Hay’adda duulista rayidka oo war-saxaafadeed ka soo saartay xaaladda hawada Soomaaliyeed
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay taliyaha ugu sarreeya ciidamada Talyaaniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada Qaranka ku qaabilay taliyaha guud ee ciidamada dalka Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo Dragone.

Wasiir Balcad oo gaaray Addis Ababa
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, ahna ku simaha Wasiirka arrimaha dibedda Xil. Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa gaaray magaalada magaalada Addis ababa ee caasiamadda dalka Itoobiya.
Wasiir Balcad ayaa halkaasi kaga qayb geli doona shirka 44-aad ee waddamada midowga Afrika, kaas oo looga hadli doona xaaladda guud ee Qaaradda iyo sidii loo wajihi lahaa caqabadaha jira.
Ciidanka xoogga dalka oo howlagallo lagu baacsanaya khawaarijta ka fuliyay Galgaduud
Dhuusamareeb- Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa xaq u dirirka deegaanka ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaannada Cali Candhoole , Sheekh Cabdullahi, Baraag Xaaji dhagax ee bariga Galgaduud.
Ciidamada ayaa inta ay howlgalka ku jireen waxay soo saareen Miinooyin ay Khawaarijta dooneysay in ay ku dhibaateyso dadka rayidka, waxayna burburiyeen Ciidanku fariisinno ay Khawaarijta ku dhuumaaleysan jireen.
Taliyaha Guutada 24-aad ee Khaalid Bin Waliid, Gaashaanle Maxamed dhagaweyne ayaa Xaqiijiyay in Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa xaq u dirirka ay dhulka howdka ah kusii baacsanayaan firxadka Khawaariijta uu gabbalkoodu dhacay.
Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa xaq u dirirka deegaanka ayaa muddooyinka dambe kordhiyay howlgallada lagu baacsanayo Khawaarijta.
Wasiir Cali Balcad:Tallaabo kasta oo ay Itoobiya qaaddo mid u dhiganto ayaan qaadi doonaa
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, ahna ku simaha Wasiirka arrimaha dibedda Xil. Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa sheegay in damaca Itoobiya uu la mid yahay waddan heshiis la galay gobol dal kale ayna jirin cid ku garab istaageyso gardarrada ay waddo.
Wasiirka oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto hadba tallaabada ay Itoobiya qaaddo mid u dhiganta oo jawaab u ah.
Wasiir Cali Balcad ” Tallaabo kasta oo ay Itoobiya qaaddo mid u dhiganto ayaan qaadi doonnaa”
Wasiirka ayaa sheegay in Itoobiya ay kasoo dabacday halkii uu taagnaa damaceeda gurrcan Soomaaliyana ay usoo dirtay ergo caalami ah iyo mid gobolka ah si heshiis looga gaaro arrinta badda, wuxuuna sheegay in aysan oggolaan doonin wax dhexdhexaadin ah illaamaa ay xukuumadda Addis Ababa ka laabato heshiis ku sheeggii ay la gashay Muuxe Biixi.
Agaasimaha guud ee Waasaradda Warfaafinta XFS oo bahda Saxaafadda la wadaagay hambalyo ku aaddan maalinta Raadiyaha
Agaasimaha guud ee Waasaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Cabdullahi Xayir Ducaale ayaa bahda Saxaafadda Soomaaliyeed la wadaagay hambalyo ku aaddan maalinta Radiyaha Adduunka.
Mudane, Ducaale ayaa sheegay in 13-ka February ay tahay maalin ku weyn warbaahinta caalamka gaar ahaan bahda raadiyaha, wuxuuna xusay in Idaacaduhu ay yihiin waxyaabaha ugu faca weyn ee bulshada lagu gaarsiin jiray wararka.
Agaasimaha guud ee Waasaradda Warfaafinta XFS, Cabdullahi Xayir Ducaale ayaa sheegay in uu Raadiyuhu yahay kan ugu faca weyn isgaarsiinta caalamka ee lagu gaarsiin jiray bulshada farriimaha kala duwan.
Radio Hargeysa oo la furay 1943-kii iyo Radio Muqdisho isna la unkay 1951-kii ayuu sheegay Agaasimuhu in ay door muhiim ah kasoo qaateen halgankii lagula dagaallamayay gumeystayaashii reer Yurub, wuxuuna intaa raaciyay in isbeddelka ku yimid warbaahintu anay saamayn weyn ku yeelan dhageysiga Idaacadaha, gaar ahaan dadka ku dhaqan dhulka miyiga.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday qaar ka mid ah suuqyada Caasimadda
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuurgalaya xaaladda amni ee caasimadda dalka ayaa xalay booqday qaar ka mid ah Suuqyada ganacsiga magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waqti la qaatay dad shacab ah oo ku sugnaa goobaha uu Madaxweynuhu kormeeray, kuwaasi oo wajiyadooodu laga dheehan karay farxad.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay danjiraha Emaaraat-ka u jooga Soomaaliya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday Safaraadda Imaaraatka Carabta ee Muqdisho ayaa kulan is-xogwareysi iyo tacsiyeyn ah la qaatay Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.
Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay ahmiyadda xiriirka soojireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo kobicinta dhaqaalaha.
Wasiir Fiqi oo kulan la yeeshay Xildhibaannada & Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Awdal
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa xafiiskiisa kula kulmay Xildhibaanno iyo Senatorro ka tirsan barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo wehliyaan siyaasiyiin iyo hoggaaomiyeyaal reer Awdal.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii hal meel looga soo wada jeedsan lahaa ka hortagga damacia gurracan ee Itoobiya ay ku doonayso qeyb ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliyeed, sidii loo adkeyn lahaa midnimada dadka reer Awdal iyo weliba in lagu waajaho difaaca gobonimada iyo midnimada dalka si middaysan oo aan tafaraaruq lahayn.
Ugu horreyn, Siyaasiyiinta, Xildhibaannada iyo Senatorrda ree Awdal ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay u diidan yihiin heshiis kusheegga lagu xalaalaynayo damacii soo jireenka ahaa ee Itoobiya, waxaa ayna xaqiijiyeen sida ay uga go’antahay difaaca dhulkaasi udub dhexaadka u ah una taagnaa weligiis midnimada dalka.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi oo kulanka ka hadlay waxaa uu uga mahadciyay shacabka reer Awdal dal iyo dobadba wadaniyadda iyo dhul jacaylka ay muujiyeen iyo sida ay uga dhiidhiyeen damaca gurracan ee Abiy Axmed, asaga oo hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka ah ay tahay mid mar weliba u dhego nugul dareenka iyo rabitaanka dadka Soomaaliyeed, waxaa uuna hordhigay dadaallada dowladda ee maareynta damaca Itoobiya ee ka socota gudaha dalka iyo kuwa heer diblomaasiyadeed, isaga oo ugu dambeyntii hoosta ka xariiqey in dawladda Soomaaliya marnaba aysan gorgortan ka galeyn wadajirka dhulkeeda iyo Midnimada dadkeeda.
Dowladda oo shacabka u abaabulaysa arrimaha horutabinta u leh Qaranka
Ku simaha Ra’iisal wasaaraha, ahna Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axmed Jaamac oo guddoomiyey shir ku saabsan xoojinta xiriirka wada shaqayneed ee ka dhexeeya dowladda FS iyo bulshada Soomaaliyeed, kaas oo ay ka qaybgaleen hay’adaha kala duwan ee dowladda qaarkood.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda FS Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saaray sidii bulshada Soomaaliyeed loogu abaabuli lahaa arrimaha horutabinta u leh Qaranka, sida difaaca dalka, la dagaalanka xagjirka iyo arrimaha Dastuurka
Waxa uu xusay in waqtigan xasaasiga ah oo Ethiopia ay damacday dhulkeena in loo baahanyahay wacyiga bulshada in sare loo qaado, si ay u ilaashadaan dhulkooda, sidoo kalena la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah argagixsada oo wali dalka qaybo ka mid ah ka socda, horumar wanaagsana laga sameeyey.
Wasiir Al-cadaala ayaa xusay in sidoo kale dowladdu ay doonayso inay shacabka siiso fursad ay uga aragti dhiibtaan dhammaystirka Dastuurka oo haatan ay ka doodayaan Baarlamanka dalku, kaas oo ahmiyad weyn u leh Qaranka.










