Dowladda Türkiye oo si kulul u cambaareysay weerarkii ka dhacay xerada Jeneraal Gordan

Ankara:- Dowladda Türkiye ayaa si kulul u cambaareysay falkii Argagixiso ee shalay lagu beegsaday xerada Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Türkiye ayaa lagu yiri: “Waxaan aad uga xunnahay khasaaraha ka dhashay falkii argagixiso ee shalay (February 10) ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo soo gaaray ciidamada Milateriga ee ku howlanaa sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen amniga Soomaaliya”.

Dowladda Türkiye ayaa tacsi u dirtay ehelada dadkii ku dhintay weerarka, iyo shcuubta dalalka Soomaaliya, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn.

Dowladda Türkiye ayaa warsaxaafadeedka ay maanta soo saartay ku xaqiijisay in shacab & dowladba ay garab taagan yihiin Soomaaliya ayna sii wadi doonaan taageerada amniga, xasiloonida iyo barwaaqada dalka.

Guddiga Arimaha Gudaha ee Golaha Shacabka oo su’aalo weydiiyey Agaasimaha Hay’adda Socdaalka

Guddiga arrimaha gudaha, amniga iyo maamulada gobolada ee Golaha Shacabka ayaa Maanta kulan ku yeeshay Xarunta Golaha iyo Guddiyada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya .

Kulanaka ayaa waxaa shir Guddoomiyey Ku-simaha Guddoomiyaha ahana Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afey), waxaana ku wehliyey Xoghayaha Guddiga Xildhibaan Maxamed Ibrahim Cabdi (Diyeeshe).

Sidoo kale, Kulanka waxaa kasoo Qeyb galay Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha XFS Mudane Maxamed Siciid Xagaa, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Axmed Siciid Maxamed, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Madane Yuusuf Cali Maxamed.

Kulanka ayaa ahaa mid su’aalo lagu weydiinayay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda si uu uga warbixiyo waxqabadka Hay’adda, waxaana la weydiiyay su’aalo la xiriira waajibaadkii loo igmaday.

Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afey) oo soo xiray shirka ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyey Ku simaha Wasiirka Amniga Gudaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Gaadiid Caafimaad ku wareejisay Ciidanka Asluubta & Gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa maanta hal gaari oo nooca gargaarka deg degga ah ku wareejiyey Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan, halka labo gaari oo kalena ku wareejiyey Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada Maamulka gobolka Banaadir.

Wareejinta Gawaaridan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maryama Maxamed Xuseen, agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud, xubno kale oo ka socdey maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Asluubta.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa sheegey in Gawaaridan qalabaysan ay wax badan ka tari doonaan qeybta Caafimaadka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidamada Asluubta, isagoona sidoo kale tilmaamey in Wasaaradda Caafimaadka u taagan tahay xilli kasta horumarinta Caafimaadka guud ee dalka.

Dhankooda Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan iyo Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Maamulka Gobolka Banaandir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa si wadajir ah uga mahadceliyey gaadiidka lagu wareejiyey waxa ayna wada tilmaameen in loogu adeegi doona qeybaha loogu talagaley.

Wasiir Cali Balcad oo warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Kenya

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda, ahna Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Kenya u fadhin doono Soomaaliya Mudane Cyprian Kupay Iringo, wuxuuna u rajeeyay inuu ku guuleysto xilka cusub ee loo igmaday.

Docda kale, Danjire Cyprian Iringo ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay iyo in uu dalkiisa ku matali doono Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal ee deriska ah.

Labada dhinac ayaa sidoo kale xaqiijiyay inay ka shaqeynayaan sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan, sida amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Wasiirka Dhallinyarada oo ka qeyb galay shirka Wasiirrada dhallinyarada ee Wadamada Carabta

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Mudane Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta kaga qayb-galay shirka Wasiirrada dhallinyarada ee Wadamada Carabta oo sanadkan halku-dheggiisu yahay “Xoojinta midnimada dhallinyarada iyo adkaynta waxyaabaha mideeya hiigsiga dhallinyarada.”

Shirkan oo muhiimad gooni ah u leh dhallinyarada Wadamada Carabta waxaa furay dhaxal sugaha Dowladda Imaaraatka Carabta Sheikh Mohamed Bin Rashid Al-Makhtoum oo ah, Ra’iisul Wasaaraha ahna Madaxweyne ku xigeenka iyo Xaakimka Dubai.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud oo sanadkii labaad ka qaybgelaya shirkan sanadlaha ah ee wasiirrada wadamada Carabta ayaa shirka la wadaagi doona marxaladda dhallinyarada Soomaaliyeed iyo kaalintooda dib u xoraynta iyo dib u dhiska qaranka Soomaaliyeed.

Inta uu shirku socdo wuxuu wasiir Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi la socda ay kulamo gooni gooni ah la yeelan doonaan madaxda wadanka martigelinaya ee Imaaraatka Carabta iyo wufuuda ka soo qaybagshay shirkan.

Maamulka Gaalkacyo oo soo saaray fariin culus oo ku aadan nadaafadda degmada

Gaalkacyo– Maamulka degmada Gaalkacyo ayaa maanta fariin culus u diray dadka wax u dhimaya nadaafadda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxayna arrintaasi ka soo saareen degniin adag.

Duqa degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale, ayaa ku booreyay dadka ku dhaqan degmada in ay ka qeyb qaataan oloaha nadaafada iyo qashin qaadista ay maamulka ka wadaan magaalada.

“Waxaan leeyahay qof kasta oo ku nool magaalada Gaalkacyo ha ku dadaalo sidii ay ololaha nadaafadda uga qayb qaadan lahaa, qof kastana ha ka soo bilaabo gurigiisa, iyo xaafadaha ku xeeran, sidaas ayaanu ku sugi karnaa amnigeenna iyo caafimaadkeenna.” ayuu yiri duqa degmada.

Sidoo kale, waxa uu faray Waaxda Arrimaha Bulshada inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaado cid kasta oo qashin ku dhex daadisa magaalada, isagoo soo jeediyay in ciqaab ku habboon la marsiiyo.

Maamulka degmada ayaa dhawaan bilaabay olole lagu nadiifinayo qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada, laguna ilaalinayo caafimaadka iyo fayodhowrka bulshada.

Madaxweynaha Jabuuti oo Cambareeyay weerarkii ka dhacay xerada janeraal Gordan ee Muqdisho

Jabuuti:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa si kulul u cambaareeyay falkii argagaxiso ee shalay ka dhacay xerada Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Jabuuti ay garab taagan tahay dowlada iyo shacabka Soomaaliya oo dadaal adag ugu jira sidii argagaxisada dalka looga cirib tiri lahaa.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Dubia uga qeybgalaya Shirka Sanadlaha ah Hey’addaha Maaliyadda Carabta

Dubai:- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan dalka Isutaga Imaaraatka Carab ayaa ka qeyb galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Hey’addaha Maaliyadda dalalka Carabta, Qeybta Horumarinta Dhaqaalaha meertadiisii 8-aad oo lagu qabanayo magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Xildhibaan Biixi Imaan Cige oo furitaankii shirka ka jeediyay qudbad kooban ayaa la wadaagay Hey’adaha Maaliyadda Carabta, Wasiirada Maaliyadda Dalalka Carbeed iyo Madaxda IMF arrimaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo guulihii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay qorshihii Deyn Cafinta ee soo gaba gaboobay dhammaadka sanaddii tagtay.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Bixii Imaan ayaa xusay caqabadaha iyo samaynta dhanka dhaqaalaha ay ku yeelatay arrinta ka taagan Badda Cas oo bilihii u dambeeyay marakiibta isaga kala goosha ay weerar kala kulmeen.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa qudbad ka jeedisay Kristalina Georgieva oo ah Madaxa Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, waxa ay dalalka carbeed ugu baaqday in ay abuuraan fursado dhaqaale oo lagu xoojinayo hannaanka ka soo kabashada aafooyinka, iyada oo fursado looga dhigayo bulshooyinka soo koraya.

 

  

Mareykanka oo cambaareeyay weerarkii argagaxiso ee lagu dilay tababarayaal Imaaraadka iyo askar Soomaali ah

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqisho ayaa war kasoo saartay toogashadii xalay ka dhacday gudaha xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho, taas oo lagu dilay saraakiil u dhashay Imaaratka Carabta.

Qoraal kasoo baxay safaaradda, ayaa lagu yiri“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku naf waayay weerarkii foosha xumaa ee argagixisanimo ee shalay lala beegsaday tababarayaasha ciidamada Imaaraatka Carabta iyo askarta Soomaaliyeed ee sida geesinimada leh uga shaqeeya horumarinta xasiloonida dalka.”

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sii sheegay<span;>, “Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan fulaynimada ah, waxaanan ku adkeysaneynaa in aan taageerno dadaallada Soomaaliyeed ee lagu dhisayo nabadda.”

Mareykankanka ayaa sidoo kale tacsi u diray ehellada saraakiisha iyo askarta lagu laayay weerarkaasi oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid fuleynimo.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ay sii xoojin doonaan taageerada ay haatan siiyaan Soomaaliya ee nabad dhiska.

Qatar oo ku guuleysatay koobka Asian Cup 2023 oo 3-1 ku garaacday Jordan finalka.

Xulka Qatar ayaa markii 2-aad oo xiriir ah ku guuleystay koobka Qarammada Qaarada Aasiya kaddib markii ay 3-1 kaga adkaadeen dhigooda Jordan. Weerar yahanka Qatar ee Akram Afif, ayaa dhaliyay gool ku laad, wuxuuna ahaa goolkiisii ​​lixaad, waxayna  kulan ciyaarta ka dhacday garoonka Lusail Stadium.

Goolhayaha Qatar ee Meshaal Barsham ayaa dhowr badbaadin oo muhiim ah sameeyay daqiiqadihii furitaanka ee qeybta labaad si uu u fashiliyo dadaalkii Jordan uu ku doonayay inuu ku barbareeyo, Laakin dadaalkii uu sameeyay, weeraryahanka reer Urdun Yazan Al-Naimat ayaa kubad adag oo lugta bidix ka helay xerada ganaaxa Qatar ku dhammaatay daqiiqadii 67aad.

6 daqiiqo oo kaliya kadib Afif ayaa gool kale u dhaliyay Qatar kadib markii uu rigoore kale dhaliyay, wuxuuna mar kale hogaanka u dhiibay Qatar.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii dambe ee ciyaarta daqiiqadii 95 aad Qatar ayaa mar kale heshay gool ku laad waxaana u dhaliyay Afif, ayaana dhamaystiray saddexleydiisii ​​finalka. Akram Afif ayaa noqday gool dhaliyaha ugu sarreeya tartanka, isagoo dhaliyay sideed gool.

Qatar ayaa tartankan ku soo laabatay final-kii labaad, halka Urdun ay guul-darraysatay finalkoodii ugu horreeyay.