Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyeeyay Sarakiisha Imaaraatka ee ku dhintay Weerarkii Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Isutaga Imaaraatka Carabta  saraakiisha ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Innaa lilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun. Waxaan dowladda iyo shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta uga tacsiyeynaynaa saraakiishii ku naf waayey falkii argagixisanimo ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaan Alle uga baryayaa inuu janadiisa hooy uga yeelo, intii uu dhaawac kasoo gaarayna caafimaad sariic ah”.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo tilmaamay in saraakiishaas ay dalkeena u yimaadeen in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, ayaa dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta uga mahadceliyay garab istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta dalkeena.

Madaxweyne Xasan oo Isbitaalka Erdogan ku booqday dhaawacyada Saraakiisha Imaaratka

Madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada Saraakiisha Imaaratka ee galabta ku dhawaacmay falka argagaxa leh ee ka dhacay Xerada Janaraal Gorod ee magaalada Muqdisho ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Isutaga Imaaraatka Carabta.

“Innaa lilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun.

Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho, Saraakiishaas oo u yimid dalkeenna in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha ayaa si adag u cambaareeyey falkan galaaftay nolasha Saraakiishan wakhtigooda u hibeeyey dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo faraya Laamaha Amniga in ay baaritaan mug weyn oo degdeg ah ay ka soo sameeyaan gaabka amni iyo duruufaha ku xeeran dhacdadan.

“Dawladda iyo Shacabka walalaha ah ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxaan uga mahadcelinaynaa garab istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, annagoo xasuusnaan doonnaa doorka ay ku garab taagnaayeen dalkeena xiligan adag.”.

Madaxweynaha JFS oo Imaaraatka uga tacsiyeeyay geerida saraakiil lagu dilay Muqdisho

Madaxeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda iyo shacabka Imaaraatka Carabta uga tacsiyeeyay geerida saraakiil dalkaasi u dhashay oo caawa lagu dilay magaalada Muqdisho.

“Innaa lilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun.

Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey magaalada Muqdisho ee u yimid in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Waxaan sida ugu adag u cambaaraynaynaa falkan foosha xun ee galaaftay nolasha Saraakiishan wakhtigooda iyo naftooda u huray xoreynta dalkeena iyo dib udhiska ciidamadeena, anigoo faraya Laamaha Amniga in ay baaritaan degdeg ah ay ku sameeyaan, waxaana balan qaadaynaa In talaabo adag laga qaadi doono cidkasta oo soo abaabushay falkaan guracan.

Dawladda iyo Shacabka walalaha ah ee imaaraadka Carabta waxaan uga mahadcelinaynaa garab istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, annagoo xasuusnaa doonnaa doorka ay ku garab taagnaayeen dalkeena xiligan adag.”

Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobolka bay ayaa dilay maleeshiyaad khawaarijta ka tirsan

Baydhabo- Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 45-aad ee guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal burburin ah waxay ay ka sameeyeen qaar kamid ah deegaano maleeshiyaadka Argagaxisadda isku baabulayeen oo ka tirsan gobolka Bay ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidanka ayaa dilay shan kamid maleeshiyaad isku aruursanayey deegaanada kala  ah Garas, Eelmereer iyo Kurto oo hoostaga gobolka Bay, waxaana ay cagta mariyeen goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka naf la caariga ee khawaarijta.

Howlgalka oo uu hoggaaminayey taliyaha ururka 5-aad ee guutada 8-aad X/le Cali Nuur Cali Madoow ayaa warbaahinta qaranka uga warbixiyay xogta howlgalkaan ay sameeyaan ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobolka Baay.

    

Wasiirka Caafimaadka XFS oo gaadiid Caafimaad ku wareejiyay wasiirka Caafimaadka Hirshabeelle

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa maanta labo Gaari oo nooca gargaarka deg degga ah oo loogu talagaley fududeynta adeegyada Caafimaadka ku wareejiyey wasiirka Caafimaadka Dowlad goboleed Hirshabeelle.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa sheegey in gawaaridan qalabaysan ay wax wayn ka tari doonaan qeybta Caafimaadka Dowlad goboleedka Hirshabeelle, isagoona sidoo kale tilmaamey in Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u taagan tahay xilli kasta horumarinta Caafimaadka guud dalkeen.

Dhankiisa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dowlad goboleed Hirshabeelle mudane Saadaq Maxamed Maxamuud ayaa ka mahadceliyey gaadiidka lagu wareejiyey, waxa uuna sheegay in loogu adeegi doona bulshada dowlad goboleed Hirshabeelle si loo xaqiijiyo bedqabka bulshada iyo guud ahaan yoolka Qaranka ee Caafimaadka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.

  

Wasiir Fiqi oo Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka la wadaagay qorshaha dowladda ee doorasho qof iyo cod ah

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kulan la qaatay hawlwadeenada Guddiga madaxa bannaan  ee doorashooyinka qaranka.

Ujeedka shirkan ayaa waxaa uu la xiriiray u kuurgalidda baahiyada xarunta cusub ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaran, kormeerka hawsha shaqaalaha iyo arrimo kale. Inta uu kulanku socday wasiir Fiqi waxaa uu uga warbixiyay hawlwadeenada guddigu qorshaha dowladda ee doorasho qof iyo cod ah iyo sidoo kale halka ay marayaan dib u eegista shuruucda muhiimka u ah doorashooyinka.

Uga dambeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Fiqi ayaa kula dardaarmey hawlwadeenada in ay u diyaargaroobaan hawlaha baaxadda leh ee qaranka loogu adeegayo iyo in dhowaan la filayo  in guddigii qaran ee doorashooyinka la soo magacaabi doono, dalkuna aadi doono doorasho qof iyo cod ah.

               

Ciidanka Xoogga oo hawlgal ku dilay 27 Khawaarij ah

Kismaanyo:-Howgal Ciidanka Qaranku ka fuliyeen Galbeedka Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayey dileen 27 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta.

Howlgalka oo uu hogaaminayay Taliyaha ururka 5aad ee Kumaandooska Danab Gaashaale Carab dheeg ayaa ka dhacay Deegaanka yaaqdabayl ee Galbeedka Kismaayo waxaana sidoo kale lagu dhaawacay 36 Dhagar qabe.

Ciidanka Qaranka ayaa hawlgalo Sifeyn ah ka wada goobaha ay gobolada dalka kaga dhuumanayaan Khawaarijta arxanka daran.

Golaha Shacabka oo meel mariyey ku biirista Soomaliya ee EAC

Xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey  in Soomaaliya ku biirto Ururka Dhaqaalaha Bulshadda Bariga Afrika.

Soomaaliya ayaa xubin rasmi ah ka nooqotay Ururkan sanadkii hore ka dib markii dowladda Soomaaliya daddaal badan ku bixisay.

Ganacsatada iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa si weyn uga faa”iidaysan doona fursadan,iyagoo badeecadahooda u heli doona suuqaq u iibgeeyaan.

Golaha shacabka oo ansixiyey laba hindise sharciyeed

Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka dalka ayaa ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed waxaana Haa ku ogolaatay 149-Xildhibaan Hal Xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusayna ma jirin.

Hindisaha waxaa soo gudbisay oo golaha horgeysay wasaaradda Maaliyadda XFS, wasaaradda ayaana golaha uga mahad celisay ansixinta xeerka.

Dhinaca kale isla

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS ayaan ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Ilaalinta Maareynta Deegaanka oo dib loogu soo celiyey Golaha Shacabka, Si loo waafajiyo Qodobka 82aad Fagradisa 4aad ee Dastuurka KMG,waxaana Haa ku ogolaatay 150-Xildhibaan mana jirin Xildhibaano diiday ama ka aamusay.

Hindise sharciyeedka ayaa waxaa golaha usoo gudbisay Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimilada.

Maraykanka oo ku baaqay in la baaro Xasuuqa Abiye ka wado gobolka Amxaarada

Ethiopian refugees stand in for supplies at the Um Rakuba refugee camp which houses refugees fleeing the fighting in the Tigray region, on the Sudan-Ethiopia border in Sudan, November 29, 2020. REUTERS/Baz Ratner - RC2ADK93HUQB

Addis ababa:-Dowladda Mareykanka oo ku baaqday in la baaro xasuuqa maamulka Abiy Axmed ka wado gobolka Amxaarada ee waqooyiga Itoobiya.

Danjiraha Mareykanka ee Addis Ababa Ervin Massinga ayaa sheegay in 80 ruux ciidanka ku dileen magaalada Merawi.

“Dowladda Mareykanka waxay ka walaacsan tahay warbixinada ka imaanaya magaalada Merawi, waxaan ku baaqaynaa in la baaro dambiiliyaasha ma dambeeyayna cadaalada la marsiiyo” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda.

Ciidanka maamulka Abiy ayaa falal ka baxsan bani’aadanimada ka geysanayay gobolka Amxaarada waxaana deegaanka ka jira kacdoonka ka dhanka xukunka taliska Addis Ababa kaas oo ay hogaaminayaan jabhadda Fano.