Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta dhagaysanaysa dacwad ka dhan ah eedeysanayaal loo haysto musuq-maasuq

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta u fadhida dhageysiga dacwad loo heysto eedeysanayaal maqanayaal ah oo ka tirsanaa Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Wasaaradda Maaliyadda iyo Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka.

Eedeysanayaasha waxaa ka mid ah Maxamed Aadan Jimcaale Koofi, Cabduqaadir Cilmi Cali oo labaduba soo qabtay xilka Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda.

Waxaa kale oo ku jira eedeysanayaasha kala ah Muxyadiin Xasan Jurus oo ahaa agaasimahii waaxda Canshuuraha berriga ee wasaaradda Maaliyadda iyo Jacfar Maxamed Axmed oo ahaa agaasimahii guud ee Dakhliga ee wasaaradda Maaliyadda iyo Cabdalla Maxamed Axmed oo ahaa agaasimahii waaxda IT-da ee Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa kusoo oogay eedeysanayaashaan in ay ku kaceen falal la xariira Musuq-maasuq, Lunsasho Hanti dadweyne iyo ku tagri fal awoodeed, waxaana Maxkamadda gobolka Banaadir ay todobaadkii tagay xuriyaddooda dib ugu celisay laba ka mid ah eedeysanayaasha oo xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu kala laabtay eeddii loo haystay.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kormeeray Isbitaalka Demartino

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo ay wehliyaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil, Safiirka Dowladda Taliyaaniga iyo Agaasime goboleedka Hey’adda iskaashaiga Caalamiga ah ee Taliyaaniga ayaa booqasho u kuur galid ah ku tagay Isbitaalka Demartino ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ka socdey Taliyaaniga ayaa kormeerey qaybaha kala duwan ee Isbitaalka sidoo kalena kulan xog waraysi ah kula qaatay maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka, xafiiska agaasimaha guud ee isbitaalka Demartino.

Wasiirka ayaa ka mahadceliyay taageerada Dowladda Taliyaaniga ee Caafimaadka Soomaaliya sidoo kalena bogaadiyay tallaabooyinka yididiilada leh ee uu maamulka Isbitaalka ku horumarinayo adeeg bixinta Caafimaad ee Isbitaalka Demartino u hayo bulshada Soomaaliyeed.

Hanti-dhowraha Qaranka oo kulan la qaatay madaxweyne ku-xigeenka maxkamadda xisaabaadka Tunisia

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abukaate Axmed Ciise Guutaale, ayaa kulan fogaan-arag ah la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Maxkamadda Xisaabaadka Tunisia ahna ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Hantidhowrada Carabta (ARABOSAI), Mudane Hatem Al-Selini.

Intii uu socday kulanka waxaa looga hadlay muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Hantidhowrada Carabta iyo sida looga miro dhalin karo hadafyada guud.

Hantidhowraha Guud ee JFS ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay uga go’antahay horumarinta iyo xoojinta xiriirka uu XHGS la leeyahay Ururka Hantidhowrada Carabta (ARABOSAI) iyo xubnaha ururkaba.

Mudane Hatem Al-Selini ayaa sheegay in uu rajeynayo in kulankan uu noqdo mid bilow u ah wadashaqeyn miro dhal ah oo dhexmarta Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Ururka Hantidhowrada Carabta si ay gacan uga geystaan kor u qaadista tayada iyo waxqabadka Xafiiska, taageeridda dadaallada lagula dagaallamayo musuqmaasuqa iyo ilaalinta hantida dadweynaha.

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo qaabilay wafdi ka socda IMC

Guddomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md, Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu ku qaabbilay wafdi ka socda Hay’adda International Medical Corps-IMC oo uu horkacayay madaxa hay’adda IMC ee Somalia Mr Rolland Vellex.

Kulanka ayaa labada dhinac waxa ay uga wada hadleen sidii loo dardar gelin lahaa arrimaha gurmadka bani’aadannimo isla markaana la isaga kaashan lahaa caqabadaha soo food saaray gargaarka ee lagaarsiinayo shacabka Soomaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hambalyo u diray dhiggiisa dalka Yemen

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadaa Federaalka Soomaaliya mudane, Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo u diray Mudane Dr. Axmed Cawad bin Mubaarak oo maanta loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Yemen.

Ra’iisul Wasaaraha Xamsa ayaa Ra’iisul Wasaare Cawad Alle ugu rajeeyay hoggaamin wanaagsan iyo inuu shacabka aynu walaalaha nahay ee Yemen gaarsiiyo barwaaqo, xasillooni iyo horumar.

Madaxweyne Xasan Sheekh: Itoobiya haddii ay ka laabato qaladkii ay gashay waan wada hadli karnaa

-Madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in damaca Itoobiya ee ku aaddan Badda Soomaaliya uu yahay mid gurracan oo aan la aqbali karin, balse uu wada hadalku furan yahay haddii ay xukuumadda Addis Ababa ka laabato heshiis ku sheegga ay la gashay Muuse Biixi.

Madaxweyne Xasan Sheekh” Itoobiya maanta haddii ay ka laabato qaladkii ay gashay berri waan wada hadli karnaa, si kale kuma wada hadli karno”.

Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabad xulka kubadda gacta Galmugug lagu guddoonsiinayay koobka tartanka maamul goboleedyada dalka laguna qabtay madaxtooyada Qaranka ayaa ku dheeraaday damaca gurracan ee Itoobiya,wuxuuna sheegay in labada dal ay ka dhexeeyaan masaalix derisnimo balse aysan wax kale oggolayn.

Wuxuu madaxweynuhu xusay in Soomaaliya ay markii hore qabtay tabashooyin badan kana maqnaa dhul, wuxuuna sheegay in aysan oggolaan doonin in qayb kale ay goosato.

“Itoobiya waxaan leennahay damaca ah dhulkaan qaar goosanayaa ka imow, maalintaad ka timaaddo waxa kasoo haroo dhan waa ka wada hadleynaa”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka Itoobiya aysan cadaawad ka dhaxayn, laakiin ay dowladdoodu tacaddi waddo kana baxday dhaqankii derisnimo.

Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo lagu baacsanaya khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan Hirshabeelle

-Taliyaha Qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Korneyl Faarax Kooshin ayaa sheegay in howlgallo ka dhacay gobolka Hiiraan Khawaarijta lagu gaarsiiyay jab xoog leh.

Taliyaha oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay oo isgu jira cirka iyo dhulka ay ka fuliyeen deegaanno badan oo hoos taga Aadan yabaal, Ceel Cali Axmed , Buq aqable, Buur weyn, Shaw illaa Mokayle, halkaas oo qasaare naf iyo maalba leh ay ku gaarsiiyeen khawaarijta.

Taliyaha Qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Korneyl Faarax Kooshin ayaa shacabka ku nool deegaannada ay howlgalladu ka socdaan ugu baaqay in ay garab joogsadaan ciidanka xoogga dalka, kaalintoodana ka qaataan cirib tirka khawaarijta.

Guddoomiyaha hay’adda qaxootiga Qaranka oo shir caalami ah uga qeyb gashay Kenya

-Guddoomiyaha hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka Marwo, Safiyo Xasan Maxamed magaalada Nairobi uga qeyb gashay shir caalami ah oo ku saabsan horumarinta jawiga maalgashiga iyo xoojinta dhaqaalaha qaxootiga ee soo laabtay.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saarayay horumarinta barakacayaasha iyo bulshooyinka martida loo yahay.

Shirka ayaa waxaa ka qayb galay hay’adaha caalamiga iyo kuwa heer gobol ee daneeya arrimaha qaxootiga, dadka soo laabtay iyo barakacayaasha.

Militariga Soomaaliya iyo Uganda oo iska kaashanaya la dagaalanka argagixisada

Kampala: Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow oo ku sugan wadanka Uganda ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Milateriga Uganda Gen, Wilson Mbadi.

Labada Taliye ayaa ka wada-hadlay iskaashiga iyo xoojinta wadashaqeynta labada dal, iyadoo dowladda uganda ay balanqaaday in Soomaaliya ay garab milateri ka sii doonto dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada argagixisada ah.

Taliye Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo Taliyaha ciidamada Milateriga Uganda Gen,Wilson Mbadi ayaa si wadajir ah u dul istaagay in la kordhiyo howlgallada wadajirka ah ee lagu ciribtiraayo khawaarijta arxanka daran iyadoo dowladda Uganda ay diyaar u tahay garab istaaga iyo Taageerada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka XDS ayaa booqday Kuliyadda Difaaca Qaranka Uganda, si weyn loogu soo dhaweeyay waxuuna kula kulmay saraakiil Kala duwan oo ka tirsan Milateriga dalka Uganda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xulka Galmudug guddoonsiiyay koobka dowlad goboleedyada oo ay ku guuleysteen

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa caawa munaasabadd kooban oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka waxaa uu xulka Gamudug ku guddoonsiiyay koobka dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ay ku guuleysteen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey tartankii xiisaha lahaa dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay inay ciyaarahu soo bandhiggeen nabada iyo xasiloonida ka jira caasimada, iyada oo bulshadduna muujiyeen xiisaha ay u qabaan, iyada oo laga dheehan karay sida ay u soo buux dhaafiyeen garoonka tuulada ciyaaraha ee Stadium Mogadishu. Madaxweynaha ayaa waxaana uu sheegay inay jiraan dalal iyo hay’addo ka xun horumarka Soomaaliya ay samaysay.