DEGMADA BARAWE WAA CAASIMADDA MAAMULKA K/G SOOMAALIYA (QEYBTA 1-AAD)

Baraawe, oo sidoo kale loo yaqaan Bravo, waa magaalo degad qadiimi ah oo ku taal gobolka Shabeellada Hoose ee Soomaaliya oo sidoo kale ah hadda Caasimadda Dawlad Gobolleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya waxa ayna  ku tiirsan tahay kalluumeysiga.

Magaaladaan waxa uu webiga Shabeelle uu u jiraa 25km, webiga Shabeelle waxa uu maraa sablaale Xiligii hore mudul barawe ayuu so gaari jirey oo dhul barwaaqo leh ayuu ahaa,

Ka dib “aarjiin” ayaa loo sameeyay oo webiga waa la xirey, ka dib isbeddel ayaa dhacey oo biyaha waxa uu ku koobnaan jirey: Sablaale, Laabkowan, Sablaale yareey, iyo Mafta.

5 ta sano oo u dambeysey wax biyo webi ah dhanka sablaale, iyo kurtun waareey meelahaas ma uusan soo gaarin oo dhul qalalan ayuu noqdey oo webiga dhexdiisa geedo ayaa ka bexeen ilaa hada wax biyo ah maso gaaraan.

Magaalada waxa ku yaali jirey warshada kabaha iyo warshada maqaarka farsameysa, sido kale dadka Baraawe dega ma ahayn dad fadhiga jecel oo rag iyo dumarba labadaba waa ay shaqayn jireyn,

Ragga waxa ay ka shaqayn jireyn ganacsiga halka dumarka guriga marka ay joogaan ay ku tolli jireyn koofida barawe ay dhaqanka u leedahay iyo aliindiga.

Hadii aan dib u milicsanno taariikhda, Baraawe waxa xukumi jirey dadka barawe dega oo suldaamo ayey lahayeen, Xiligaas waxa suldaan ka ahaa Xaaji Cabdiqadir Cabdiyow.

magaalada waxaa ku so duuley Burtaqiis Sannadkii 1506 dii Baraawe waxaa soo weeraray Ciidanka Badda ee Burtaqiiska si ey u qabsadaan Magaalada, kaliya Baraawe kuma aysan soo duulin ee dhulalka xeebaha leh ayey ku so duuleyn.

Soomaalida kale waa ay iska difaaceen halka reer barawe ay fariin u direen cusmaaniyiinta oo markaas xukuumada ugu awooda badan ee islaamka ahayd,

Suldaanka magaalada Baraawe Xaaji Cabdiqadir ayaa warqad u qorey Cusmaaniyiinta, warqadda waxaa ku qornaa “anaga waxaa nahay ahlu Baraawe, dad muslim ah ayaan nahay qolo gaalo ah ayaa na qabsadeen waxa aan rabnaa in aad garab nasiisaan.”

Markaas ka dib ayaa waxaa la so direy sayid barqash oo ciidankiisa wato ayaa weerar ku so qaadey Burtaqiiska ka dibna magaalada waa laga saarey, intaas ka dibna xukunka waxa la wareegey cusmaaniyiinta oo qarniyaal soo xukumayeen,

Dadka qaar ayaa aaminsan aragti khalad ah, taa oo ah in Reer Baraawaha Cad cadka ay asal ahaan ka so jeedaan Burtaqiiska taasi waa “Been”, Burtaqiis meeshaas waxa uu u imaadey inuu gumeysto laakiin Cusmaaniyiinta ayaa ka saareen oo sida uu rabey ma uusan helin.

Sayid Barqash waxa uu isugu wacey Odeyaasha Soomaalida oo dhan Zanzibaar oo fadhigiisa ahaa, isagoo dhahey “dhulka waxa aan ka gatey Taliyaani marka waxa la idinkaga baahan yahay in aad la shaqeysaan taliyaaniga.”

WQ: Sacdiyo Sheekh Baana

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qayb galay munaasabad lagu taageerayey dib u eegista dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Hotel SYL kaga qeyb galay munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay dhameystirka dib u eegista dastuurka, oo uu soo qaban qaabiyay Xildhibaan Guleed Biixi Cabdi.

Munnaasadda ay ka soo qeyb galeen bulshada qeybaheeda kala duwan iyo Xildhibaanno, ayuu Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ka jeediyay Khudbad uu kaga hadlay mihiimada uu leeyahay dhameystirka Dastuurka ayaa waxaa uu ku sheegay in horumar uu u yahay jiritaanka qarannimada, sarreynta sharciga, iyo xaqa uu leeyahay muwaadinka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha ayaa xusay in uu sameyn doono dhageysi dad-weyne oo aragtidooda ka dhiiban doonaan dhameystirka dib u eegista Dastuurka KMG.

Guddoomiyaha ayaa dhanka kale kormeeray Xafiiska Xiriirka Dadweynaha ee uu furay Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi oo loogu adeego shacabka uu matalo iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, waxaana uu Guddoomiyuhu ku dhiira-geliyay inuu xoojiyo u adeegida shacabka oo ah waajib Dastuuri ah oo mudan in Xildhibaanka lagu dhiira-geliyo, isagoona Xildhibaannada ugu baaqay in ay ku deydaan Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi.

Ciidanka Ammaanka oo Fashiliyey Dhagar qabe ku siday Boorso Walxaha Qarxa

Ciidanka Ammaanka ayaa Fashiliyay Boorso lagu soo Qariyay Walxaha Qarxa, oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Degmada Cabdicasiis ee Gobalka Banaadir.

Ciidanka NISA ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Ninkii waday Boorsada ay ku jireen waxyaabaha Qarxa.

Ciidamada Amniga ayaa xoojiyay howlgallada lagu xaqiijinayo Amniga Caasimadda, iyagoo hubinaya dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadweynaha, si looga hortago dhagarta Kooxaha Argagixisada ee banneystay daadinta dhiigga Shacabka Soomaaliyeed.

    

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Madax sare oo ka tirsan Dowladda Maraykanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay madax sarre oo ka tirsan Dowladda Mareykanka waxaana waftiga hogaaminaysay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda USA ee Afrika Molly Phee, Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Afrika Amb. Micheal Hammer iyo Amb. Shane Dixon oo ah Siihayaha Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya.

Kulanka oo looga hadlayey xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta labada dal ayaa inta uu shirka socday waxay isla soo qaadeen heshiis beenaadkii ay wada-galeen Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia iyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland, ayuu Guddoomiyuhu tilmaamay in madax banaanida dhuleed iyo badeed ee dalka aan lagu soo xadgudbi karin, waxaana ay masuuliyiintu sheegeen in Dowladda Mareykanka ay mowqif adag ka taagan tahay Ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada Soomaaliya. Dhanka kale Mareykanka ayaa xusay in uu taageeraayo dhameystirka Dastuurka KMG ee Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa uga mahadceliyay taageerada Dowladda Mareykanka ay siineyso Soomaaliya, oo ay ugu horreyso arrimaha ammanka, dib u dhiska dalka, dib u eegista dastuurka KMG ee Soomaaliya, waxaana uu sidoo kale boggaadiyay sida ay ula shaqeeyaan wadamadda beesha caalamka iyo taageerada Soomaaliya ay siiyaan, isagoona xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku talaabsatay horumaro kala duwan, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo kobcinta dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hordhigaya midowga Afrika mawqifka Soomaaliya ee ku Aaddan Xadgudubka Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb geli Dona Meertada 37-aad ee shir-madaxeedka Golaha Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa gudbin doona mawqifka cad ee Soomaaliya ay ka taagan tahay faro-gelinta ka dhanka ah madax banaanida iyo midnimadeeda dhuleed, isagoo hoosta ka xariiqay sida aysan shacabka iyo dowladda Soomaaliya aysan u aqbalayn xadgudub kasta oo wiiqaya qarannimadooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbad uu ka jeedinayo Golaha waxa uu u ka shaqeyn doonaa iskaashiga dagaalka ka dhanka argagixisada, daris-wanaagga iyo in dalalka Afrika ay ka gudbaan caqabadaha nololeed iyo kuwa deegaan ee dib u dhigay nolasha shucuubta Qaaradda.

Inta uu socdo shir, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceedyo la yeelan doona madaxda kala duwan ee dowladaha, Ururrada iyo wufuudda muhiimka ah ee ka qeyb-galaya, isagoo mudnaanta siinaya xoojinta xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalka Afrika iyo danaha Qaranka Soomaaliyeed.

Ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka oo gacanta ku dhigay horjooge ku sugnaa Galmudug

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta gacanta ku dhigay Horjooge Saciid Cali Gacamey oo dhibaato ku haayay shacabka ku dhaqan Degmooyinka Ceeldheer iyo Galcad.

Saciid Gacamayey ayaa muddooyinkii dambe si dhuumaaleysi ah ugu jiray dhulka howdka ah, waxaana ciidanku kasoo qabteen agagaarka deegaanka Geerile oo hoostaga magaalada Ceeldheer.

Waxaa uu kamid ah odayaal sitoos ah ula shaqeeynayey argagaxisada,waxaana  ciidanku muddo dheer ay ku daba jireen baadigoobka ninkaasi ,iyadoo ugu dambeyntii ay suurto gashay in gacanta lagu soo dhigo.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb geli Dona Meertada 37-aad ee shir-madaxeedka Golaha Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa gudbin doona mawqifka cad ee Soomaaliya ay ka taagan tahay faro-gelinta ka dhanka ah madax banaanida iyo midnimadeeda dhuleed, isagoo hoosta ka xariiqay sida aysan shacabka iyo dowladda Soomaaliya aysan u aqbalayn xadgudub kasta oo wiiqaya qarannimadooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbad uu ka jeedinayo Golaha waxa uu u ka shaqeyn doonaa iskaashiga dagaalka ka dhanka argagixisada, daris-wanaagga iyo in dalalka Afrika ay ka gudbaan caqabadaha nololeed iyo kuwa deegaan ee dib u dhigay nolasha shucuubta Qaaradda.

Inta uu socdo shir, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceedyo la yeelan doona madaxda kala duwan ee dowladaha, Ururrada iyo wufuudda muhiimka ah ee ka qeyb-galaya, isagoo mudnaanta siinaya xoojinta xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalka Afrika iyo danaha Qaranka Soomaaliyeed.

Garsoore Soomaaliyeed oo kamid noqday liiska xubnaha u tartamaya qabashada Ciyaaraha Koobka Adduunka ee 2026-ka

Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa noqday taariikhda markii ugu horreysay garsoore Soomaaliyeed oo kasoo muuqday Koobka Qaramada Qaarada Afrika ee AFCON ee ka qabsoomay dalka Ivory Coast.

Garsoorahaan oo ah midka ugu da’da yar Garsoorayaasha Africa ayaa ka qeybgalay illaa 8 kulan ,wuxuuna ka mid noqday liiska loo xushay inay in ay u tartamaan qabashada Ciyaaraha Koobka Adduunka 2026 ka ee ka dhici doona Waqooyiga America.

Halyeey Cumar Cabdulqaadir Cartan waxa uu meel sare gaarsiiyay magaca Soomaaliyeed,sidaa daraadeed,waxa uu mudan yahay in loo sameeyo maamuus qaran iyo soo dhoweyn diiran.

Maraykanka iyo Carabta oo ka shaqaynaya qorshaha dawlad ay yeelato Falastiin

Sida laga soo xigtay ilo ka yimid saraakiisha Mareykanka iyo Carabta oo laga soo xigtay warbixin ay qoray wargeyska The Washington Post, ayaa sheegaya in ay  jiraan dareen degdeg ah oo ku saabsan in la abuuro nabad waarta oo dhexmarta Israel iyo Falastiin.

Waxaa socda dadaallo lagu doonayo in lagu qeexo waqti gaar ah oo la dhisayo dowladda Falastiin, iyadoo calaamaduhu ay muujinayaan in ku dhawaaqista arrimahaasi uu imaan karto toddobaadyada soo socda, sida lagu xusay warbixintu.

Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in xabbad joojinta iyo wada-hadallada la-haystayaal ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ay ku xidhan yihiin sida loo maareeyo qorshayaashan ballaadhan ee ka socda dhinaca Mareykanka iyo dalalka Carabta.

Sida warbixinta lagu sheegay, saraakiisha Mareykanka ayaa ka dhawaajiyay suurtagalnimada in la aqoonsado dowladda Falastiin, iyagoo carrabka ku adkeeyay in aqoonsigaas uu muujin karo qaab cusub oo loo wajaho dadaallada nabadeed ee gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh “waa in aan u istaagnaa kacdoon waxbarasho oo sare loogu qaadayo aqoonta dadkeenna

Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xarunta Madaxtooyada Qaranka kula hadlay 40 Arday oo helay deeq waxbarasho oo oo heer PhD ah ayaa kula dardaarmay in ay si hufan uga faa’iideystaan fursaddaan si ayuu yiri ay  bilow wanaagsan ugu noqdaan Jiilasha dambe ee doonaya in ay faa’iideystaan soo saarista kheyraadka ka buuxa Baddeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la dardaarmay ardayda ayaa yiri “Anaga oo leh Badda ugu weyn Afrika suurta gal ma’ahan in aanan laheyn aqoonta culuumta Badaha, amnigeeda iyo dhaqaalaheedaba. Waa in aan sare u qaadnaa aqoonteenna Baddaha, waxaana la idinka sugayaa in aad fursaddaan uga faa’iideysataan sida ugu haboon”.

Mashruucan oo ay fuulintiisa iska kaashanayaan Jaamacadda Nabadda ee Qaramada midoobay (UPEACE) iyo Hay’adda kheyriga ee Qatar (Qatar Charity) ayaa qayb ka ah qorshaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee sare u qaadidda tacliinta sare ee dalka iyadoo oo ay fursaddan ka faa’ideysanayaan Jaamacadaha dalka, hay’adaha dawladda Federal iyo kuwa Dawlad-goboleedyada.

Ardaydaan oo qayb ka ah, 100 Arday oo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu u ballan qaaday deeq waxbarasho oo heer PhD ah ayaa barandoona Afar daraasadood oo kala ah.

  1. PhD: Culuumta xaalufinta dhulka iyo nabaad guurka
  2. PhD: Culuumta Dhaqaalaha iyo Amniga Badaha and Marin-biyoodyada
  3. PhD: Culuumta Hogaaminta iyo Horumar Waara
  4. PhD; Culuumta Nabadda, Maamulka iyo Horumarinta