Midowga Afrika oo isku raacay in Soomaaliya ay noqoto murashax u taagan kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibedda) ee Midowga Afrika ayaa si buuxda isugu raacay in Soomaaliya ay noqoto dalka kaliya ee ka socda Bariga Afrika ee u sharaxan mid ka mid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee muddo xileedka 2025-2026.

Ku-Simaha Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad)ayaa sheegay in arintaan ay tahay guul weyn, taas oo sare u qaadeysa magaca Soomaaliya iyo doorkeeda hoggaanka adduunka iyo go’aamada masiiriga ah.

1971-1972 ayaa Soomaaliya ugu dambaysay inay qeyb ka noqoto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ku qaabilay Kaaliya Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika Molly Phee oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

2- Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ee Arrimaha Afrika Molly Phee oo ka qeybgaley munaasabad ay labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka ku kala saxiixdeen heshiis is afgarad oo lagu tayeynayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay inuu ka qeybgelayo Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee ka dhacaya Addis Ababa, isagoo sheegay in shirkaas uu muhiim u yahay inay Soomaaliya mar kale ku soo bandhigto dhowrista qaranimada iyo madaxbanaanida dalka, kadib markii Ethiopia ay heshiis sharci darro ah la gashey maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Kismaayo kulan ku saabsan hawlgalada ka dhanka ah Al Shabab iyo xaaladda guud ee dalka kula yeeshay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madobe).

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuurgalaya xaaladda amni ee caasimadda ayaa booqday qaar ka mid ah suuqyada ganacsiga magaalada Muqdisho.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dowladda iyo shacabka Isutagga Imaaraatka Carabta uga tacsiyeeyay geerida saraakiil dalkaasi u dhashay oo lagu dilay weerar argagixiso oo Muqdisho ka dhacay.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo amar ku bixiyay in baaritaan lagu sameeyo weerarkii argagixiso ee lagu dilay saraakiil u dhashey Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya oo ka dhacay xerada General Gordan.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Safaaradda Imaaraatka Carabta ee Muqdisho , isagoo u tacsiyeeyay Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.

9- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan wadatshi ah kula qaatay culimada Soomaaliyeed, isagoo uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo in dalka laga xoreeyo argagixisada Al Shabaab, xoojinta midnimada iyo xasilinta dalka.

10- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Xildhibaanada Haweenka ah ee ku jira labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

11- Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo billaabay ka doodista dib u eegista iyo wax ka beddelka afar cutub oo ka mid ah Dastuurka Ku Meel Gaarka ah Ee Soomaaliya.

12- Xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey in Soomaaliya ku biirto Urur Goboleedka iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee (EAC).

13- Ku-Simaha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo guddoomiyey shir ku saabsan xoojinta xiriirka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bulshada Soomaaliyeed, kaas oo ay ka qayb galeen hay’adaha kala duwan ee dowladda qaarkood.

14- Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay 10 safiir oo cusub oo ka howlgeli doona qaar ka mid ah dalalka caalamka ee aan wadaagno xiriirka diblumaasiyadeed.

15- Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa uga tacsiyeeyay geerida saraakiisha Imaaraadka ahaa ee ku dhintey weerarkii argagixiso ee ka dhacay xerada General Gordan ee Muqdisho.

16- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiirka Difaaca Turkiga Yaşar Güler ayaa magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca amniga iyo difaaca labada dal.

17- Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa magaalada Entebbe ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow.

18- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Muqdisho ku qaabilay Xildhibaanno ka socda labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Awdal.

19- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo dalka Isutagga Imaaraadka Carabta uga qeybgalay shir sannadeedka Hey’adaha Maaliyadda Carabta

20- Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Kenya u fadhin doono Soomaaliya Mudane Cyprian Kupay Iringo

21- Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo gaadiid caafimaad ku wareejisay Ciidanka Asluubta iyo Gobolka Banaadir.

22- Wasiirka Dhallinyarada Soomaaliya Mudane Maxamed Barre oo magaalada Dubai uga qeyb galay shirka Wasiirrada Dhallinyarada Wadamada Carabta.

23- Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa gawaarida gargaarka degdegga ah ku wareejiyay Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Jubbaland.

24- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa kulan la qaatay hawlwadeenada Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka.

25- Wasaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa soo saartay qiimaha ay ku xajin doonaan xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkan 2024 oo noqonaya $4,430 dollarka Mareykanka ah.

26- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa hawlgal milateri ka fuliyay galbeedka magaalada Kismaayo, halkaas oo ay ku dileen 27 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabaab.

27- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dilay shan xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabaab oo isku aruursanayey deegaannada kala ah Garas, Ceel Mareer iyo Kurto oo ka tirsan gobolka Bay.

28- Ciidamada Xoogga Dalka iyo shacabka degaanka ayaa howlgal ka dhacay Degmada Ceel Dheer ee Gobolka Galgaduud ku soo qabtay Mowlid Cali Dhuxulow oo ka tirsanaa Khawaariijta Al Shabaab.

29- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ayaa deeq aadminimo kala wareegay Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

Kenya Airways oo dib u bilaabaysa duullimaadyadii Muqdisho

Nairobi:- Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka qeybgalay manaasabad xarigga looga jarayay Duulimaadkii ugu horeeyay ee Diyaaradda Kenya Airways ku tageyso Magaalada Muqdisho.

Munaasabadaan oo ka dhacday gudaha Garoonka Caalamiga ah ee Jooma Kenyatta ayaa waxaa ka qeyb galay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  u fadhiya Dalkaan Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, Wasiirka Wasaaradda Difaaca Dowladda Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale,  Wasiirka Gaadiidka iyo  Duulista Hawada Dowladda Kenya Mudane Onesimus Kipchumba Murkomin.

Madax kala duwan iyo Mas’uuliyiinta Shirkadda Diyaaradaha  iyo rakaabkii nasiibka u yeeshay in ay maanta raacaan duulimaadkii ugu horeeyay ee Diyaaradda Kenya Airways ku tageyso Garoonka Diyaaradda Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cismaan ee Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn ayaa Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa waxa uu Warbaahinta Qaranka  Soomaaliyeed uga warbixiyay muhiimada ay u leedahay in Shirkada Diyaaradaha Kenya Airways maanta bilowdo Dulimaad toos ah ay ku tagi doonto Muqdisho, Nairobi iyo faa’iidada ay u leedahay Shacabka Soomaaliyeed ee u kala safra Soomaaliya iyo Dalkaan Kenya.

Tani waa talaabo wanaagsan oo qeyb weyn ka qaadan karto hurumarka iyo isku socodka dadka iyo badeecadaha dalka, maadaama Dowladda Somaaliya dhawaan ku biirtay Ururka Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Wasaaradda Caafimaadka oo qalab kala wareegtay Urur gobaleedka IGAD

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maryama Maxamed Xuseen ayaa agab Computer-ro ah kala wareegtey Urur goboleedka IGAD.

Munaasabadda lagula wareegayey qalabka waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka socdey Urur goboleedka IGAD, agaasime waaxeedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda iyo xubno kale.

Qalabkan ayaa waxbadan ka tari doona fududeynta shaqooyinka Caafimaadka ee loogu talagaley in loogu adeego bulsho waynta Soomaaliyeed si loo hello nidaam Caafimaad oo hufan iyo in xogta Caafimaadka Dalka laga soo uririyo goobaha fog taasoo qeyb ka ah dedaalada socda ee lagu mideynayo xogaha Caafimaadka dalka.

Madaxa IGAD ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Kaarshe ayaa sheegey in qalabkan Computer-rada ah ay qeyb ka yihiin dedaalada ay IGAD ku garab istaageyso Soomaaliya gaar ahaan qeybta Caafimaadka, waxa uuna xusey in IGAD diyaar u tahay ka qeyb qaadashada horumarinta Caafimaadka Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maryama Maxamed Xuseen ayaa ka mahadcelisey taageerada Urur goboleedka IGAD markasta la garab taagan yihiin horumarinta Caafimaadka Soomaaliya, waxayna sidoo kale xustey in l xoojiyo wadashaqeynta Wasaaradda Caafimaadka iyo Urur goboleedka IGAD.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.

MW Xasan Sheekh oo bogaadiyey heshiiska tayeynta CXD ee ay wada saxiixdeen Soomaaliya & Mareykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey munaasabad lagu saxiixayey heshiiska tayeynta Ciidamada Soomaaliyeed oo ay kala sixiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in heshiiskan uu horseedaya in Dowladda Maraykanku ay kordhiso taageerada iyo tababarrada Ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa waxaa xarummo tababar iyo Ciidan laga hirgelinayaa Magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar iyo Dhuusamareeb.

May be an image of 2 people and text that says 'ses for the l Army ade lishu,'

“Heshiiskan waxa uu ka gacansiinayo dowladda Soomaaliya qorsheyaasha dib u habaynta iyo tayeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab iyo xaqiijinta amniga, waxa uuna faray xubnaha ka soo jeeda dhanka dowladda Soomaaliya ee guddiga isku-dhafka ah ee Labada dal in ay mudnaan weyn siiyaan fulinta heshiiska,” sida uu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

May be an image of 4 people, dais and text

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Maraykanka doorka ay ka qaadanayso tayeynta ciidanka sida-gaarka ah u tababaran ee Danab iyo guud ahaan Hay’adaha ammaanka Soomaaliya, isagoo xusay sida ay lafdhabarta ugu yihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo howlgallada socda ee lagu xoreynayo deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan.

Heshiiska waxaa Labada dowladood u kala saxiixay, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Xoghaye Kuxigeenka Arrimaha Dibadda Maraykanka ee dhanka Amniga Marwo Bonnie Denise Jenkins.

Wasiir Biixi oo dalka Qatar uga qeyb galay shirka 131-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Jaamacadda Carabta

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta Magaalada Qaahiro ee Caasimadda Dalka Masar uga qeyb galay shirka 131-aad ee Wasiirada Maaliyadda Dalalka Jaamacadda Carabta oo sanadkan looga wada hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga Wadamada Carabta.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda dalalka iyo hey’adaha Maaliyadda carabta ee shirka ka soo qayb galay.

May be an image of table and dais

 

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa intii uu socday shirka waxa uu faah faahin ka bixiyay horumarka Maaliyadeed ee Dowladda Soomaaliya ay ku talaabsatay iyo guushii hannaanka deyn cafinta ee dhawaan soo gaba gabeeyay. Mudane Wasiir Biixi ayaa uga mahadceliyay Dalalka iyo Hey’adaha Maaliyadda Carabta dadaalkii ay ka qeyb qaateen ee horumarinta Maaliyadda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo faahfaahin ka bixiyey halka ay marayaan hawlgalada dalka looga xoraynayo Khawaarijta

Kismaanyo:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhowed Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaanyo oo ah Caasimadda ku meel gaarka ah ee dowladda Gobolleedka Jubaland ayaa ka hadlay Guullaha laga gaaray la dagaalanka Khawaarijta,Madaxweynaha ayaa sheegay in hawlgalada looga sifaynayo dalka Khawaarijta guul fiican laga gaaray dhammaana badi laga xorreeyey deegaanadii ay Shacabka ku dhibaatayn jireen.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay halka ay marayaan hawlaha Dhamaystirka Dastuurka oo doodiisu hadda ka socoto Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyayadda Federaalka soomaaliya,Madaxweynaha ayaa xusay in dhamaystirka Dastuurku muhiimad weyn ugu fadhiyo xuquuq helida Shacabka Soomaaliyeed iyo hannaanka dowlad dhiska.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu faahfaahin ka bixiyey Safar uu ku tegi doono magaalada Addis ababa halkaas uu ay ka dhacayaan shirar kala duwan sida Shirka Midowga Afrika,Shirka Urur gobolleedka IGad iyo Shirka Dallada Bulshada Bariga Afrika,Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in dhammaan shirarkan muhiim u yihiin Soomaaliya halkaana uu ka jeedin doono Fariinta Dowladda Soomaaliya ee ku wajahan damaca Gurracan ee Dowladda Itoobiya ku hayso Madaxbanaanida Dhulleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo Guddoomisay Shirar Hordhac u ah Kulanka Guud ee Midowga Africa

Addis ababa:-Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Guddoomisay Shirar Hordhac u ah Kulanka Guud ee Midowga Africa oo ka Furmay Addis Ababa.

Wasiiru Dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Balcad iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb gelaya shirar kala duwan oo hordhac u ah kulanka guud ee sanadlaha ah ee Midowga Africa.

Kulamada qabsoomay waxaa qayb muhiim ah ka ahaa shir ay isugu yimaadeen guddiga qaabilsan nidaaminta iyo qorshaynta jagooyinka kala duwan ee Midowga Africa oo ay u tartamaan madaxda iyo dalalka Africa, guddigaas oo ay xiligan hogaanka u hayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa sidoo kale ka qayb galay Danjiraha JFS ee dalka Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa, saraakiil sar-sare oo kamid ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS iyo diplomaasiyiin katirsan Safaaradda JFS ee dalka Ethiopia, iyadoo sidoo kale ay kulanka soo xaadireen dhamaan dalalka xubnaha ka ah guddiga waxaana shir guddoominayey Wasiiru Dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Cali Cumar “Balcad”.

Guddiga ayaa shirkooda kaga arrinsaday qorshayaasha taagan ee hortebinta u leh dalalka ku bahoobay Midowga Africa, iyagoona soo bandhigay wadamada iyo madaxda Afrika ee sanadkan u baratamaya jagooyin fara badan oo ay tartan xoog leh ugu jiraan qaar kamid ah dalalka iyo masuuliyiinta Africa oo ay Soaomaaliya kamid tahay.

Kulanka guddiga oo ay shir guddoominaysay Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si gaar ah loogaga hadlay dedaalka iyo tartanka ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu jirto hanashada iyo hogaaminta Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada Midowga Africa ee sanadaha 2025-2026.

Wasiiru Dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Cali Cumar “Balcad” ayaa markii shirku soo dhaamaday waxa uu la hadlay warbaahinta Qaranka, isagoo hoosta ka xariiqay in marka laga tusaale qaato dedaalka ay muddooyinkan danbe wadday Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya uu yahay mid guul weyn usoo hoyn doona Qarankeenna, isla markaana ay Soomaaliya natiijo miro dhal ah ka gaari doonto dedaalka ay ugu jirto hanashada iyo hogaaminta Golaha Amniga iyo Nabadgelyada Midowga Africa.

Hawlgal ka dhan ah Khawaariijta oo ka dhacay Shabeellaha hoose

Marka: Hawlgal jab xoogan lagu gaarsiiyay Khawaarijta oo ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada caalamka yaaa ka dhacay tuulada Ugunji oo hoos tagta magaalada Janaale ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Hawlgalkaan ayaa lagu beegsaday Maxkamad beenaad ay hawaarijta lahaayeen waxaana halkaasi lagu qaarajiyay ilaa iyo todobo horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarijta ah kuwaasi oo u uku jiray horjooge Usaama oo ahaa horjoogihii Khawaarijta ee deegaanka Ugunji.

Dhagar qabayaashakale ee Khwaarijta ah ee la dilay ayaa waxaa ka mid ah. Cadnaan oo u qaabilsanaa Khawaarijta diiwaan galinta shaqsiyaadka shacabka ah ee la rabo lacagaha baadda ah laga qaado iyo Horjooge Yaxye oo ahaa horjeege ku xigeenka Maleeshiyaadka joogga deeggaanka Ugunji.

Faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan jabka gaaray Khawaarijta la soco goor dhow

Hawlgal lagu beegsaday Khawaarijta oo jubada hoose ka dhacay

Kismaayo: Hawgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Mareekanka oo dhacay deegaanka Yaaq dabeel ee gobolka Jubbada hoose ayaa lagu beegsaday koox tirsan Khawaarijta Alshabaab oo isku abaabulayay deegaankaasi, hawgalka waxaa lagu dilay laba ka tirsan kooxda, halka lagu burburiyay dhagartii ay maleegayeen argagixisada.

Hawgalkan ayaa qayb ka ah dadaalada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo argagixisada, kaas oo ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka.