Tirda dhimashada Israel ay ka geysaneyso Rafah oo sii kordhaya

Israel ayaa lagu waramay in ay xoojisay duqeymanka lala beegsanaayo Rafac,halkaasi oo saacadihii u dambeeyay lagu dilay 8 caruur ah.

Sidoo kale ciidamada Israa’iil ayaa Daanta Galbeed ee la haysto ka fuliyay olole lagu qabqabtay dad badan oo tayid ah.

Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in kala bar 2.3 milyan oo qof oo reer Gaza ah ay xilligaan ku xayiran yihiin Rafah,kuwaas oo uu tilmaamay in aysan heysan meel ay aadaan.

Madaxa Qaramada Midoobay waxa uu ka digay in mar kale la barakiciyo dadka megenta ku ah Rafac ee aan laheyn guryo iyo rajo kale.

Ciidamada koonfurta Lubnaan ayaa la soo sheegayaa in ay gantaal weyn ku weerareen Israa’iil ,ka dib markii ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ay dileen  taliyihii Hezbollah ee Nabatieh.

Ugu yaraan 27,840 qof ayaa la dilay 67,317 kalena waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar.

Guddoomiyaha SODMA oo kulan la yeeshay Ganacsatada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa shir guddoomiyey kulan gaar ah oo ka dhacay xaruunta hay’adda, kaas oo ay kasoo qeyb galeen dhammaan madaxda ganacsatada dalka oo ay ugu horreeyaan Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya Maxamuud Cabdikariin Cali Gabeyre iyo Guddoomiyaha Midowga Bankiyada dalka.

Ujeeddada shirka ayaa ahayd furidda sanduuq dhaqaale loogu aruurinayo gargaarka deg-degga ah, si looga hor tago daadad ka dhasha roobabka Guga kuwaas oo sababi kara qasaaro kala duwan.

Dhinacyadu waxa ay isku raaceen muhiimadda uu xilligaan leeyahay furidda santuuqa, halka la go’aamiyay in Percentage gaar ah Hay’adda SoDMA looga qoodeeyo lacagaha ka soo xarooda badeecadaha dalka ka baxa iyo kuwa soo gala, in sakada oo dhan lagu shubo santuuqa si xaaladaha bani’aadannimo wax looga qabto, in ladhiso guddi maamula hantida kusoo dhacda sanduuqaas iyo in SoDMA maamusho shaqada guddiga oo ganacsatada iyo Hay’adda ay wada qabanayaan.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo bandhigay khasaara kala duwan kuwaas oo ay sababeen Fatahaadihi El-Niñada ee gobollada qaar ka dhacay dhammaadkii 2023 iyo sida looga jawaabay.

Shirkan ayaa lagu soo bandhigay daadad xooggan oo kala jaray waddada xariirisa Muqdisho iyo Baydhabo gaar ahaan degmada Wanlaweyn.

Ugu dambeyn, dhammaan ganacsatadu waxa ay soo wada dhaweeyeen furidda sanduuq dhaqaale iyaga oo ballan qaaday in ay garab taganyihiin hay’adda SoDMA.

Madaxweynaha Jubbaland oo shir guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada ee maamulkaas

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland Mudane Ahmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiiradda oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaaleynta iyo Dibu-heshiisiinta ayaa  soo bandhigtay waxyaabahii uga soo qabsoomay safarkii shaqo ee Degmada Dhoobley iyo howlaha horutabinta Wasaaradda ee Saddexda bilood ee soo socda.

Sidoo kale Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee maamulkaas ayaa ka warbixisay xogta wajiga saddexaad ee Barnaamijka Qandaraaska Adeeg bixinta Biyaha oo ay wado Wasaaraddu.

Dhanka kale Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Jubaland ayaa ka warbixisay dib u habaynta xiriirka kubada cagta Jubaland iyo dadaalada hormarinta Ciyaaraha.

Ugu dambeyn Golaha Wasiirrada ee dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa dood ka yeeshay  Xeerka Hindisa sharciyeedka Gudniinka Fircooniga ah oo ay soo gudbisay Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubaland.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo maanta shir guddoomiyey kulanka guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, waxaana ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guddoomiyaha ayaa guddiga uga warbixiyay xaalada guud ee dalka gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dalka ka jiray intii uu ahaa Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya..

Sidoo kale kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka uuna shirguddoomiyey Guddoomiye Aadan  Madoobe ayaa waxaa lagu ajandeeyay kulamada soo socda iyo shuruucda ay soo gudbisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

May be an image of 3 people and dais

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo heshiis la saxiixday dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Difaaca ee dalkaas Yaşar Güler.

Kulanka Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Turkiga Yaşar Güler ayaa diiradda waxaa lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, amniga gobolka iyo dagaalka Khawaarijta oo xilligaan uu ka socda gobollada dalka.

May be an image of 10 people, the Oval Office and text

Sidoo kale Wasiir Nuur iyo Wasiir Güler ayaa kala saxiixday heshiis taariikhi ah ee Difaaca iyo Dhaqaalaha oo sii xoojin doono amniga Soomaaliya iyo kan Gobolka, kaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ee Turkiga.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay kulankaan ayaa dowladda Turkiga ugu mahadceliyay kaalmada walaalnimo ee hagar la’aaneed ee mar walba Shacabka iyo Dowlada Soomaaliyeed la garab taaganyihiin.

Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Cali Maxameed Geedi oo sheegay in Itoobiya ay ku xad-gudubtay sharciga caalamiga ah

Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geedi ayaa markale ka hadlay mowqifkiisa ku aaddan damaca Itoobiya ay ku dooneyso Baddeena, wuxuuna caddeeyay in xukuumadda Aby Ahmed ay ku xad-gudubtay sharciyada caalamiga ah markii ay damaacisay Baddeenna.

‘’ Dalka Soomaaliya, xuduudihiisa, cirka, dhulka iyo Badda-ba, waa wax adduun aqoonsan yahay oo ku qoran axdiga Qaramada Midoobay Midowga Afrika, kan Carabta, Ururka Islaamka iyo East African Community oo xubin ka noqonay, marka laguma xadgudbi karo sharci caalami ah waaye,’’ ayuu yiri RW hore Cali Maxamed Geedi.

Wuxuu sidoo kale, carabka ku adkeeyay in aysan jirin cid iibin karta dhul iyo Bad Soomaaliyeed, isagoona khiyaano qaran ku tilmaamay tallaabada uu qaaday Muuse Biixi.

‘’ Waxaa ka daran midka Soomaaliga ah ee aamisan inuu iibin karo dhul iyo Bad Soomaaliyeed,dhowr jeer baanna ka hadlay cid iibin kartana ma jirto, xittaa Dowladda Federaalka hal cintii-mitir ma iibin karto,waxaan u arkaa anigu khiyaano qaran,maalin, maalmaha ka mid ahna isagoo maxkamad taagan in la arkayo ayaa aaminsan nahay,’’.

Itoobiya oo ah dalka ugu dadka badan caalamka oo aan bad laheyn ayaa si toos ah u weyday marinka badda cas sanadkii 1993-kii markii Eritrea ay xornimada qaadatay kadib ku dhawaad ​​30 sano oo dagaal ah. In ka badan 95% badeecadaha ay Itoobiya la soo degto waxay ka soo degaan dekedaha Jabuuti iyadoo qiimaheeduna yahay qiyaastii $1.5 bilyan oo ah khidmadaha sannadlaha ah.

Sheekh Shaakir” Fikirka Khawaarijka ah waa in Fikir laga horgeeyo, waxaana xambaarsan culumada

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ka hadlay dardar gelinta dagaalka ka dhan ah Khawaarijta iyo xoreynta deegaannada ay ka joogaan dalka, wuxuuna sheegay in fikirka Khawaarijta fikir laga horgeeyo.

‘’Fikirkaas wuxuu u baahan yahay fikir laga horgeeyo, xaqiiq dhabta ah marka la yiraahdana dadka xambaarsan fikirkii laga horgeyn lahaa waa culumada, iyagaa xambaarsan iyagaa suulin kara, culumada laga rabaa in ay u istaagto ummadda in ay ka suuliso wixii ay iftootay in ay baadil yihiin, Dowladda iyo shacabkuna ku gacan siiyaan,’’ ayuu yiri Shee Shaakir.

Sidoo kale, Sheekh Maxamed Shaakir oo hadalkiisi sii wata ayaa ku bogaadiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud sida ay uga go’aan tahay dagaalka Khawaarijta iyo in laga ciribtiro guud ahaan dalka.

‘’Aniga waan arkay madaxweynaha oo telefishinada ka muuqdo oo furimaha taagan oo timihii ku baxeen, laakiin wasiiro iyo xildhibaano ay timihii ku baxeen ma aanan arkin, Dowladda dagaalku ku jirtaa, nimankaana in la iska qabto weeye,’’.

Ugu dambeyn, Sheekha ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo guud ahaan  shacabka Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii dalka looga sifeyn lahaa Khawaarijta oo khatar ku ah jiritaanka dadka iyo dalkeenna, wuxuuna hadalkan ka jeediyay kulan ay Muqdisho ku qabtay xarunta Tubsan oo looga hadlayay fikirka xagjirka iyo sidii lagu baabi’in lahaa.

Golaha Wasiiradda oo Ansixiyey 10 Safiir oo dalalka Caalamka uga hawlgeli doona Soomaliya

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodi toddobaadlaha ahaa ku ansixiyay 10 Safiir oo dalkeenna uga howlgeli doona qaar kamid ah dalalka caalamka ee aan wadaagno xiriirka Diblumaasiyadeed.

Safiirrada la magacaabay waxa ay kala yihiin:

1. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Farabadane)
2. Cabdullaahi Maxamed Sheekh Cabdullaahi
3. Cali Cabdi Awaare
4. Cali Maxamed Abuukar (Ali Wolf)
5. Bashiir Xasan Xaaji
6. Fathudin Cali Maxamed
7. Xuseen Cabdi Xalane
8. Khadiija Cosoble Cali
9. Khadra A Dualle
10. Ridwan Xirsi Maxamed

Kulanka Golaha oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sidoo kale lagu meelmariyay Habraaca Dhaqangelinta Xakameynta Hubka, Rasaasta iyo Waxyaabaha Qarxa, taas oo lagu xakameynayo dhibaatooyinka ay sababaan hubka iyo qaraxyada sida sharci darrada ah loo adeegsado.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, dib-u-habeynta dhakhliga, xogta heshiisyada dowladda iyo cayaarahii Dowlad goboleedyada dalka oo dhawaan si guul ah ugu soo ku soo idlaaday Muqdisho.

Madaxweynaha Uganda oo qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya

Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa qasriga Madaxtooyada dalka uganda ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin caddow.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa ka wada-hadlay dhismaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Taageerada dhanka Howlgallada ah ee Soomaaliya ay ku doonayso in dalka ay kaga xureyso Argagixisada arxanka daran.

Madaxweynaha uganda ayaa Taliyaha ciidamada Milateriga Soomaaliya u balanqaaday inay Soomaaliya ka caawin doonaan dhan kasta, hadii ay ahaan laheed dhismo ciidan iyo tababarro joogta ah, iyo in Soomaaliya garab milateri ay siin doonaan si dalka Soomaaliya looga saaro kooxaha nabadiidka ah.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo Gaadiidka gurmadka Caafimaadka ku wareejiyey Jubbaland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa  labo Gaari oo nooca gargaarka deg degga ah isla markaana loogu talagaley fududeynta adeegyada Caafimaadka ku wareejiyey Wasiirka Caafimaadka Dowlad goboleed Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Dr. Ali Haji Aden ayaa sheegey in Gawaaridan qalabaysan ay wax wayn ka tari doonaan Caafimaadka dowlad goboleedka Jubaland, isagoona sidoo kale tilmaamey in Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u taagan tahay xilli kasta horumarinta Caafimaadka guud dalkeen.

Dhankiisa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dowlad goboleed Jubaland Eng Ismaaciil Axmed
Garras ayaa ka mahadceliyey gaadiidka lagu wareejiyey waxa uuna tilmaamey in loogu adeegi doona bulshada dowlad goboleed Jubaland si loo xaqiijiyo bedqabka bulshada iyo guud ahaan yoolka Qaranka ee Caafimaadka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.