Baarlamaanka JFS oo maanta mar kale ka dooday arrimaha Dastuurka

Kulanka 12-Aad ee wadajirka oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe,waxa uuna kooramkiisa ku furmay 152-Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah Iyo 28-Xildhibaan oo Golaha Aqalka sare ah taasoo wadarta guud ee guntanka ama Kooramka kulanka uu ku furmay ka dhigeysa 180-Xildhibaan.

Ajendaha Kulanka maanta waxa uu ahaa Dib-u-eegista Dastuurka,Marxlada labaad oo ah Ka Doodista Soo jeedimaha wax-kabadalka Dastuurka gaar ahaa cutubka koowaad op ka hadlaya baaqa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobadiisa koowaad ilaa sagaalaad.

Xildhibaanada labada Aqal ee BJFS oo kulanka ka hadlay ayaa fikirkooda ka dhiibtay dooda maanta ee dib u eegista dastuurka gaar ahaan cutubka koowaad,waxaana arrimaha aadka looga dooday ka mid ahaa in qoondada haweenka ee ka qeyb galka siyaasadda in dastuurka lagu xuso Iyo Sidoo kale shaqada maxkamada sare Iyo tan dastuuriga ah.

Kulanka waxaa goob joog ahaa guddiga dib u eegsita Iyo la socodka hirgelinta dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa Aqal,guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka iyo Sidoo kale qubaro iyo qaar ka

Mid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo

Kismaayo: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha D. goboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweyne ku xigeenada, xubnaha Xukuumadda Jubbaland iyo boqolaal ka mid ah bulshada deegaanka.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku salaysan dhammaystirka xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, horumarinta hannaanka Federaaleynta iyo u kuur gelidda xalaadda nololeed ee reer Jubbaland.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo waxa uu kulamo la yeelandoonaa Madaxda Dowlad goboleedka Jubaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo dhagaysandoona talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska, ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka iyo horumarka dalka.
              

Ra’isul wasaare ku-xigeenka XFS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayo maaraynta gargaarka

Ra’isul wasaare ku-xigeenka XFS Md. Saalax Cabdi Jaamac ahna ku simaha Ra’iisulwasraaha XFS ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu ku Guddoomiyey shir gaar ah oo u dhaxeeyey Xafiiska Ra’isulwasaaraha, Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Wasaaradaha Gargaarka dowlad goboleedyada dalka, mas’uuliyiin ka socotay hay’addaha iyo NGO yada maxalliga ah.

Shirkan oo looga hadlay xaaladaha bini’aadanimo ee dalka ayaa waxaa ka soo baxay in SoDMA qabato shir aan caadi ahayn oo looga hadlayo xaaladaha bini’aadanimada, caqabadaha jira iyo sida looga gudbi karo, in la dhameystiro sharciyada iyo siyasaddaha looga hortagayo is-dabamarinta gargaarka.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay in la dhiso guddi gaar ah oo ka kooban SoDMA iyo hay’adaha maxalliga ah oo ka shaqeeya in inta aysan dadka soo barakicin deegannadooda wax loogu qabto.

Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Yugaandha oo kulan la qaatay Safiirka dalka Turkiga ee dalkaasi

Kampala-Sii-hayaha Safaaraadda Soomaaliya ee dalka Yugaandha Mudane, Cabdiladhiif Maxamuud Cali oo booqasho ku tagay safaaradda dowladda aan walaalaha nahay ee Turkey ku leedahay dalka Yugaandha ayaa waxaa halkaas kusoo dhoweeyay Ambassador, Fatih Ak.

Sii-hayaha iyo safiirka ayaa kawada hadlay muhiimadda uu leeyahay xiriirka heerkiisu sarreeyo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga iyo sida uu xiriirkaasi muhiim ugu yahay xasilloonida iyo nabadda Soomaaliya.

Amb; Cabdiladhiif Cali ayaa uga warbixiyay waxyaabihii ugu danbeeyay ee kusoo kordhay geeska Afrika, isagoo tilmaamay in kaalinta dalka Turkigu tahay mid aad muhiim ugu ah nabadda Bariga Afrika iyo Caalamkaba.

Dhankiisa Safiir dalka Turkey, Fatah Ak ayaa tilmaamay in dowladdiisu ay ka go’antahay in ay Soomaaliya u fidiso taageero dhan walba leh, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliyana uu yahay lama taabtaan.

Ugu danbayn labada mas’uul ayaa ku heshiiyay in kulamada iyo wada tashiyada Diblomaasiyiinta labada safaaradood la joogteeyo.

Shirweynaha 6-aad ee Xeer ilaaliyaasha Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in amniga iyo cadaaladdu ay yihiin laba aan kala maarmin dowlad la’aanna aysan shaqayn karin.

Guddoomiye Baashe oo furay shir sanneedka 6-aad ee Xeer ilaaliyayaasha Soomaaliyeed ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leeyihiin amniga iyo caddaaladda, wuxuuna tilmaamay in dhammaan adeegyada kale ee bulshadu ay cid kale qaban karto, balse bulshadu aysan ka maarmin garsoorka iyo ammaan, wuxuuna dowladda ku boorriyay in lagu bixiyo dedaal badan.

Guddoomiyaha ayaa dul istaagay waajibaadka ka saaran xeer ilaalinta dalka iyo hay’adaha la shaqeeya la dagaallanka dmbiyada abaabulan, wuxuuna ku tilmaamay in ay tahay mas’uuliyad wadareed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sulub Axmed Firin ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ee haysata laamaha amnigu ay tahay Xabsi la’aan, wuxuuna intaa raaciyay in ka boolis ahaan aysan haysan meel ay geeyaan maxaabiista la qabto.

Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guuto; Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa xeer ilaaliyeyaasha dalka ugu baaqay in ay dhowraan waxa loo igmaday ee ah xeerka dalka,wuxuuna ku boorrriyay in cadaaladda lagu dedaalo.

Xeer Ilaaliye Guud ee Qaranka Dr; Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in xafiiskiisa uu ku guuleystay in uu xalliyo caqabado badan oo hortaagnaa in Cadaalad la helo.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ayaa sheegay in Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu ku guuleystay in la yareeyo dambiyada abaabulan oo ay ka mid ahaayeen Ciyaal weerada iyagoo kaashanaya laamaha amniga.

Shirkan sanadlaha ah oo uu furay Guddoomiyaha Maxakamadda sare Baashe ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka wasaaradda cadaaladdda XFS, Xasan Macalin Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Booliska, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, xeer ilaaliyayaasha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir iyo xubno ka tirsan laba Aqal ee BFS.

Soomaaliya oo ka qayb gashay shir heerkiisu sarreeyo oo looga hadlayay howlgalka ATMIS

Addis Ababa- Wasiiru Dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS mudane Cali Cumar Cali (Balcad) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb galay shir looga arrinsanayay guulaha laga gaaray howlgalka geba-gebada ah ee ATMIS, kaasi oo uu soo qaban-qaabiyay golaha amniga iyo nabad-gelyada midowga Africa.

Wasiirka waxaa shirka ku wehelinayay danjiraha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa, la taliyaha amniga ee Ra’iisal Wasaaraha XFS mudane Kamaal Guutaale, Xoghayaha koowaad ee Ssafaaradda JFS ee Addis Ababa u qaabbilsan midowga Africa mudane, Shaafici Nuur Calas, diplomaasiyiin ka tirsan safaaradda iyo mas’uuliyiin kala duwan oo kamid ahaa wafdiga wasiirka.

Shirka waxaa sidoo kale goob joog ahaa dhamaan dalalka taageera horumarka iyo xasilinta Soomaaliya, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub iyo khuburada Dowladda Soomaaliya kala shaqaynaysa meelmarinta iyo dhamaystirka hawl-galka ATMIS oo sanadkan 2024-ka si rasmi ah loo soo geba-gebayn doono.
Shirkan oo qaatay saacado badan, ayaa si qota dheer looga dooday natiijooyinka dhaxal-galka ah ee laga gaaray qorshaha Qaran ee la xiriira in ciidamada xoogga dalka Soonaaliyeed ay si buuxda ula wareegaan amniga Soomaaliya.

Wasiir Cali Cumar Cali (Balcad) oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay si dhab ah ugu guulaysatay in Ciidamada xoogga dalka loo carbiyo xasilinta nabad-gelyada Soomaaliya iyo xaalufinta kooxaha Khawaarijta, isla markaana ay DFS kalsooni buuxda ku qabto tayada iyo tababarrada ay qaateen CXDS ayna si buuxda ugu diyaarsan yihiin la wareegidda amniga guud ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa dalalka Africa iyo saaxiibbada Soomaaliya uga mahadceliyay dedaalka iyo garab istaagga ay ku bixiyeen marxaladda wanaagsan ee ay xiligan Soomaaliya soo gaartay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan tacsiyo ah la qaatay Danjiraha Imaaraadka u jooga Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo xalay booqday Safaraadda Dwladda Imaaraatka Carabta ee Muqdisho ayaa kulan tacsiyeyn ah la qaatay Amb. Axmed Jumca Al-Rumeysi.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Danjiraha Dalka Imaaraadka uga tacsiyadeeyay saraakiishii ku geeriyootay weerarkii argagixisanimo ee Xerada Gen. Gordan kuwaas oo dalkeenna u joogay in ay gacan ka geystaan dib u dhiska Ciidamada Qalabka-sida.

Guddoomiye Sheekh Aaden Madoobe ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay garab istaagooda walaalnimo.

Dowladda Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay xasuuq ba’an ka waddo gobolka Amxaarada

Addis ababa- Guddiga madaxa bannaan ee xuquuqul Insaanka Itoobiya ayaa sheegay in ciidanka amniga dowladdu ay gobolka Amxaarada ku dileen ugu yeraan 45 ruux oo shacab ah dabayaaqadii Jannaayo ee sanadkan.

War saxaafadeed ka soo baxay guddiga xuquul Insaanka Itoobiya “Ethiopian Human Rights Commission EHRC” ayaa lagu sheegay in ciidanku ay dileen shacab aan waxba galabsan kuwaas oo maamulka Abiy Axmed ku eedeeyeen in ay taageersan yihiin jabhadda Amxaarada ee Fano.

Xasuuqa ay ciidanka maamulka Addis Ababa geysteen ayaa ka dhacay magaalada Merawi ee gobolka Amxaarada, halkaas oo ciidanka Abiy ay ku wajahayeen jabhadda hubeysan ee Fano ee qowmiyadda Amxaarada.

Tewodrose Tirfe, oo ah hogaamiyaha urur u dhaq dhaqaaqa xuquuqda dadka Amxaarada ee fadhigiisu yahay Mareykanka ayaa sheegay in ciidanka maamulka Abiy ay adeegsanayeen diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee drone-ka, kuwaas oo si aan kala sooc lahayn loogu duqeeyo goobaha Rayidka ku sugan yihiin oo ay magaalooyinka ku jiraan.

Todobaadkii hore Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay xasuuqa ka dhacaya gobolka waqooyi ee dalka Itoobiya, ka dib markii ay kordheen dilal loo geysanayo shacabka Amxaarada oo isirkooda dartiis loo beegsanayo.

War qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Addis ababa ayaa lagu dalbaday in dhibaatooyinka lagu hayo shacabka Amxaaradda loo baahan yahay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo.

Ma ahan markii ugu horeysay ee guddiga Xuquuqul Insaanka Itoobiya ka qaylo dhaamiyo falalka gurracan ee ciidanka maamulka Abiy Axmed ka wadaan gobolka Amxaarada, bishii September ee kal hore, guddiga EHRC waxay sheegeen in ay dowladdu fulisay dilal sharciga ka baxsan iyo in dadka kasoo gobolkaas la iska xirto.

Howlgallo ka dhan ka khawaarijta oo ka socda gobolka Shabeellada hoose

Marka- Cutubyo ka tirsan Guutada Cumar binu-khadaab ee CXD iyo booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay degaannada Godka kubash, Galka Geeriyaan, Galka Saalimow, Mara-cadde oo u dhexeeya tuulooyinka Gendershe iyo Arbacow ee gobolka Shabeellada hoose.

Ujeedka howlgalkaas ayaa ahaa Burburinta maxkamad beenaad ay ka halkaasi ku lahaayeen khawaariijta iyo goobo ay kaga dhuumalaysanayeen duqeymaha iyo weerarrada kaga imanaya CXD iyo saaxiibada caalamka.

Khawaarijta arxanka daran ayaa caado ka dhigatay isku dhex qarinta dadka shacabka ah, maadaama aysan ka hortagi karin awoodda ciidamada Qaranka.

     

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo Muqdisho ku qaabilay taliyaha guud ee ciidamada Talyaaniga

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Talyaaniga Gen, Giuseppe Cavo Dragone oo Booqasho ku jooga Soomaaliya.
S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Taliyaha Ciidanka XDS iyo dhigiisa Dalka Talyaaniga ayaa ka wada hadlay xiriirka iskaashi ee labada ciidan ee dhanka tababarada iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga Dalka.
Giuseppe Cavo Dragone Taliyaha Ciidanka Milateriga Talyaaniga ayaa sheegay in Dowladda Italy ay kaalin buuxda ka qaadan doonto tababarada iyo dhismaha Ciidanka Milateriga Soomaaliya.
Taliye Ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow ayaa kaga mahad-caliyay dhigiisa dalka Talyaaniga Booqashada uu ku yimid dalka Soomaaliya, waxuuna ku tilmaamay kaalin aan la hilmaami karin garab istaaga dhanka Ciidan iyo tan Bulshada oo ay ka wadaan Soomaaliya.