Muhiimad intee la eg ayuu Soomaaliya u leeyahay heshiiska ku biirista ururka EAC ee uu golaha shacabku meelmariyay?

Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay ururka dhaqaalaha bulshada Bariga Afrika ee ( EAC), kaas oo ah mid ka mid ah udub-dhexaadyada Midowga Afrika oo aad u kobcayaa, waana suuq 300 oo milyan oo qof ah.

Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa meelmariyay ku biirista ururkan, haddaba su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay muhiimad intee la eg ayuu dalka u leeyahay heshiiska ku biirista ee EAC?.

Cabdisalaan Cumar Hadliye, oo ah ergayga madaxweynaha JFS u qaabilsan ururka dhaqaalaha bulshada bariga Afrika ayaa ka warbixiyay faa’idada Soomaaliya u leedahay ku biirista ururkan,isagoo dhanka kale, u mahadceliyay xildhibaanada Baarlamaanka oo ansixiyay.

” Waxa aan soo wadnay muddo labo sanno ku dhow ayaa maanta la soo afjaray, waxana weeye  guulweyn oo u soo hoyotay dadka Soomaalida, waxaan ka mid nahay waddankii 8-aad ee ku biira isbaheysiga bariga Afrika, waxaan ku biiray 300 milyan oo suuq ah, waxaan ku biiray walaalaheen oo East Afrika oo qaarkood ina laba joogaan hadda sida Uganda, Kenya iyo Burundi, marka maanta guul weyn baa Soomaaliya u soo hoyotay, waxaana jecel lahay in aan u mahad-naqo xildhibaanadii ka soo shaqeeyay oo maanta ansixiyay iyo madaxweynaha oo mar walba hiil iyo hoo ila garab taagnaa,” ayuu yiri Mr. Hadliye.

Cabdilsaan Hadliye, oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in tallaabada ugu horeyso oo hadda la qaadayo in ay tahay sidii loo mideyn lahaa macaamiisha ( Custom-ka), siddeedda wadan iyo in la sameeyo hal suuq ( one-market), si ay u suurta gasho in qof kasta meeshi uu rabi tegi karo kana ganacsan karo, islamarkaana maalgashan karo.

Sidoo kale, wuxuu qorshuhu yahay in la sameeyo lacag ay ku mideysan yihiin siddeeda wadan ee ururkan ku jira, kuwaas oo kala ah Kenya, Uganda, Tanzania, Suudaanta Koofureed, Burundi, Rwanda iyo Soomaaliya, sidoo kale, ururku ayaa qorsheynaya inuu isku ballaariyo Geeska Afrika.

Ururka dhaqaalaha bulshada bariga Afrika ee (EAC), ayaa ah urur gobolleed xaruntiisu tahay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, kaas oo dhismay sanadkii 2000, kadib heshiis ay gaareen shan kamid ah toddobada dal ee uu hadda ka kooban yahay. Suudaanta Koofureed ayaa xubinnimada EAC heshay bishii September 2016, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ay ururkan ku biirtay bishii April ee sanadkii hore.

Wasiirka Gaashaandhigga oo khadka taleefonka kula hadlay Wasiiru Dowlaha Difaaca ee Imaaraadka Carabta

Wasiirka Difaaca JFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo khadka taleefonka kula hadlay Wasiiru Dowlaha Difaaca ee Dowladda aan walaalaha  nahay ee Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa uga tacsiyeeyay xukuumadda, shacabka iyo ciidanka dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraadka geerida saraakiisha Imaaraadka ahaa ee ka dhalatay weerarki argagixiso ee ka dhacay xerada Goordan.

Saraakiisha geeriyootay ayuu sheegay wasiirku in ay yihiin halyeeyo sumad u ahaan doona kaalinta dowladda Imaaraadku kaga jirto la dagaallanka argagixisada caalamiga ah iyo dib u dhiska dowladnimada soomaaliyeed.

Waxa uuna rabbi uga baryay in uu u naxariisto shuhadada, inta dhaawaca ahna uu u booga dhayo, ehelkoodina samir iyo iimaan ka siiyo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan baaritaanno lagu hubinayo wixi dhacay, iyo in falka argagixisada ee fulaynimada ahi uusan waxba u dhimi doonin xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee laba dal.

May be an image of ‎2 people and ‎text that says '‎ب۰۰ ARADDA WAS SOWNLIA DEFENSE OF MINISTRY وزير الدولة للدفاع محمد بن فاضل المزروعي وزیر الدفاع عبد القادر محمد نور (جامع)‎'‎‎

Ummadda Soomaaliyeed maxay ka faa’ideysaa in Dastuurka la ansixiyo?

Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dib u eegista Dastuurka KMG ee ay wadaan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in markii ugu horreysay Baarlamaanka si dimuqraadi ah uga doodayo Dastuurka dalka.

Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud agaasimihii hore ee Villa Somalia haddana ah Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dastuurka ayaa qormo uu kuu samayeeye dastuurka waxa uu ku soo koobay afar qodob oo faa’iido ugu jirto Ummadda Soomaaliyeed ansixinta Dastuurka.

Qoramada lataliyaha uu ku daabacay Boggiisa ee Facebook ayaa u qorneed sida tan:-

1960-kii ayaa u danbeysay in Baarlamaan Soomaaliyeed uu si dimuqraadi ah uga doodo una ansixiyo dastuur rasmi ah oo ay Soomaalida leedahay. Baarlamaanka maanta jira wuxuu nasiib u yeeshey inuu isaga oo ummadda Soomaaliyeed matalaya ka doodo dastuurka anagoo u rajeynayna inuu waajibkiisa ka guto uuna ansixiyo si loo helo dastuur dhameystiran oo afti dadweyne sugaya.

Ummadda Soomaaliyeed waxaa ay ka faa’ideysaa in Dastuurka la ansixiyo arrimo badan oo ay ugu horeeyaan:-

  1. Dastuurka waa hortabinta 1aad ee dawlad-dhiska Soomaaliya, sidaa darteed in dastuurka la dhameystiro waxay aas-aas u tahay dawladnimo dhameystiran wuxuuna sharciyad dhameystiran siinayaa hay’adaha dastuuriga ah ee heerarka dawladda.
  2. Dastuurka wuxuu si wanaagsan u cadeynayaa awoodaha iyo xiriirka wadashaqeyna hay’adaha dawladda (heer federaal iyo heer dawlad goboleedba), taas oo horseedaysa in si hufan ay ummadda ugu adeegaan.
  3. Dastuur sharciyad haysta wuxuu horseedayaa gobannimo buuxda oo uu dalkeenu yeesho wuxuuna kor u qaadayaa maqaamka iyo sharafta uu dalkeenu ku leeyahay caalamka.
  4. Dastuur dhameystiran wuxuu horseedayaa in shacabka Soomaaliyeed ay xuquuqdooda dastuuriga helaan ayna gutaan waajibaadkooda, taas oo ay ugu horeyso doorasho toos ah oo ay ku doortaan hoggaankooda siyaasadda.

Haddaba anigoo ku bogaadinaya Baarlamaanka Soomaaliya shaqada hufan oo ay dhabarka u riteen ayaan u rajeynayaa inay si habsami leh uga doodaan ayna ansixiyaan dastuur aan is khilaafsaneyn oo awoodaha heerarka dawladda kala cadeynaya.

Waxaa sidoo kale bogaadin mudan hay’daha ka shaqeeya dib-u-eegista dastuurka oo u soo dhabar adeegay inuu dastuurka halkan soo gaaro.

W/Q: Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud

Labada gole oo maanta billaabay ka doodista cutubyada wax kabadalka lagu sameeyay ee Dastuurka KMG

Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa maanta ka furmay kulan Labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo looga doodaya ansixinta wax ka badalka iyo dhammeystirka Dastuurka KMG oo muddo dhowr iyo toban sano ah qabyo ahaa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta ku tilmaamay mid taariikhi ah oo ummadda Soomaaliyeed waxbadan sugayeen, isagoo Xildhibaannada ugu baaqay inay ilaaliyaan waqtiga inta lagu guda jira arintan aadka muhiimka u ah.

” Waxay umadda Soomaaliyeed naga sugeysay ayaa na horyaalo, arin masiiri ah ayaa laga hadlayaa, Guddiga dib u eegista Dastuurka waxaa laga rabaa inay Golaha si fiican uga dhaadhiciyaan howsha iyo muhiimadeeda”. Ayuu yiri guddoomiye Aadan Madoobe oo furay kulanka labada aqal.

Guddoomiyaha guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka BJFS Xildhibaan Xuseen Iidow oo labada gole la hadlay ayaa u gudbiyay soo jeedimaha wax ka badalka cutubyada 1-aad, 2-aad,3-aad iyo 4-aad ee Dastuurka KMG iyo warbaahin si faahfaahineyso soo jeedintaas ku xusan cutubyadaas, kaas oo uu soo diyaariyey guddiga madaxda banaan ee Dastuurka KMG ah.

” 63 sano ayaa laga joogaa markii ugu dambeysay ee Baarlamaan Soomaaaliyeed la hor keeno Dastuurka oo xilligaas ku qornaa Talyaani, halka maanta uu ku qoran yahay afkeena hooyo”. Ayuu yiri Guddoomiyaha guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka BJFS Xildhibaan Xuseen Iidow .

Labada gole ayaa loo qeybiyay nuqulka soo jeedimaha wax ka badalka Dastuurka,  iyadoo goluhu warbixin ka dhageystay guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ee labada gole, waxaana toos u bilowday dooddiisu Dastuurka KMG.

Cutubyada 1-aad 2-aad 3-aad iyo 4-aad ayaa kiisa 1aad dooddiisu ay soco doontaa 14 bishaan Febraayo ilaa 19 bisha.Cutubka 2-aaad ayaa isna dooddiisu soco doontaa 21 Febraayo ilaaa 04 Marso halka cutubka 3-aad dooddiisa loo qorsheeyey 06 Marso ilaa 11 bisha. Cutubka ugu dambeeya ee 4aad ayaa loo asteeyey ka doodistiisa 13 Marso ilaa 23 Bisha waana dhammeystirka Marxaladda 2aad ee Cutubyada 1aad ilaa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda.

Kulanka labada gole oo ka duwan marka loo eego kulamadiisa hore marka laga eego ajandaha la xiriira Dastuurka oo shacabka Soomaaliyeed indha ku hayaan ayaa waxaa soo xaadirtay 170 Aqalka hoose ah iyo 28 oo Aqalka sare ah.

Dastuurka KMG oo cod kacan taag ah ku ansixiyeen 621 ergo sanadkii 2012-kii ayaa ilaa intaas ku soo socday KMG waxaana la sheegaa inuu yahay kan ugu waqtiga dheer uu dhaqaale badan ku baxay, waxaana lagu tilmaamay tani inay tahay guul wayn oo lagu soo afjarayo Dastuurka KMG in uu noqdo mid rasmi ah, iyadoo shacabka Soomaaliyeed bogaadiyey dadaallada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Arrimaha Dastuurka.

 

    

Xulka kubadda cagta ee qaranka Ivory Coast ayaa ku guuleystay Koobka Qaramada Afrika kadib markii finalka kaga adkaadeen 2-1 dhiggooda Nigeria, waxaana guushooda go’aamiyey gool uu waqti dambe u dhaliyey Sebastien Haller. Ivory Coast oo lagu qabtay tartankan ayaa ku guuleystay Koobka, waxaana labada gool ee Ivory Coast ay yimaaddeen qaybta labaad ee ciyaarta, waliba xili ay ku dhowdahay dhamaadka ciyaarta ayay hogaanka u qabteen dhiggooda Nigeria. Haller oo kasoo bogsaday xanuunka Kansarka, ayaa goolka ku leexiyey kubbad uu Simon Adingra ka keenay dhinaca iyadoo sagaal daqiiqadood ka hadhsan yihiin waqtiga dhamaadka. Magaalada Abidjan ee caasimadda waddanka Ivory Coast ayaa ayay dabbaal-degyo is-qabsadeen, waxaana halkaas ka socda isu soo bax lagu wayneynayo guusha wayn ee xulkooda gaaray xalay. Ciyaaryanka William Troost-Ekong oo goolka kali ah u dhaliyey Nigeria qaybta hore ayaa la arkayay isagoo murugo la fadhiistay garoonka dhaxdiisa. Xulkan Galbeedka Afrika ayaa laba jeer oo hore kusoo guuleystay Koobka Qaramada Afrika sannadihii 1992kii iyo 2015kii, waxaanay noqdeen dalkii ugu horreeyey ee martigeliye ah ee ku guuleystay tantanka tan iyo sannadkii 2006, waqtigaas oo Masar ay martigeliye ahayd, kuna guuleysatay koobka.

Xulka kubadda cagta ee qaranka Ivory Coast ayaa ku guuleystay Koobka Qaramada Afrika kadib markii finalka kaga adkaadeen 2-1 dhiggooda Nigeria, waxaana guushooda go’aamiyey gool uu waqti dambe u dhaliyey Sebastien Haller.

Ivory Coast oo lagu qabtay tartankan ayaa ku guuleystay Koobka, waxaana labada gool ee Ivory Coast ay yimaaddeen qaybta labaad ee ciyaarta, waliba xili ay ku dhowdahay dhamaadka ciyaarta ayay hogaanka u qabteen dhiggooda Nigeria.

Haller oo kasoo bogsaday xanuunka Kansarka, ayaa goolka ku leexiyey kubbad uu Simon Adingra ka keenay dhinaca iyadoo sagaal daqiiqadood ka hadhsan yihiin waqtiga dhamaadka.

Magaalada Abidjan ee caasimadda waddanka Ivory Coast ayaa ayay dabbaal-degyo is-qabsadeen, waxaana halkaas ka socda isu soo bax lagu wayneynayo guusha wayn ee xulkooda gaaray xalay.

Ciyaaryanka William Troost-Ekong oo goolka kali ah u dhaliyey Nigeria qaybta hore ayaa la arkayay isagoo murugo la fadhiistay garoonka dhaxdiisa.

Xulkan Galbeedka Afrika ayaa laba jeer oo hore kusoo guuleystay Koobka Qaramada Afrika sannadihii 1992kii iyo 2015kii, waxaanay noqdeen dalkii ugu horreeyey ee martigeliye ah ee ku guuleystay tantanka tan iyo sannadkii 2006, waqtigaas oo Masar ay martigeliye ahayd, kuna guuleysatay koobka.

 

 

   

Xildhibaanada labada Gole ee BFS oo ka doodayo ansixinta wax ka badalka Dastuurka KMG

Labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa  ka doodaya ansixinta wax ka badalka iyo dhammeystirka Dastuurka KMG oo muddo dhowr iyo toban sano ah qabyo ahaa.

Labada gole ayaa maanta loo qeybinayaa nuqulka soo jeedimaha wax ka badalka Dastuurka,  iyadoo goluhu warbixin ka dhageysan doono guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ee labada gole sidoo kalena golaha waxaa la siin doonaa jadwalka doodda oo maalmo soco doonta.

Cutubyada 1-aad 2-aad 3-aad iyo 4-aad ayuu soo diyaariyey guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka waxaana cutubka 1-aad dooddiisu ay soco doontaa 14 bishaan Febraayo ilaa 19 bisha.

Cutubka 2-aaad ayaa isna dooddiisu soco doontaa 21 Febraayo ilaaa 04 Marso halka cutubka 3-aad dooddiisa loo qorsheeyey 06 Marso ilaa 11 bisha.

Cutubka ugu dambeeya ee 4aad ayaa loo asteeyey ka doodistiisa 13 Marso ilaa 23 Bisha waana dhammeystirka Marxaladda 2aad ee Cutubyada 1aad ilaa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda.

Xulka Ivory Coast oo Ku Guuleysatay Koobka Qaramada Afrika

Xulka kubadda cagta ee qaranka Ivory Coast ayaa ku guuleystay Koobka Qaramada Afrika kadib markii finalka kaga adkaadeen 2-1 dhiggooda Nigeria, waxaana guushooda go’aamiyey gool uu waqti dambe u dhaliyey Sebastien Haller.

Ivory Coast oo lagu qabtay tartankan ayaa ku guuleystay Koobka, waxaana labada gool ee Ivory Coast ay yimaaddeen qaybta labaad ee ciyaarta, waliba xili ay ku dhowdahay dhamaadka ciyaarta ayay hogaanka u qabteen dhiggooda Nigeria.

Haller oo kasoo bogsaday xanuunka Kansarka, ayaa goolka ku leexiyey kubbad uu Simon Adingra ka keenay dhinaca iyadoo sagaal daqiiqadood ka hadhsan yihiin waqtiga dhamaadka.

Magaalada Abidjan ee caasimadda waddanka Ivory Coast ayaa ayay dabbaal-degyo is-qabsadeen, waxaana halkaas ka socda isu soo bax lagu wayneynayo guusha wayn ee xulkooda gaaray xalay.

Ciyaaryanka William Troost-Ekong oo goolka kali ah u dhaliyey Nigeria qaybta hore ayaa la arkayay isagoo murugo la fadhiistay garoonka dhaxdiisa.

Xulkan Galbeedka Afrika ayaa laba jeer oo hore kusoo guuleystay Koobka Qaramada Afrika sannadihii 1992kii iyo 2015kii, waxaanay noqdeen dalkii ugu horreeyey ee martigeliye ah ee ku guuleystay tantanka tan iyo sannadkii 2006, waqtigaas oo Masar ay martigeliye ahayd, kuna guuleysatay koobka.

Infantino iyo Wenger oo ammaanay horumarka kubbadda cagta Soomaaliya

-Guddooomiyaha xiriirka kubbadda cagta soomaaliyeed mudane Cali Cabdi Maxamed ayaa la kulmay madaxweynaha kubbadda Cagta aduunka Gianni Infantino iyo Arsen Wenger oo FIFA u qaabilsan dhanka horumarinta.

Madaxda xiriirka kubbadda cagta iyo Masuuliyiinta FIFA ayaa ka wad hadlay hormarada ciyaaraha soomaaliya,gaar ahaan ciyaartii ugu dambeeysay ee dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir dhaxmartay.

Masuuliyiinta FIFA ayaa u sheegay Guddoomiyaha in ay aad uga war hayaan hormarada weyn ee dhanka kubbadda cagta ee ay sameysay Soomaaliya,iyna ku bogaadinayaan hormarada

Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa madaxda FIFA siiyay warbixin guud oo ku saabsan kubbada cagta dalka, wuxuuna hor dhigay codsi ku aadan in Soomaaliya si gaar ah loo taageero maadaama uu dalka uu kasoo kabanayo colaad mudda soo ragaadisay, dalabkaas oo madaxda FIFA soo dhaweeyeen.

Soomaaliya sanadkan waxaa kusoo wajahan cayaaro kala duwan oo isgu jira heer caalami iyo heer qaaradeed, wuxuuna xiriirku isticmaali doonaa cayaartoyda Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda oo isku darkoodu wax weyn kusoo kordhiyay awooda xulka qaranka.

Xildhibaannada labada Aqal oo maanta ka doodaya waxka bedelka Dastuurka dalka

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Maanta oo Isniin ah ay kulan wadajir ah ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Guddoonka labada Aqal ayaa Xildhibaannada ku wargeliyay in Maanta oo Isniin ah uu jiro kulan wadajir ah oo ay yeelanayaan, isla markaana Xildhibaannada looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan.

Ajandaha Kulanka Maanta ee Xildhibaannada labada Aqal ayaa ah ka doodista waxka bedelka iyo ansixinta Dastuurka KMG ah ee dalka.iyadoo xildhibaanada la filayaa inay Maanta sitoos ah u guda galaan ka doodista Dastuurka dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Xildhibaanada Haweenka ah ee labada Aqal BJFS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan wadatshi ah kula qaatay Xildhibaannada haweenka ah ee ka tirsan Golaha shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la wadaagay qorshaha dowladda ee dhammeystirka hannaanka dowladnimada, Dastuurka iyo dib u xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xildhibaanada haweenka ah  ay udub dhexaad u yahiin difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed, madaxbannaanida iyo midnimada dalka, waxa uuna ku adkeeyey in doodaha socda ee dhammeystirka dastuurka ay ku kabaan arrimaha mudnaanta u leh Guud ahaan haweenka Soomaaliyeed si waafaqsan shareecadda Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

“Haweenka Soomaaliyeed iyagaa hormuud u ah oo nagu dhiirri geliya difaaca iyo xoreynta, waa kuwa dhexda u xirtay samata-bixinta xilliyadii adkaa. Dalka in uu dastuur dhameystiran yeesho haybad, sharaf iyo karaamo ayaa ugu kordheysa qofkasta oo door ku leh, waxan rabaa in aad uga shaqeysaan si cadaalad ah oo aad ku salaysaan  mabaadii’da aasaasiga ah ee mideynaya Ummadda”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay Marwooyinka Labada Gole ee Baarlamaanka in ay matalaaddooda mideeyaan oo ay abaabulnaadaan si ay u xaqiijiyaan yoolasha ay hiigsanayaan.