa in aan iftiimiyo fursadaha ganacsi ee kajira afrika, waxaan kasoo qaatay intii aan u arkay in ay muhiim tahay:

  • Dhaqashada doorada ama Digaaga

Qaaradda afrika oo aad looga isticmaalo ukunta iyo hilibka dooradda ama digaaga ayaa waxaa soo kordhaysa baahidda loo qabo in la abuuro goob lagu xanaaneeyo digaaga. Waxaa jirta in badanaa hilibka digaaga ee lagu isticmaalo afrika uu ka yimaaddo wadamo ka baxsan afrika.

  • Dharka iyo kabaha huudhayda ah

Badanaa waddamada afrika waxaa aad ugu soo badatay baahida loo qabo dharka ama kabaha la isticmaalay ee tayadoodu aanay liidan, Weliba huudhayga ka yimaada wadamada Europe iyo N/Amerika ayaa aad loo jecel yahay. Faa’iidada qodobkan labaad waa in aad hesho cidii kuu keeni lahayd alaab tayo fiican leh.

WD: Ibraahim Warsame

 

DUNNIDA INAAN WAX U DHOOFINNO MAXAA NAGA HORTAAGAN?

Intii aanay gumeystayaasha faranjigu qabsan oo kala qaybsan,soohdin beenaadyada iyo seerayaashana ku kala qoqoban

Soomaalidii hore ayagoon lacagna aqoon, dowlad iyo talis wax u kala hagaajiyana aan lahayn bay waxyaabo badan aduunka u iib-gay jireen, kuwo kalena uga soo baddalan jireen.

Waxay dhoofin jireen qeyb kamida kheyraadka uu dalkeena eebbe ku manaystay oo aan caanka ku nahay sida hilibka xoolaha,subagga,malabka,malmalka,gar-ceesaanka,haragga shabeelka,foolka maroodiga,xabagta beeyada iyo waxyaabo kale oo dalalkii la gayn jiray abdo iyo qayma sare u lahaa.

Dalalka carabta,afrika, iyo meelo kale ayay wax soo saarkooda u iib-gayn jireen,waxayna ka gadan jireen raashin,dhar,cirbadaha lagu tosho,iyo waxyaabo kale oo noloshooda xilligaa muhiim u ahaa,milgo iyo abdana u lahaa.

Ganacsigaasi ma ahayn mid dheelis-tiran oo waxay dunida u dhoofiyaan iyo kuway ka soo dhoofsanayaani isku tayo iyo isku wax-tar ma ahayn balse ku qanacsanaayeen maxaa yeelay kansho kale oo ka rooni uma aanu furnayn.

Inkastoo ay mar mar abaaro gaag ma reebtooyin ah ku wax-yeeloobi jireen haddana Soomaalidii xilligaa joogtay baydi iyo barwaaqo ayay ku noolaayeen, waxayna rumeysnaayeen inay uumiyaha ugu ayaan badan yihiin,cid qadan iyo quud ku dhamina aanu aradka guudkiisa ku dhaqnayn.

Wax kastoo noloshooda la xadhiidha ayagaa farsamaysan jiray oo dhirta iyo saanta xoolaha ayay ka samaysan jireen aqallo waaweyn oo ay suudiga iyo dhaxanta kaga gambadaan,dhar ay xidhaan, kabo, weelal ay wax ku shubtaan,hub ay dugaaga isaga dhiciyaan kuna ugaarsadaan sida qaanso iyo leeb iwm,waxyaabaha dibadda uga yimaadaahina ma badnay.

Waxay ahaayeen dad isku filan oo waxay haystaan ku iimaan qaba, wax ka maqani inay jiraan aanay la ahayn oo qab leh,farshaxan iyo dhaqan firba fir ka soo dhaxlay oo ay asaagood ugu faani karaanna ku dhaata.

Deeqsinimo ayaa astaan u ahayd oo martida iyo maganta aad bay u tix-galin jireen balse dhanka kale tuugsiga iyo baryaha cid aan Alle ahayn wax la weydiisto hiddo uma aanay lahayn oo reer dhan  iyo ruux kaligii ah midkoodna inuu asaagiis u gacan soorsado kuma dhiiran jirin haddii aanay musiibo ku habsan oo xoolaha ka baabi’in.

Dulucda maahmaahdii ahayd “biyo gacmahaagaa looga dhargaa” ayay ku dhaqmi jireen oo qof waliba muruqiisa iyo maskaxdiisa ayuu ku ciil bixi jiray oo cood iyo calafba ku tabcan jiray,haddii abaar iyo aanfo ku dhacdona Alle ayay baryi jireen oo ducada iyo durraansiga ayay u bayri jireen.

Wax sidaa la ahaadaba kolkii ay saan-caddaalayaashu dalka soo galeen, gumeysiga arxan darrada ahna ka bilaabeen ayay wax waliba is baddaleen,dhoofintii iyo iib-gayntii wax soo saarka soomaaliduna wiiqmay, waxayna la yimaadeen qorshe cusub oo dadka hal-abuurkooda iyo dhaq-dhaqaadoodaba lagu cuuryaaminayo.

Waxaa soo korodhay aragti cusub oo soomaalida looga dhaadhicinayo inay cayr ama saboolyihiin oo ay kaalmo iyo gurmad u baahanyihiin haddii kale ay dhimasho qarka u saaranyihiin,ayna dabar-go’ayaan haddii aanu aduunku badbaadin oo aan caawimaad la siin.

Figraddaasi si fudud ayay ku dhaqan gashay oo soomaaliya waxaa loo aqoonsaday mid kamida dalka ugu faqrisan aduunka,waxaana sanad walba magaceenna lagu cunaa malaayiin doolar oo aan wax inaga soo gaadhin,ururo aynaan garanaynna meherad ay ka mucaashaan u ah.

Shaki kuma jiro inuu qorshahaasi maskaxdeenii iyo muruqeenneeba fadhiidka ka dhigay oo ina cuuryaamiyay,raashinka dhacay ee macawinada lagu sheegona lagu soo beego xilliga ay inteena fara ku tiriskaa ee beeralayda ah wax u soo go’aan inay dunida wax u dhoofiyaanna ku hammiyaan.

Waa runoo hadda wax badan waan iib-gaynaa sida xoolaha nool,qeybo kamida kheyraadka badda sida hilibka iyo dhegaha liibaax badeedka,qudaarta sida liinta la qallajiyay iwm,

balse boqolkiiba toban 100/10 wax ka yar ayay ka tahay wax soo saarkeenna, umana dhiganto waxyaabaha laynagu soo qufo oo maalin walba dekadeheenna laga soo dajiyo, nolosheenuna ay martida u tahay oo kheyraadkeenii inaga indha-saabay.

Maskaxda in laynaga gumeysto haddaad been moodi jirtay hadda waad baraarugtay soma maaha? ma’se la joogaa xilligii aan magac xumida iyo fadhiidnimada ka bixi lahayn oo dalkeena dihin tabcan lahayn,asaageenna horumar iyo hodantinimo kula tartami lahayn?

Waa weydiin aan hor-dhigaya soomaali walboo damiir leh,bubaaqiisu fayowyahay,bah-dilka iyo dheg-xumida astaanta laynooga dhigayna ka gilgilanaya,maankiisuna soomaaliyoo barwaaqo noqatay ku fooganyahay oo aayaha dadkeena iyo dalkeena inay samaadaan naawilaya.

WQ: Abwaan Hareeri 

 

Wasiir Dowlaha Arrimaha dibedda XFS oo la kulmay xoghayaha guud ee aagga ganacsiga Xorta ah ee Midowga Africa

Addis Ababa:-Wasiiru Dawlaha ahna sii hayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee XFS oo la kulmey xoghayaha guud ee aagga ganacsiga Xorta ah ee Midowga Africa ee loo yaqaano AFCTFA.

Wasiiru Dawlaha ahna sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee XFS Mudane Cali Cumar “Balcad” oo ka qeyb galaya meertada 37-aad ee Midowga Africa ayaa kulan gaar ah la yeeshay xoghayaha Guud ee aaga ganacsiga xorta ah ee Midowga Africa Wamkele Mene.

Kulankan ayaa looga wada hadlay muhiimada uu ganacsiga xorta ah u leeyahay ganacsatada kala duwan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhamaan dalalka Africa, isla markaana loo baahan yahay in la dar-dar geliyo arrimaha la xiriira ganacsiga xorta ah iyo in Soomaaliya ay meel mariso ka mid noqoshada suuqa ganacsiga xorta ah ee Africa.

Wasiir Cali Balcad, ayaa dhankiisa tilmaamay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u diyaarsan tahay xiligan sidii ay ula jaanqaadi lahayd dunida casriga ah gaar ahaan is dhex galka ganacsiga africa, isla markaana ay dedaal xoog leh ku bixinayso kor u qaadista xiriirka ganacsi ee Soomaaliya kala dhexaaya dalalka Africa iyo caalamka intiisa kale.

   

WAA LA KALA DHEEREEYAY ORODSE MA AHAN (WARBIXIN)

Qaadista Cunaqabateynta Hubka kadib, maxaa loo baahan yahay? Sua’ashaasi ayaa waxaa laga yaabaa inaad isweydiiso, haddaba si jawaab waafiya loo helo waxaan su’aashaasi hor dhigay Prof. Yaxye Shiikh Caamir, “Cuna qabateyntii Hubka waa la qaaday. Macnaheedu ma ahan Berri Hub ayaad helee.

Warshadii Rasaasta Dalka lagu sameyn jiray ee Magalaada Mahadaayna kuuma dhisno, Qoraaladda aan Akhriyay qaar waxa ay sheegayaan in Hadda Dowladu ay bilaawday, Codsigii sidii ay Hub ku heli laheyd”.

Prof. Yaxye ayaa sii watay hadalkiisa, “Inta aadan Hubka helin waa in aad Taqaan Nuuca Hubka Culus ee aad u baahan tahay, Tirada aad uga baahan tahay, Qiimaha Hubka, awood ma u leedahay in aad hesho? Haddii aad hesho sideed u xafidee?.

Waxaad u baahan tahay in la tababaro Ciidamadii Hubkaa culus isticmaali lahaa, Dayactirka joogtadda ah ee Hubkaa, Rasaastiisa oo kugu filan joogtana ah ma heli kartaa”.

Sidee looga faaideysan karaa fursadaan? Ayuu ka hadlay Prof . Yaxye, “Wax badan ayaa igu soo dhacay oo la xiriiro sideen uga faa’iideysan karnaa qaadista Cunaqabateyntan nalaga qaaday.

Waxyabaha ii soo baxay waxaa ka mid ah in Howshaan aan loogu sinin Hal Xafiis ama Labo Xafiis. in si wada jir ah Go’aan loo gaaro iyo in Gudiyada Difaaca ee Labada Aqal ay si joogtaa saameyn ugu yeeshaan, in saraakiishii hore iyo khubarada Ciidamada ee Somalida lagala tashado, in Diplomasiiyiintii Hore loo yeero, si dhinaca siyaasadda ay Talo uga dhiibtaan iyo in si aad ah loo raadiyo Xogta Damaca iyo Danaha wadamada kale ee aan Xiriirka la leenahay”.

Prof. Yaxye Shiikh Caamir ayaa ugu dambeyntii ku talinaya sidan:- “Wadanka aad Hubka ka gadato, ogow Dayactirkiisa iyo Rasaastiisa isaga ayaad ku tiirsan tahay, haddii xiriirkiinu xumaado ogow, hubkaagu waa howl gab, raadso Hub Rasaastiisa iyo dayactirkiisa aad meela badan ka heli karto. War helaa tala helo. Haddiise Qof ama koox aan aqoon durugsan u leheyn loo kaliyeeyo, waxaa dhici karto in lagu shalaayo Cuna qabateyntiyaaba noo rooneyd ay ka dhacdo”.

Haddaba, waxaa Magaalada New York ka qabsoomay kulan aad u ballaarnaa oo ay Soomaaliya soo qaban qaabisay, ayna ka qeyb-galayaan 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika.

Madaxweynaha ayaa ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgelay ee dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, muhiimadda iskaashiga amniga ee heer qaraadadeed iyo heer caalam, bixitaanka ciidamada ATMIS iyo xasilinta siyaasadeed ee Soomaaliya.

Waxaa ka soo qeyb-galay dalalka, Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar, Imaaraatka, Sucuudiga, Shiinaha, Jabbaan, Hindiya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Sweden, Netherlands, Finland, Spain, Norway, Midowyada Carabta, Midowga Afrika iyo Yurub.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku qabatay Xarunta Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee Magaalada New york ee Cariga Maraykanaka shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska Ciidamada iyo howlgallada Xoreynta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada New York ee dalka Maraykanka ku sugan ayaa guddoomiyay Shirkaasi, kaasi oo ay ka soo qeyb-galeen in ka badan 26 dal, Wakilo ka kala socday Ururada Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika,

Waxaa looga hadlay ajandeyaashan; 1- Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.2-Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya. 3-Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York waxa uu ku guddoomiyey Shirka Amniga Soomaaliya oo lagu muujiyey muhiimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.

“Dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo leh hay’ado amni oo si buuxda ula wareega mas’uuliyadda sugidda amniga dalka”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey dalalka ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee taageeray in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, haatanna ku garab taagan cafinta deynta iyo dhismaha Ciidamada Qalabka Sida.

“Waxaan soo dhaweynayaa go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka kaga qaaday Soomaaliya. Tani waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, waxayna muujinaysaa horumarka la taaban karo ee ku yimid hannaanka maamulka hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo go’aankani uu awood noo siinayo in aan si buuxda u qalabeyno ciidamada Qaranka Soomaaliya”.

Saaxiibada Caalamka ee shirka ka soo qeyb galay ayaa sheegay in ay taageerayaan Soomaaliya, iyagoo qiray horumarka uu dalka ku tallaabsaday. Waxa ay ku bogaadiyeen DFS qaabka ay u wajahday aragtideeda ku wajahan horumarinta laamaha amniga. Tallaabadan ayaa ah mid muhiim u ah in Soomaaliya awood loo siiyo in ay gacanta ku dhigto arrimaheeda amniga iyo sidii loo sii xoojin lahaa xasilloonida dalka.

Magaalada New York waxaa kaloo lagu kala saxiixday heshiis qeyb ka ah Saadka Ciidamada Soomaaliya, “Maanta waxaan magaalada New York ee dalka Mareekanka ku kala saxiixannay heshiis seddex geesood ah oo ay ku heshiiyeen Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ‘UNSOS’,

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya “’ATMIS’ iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo loogu talagalay taageerada Saadka qeyb ka mid ah Ciidamada Amniga Soomaaliya”, sidaasina waxaa yiri Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ka mid ahaa Wafdiga Madaxweynaha oo ku sugan magaalada New Yorka.

Dhinaca kale Hey’adda Lacagta adduunka ee IMF-ta ayaa lacago badan oo deyn ah ku leh inta badan dalalka ku yaal qaarada Afrika, Web-side-ka Business Insider Africa ayaa soo bandhigtay 10-ka waddan ee Afrika ugu sarreeya ee leh deymaha ugu hooseeya ee Sanduuqa Lacagta Aduunka.

Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ah hey’adda ugu weyn maaliyadda adduunka, isagoo taageero dhaqaale siiya dowladaha ay la kulmaan dhibaatooyinka dhaqaale, iyadoo Dalka Somalia aanan lagu soo darin liiskan la soo bandhigey, waxaana la filayaa in maanta dalka Somalia laga cafiyo deymaha lagu leeyahay oo dhan $4.5bn, lacagihii ay dowladii hore ee Siyaad Barre ka amaahatay Bangiga Adduunka.

Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay dhammaan Ummadda Soomaaliyeed dal iyo dibad ku wargalinaysaa in la gaaray waqtigii dhammaadka safarkii dheeraa ee geediga DEYN_CAFINTA, taasi oo ay shaacin doonaan Giddiga sare ee IMF-ta iyo Bangiga Adduunka, ugu dambeynna 13-ka Bishaan December ee dhammaadka sanadkan 2023-ka. DeynCafintu Waa Albaabka Maalgashiga iyo Bilaawga Horumarka Dalka.

Marka  Bisha Desenber 12-ka iyo 13-ka waxay noqon doonaan maalmo baal dahab ah ka gala taariikhda Ummadda Soomaaliyeed.

Haddaba maalmihii wacnaa waan guda galnay sida:- ku biirista Bulshada Bariga Afrika, qaadista Cuneqabateynta Hubka, Deyn cafinta Soomaaliya iyo kuwa kale, marka soow ma oran karno waa la kala dheereeyay Ordse ma ahan.

WQ :C/llahi Ruush

 

DHIBAATADA QABYAALADDU LEEDAHAY.

Waxaa muhiim ah inaanu kala fahamno Qabiilka iyo Qabyaaladda, Qabiilku waa wax laguugu garanaayo ruuxa aad adigu tahay iyo isir ahaan halka aad ka soo jeedo, abtirsigaagu halkuu ku arooro iyo dadka dhalasha ahaan isku xigtaan.

Ujeedooyinkaasi waa kuwa uu Eebba wayni ugu talo-galay kolkii tolka iyo jilibka uunkiisa isku raaciyay.

Sida ay diinteena suubani tilmaamaysana qabiilka in laysku aqoonsado iyo in lagu abtirsadaaba ceeb maahan, waxaana sidaa qeexaysa aayad ka mid ah aayadaha qur’aanka Eebbe, taasoo ahayd” waxaanu idinka dhignay qabiillo iyo shucuub si aad isku barataan”.

Nabigeenii suubanaa (NNKH) qudhiisa waxaa laga hayaa axaadiis badan oo abtirsiga iyo is taakulaynta xigaalka iyo tol waynaba tirtirsiinaysa.

Xariirinta iyo taban-taabada xigtadu waaba arrin waajib ah, oo ay diinteenu jidaysay qofkii qaraabada xigtada ah gooyana wuxuu Illaahay u ballan qaaday inuu goyn doono, sidaana wuxuu ku yiri xadiisul qudsi.

Qabyaalad: qabyaaladdu waa ficil xun markii sida foosha xun loo isticmaalo oo ah inaad qabiilkii u isticmaasho si qaldan oo aan ahayn sidii loogu talagalay waxeyna kugu hoggaamineysaa, Dhibaato iyo burbur waxeyna kuu diideysaa horumarka iyo nolosha wanaagsan.

Qabyaaladda in si qaldan loo isticmaalo waxaa keena jaahilnimada iyo doqonnimo markaad akhriso taariikhda dadyowga dunida ku nool waxaa ogaaneysaa dhibaatada ay leedahay qabyaaladda.

Dadka ay ku weyn tahay qabyaaladda waa kuwa ugu liita xagga nolosha.

Waxa ay diinteena suuban muslimiinta ka xarimtay qabyaaladda, waayo dhibaatada qabyaaladda ma ahan mid dunida oo kaliya kugu saameyneysa ee waxa ay kula soconeysa ilaa iyo qiyaamaha, waxaana cadeyn u ah xadiiskii Nabigeena Maxamed(NNKH) ee ahaa dadka u dagaalama qabyaaladda darteed kuwii wax dila iyo kuwii la dilaba waa ahlu Naar.

dunida kuwaa ugu hooseeya xagga nolosha waa kuwaa aan wali ka ilbixin dhibaatadii qabyaaladda wali waxey moodayaan in uu qabiilka wax taraayo laakiin dhib mooyee dheef keeni maayo.

Tusaale, waxaa kugu filan dalkeena halka ay qabyaaladdu geysay, waxa halkaan na dhigay waa qabyaaladda maanta waxeynu nahay dal ay tusaale u soo qaataan hoggaamiyaal shisheeye oo badan.

Markaan maamul dowlaadnimo ka door bidnay qabyaaladda waxaa kala daatay awooddeenii waxaa lumay magacii iyo sharaftii aan laheyn waxaana in badan aan ka harnay dunida gaar ahaan kuwa nala deriska ah oo ka baqi jiray guuxeenna.

Haddaba Aynu iska deyno qabyaaladda si mustaqbalkeenna adduun iyo mid aakhiro aan u wajahno ugana faa’iideysano fursadaha qaaliga ah ee manta na horyaalle ee dowladdeenna soo dhirindhirisay .

DALKA EDATORIAL

XAGEE LAGA SOO QAATAA SHAREECADA ISLAAMKA? (QEYBTA 1-AAD) koow kitaabaka

Waa Kitaabka Ilaaay uu u soo dejiyey addoomahiisa hanuun iyo caddeyn ahaan iyo kala saarid xaqa iyo baadilka, waana kitaab laga dhowray beddelaad iyo doorin, sidaas awgeed wuxuu Allaah ku amro dadka Kitaabkiisa gudahi ama ka reebo, waxaa saaran dhammaan Muslimiinta inay u hoggaansamaan amarka iyo iska reebiddaa,  hadduu yiraahda:

“Oo ooga salaadda” (An-Nuur: 56) waxaynu dhab ahaan ogaannay waajibnimada salaadda, oo hadduu yiraahdo:

“Oo ha u dhowaanina zinada waayo waa anshax darro iyo jid xun” (Al-Israa: 32) waxaan dhab u ogaannay inay xaaraan tahay zinada.  Maadaama uu Allaah kafaala qaaday ka dhowrista Qur’aanka beddelaad iyo wax ku kordhin ama ka goyn, markaa waxaynu u baahannay oo keliya inaynu iska hubinno inay Aayadda  loo daliilsan karo arrinka loo soo daliilsaday.

Labo: Sunnada Rasuulka SCW

Sugnaanshaha u tiirinta xadiiska Nabigeenna SCW  culimada islaamka sameeyeen dadaal aad u badan, iyo u kuur gal xeel dheer xagga odorisidda sunnada Nabiga iyo ka soocidda xadiiska sugan ee saxiixa ah ee ku sugnaaday werinta rag lagu kalsoon yahay oo xifdin badan laga sooco haddalada loo tiriyo Nabiga s.c.w ha yeeshee aan ka mid ahayn sunnadiisa, ee ka dhashay gef ama ismoodsiin ama been abuurashada cadowyada islaamka qaarkood.

Waa in xadiiska u suubbado in loo daliilsan karo macnaha la doonayo oo loo soo daliilsan, waxaana suura gal ah daliillku inuu cad yahay aan la isku khilaafi karin macnahiisa, oo waxa dhici kara inuu yeesho wax hal macno ka badan, ama aan la fahmi karin in loo geeyo xadiis kale maahee.

Saddex: Ijmaaca

Waa isku wada raacidda culimada islaamka dhammaan ay isku wada raacaan arrin ka mid ah arrimaha diinta waqti kasta ay joogaanba, inta badanna axkaanta islaamka iyo sharciyadiisa waaweyn way isku raaceen culimada islaamka oo iskuma ayan khilaafin,  waxaana ka mid ah tirada rakcooyinka salaadda, waqtiga af xirashada soonka, waqtiga afurka, qaddarka sakada ee dahabka iyo qalinka, iyo axkaanta kaleba.

Haddaba hadday isku wada raacaan saxaabada ama ciddii timaadda gadaashood hal qowl waxay arrintaasi markhaati u tahay sugnaashadiisa, waayo ummaddu iskuma wada raacdo gef.

Afar: Qiyaaska

Waa xukunka laga bixiyo mas’alo aan ku soo aroorin Kitaabka Ilaahay iyo Sunnada Rasuulka SCW iyadoo loo eegayo mas’alo kale oo soo aroortay  ee kala mid ah xagga cillada iyo sababta. Tusaale waxaa u ah hadalka ah inay xaaraan tahay  in gacan loo qaado labada waalid iyadoo arrinkaas looga qiyaas qaadanayo  in la xaaraantinimeeyey in laga ufoodo oo lagu qeylsho,  sida uu Allaah Kor ahaaye yiri:

“Oo ha ku oran uf, hana ku qeylinin” (Al-Israa: 23) haddaba hadduu Allaah xaaraantinimeeyey in lagu qeyliyo  si aan ugu waxyeelleyn qeyladaa, markaa xaaraan ahaanta in loo gacan qaado waa caddahay oo waaba ka daran tahay, waayo waxay ka siman yihiin cillada dhibaateynta. Waana qayb xeel dheer cutubkan ay ka gun gaari karaan oo keliya culimada ku xeel dheer cilmiga, waana qiyaaska waxaa lagu ogaado axkaamta mas’alooyinka soo cusboonaada.

Xigasho: Tixraaca fudud ee Muslimka

WD: Ibraahim Warsame           La soco qeybta xigta

 

MAXAAD KA TAQAAN HAB-DHAQANKII RASUULKA (N.N.K.H)

Nabi Maxamad naxariis iyo nabad galiyo tushiisa ha ahaatee, waxaa uu ahaa mid habdhaqankiisu aad u wanaagsanaa, waxaa uu lahaa sifa kasta oo wanaagsan, Alle ayaa ku tilmaamay kitaabkiisa in nabi Maxamad uu aqlaaq wanaagsan lahaa.

Sifooyinkiisa mucjisaadka ah waxaa kamid ahaa,

-Inuu furfurnaa: nabigeena suuban ma ahayn mid qalbi adag oo dadka aan u damqan laakiin waxaa uu ahaa mid qalbi jilicsan oo dadka u naxariista, nabigeena NNKH dadka danyarta ah iskama waynay siin jirin, iskabadaaye markii la soo diray dadkii diinta qaatay ee ugu horeeyay waxaa ugu badnaa dadka danyarta ah iyo kuwa qabaa’ilka yaryar ka soo jeeday, nabigeenna dadka siwanaagsan ayuu ula hadli jiray marka uu la hadlaayo.

-Waa uu hadal macaanaa: nabigeenna NNKH mucjisaadka Alle uu siiyay waxaa kamid ahaa inuu hadal macaanaa, taasna waxaa tusaale u ah sida uu ku kasban jiray asxaabtiisa iyo sida cadowgiisa uu ula hadlijiray, waxaa dhicijirtay qof xanaaqsan inuu u yimaado kadibna marka uu nabiga hadalkiisa maqlo dagijiray, xiligiisii waxaa u imaan jirtay dad aan islaam ahayn oo nabiga u caraysan kadibna markay hadalkiisa maqlaan diinta Islaamka ayay soo gali jireen.

Masaajidka nabiga ayaa maalin waxaa soo galay nin reer baadiye ah oo aan wali baran hab-dhaqanka diinta Islaamka, kadibna Kaadi ayaa qabatay waxaa uuna bilaabay inuu ku kaadiyo masaajika dhexdiisa kadibna waxaa ku waxaa ku soo yaacay asxaabtii nabiga, rasuulka ayaa ku yiri asxaabtiisii ka leexda, markii uu dhamastay kaadidii ayuu rasuulku amray baaldi biyo ah korka looga shubo si loo daahiriyo Meesha.

Ninkii reer baadiyaha ahaa oo ku farxay naxariista nabiga iyo hadal wanaaggiisa ayaa yiri Ilaahow aniga iyo Maxamad un janada nagali, qisadaan waxaa inooga soo baxaysa naxariista iyo hadal-wanaagga nabigeenna Maxamad NNKH.

Haddaba, anaga haddii aan muslimiinnahay waxaa na la gudboon kudayshada rasuulka iyo inaan hadal wanaagsan dadka ku la hadalno dhaqankii rasuulkana aan la nimaano.

Hab-dhaqankii wanaagsanaa ee rasuulka iyo sifaadkiisii halkaan laguma soo koobi karo, kaliya sidii uu dadka ugu naxariisan jiray haddaan maagno bug inaan ka qorno waa way ka badanaysaa.

Sidaasi darteed, aan ku dayano rasuulka, ku dayashadiisa ayay noogu jirtaa guusheena aduun iyo tan aaqiro, Allena waxaa uu lee yahay ku dayasho wanaagsan ayaa rasuulka idiin kuugu sugnaatay.

W/Q Muuse Cabdinuur Maxamuud.