Ciidanka Xoogga oo gacanta ku dhigay xubin ka tirsan Khawaarijta

Galgaduud(SONNA):-Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa xoogagga deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ku soo qabtay Mowlid Cali Dhuxulow oo ka tirsanaa Khawaariijta.

Howlgalka lagu soo qabtay dhagar qabaha ayaa ka dhacay Baadiyaha Di-Biriq Deegaanka Waniile oo qiyaastii 20KM u jira Dagmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud.

Ciidanka oo ku howlgalay Xuuraansi iyo xogo sirdoon ayay u suura gashay in ay Gacanta ku soo dhigaan Mowliid oo Khawaariijta ugu Magacaabnaa waxa ay ugu yeeraan Xisbada.

Ciidamada ayaa horey sidaan oo kale howlgal uga fuliyay Gudaha Dagmada Ceeldheer oo ay xilligaas Khawaarijtu gacanta ku haysay iyaga oo gacan ku soo dhigay Horjooge Garoobshe oo Khawaarijta ka tirsanaa.

DEGMADA BARAWE WAA CAASIMADDA MAAMULKA K/G SOOMAALIYA (QEYBTA 1-AAD)

Baraawe, oo sidoo kale loo yaqaan Bravo, waa magaalo degad qadiimi ah oo ku taal gobolka Shabeellada Hoose ee Soomaaliya oo sidoo kale ah hadda Caasimadda Dawlad Gobolleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya waxa ayna  ku tiirsan tahay kalluumeysiga.

Magaaladaan waxa uu webiga Shabeelle uu u jiraa 25km, webiga Shabeelle waxa uu maraa sablaale Xiligii hore mudul barawe ayuu so gaari jirey oo dhul barwaaqo leh ayuu ahaa,

Ka dib “aarjiin” ayaa loo sameeyay oo webiga waa la xirey, ka dib isbeddel ayaa dhacey oo biyaha waxa uu ku koobnaan jirey: Sablaale, Laabkowan, Sablaale yareey, iyo Mafta.

5 ta sano oo u dambeysey wax biyo webi ah dhanka sablaale, iyo kurtun waareey meelahaas ma uusan soo gaarin oo dhul qalalan ayuu noqdey oo webiga dhexdiisa geedo ayaa ka bexeen ilaa hada wax biyo ah maso gaaraan.

Magaalada waxa ku yaali jirey warshada kabaha iyo warshada maqaarka farsameysa, sido kale dadka Baraawe dega ma ahayn dad fadhiga jecel oo rag iyo dumarba labadaba waa ay shaqayn jireyn,

Ragga waxa ay ka shaqayn jireyn ganacsiga halka dumarka guriga marka ay joogaan ay ku tolli jireyn koofida barawe ay dhaqanka u leedahay iyo aliindiga.

Hadii aan dib u milicsanno taariikhda, Baraawe waxa xukumi jirey dadka barawe dega oo suldaamo ayey lahayeen, Xiligaas waxa suldaan ka ahaa Xaaji Cabdiqadir Cabdiyow.

magaalada waxaa ku so duuley Burtaqiis Sannadkii 1506 dii Baraawe waxaa soo weeraray Ciidanka Badda ee Burtaqiiska si ey u qabsadaan Magaalada, kaliya Baraawe kuma aysan soo duulin ee dhulalka xeebaha leh ayey ku so duuleyn.

Soomaalida kale waa ay iska difaaceen halka reer barawe ay fariin u direen cusmaaniyiinta oo markaas xukuumada ugu awooda badan ee islaamka ahayd,

Suldaanka magaalada Baraawe Xaaji Cabdiqadir ayaa warqad u qorey Cusmaaniyiinta, warqadda waxaa ku qornaa “anaga waxaa nahay ahlu Baraawe, dad muslim ah ayaan nahay qolo gaalo ah ayaa na qabsadeen waxa aan rabnaa in aad garab nasiisaan.”

Markaas ka dib ayaa waxaa la so direy sayid barqash oo ciidankiisa wato ayaa weerar ku so qaadey Burtaqiiska ka dibna magaalada waa laga saarey, intaas ka dibna xukunka waxa la wareegey cusmaaniyiinta oo qarniyaal soo xukumayeen,

Dadka qaar ayaa aaminsan aragti khalad ah, taa oo ah in Reer Baraawaha Cad cadka ay asal ahaan ka so jeedaan Burtaqiiska taasi waa “Been”, Burtaqiis meeshaas waxa uu u imaadey inuu gumeysto laakiin Cusmaaniyiinta ayaa ka saareen oo sida uu rabey ma uusan helin.

Sayid Barqash waxa uu isugu wacey Odeyaasha Soomaalida oo dhan Zanzibaar oo fadhigiisa ahaa, isagoo dhahey “dhulka waxa aan ka gatey Taliyaani marka waxa la idinkaga baahan yahay in aad la shaqeysaan taliyaaniga.”

WQ: Sacdiyo Sheekh Baana

 

WAXTARKA DAAWO EE XABAGTA CADAADKA

  1. Kolostarolka: araasad ayaa muujinaya In isticmaalka xabagta caddaadku ay yarayso kolostaroolka jirka, in kasta oo ayna keligeed ku filnayn.
  2. Xanuunada ciridka iyo caafimaadka afka: tijaabooyin la sameeyey ayaa waxay muujinayaan in xabagta cadaadku ay xoojiso ciridka lana dagaalanto xanuunada ku dhaca iyo taranta bakteeriga xun ee afka, ka hortagga samaynta huurada (plaque).
  3. Waa in sare oo laga helo alyaafta (fiber): waxtarka xabagta caddaadka waxaa ka mid ah in uu hodan ku yahay alyaaf (fiber) 90% waxa uu ka

samaysan yahay alyaaf (fiber) biyaha ku milma taas oo xoojinaysa shaqada habdhiska dheef shiidka, wuxuuna ka qayb qaataa yaraynta khatarta xanuunada xididad iyo wadnaha.

  1. Hagaajinta caafimaadka dheef shiidka: faa’iidooyinka xabagta caddaadka waxaa ka mid ah inuu hodan ku yahay alyaafta (fiber) taas oo ka dhigaysa, daawo ku haboon daawaynta calool fadhiga, waxay caawisaa debcinta xanuunka qabsanka (irritable bowel syndrome (IBS)), waxay caawisaa shaqada mindhicirada iyo habdhiska dheefshiidka, waxay cunto munaasab ah u tahay bakteeriyada mindhicirada ee faa’iidada leh.
  2. Waxay nidaamisaa lebalka sonkota dadka macaanka qaba: waxaa la arkay in dadka sonkorowga qaba ee qaata xabagta caddaadka inay ka qaybqaadato nidaaminta leebalka sonkorta dhiiga ku jirta.
  3. Daweynta hargabka iyo xanuunada cunaha: xabagta caddaadku waxay yaraysaa calaamadaha hargabka, waxay ka qayb qaadataa daawaynta ikfeshanka cunaha, qufaca iyo bogsiinta boogaha afka iyo dhaawacyada.
  4. Yaraynta cayilka: maadaama uu hodan ku yahay alyaafta (fiber) waxay ka dhigaysaa inuu dhimo miisaan (cayilka), alyaaftu (fiber) waxay caawisaa in calooshu buuxsanto iyo siyaadinta dareenka dheregta taa oo keenaysa in ay yaraato xadiga cunada ee qofku cunayo13
  5. Saamaynta lidka ku egfeshenada: xabadta caddadadku waxay ku leedahay saamayn wanaagsan daawaynta egfeshanada, daraasado ayaa muujinaya waxtarkeeda daaweynta egfeshanada ka dhasha egfeshanka romatiisimka ee kala goysyada.
  6. Waxtarka xabagta caddaadka ee kelyahay: kelida oo shaqayn weyda waxay ka mid tahay cudurada ugu xun xun ee aan daawada lahayn, waxa ay muujinayaa tijaabooyin la sameeyay in xabagta caddaadku awood u leedahay inay daaweyso fashalka kelyaha. Waxa ay diiwaan geliyeen hay’ado cilmi baariseed natiijooyin fiican oo bishaaraynaya oo ku saabsan faa’iidada xabagta cadaadku u leedahay kelyaha, xabagta cadaadka oo si joogta ah loo isticmaalo waxay muujisey in ay yaraatay tirada dhaqida kelyaha dadkii isticmaalayey.

WQ Abdinasir Yusuf Adan

NADAAFADDU WAA BILICDA MAGAALADA IYO NOLOSHA DADKA

Iimaanku waa shay aan la fahmi Karin Meesha uu ku jiro iyo xubinta uu la fadhiyo muuqaal ahaan laakin waa sheyga la taliya hawada badan ee qofka ku jirta ee laacaysa meelaha badan ee ka celisa xumaanta ay ku dhici laheyd wuxuu ka xishoodaa qofkaasi la dhaqanka xun ee bini’aadamka .

Hadduu iimaan leeyahay wuxuu ka celiyaa meel kasta oo ceeb iyo dhaqan xumo ka jirto wuxuuna ka xishoodaa qofka wixii qaladan in uu u horreeyo wuxuuna u dulqaataa qaladaadka uga yimaada bulshada inteeda kale .

Iimaanka qofka lihi wuxuu leeahay ammaano iyo ballan fiican, sidaas oo kale nadaafadda waxaa lagu sheegaa iimaanka barkiis.

Bilahaan dambe waxaa hoos u dhac ku yimid nadaafadda degmooyinka iyo xaafadaha magaalada Muqdisho waxaana filayaa in aysan xiriir fiican ka dhaxeyn xaafadaha iyo baabuurta qaadda qashinka laakiin waxaa loo baahan yahay in waaxyaha degmoyinka in guddoomiye kasta oo waaxeed uu la socdo xaafadaha nadaafaddooda uuna xiriir fiican u sameeyo iyo meel sugan oo laga qaado qashinka.

Waxaa kale oo loo baahan yahay in si fiican la isugu xiro gaadiidka qaada qashinka iyo xaafadaha, xaafadaha qaar ayaa dhulka ku duuga qashinka iyagoo dadaalaya laaakin dhibaato degaan xumo iyo nadaafad darro ayaa ka soo baxda marka roobabku da’aan.

Biyuhu waxay soo bixiyaaan qashinkii dhulka lagu duugay waxaana soo baxa wixii hoos lagu duugay oo isbedelay sameeyeyna ur aad u u daran.

Waxaa kale oo biyuhu meeel fog ka keenaan qashin badan , kartoomo iyo baco waxayna fariistaanmeelo ka mid ah xaafadaha, meelo kalena waxay biyuhu ku leexdaan xaafadaha dhexdooda ka dib markii laga gooyey meelihii ay biyuhu mari jireen.

Si nadaafadda loo hagaajiyo waa in dib loogu noqdaa habeybta iyo waddooyinkii la dhisay wixii ka dambeeyey dowladdii dhexe.

Waxaa jira meelo ay dad iska degeen si ay ugu noolaadaan laakiin marka aad dhex gasho aan laheyn xitaa meel meydka laga bixiyo waddo la’aanta awgeed.

Waddo la’aanta iyo ciriiriga meelaha sida qaldan loo degay in badan oo ka mid degmooyinkii hore ee gumeystuhu cabbiray sida Xamarjajab , C/casiis iyo kuwo kale ciriiriga awgiis ayaa amnigoodu xumaaday waxaana ku batay amni darrada sida dilka, dhaca iwm.

Waxaa kale oo habboon iyadoo nadaafadda lagu dadaalo dibna loogu noqdo ceelasha, tubooyinka iyo boosaneerooyinka iyadoo lagu dadaalayo nadaafadda.

Waxaa la helaa dawooyin iyo mishiino kala miira wasaqda iyo biyaha nadiifka lana wacyi galiyo dadka degaanka owshaasna ay qabtaan degmooyinka .

Waxaa la helaa dad odayaal ah oo aqoon u leh la xiriirka bulshada iyo talooyinka fiican iyo aqoonyahano darbiyada fadhiya oo u baahan in laga faa’ideysto.

Adigoo aqoon iyo hanti heysta ha tuugsan qof kale ee taada ha ku anfacdo haddii degmooyinku helaan hoggaan wanaagsan way isku filan yihiin xagga nadaafadda , amniga iyo wada tashiga.

Degmadii dadkeeda wacyi galisa oo la tashata ayaana horumar sameysa waxaana xilka ugu weyn uu saran yahay guddoomiyaha amniga iyo kan arrimaha bulshada,

Tasho yaan cadowgaada kuu talin.

WQ: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre

MUCJISADA GEEDKA BAMBOO

Wali dhagtaada ma soo gaadhay ama dhaayahaagu ma arkeen mucjisada geedka Bamboo ee ka baxa dhulka qaaradda Asia(eeshiya) ?

Waa dhif iyo naadir in ruuxi waraabiyo geed maalin,Bil iyo sanad geedkaas oo aan wax natiijo isbedal muuqda ah samayneyn! , Waayo is badalku waa astaan muujinaysa inta guushu kuu jirto iyo ifafaalaha wixii aad tacbaysay, Taas oo noqon karta mid guul leh ama mid guul darro lehba.

Hadaba geedka Bamboo waxaa la waraabiyaa maalin walba muddo 5 Sano ah, Balse dhibtu waxay tahay ma arki doontid wax koriima ah. Waxaase la yaab ah in mucjiso uu samaynayo 5-ta isbuuc ee xigta, Wuxuu kor u bixi doonaa 10 feet (ft) iyo wax badan laba bilood in ka yar.

Qormadaan waxaan ku faalayn doona sedddex cashar oo laga baran karo mucjisada geedka Bamboo.

1- Jooji Dareenka Laab la-kaca (Emotional Motivation).

Dabeecadda basharka waa mid la jaal ah dareemo dahsoon oo isku sidkan. Waxaa dareenka wax soo-saar kaalin weyn ka qaata naguna dhiiri geliya inaan sii wadno hadba natiijoonyinka muuqda een helno, Haddii muddo yar gudahood aan arki weyno wax natiijo ah waxaa nagu dhalan doona dareen ah inaa khasaarnay xitaa haddii maxsuulku soo if bixi rabo. Ma lihin itaal aan ku dhawrano in yarna aan cagaha dhulka ugu sii xajisano si hadafkaas aan uga guul gaarno.

Bal suurayso inaad leedahay Bar-bulsheedyo kala duwan sida Youtube channel, Instagram page, Facebook ama Twitter, Haddana dadka kugu xiran ay si maalinle ah u kobcayaan, Fariimo boggaadin iyo beer qaboojin ahna kula wadaagayaan, Hubaal waxaad dareemi doonta naruuro iyo nafis buuxa waayo waxaad heshay natiijooyin muuqda oo is-daba joog ah. Taa cagsigeed haddaad maalin walba wax qorto ama aad muuqaalo taya sare leh diyaariso hadana wax kusoo raaca oo kuwaada waydo iyana waxay kugu abuuri doontaa uur-ku taalo iyo arami aragtidaadii naafaysa kuguna sababta inaad hadafkaagi ka haajirto.

Muhiimada lagaaga fadhiyaa waa inaad ahaato mid ku dhiiran ficiladiisa intay doonta ha qaadato. Waa hubaal inaad natiijo aad mahdiso heli doonto waa haddi aad ficilo quman samayso, Si qumanna aad u samayso. Kaliya iska dhawr inay kugu dhacdo laab la-kac iyo dareen degdeg ah oo himadaada dilla.

2- Xeerka Shanta sanno ( 5 years Rule).

Farqi maleh go`aan walba ood qaadato iyo hadaf walba ood leedahay. Kaliya waxaad u baahan tahay inaad u dhabar adaygto muddo shan sano ah (5 years) si aad uga gaarto guul la taaban karo oo micne leh. Joe Rogan wuxuu noqday Podcaster (Cod Tabiye) dunida caan ka ah, Balse waa markuu tabiyey in ka badan 1000+ oo dhambaallo ah ama xalqooyin (Episodes). Dadka gaara guulaha eed arkayso dhammaantood waxay u soo kacaa-kufeen shan sano iyo ka badan si ay u soo gaaraan halka ay maanta joogaan. Waxayna bixiyeen xoog iyo xeelad kast oo ay awoodeen. Haddaba waa inaad garaw sataa guusha inan habeen qura lagu gaarin, Ee juhdi iyo dhib loo maro. Sharciga shanta sano kaliya waa inaad joogtaysaa hawsha hadafkaaga ugu yaraan shan sano, Si aad uga guul gaarto.

3- Joogtee Joogtee Joogtee (Consistency).

Waan hubaa inaad oraahda Joogtee boqolaal jeer maqashay, Walina aad maqlayso ilaa hadda. Sababta ma taqaan ?

Kaliyaa waa sifada kala saarta ruuxa himadda iyo hiigsiga leh iyo kan caadifeysan ee qiira-jabaannta la ordaya. Joogtaynu waa furaha guusha iyo gaaridda yool walba ee bashar gaaro.

Haddii aad awoodo inaad shay joogtayso, Waliba si qumman oo qiima leh muddo shan sanadood ah, Xitaa adoo helin wax natiijo la taaban karo, Waa hubaal inaad sanadka lixaad hanan doonto himilada aad ku taamayso. Shakina kuma jiro midaas.

Hadaba diyaar ma u tahay inaad u negaato sida geedka Bamboo oo adkaysi yeeelato ilaa iyo shan sanadood natiijo la`aan ?

W.Q: Mohamed Abdullahi Ahmed (Galladka) 

 

Madaxweyne Xasan oo kulan la qaatay culumada Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kulan wadatshi ah kula qaatay culimada Soomaaliyeed, ayaa uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo in dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab, xoojinta midnimada iyo xal u helidda caqabadaha dib u dhigay dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay muujinta been abuurka ka dhanka ah diinteenna suubban ee Islaamka oo argagixisadu ay ku xalaashadeen dhiigga dadkeenna, waxa uuna xusay doorka taariikhiga ah ee culimada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin toosinta dowladnimada iyo difaaca dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dagaalka socda ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab ay laf-dhabar u yihiin culimada Soomaaliyeed oo ah dhaxal-dhowreyaasha diinteenna suubban, waxa uuna la wadaagay sida ay muhiimka u tahay in ay cilmigooda iyo codkoodaba ku garab istaagaan halganka wadajirka ah ee ay wadaan Ciidamada Qalabka Sida iyo dadka degaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu.

Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo soo bandhigay sida ay u garab taagan yihiin dadaallada dowladda.

Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta XFS mudane Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali iyo mas’uuliyiinta hay’adda culimada soomaaliyeed.

Duulimaad ganacsi ee Kenya Airways oo ka soo deggay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle

ebruary, 9, 2024, Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa duulimaadkii u horreyay muddo ka badan labo sanno kaddib maanta ku timid garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha Aadan Cabdulle ee caasimadda Muqdisho.

Duulimaadka , oo ahaa nooca ganacsi ee xamuulka (cargo) wuxuu sidoo kale ahaa diyaaraddii u horreysay ee iyadoo ku duulaysa astaanta rasmi ah ee shirkadda qaranka Kenya ka soo degta caasimadda Muqdisho , tan oo sidoo kale bilow u noqonaysa duulimaadyo rasmiga ah oo shirkadda ay ka billaabayso garoonka Aadan Cabdulle.

“ Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxaa qayb ka ah qorshaheeda inay sare u qaado duulimaadyada caalamiga ah ee imaanaya dalka ,tan oo fursad u siinaysa muwaadiniinta inay helaan duulimaadyo caalami ah.” sidaa waxaa sheegay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , Mudane Axmed Macallin Xasan oo intaa ku daray “ Waxaan ku soo dhaweynaynaa Kenya Airways garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.”

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo waaxyaha kale ee shaqo wadaagta la ah ayaa sameeyay horumarinta adeegyada, taa oo sare u qaadaysa duulimaadyada iyo adeegyada kale ee qaranka iyo muwaadiniinta ay helayaan.

Cadale:Xarummo loogu talagalay adeegyada bulshada oo laga hirgaliyay Ceel Xaashi

Mas’uuliyiin ka socday wasaaradda waxbarashada Hirshabeelle, Goddoomiyaha Degmada Cadale, Muuse Maxamed Fareey ,saraakiil , Ganacsato iyo hoggaamiyaasha bulshada ayaa ka qeybgalay xafladda dhagax-dhigga goobo waxbarasho,kuwo caafimaad iyo masjid  laga hirgelinaayey deegaanka Ceel Xaashi oo hoostaga degmada Cadale ee Gobolka Sh/Dhexe..

C/Lle Maxamuud Bidaaye nabadoonada ka warbxiyay ahmiyadda adeegyadaan ay u leeyihiin bulshada iyo kaalinta ay ka qaadan karaan horumarka bulshada iyo kan Degmada Cadala .

Munasabad  Dhagax dhigga waxaa kaloo ka hadlay, Prof. Maxamuud Xaaji Axmed kiimiko macalimiinta Jaamacadda Umadda iyo abbaanduulka  Guutada Koowaad ee Ciidanka Daraawiishta Abuukar C/lle Raage

Dhulkaasi loogu talagalay adeegyada bulshada waxaa horay u bixiyay Xaashi Cumar Xasan oo sidoo kale horay u qoday ceel biyood.

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah

Wasiirrada Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhigiisa Turkiga Yasar Guler  ayaa maalinimadii shalay Magaalada Ancara ku  kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah si kor loogu qaado xiriirka labada dal iyo xasilloonida gobolka.

Saxiixa kahor kulan ay wadaqaateen waxaa la isku weydaarsaday xoojinta xiriirka labada dal iyo aragtiyo ku saabsan arrimaha difaaca iyo amniga gobolka.

“Soomaaliya waa saaxiibka muhiimka ah ee Turkiga ee Afrika, waxaan kulan wax ku ool ah la yeelanay dhiggeyga Soomaaliya, wada-hadalladu waxay ku dhaceen jawi aad u diirran oo sii xoojinaya xiriirkeenna. waxaan ku celinnayaa muhiimadda aan siineyno madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. ” ayuu yiri Guuler kulanka ka dib.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay ku guuleysatay in ay sameysato ciidamo Qaran oo ay la socdaan ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Gorgor, kuwaas oo ay isugu tageen dhalinyaro ay ka buuxdo wadaniyad, ayuu yiri,isagoo xusay in dhallinyaradaasi ay noqdeen tusaale muhiim u ah qaaradda Afrika.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo isna halkaasi ka hadlay  Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu sii xoogeystay tan iyo markii uu Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan booqasho ku yimid Dalka Soomaaliya sanadkii 2011-kii.

“Marka laga soo tago xiriirka ka dhaxeeya labada wasaaradood, heshiiska aan maanta saxiixnay waxaa ka mid ah in la iska kaashado la dagaalanka argagixisada iyo iskaashiga ciidamada iyo dhaqaalaha, waxaan aaminsanahay in heshiiskan uu sidoo kale wax weyn ku soo kordhin doono Soomaaliya” ayuu intaa raaciyay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasaradda Awqaafta XFS oo shaacisey Jaangoynta sicirka xajka ee sanadkaan

Wasaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa soo saartay qoraal ku saabsan  qiimaha ay ku xajin doonaan xujeyda Soomaaliyeed ee sankaan 2024.

Qoraalkaan oo ku socday Shirkadaha fuliya adeegga xajka ayaa lagu wargaliyay in qiimaha xajka ee sanadkaan uu noqon doono 4430 doolarka Mareykanka.

Qoraalkaan ayaa soo baxay kadib markii guddi khuburro ah oo loo xilsaarat arrimaha xajka ay muddo laba bilood ah ku soo diyaariyeen qiimaha suurtagalka ah ee ku bixi kara xujeyda Soomaaliyeed ee doonaya in ay u safraan Dalka Sacuudu carabiya si ay u soo gutaan cibaada xajka.