Guddoomiyaha SODMA oo deeq kala wareegay Safaaradda Turkiye ee Muqadisho

Guddomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta Safiir ku xigeenka Safaaradda Turkiga ee Muqdisho Md Armağan Ardoğa kala wareegay deeq lacageed oo dhan $50,000 oo dollar, deeqdaan lacageed oo ay soo dhiibtay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka u qaabilsan Dowladda Turkiga ee AFAD ayaa ugu talagashay in lagu kaalemeeyo dadkii ay saameeysay Daadadkii roobabka Elnino oo saameyn ba’an ku yeeshay dalka.

Guddoomiye Maxamuud ayaa aad ugu mahadceliyay garab istaaga joogtada ah ee dowladda aan walalaha nahay ee turkiga ay u muujiyaan shacabkeena.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo tababar u soo xiray qaar ka mid ah hawl wadeennada dowladda

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa tababar u soo xiray hawlwadeeno ka tirsan laamaha dowladda, kuwaas oo ka kala socday wasaaradda warfaafinta, ururka haweenka, waaxda dhaqancelinta ee wasaaradda amniga gudaha iyo taliska Booliska Soomaaliyeed, kaas oo ku saabsanaa helista xogaha Khawaarijta.

Tababarka oo socday muddo 3-maalmood ah ayaa lagu lafaguray helista iyo ka faa’iideysiga xogaha Khawaarijta, xogtaas oo laga helayo Khawaarijta dhexdooda, kuwa ka soo goosta ama kuwa la shaqeeya.

Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa hawlwadeennada ka qayb galay tababarka kula dardaarmay inay fuliyaan tabaha iyo xeeladaha lagu baray tababarka, ayna  warbixino iyo suugaan ka sameeyaan la dagaalanka xagjirka iyo taageerada ciidamada Qaranka ee la dagaalamaya argagixisada

 

Golaha shacabka oo maanta mar kale ka dooday arrimaha siyaasadda iyo go’aanada masiiriga ah ee dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga 4-aad kulankiisa 16-aad oo ajandihiisu ahaa dhameystirka ka-doodista arrimaha siyaasadda iyo go’aanada masiiriga ah ee dalka.

Kulanka waxaa goob joog ah ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo ku-xigeenka 2-aad ee golaha shacabka mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamanka JFS oo maanta ka dooday arrimaha masiiriga ah ee dalka, oo ay ugu horreeyaan arrimaha dib eegista Dastuurka KMG oo habraaciisa la ansixiyay, waxayna Xildhibaannadu falanqeeyeen isla xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo in la ilaaliyo matalaada shacabka, iyagoona si wadajir ah u tilmaamay in la xoojiyo arrimaha dib u heshiisiinta si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka shacabka & dhulka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha oo gunnaanadka kulanka soo xiray ayaa Xildhibaannada uga mahadceliyay doodooda arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka, waxaana uu sheegay in la soo magacaabi doono guddi soo kooba, kana soo shaqeeya nuxurka doodii socotay labadii kulan ee ugu dambeysay.

Bandhigga 5-aad ee suuq weynaha Muqdisho oo furmay

Mas’uuliyiin ka tirsan dowldda Soomaaliya iyo ganacsato ayaa ka qeybgalay bandhigga suuqweynaha Muqdisho oo sanadkii 5-aad oo xiriir ah lagu qabanyo caasimadda dalka ee Muqdisho

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo bandhiggan furay ayaa si gaar ah u bogaadiyay dhalinyarada hal abuurka ganacsi soo kordhiyay, islamarkaana ka faa’iideystay furaha ganacsi ee aan lagu baraarugsaneyn

Bandhiggan ayaa socondoona muddo 3-maalmood ah, waxaana ka qaybgalaya ilaa 30-kun oo dad ah iyo 300 oo shirkado ganacsi ah, iyadoo muhiimaddiisu tahay kobcinta ganacsiga iyo hal-abuurka la xiriira.

Guddoomiye Madaale” Shalay dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday Suuqa Bakaaraha waxaana ku waynay dad tiro badan

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in argagixisadu ay yihiin kuwa ka ganacsada dhiigga umadda oo aan wax naxariis ah lahayn.

Mudane, Madaale oo ka hadlayay munaasabad lagu daah-furayay bandhigga suuq weynaha Muqdisho ayaa intaa ku daray in dad masaakiin ah oo carruurtiisa usoo shaqa tagay bam loo dhigo laguna dilo ay tahay wax Islaamnimada ka fog.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in musiibadii shalay ka dhacday Bakaaraha aynu ku weynay dad badan oo qiimo lahaa, kuwaas oo isugu jira noocyada bulshada, wuxuuna Alle ugu barrayay naxariis.

Guddoomiye Madaale” Shalay dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday Suuqa Bakaaraha waxaana ku waynay dad tiro badan “.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa suuq weynaha Muqdisho ku tilmaamay fursad shaqa abuur ah oo kusoo biirtay caasimadda.

Dhallinyarada oo uu ku tilmaamay lafdhabarka bulshada ayuu guddoomiyuhu faray in ay ku dedaalaan wax dalkooda iyo dadkuba kobcinaya qurxiyana mustaqbalkooda.

Shalay ayay ahayd markii kooxaha khawaarijtu ay bam ku qarxiyeen suuqa bakaaraha, halkaas oo ay dad badani ku dhinteen, qaar kale ay ku dhaawacmeen.

Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya

1-Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in xadgudubka Ethiopia ee badda Soomaaliya aan la aqbali karin, isla markaana aysan Soomaaliya diyaar u ahayn wadahadal ilaa iyo xukuumadda Addis Ababa ka laabato is afgaradka sharci daradda ah ee ay la gashay gobolka Somaliland ee Soomaaliya.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kooxda kubadda cagta ee Galmudug guddoonsiiyay koobka tartanka dowlad goboleedyada ee dhowaan Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

3-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulan la yeeshay Taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida ayaa kala hadlay dagaalka khawaarijta iyo ka hortagga dambiyada abaabulan ee ka dhanka rayidka.

4-Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay arrimaha amniga, qorshaha la dagaallanka Khawaarijta iyo ka mira dhalinta siyaasadda loo dhan-yahay.

5-Ra’iisul Wasaare Ku-Xgeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Ku-Xigeenka Madaxweynaha Bangiga Adduunka u qaabilsan Horumarinta Karaanka Aadanaha, Marwo Mamta Murithi.

6-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay kulanka siyaasadda loo dhan yahay ee u dhexeeya xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo saaxibbada caalamiga ah ee Soomaaliya.

7-Ku-Simaha Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba aqbali karin xadgudubka qaranimada Soomaaliya ee ay Ethiopia ku dhaqaaqdey.

8-Kulamo isdabajoog ah oo looga soo horjeedo xadgudubka Ethiopia ee qaranimada Soomaaliya oo weli ka socda dalka gudihiisa iyo dibeddiisa.

9-Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Britain ayaa magaalada London ku qabtey qabtay mudaharaad ay ku diiddan yihiin xadgudubka Ethiopia ee qaranimada Soomaaliya.

10-Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane, Ahmed Moallim Fiqi ayaa Muqdisho ka daahfuray kulan ku saabsan wadatashiga, naqshadeynta iyo dib-u-eegista Hannaanka Qaran ee Wadajir.

11-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo wasiirrada maaliyadda ee dowlad goboleedyada dalka ayaa yeeshay kulan muhiim ah oo fogaan arag ah, kaas oo looga hadley hawlaha qaran ee horyaalla.

12-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya kaga qayb galey shirka wasiirrada difaaaca ee waddamada ku bahoobey Isbaheysiga Militeriga ee La-dagaalanka Argagaxisada ee wadamada Islaamka (IMCTC).

13-Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo Golaha Shacabka horgeeyey hindise sharciyeedka dad-dhigista.

14-Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka, ayaa u yeeray Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eeley).

15-Ciidanka amaanka ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Sayid Cali Macalin oo xaaskiisa ku dilay Muqdisho, markii uu dab qabadsiiyay.

16- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa magaalada Kampala kula kulmay Taliyaha Ciidamada Milateriga Uganda General Wilson Mbadi.

17-Ciidamada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa soo qabtey horjooge Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud (Daqare) oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab, isla markaana ka mid ahaa la-taliyeyaasha Horjooga Al Shabaab, Axmed Diiriye.

18-Hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka oo ka dhacay deegaannada Jacar iyo Garab la’ oo ka tirsan gobalka Galgaduud ayaa lagu burburiyay xarun ay Khawaarijtu ku keydsan jirtay hubka.

19-Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucday adeegsiga bacaha oo khatar ku ah degaanka.

20-Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Soomaaliya Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Ku-Xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Soomaaliya George Conway ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan diiradda lagu saarayay saamayntii ka dhalatay masiibadii El Nino.

21-Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiyo Xasan Maxamed ayaa magaalada Nairobi uga qeyb gashay shir caalami ah oo ku saabsan horumarinta jawiga maalgashiga iyo xoojinta dhaqaalaha qaxootiga ee soo laabtay.

22-Raktarka Jaamacadda Ummadda iyo safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya oo ka wada hadlay wada shaqeynta hey’adaha waxbarashada.

23-Ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay Maxamed Cabdullahi Xaaji Cali (Jawaari) oo lagu soo eedeeyay ka mid ahaanshaha qeybta basaasiinta ee maleeshiyada Khawaarijta Al Shabaab.

24-Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo lagu baacsanayo Khawaarijta Al-Shabaab ka wada deegaanno ka tirsan HirShabeelle.

25-Gudoomiyaha Ururka Caalamiga ee Culimada Muslimiinta Sheekh Cali Muxyidiin Al-Qaradaaghi, ayaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho, waxa uuna kulu

Hay’adda Tubsan oo Muqdisho ka furtay kulan lagu soo bandhigayay Istaraatiijiyadda Qaran ee ka hortagga fekerka xagjirka ah

Kulan howleed lagu soo bandhigayay wada tashiga dib u eegista Istaraatiijiyadda Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka fekerka xagjirka ah oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Tubsan ayaa maanta ka furmay Muqdisho.

Shirkan Wadatashiga ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha hay’adda Tubsan, Safiirrada beesha Caalamka, qaar ka mid ah hay’adaha QM, ATMIS iyo mas’uuliyiin kale.

Agaasimaha Hay’adda Tubsan, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ugu war bixiyay mas’uuliyiinta ka qeyb gashay soo bandhigidda wadatashiga Istaraatijiyadda Qaran ee ka hortagga Fekerka xagjirka ee rabshadaha wata.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay danjirayaasha Caalamka u jooga dalka iyo qaar ka mid ah ururrada caalamiga ah, iyagoo taageeray habsami u socodka la dagaallanka Argagixisada, dedaalka lagu bixinayo nabadda iyo horumarinta lagu samaynayo deegaannadii laga xoreeyey khawaarijta.

Dowladda Kuwait oo Baydhabo ka billowday dhismaha guryo la dajinayo dadka soo barakacay

Baydhabo-Hay’adda Al-najaat Al-kheyriya ee dalka Kuwait ayaa magaalada Baydhabo ka billowday in ay guryo u dhisto dadka barakacayaasha ah ee ay saameeyeen abaaraha.

Gurigii ugu horreeyay ee ay Baydhabo ka hirgelisay hay’adda Al-Najaat oo ka kooban laba qol, suuli , haanta biyaha iyo jiko ayaa lagu wareejiyay qoys ka kooban 9 carruur oo agoon ah hooyadood iyo ayeeydood, iyagoo ka mahad celiyay garab istaagga ay u fidisay hay’addan.

Saraakiil ka tirsan xafiiska mashaariicda hay’adda Xikma oo ay howshan u wakiilatay hay’adda Al-najaat ee dalka Kuwait ayaa sheegay in gurigani uu hordhac u yahay mashruuca xalka waara, iyagoo guryo kale dhowaan ka dhisi doono Baydhabo, kuwaas oo ay ka faa’iideysan doonaan dadka dan yarta ah ee kasoo barakacay abaaraha.

Damacii Abiy ee Badda oo guray (WARBIXIN)

Itoobiya oo ah dalka ugu dadka badan caalamka oo aan bad laheyn ayaa si toos ah u weyday marinka badda cas sanadkii 1993-kii markii Eritrea ay xornimada qaadatay kadib ku dhawaad ​​30 sano oo dagaal ah. In ka badan 95% badeecadaha ay Itoobiya la soo degto waxay ka soo degaan dekedaha Jabuuti iyadoo qiimaheeduna yahay qiyaastii $1.5 bilyan oo ah khidmadaha sannadlaha ah.

Sannadkii hore, Dadka dhaleeceeya gobolka Geeska Afrika ayaa Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ku tilmaamay hadallo cabsi gelin ah inuu jeediyay, wuxuuna ku tilmaamay xudduudaha dalkiisa “ Xabsi juqraafi” wuxuuna badda cas ku tilmaamay “xuduudda dabiiciga ah ee Itoobiya”, waxa uuna ku booriyay Ereteriya, Jabuuti iyo Soomaaliya inay ka wadahadlaan gelitaanka dekedaha, si “loo xaqiijiyo nabad waarta.” “ Waxaan rabnaa inaan ku helno deked qaab nabadeed, laakiin haddii ay taasi fashilanto waxaan adeegsan doonnaa xoog,” ayuu Abiy u sheegay shir ay isugu yimaadeen ganacsatada.

Taa maxaa xigay? Caro iyo mudaaharaadyo waaweyn ayaa ka dhacay guud ahaan dalka Soomaaliya iyo dibaddiisaba, iyadoo dadku ay tallaabadaas ku tilmaameen mid xadgudub ku ah qarannimada Soomaaliya. “Ma jirto taako ka mid ah Soomaaliya qofna ma saxiixi karo ama ma saxiixi doono,” Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wacad ku maray 2-dii Janaayo baarlamaanka. “Ma jirto cid awood u leh inay bixiso qeyb ka mid ah Soomaaliya.” Tan iyo markii horrantii bishii koowaad ee sanadkan Itoobiya ay ku wada saxiideen heshiis beenaad Ra’iisul wasaaraha Itoobiyo iyo Muusa Biixi waxa gudaha dalka iyo dibadda intaa ka dhacaya dibad-baxyo waaweyn oo looga soo horjeeday damac gurrac Itoobiya ee Biyaha iyo Dhulka Soomaaliya.

Balse hadda waxaa soo yeeraya hadallo ka duwan sidii hore, iyadoo la soo warinayo in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu sheegay in Itoobiya aysan dooneyn dagaal ay la gasho Soomaaliya, halka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud uu mar kale sheegay in aanay ogolaan doonin in qeybo ka mid ah dhulka Soomaaliya la qaato. “Uma maleynayo in dowladda Soomaaliya ay rabto inay isku dhacaan Itoobiya, sidaas ayaan qiyaasayaa.” Balse quwadaha daneynaya ayaa doonaya in ay Soomaaliya ka dhigtaan gacmo ay ku adeegtaan, laakiin waxaasi nama qabtaan.

Abiy ayaa ku eedeeyay quwado uusan magacaabin in ay ka shaqeynayaan sidii ay Itoobiya colaad iyo dagaal ula gali leheed Soomaaliya, wuxuu intaas ku daray: “ Xoogaga doonaya arrintaan waxaa laga yaabaa in ay saameeyaan walaalaheena Soomaaliya, sida ay haddaba warbaahinta ugu adeegsanayaan Walaalaheena qurbajoogta ah”, wuxuuna sheegay Abiye in dawladiisu aysan wax tartan ah kula jirin nabadda iyo midnimada Soomaaliya.  “Ma dooneyno inaan cidna wax ka qaadano. Ma dooneyno inaan taabano Madaxbanaanida cid kale”.

Abiy Ahmed oo aan soo hadal qaadin  Heshiis Beenaadkii dhexmaray isaga iyo Muuse Biixi, kana muuqata inuu halkii hore ka dabacsan yahay “Soomaaliya waxaan nahay walaalo, dagaal in aan la galo diyaar uma ihi, waana jecelahay”, sidaasi waxa uu ka hor sheegay Baarlamaanka Dalkiisa, wuxuuna si weyn uga hadlay Soomaaliya waxaana ka muuqday in luuqaddiisa ka bedelan kuwiisii ugu dambeeyay ee uu mar walba ku hadaaqayay, wuxuuna yiri: “ Soomaaliya waxaan ka shaqeyn doonaa Amnigeeda, waxaana horumarin doonaan nabadgalyadeeda, Soomaaliya oo nabad noqota waa Itoobiya oo nabad noqo, Soomaaliya oo horumar gaarta waa Dalkeenna oo horumar gaaray, waxaannu ka shaqeyn doonaa Soomaaliya oo ah Dal barwaaqo ah oo ka faai’ideysta Badeecadaheenna ee ka dhoofaya Badaheeda.

Mr Abiy Axmed markaan waxa uu ku hadlayaa Luuqad jilicsan waxaana ka muuqaneysa is dhul dhig, isagoo mujinaya in xiisadda ka taagan Soomaaliya iyo Itoobiya loo qaboojin lahaa, marna kama soo hadlin arrinta is afgaradka 1-dii bishii Janaayo ee sanadkan ee magaalada Addis Ababa ay ku gaareen Muuse Biixi. Is afgaradkaasi oo ay Soomaalidu ay aad uga gilgatay, kuna timaantay in aan la aqbali karin, waxaana loo fasirtay in Itoobiya ay dooneyso Bad iyo Dhul Soonmaaliyeed inay qaadato, taasina waxay sababtay in xiriirkii labadaasi Dal uu hoos u dhaco, Soomaaliyana waxay u yeeratay Safiirkeedii u fadhiyay Addis Ababa, Balse wax hadal ah kama uusan dhiiban arrinta in Itoobiya ay aqoonsan doonto Somaliland iyo in kale, iyo talaabada xigta ee ay qaadi doonaan midna.

“Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah maxaa bedelay mowqifkii Abiy Axmed? ma waxaa ku yimid cadaadis Diplomasiyadeed oo la ogsoon yahay in goobo badan ama shirar badan looga guulestay, islamarkaana ay meelmar noqon weyday damaciisii helid marin Biyood wata Dhul, mise Soomaaliya ayaa noqotay Bir Lab adag oo la mari waayay?”, sidaasina waxaa qortay Wakaaladda Wararka Reuters.

” Itoobiya maanta haddii ay ka laabato qaladkii ay gashay Berri waan wada hadli karnaa, si kale kuma wada hadli karno”, sidaasi waxaa yiri : Madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay munaasabad lagu qabtay Villa Soomaaliya ayaa sheegay in damaca Itoobiya ee ku aaddan Badda Soomaaliya uu yahay mid gurracan oo aan la aqbali karin, balse uu wada hadalku furan yahay haddii ay xukuumadda Addis Ababa ka laabato heshiis ku sheegga ay la gashay Muuse Biixi.

Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabad xulka kubadda gacta Galmugug lagu guddoonsiinayay koobka tartanka maamul goboleedyada dalka laguna qabtay ayaa ku dheeraaday damaca gurracan ee Itoobiya, wuxuuna sheegay in labada dal ay ka dhexeeyaan masaalix derisnimo balse aysan wax kale ka oggolayn, isagoo xusay in Soomaaliya ay markii hore qabtay tabashooyin badan kana maqnaa dhul, iyo dad Soomaaliyeed aysan oggolaan doonin in qayb kale ay goosato.

“Itoobiya waxaan leennahay Guri Dariishad laga ma soo galee Irid baa laga gala ee soo mar dariiqa saxda ah, balse damaca ah dhulkaan qaar goosanayaa ka imow, maalintaad ka timaaddo waxa ka soo hara oo dhan waa ka wada hadleynaa”. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka Itoobiya aysan cadaawad ka dhaxeyn, laakiin ay dowladdoodu tacaddi waddo kana soo baxday dhaqankii derisnimo wadaagga.

Arrinta ka Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaan wali wax xal ah laga gaarin, iyada oo wali laga war sugayo go’aanka ay ka soo saaraan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kadib markii ay Soomaaliya u gudbisay dacwad ka dhan ah Itoobiya, kana  codsatay in ay arrintaan ka fariistaan.

Dadka odorosa arrimaha Soomaaliya aadna ula socday Damaca Itoobiya ee ay ku dooneyso meel ay gaarto Bad ayaa kula talinaya Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud inuusan marna la fariisan ama kulan la qaadan Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed inta uu ka caddeynayo inuu ka laabtay damaciisa ahaa dooninta Bad iyo Dhul soomaaliyeed.

By. C/lahi Ruush

Jimciyadda Tigaad oo dayactir ku sameysay Agabka Dugsiyada Ceeldheer

Jimciyadda Tigaad ayaa dayactir ku sameysay Agabka Iskuulka Ceeldheer, sidoo kalana ku wareejisay   agab waxbarasho oo kala duwan Maamulka dugsi Hoose, Dhexe & Sare ee Ceeldheer.

Hanti-dhowraha Guddiga Tigaad Foundation Ustaad Cumar Cabdulahi Dhuxuloow oo safar shaqo ku jooga degmada Ceeldheer ayaa wareejiyay agabka waxbarasho oo ay ugu talo galeen habsami u socodka dugsiga.

Deeqdaan Jimciyadda gaarsiisay Dugsiga Hoose, Dhexe & Sare ee Ceeldheer ayaa noqoneysa deeqdii ugu horeysay ee laso gaarsiiyo kadib dib u furistii dugsiga Degmada Ceeldheer, Waxaana deeqdaas ka mahad celiyay Isu-duwaha Waxbarashada Degmada Ceeldheer, Maamulka Iskuulka, Waalidiinta & Odayaasha deegaanka.

Cabdulle Afrax Geeddi oo ka mid ah Macalliminta muddo ka soo shaqeyneysay Dugsiyada Degmada Ceeldheer ayaa aad uga mahadceliyay gacan wanaagsan ee ay He’adda ka qaadatay sare u qaadidda tayada iyo tirade Waxabarashada Degmada.