Raktarka Jaamacadda Ummadda iyo safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya oo ka wada hadlay wada shaqeynta hey’adaha waxbarashada

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof. Xasan Cismaan Gacal ayaa xarunta km4 ee Jaamacadda Ummadda kulan kula yeeshay safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya u fadhiya mudane Pier Mario Dacò Coppi oo ay wehliyaan madax kale oo ka socday hey’adaha horumarinta waxbarashadda iyo wada shaqeynta ee dowladda Talyaaniga.

kulanka safiirka iyo Raktarka ayaa looga hadlay horumarinta wada shaqeynta hey’adaha waxbarashadda ee labada dowladood Talyaaniga iyo Soomaaliya, iyada oo diiradda la saaray sidii kor loogu qaadi lahaa fursadaha deeqaha waxbarasho iyo deeqaha cilmi baarista ee ay Dowladda Talyaanigu siiso ardayda Soomaaliya.

Kulanka oo ay sidoo kale goob joog ahaayeen guddoomiye ku xigeennada maamulka iyo waxbarashadda ee Jaamacadda ayaa loogu mahadceliyay dowladda Talyaaniga taageerada ay siiso ardayda Soomaaliyeed gaar ahaan garab istaagga iyo xariir joogta ah ay la leedahay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

       

Ciidanka sirdoonka qaranka oo gacanta ku soo dhigay Eedeysane Sayid Cali Macalin oo xaaskiisa ku gubay Muqdisho

Camaara- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka oo ku howlanaa sidii gacanta loogu dhigi lahaa eedeysane Baxsad Sayid-Cali Macalin Daa’uud, kaas oo 26 Jan 2024 Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir ku gubay xaaskiisii marxuumad Luul Shiikh Cabdi oo ay u geeriyootay gubashadii ayaa ugu dambeyn galabta gacanta ku soo dhigay eedeysane Sayid -Cali Macalin Daa’uud iyo laba eedeysane oo gacan ku siinayay in uu cadaalada ka baxsado.

Ciidanka Nabad Sugidda oo maalmihii la soo dhaafay ku raad joogay eedeysanaha ayaa ugu dambeyn ka soo qabtay deegaanka Caad xilli uu halkaas ku dhuumaaleysanayay.

Eedeysanayaashaan ayaa gacan ku siiyay eedeysanaha 1-aad inuu ku dhuumaalysato dhulka ballaaran ee isku xira Gobolada Galgaduud iyo Mudug Halkaas oo ay suurto gashay in gacanta lagu soo dhigo xilli uu ku sugnaa deegaanka Cadayleey.

eedeysanayaasha kala ah Ingiriis Fanaxeey iyo Cabdirisaaq Macalin Daa’uud (Caluuke), ayaa laga soo qabatay deegaanka Gawaan oo hoos taga Degmada Wisil ee Gobolka Mudug xilli ay ku howlanaayeen fududeynta baxsashada eedeysane Sayid-cali oo la qorsheeynayay inuu doon ku baxsado markale.

Xildhibaannada Golaha shacabka oo maanta dood adag ka yeeshay arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga 4-aad Kulankiisa 15-aad ee Golaha Shacabka, waxaana kulanka goob joog ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad Sacdiyo Yasiin Xaaji Samatar iyo ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow.

Ajandaha kulanka oo ahaa ka doodista arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka, waxaana soo xaadiray Kulanka 155 Xildhibaan kuwaasi oo ka dooday arrimaha masiiriga ah ee dalka iyagoo soo hadal qaaday dib u eegista Dastuurka KMG ee Soomaaliya, waxayna Xildhibaannadu soo jeediyeen in Baarlamaanka la horkeeno wixii heshiis ah oo ay Xukuumaddu soo gasho iyo heshiisyada siyaasadeed ee dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo xiray fadhiga maanta ee Baarlamaanka ayaa sheegay in Baarlaamaanka 11-aad intuu jiray wax badan uu qabtay, waxaana uu xusay in maalinta arbacada ah xilli hore la yimaado si loo dhameystiro dooda ku saabsan arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka.

                

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun 10 sano xabsi Ciidan ah ku riday xubin katirsan khawaarijta

Maxamed Cabdullahi Xaaji Cali (Jawaari) ayaa lagu soo eedeeyay ka mid ahaanshaha maleeshiyada Khawaarijta Alshabaab isaga oo u qaabilsanaaa qeybta dhuumaalaysata iyo kooxda basaasiinta.

Maxamed ayaa Maleeshiyada kaga biiray Jilib sanadii 2013 , Maxamed iyo labo kale oo ka baxsaday waalidkood dugsi diidnimo tuulada Gorgoreey ee hoos tagta degmada Saakow ee Jubbada Hoose.

Waxa uu tababar ku soo qaatay Mucaskarka Abu-zubayr oo ku yaal inta u dhaxayso Jilib iyo Bu’aale tababar socday Sadax bilood waxaana lagu baray isticmaalka hubka noocyadiisa kala duwan, ka dib tabarkiisii isaga iyo kooxdii tababarka la qaatay waxaa loo daabulay gobalka Galgaduud gaar ahaan Wabxo iyo Ceelbuur.

Waxa u qeyb ka ahaa 2 jid gal oo lagu sameeyay Ciidanka Ethopia inta udhaxeesa Wabxo iyo Ceelbuur, Waxbo iyo Maxaas.

Sanadii 2018 ayaa loo soo wareejiyay qeybta Basaasida Muqdisha isgoo gabaad ka dhigtay guri uu abtigiis leeyahay kuna yaal Xaafada Saybiyaano degmada Hodan, waxa uuna ka shaqa bilaabay Baqaar lagu iibiyo Mooska oo kuyaaal suuqa Bakaaraha si uu gabaad uga dhigto.

Waxa u jaajuusay Askar iyo dad shacab ahaa oo qaraabo ahaayeen isaga oo xogtooda u gudbiyay horjoogihisii oo joogay Jubada dhexe.

Ciidanka Qarsoon ee NISA ayaa ka soo qabtay Maxamed Beerta Nabadda ee degmada Xamar Jajab Sadax iyo labaatankii bishii November sandii 2023.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada ayaa Codsaday Qaadista kiiskan Sadax iyo Tobankii bishii January.

Garsoorka Maxakamda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwada ayaa ugu danbayn maanta ku xukuntay Maxamed Cabdullahi Xaaji Cali (Jawaari) 10 sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxakamadda Darajada koowaad ee Ciidamada.

Madaxweyne Laftagareen oo kulan la qaatay Wakiilka Cusub ee UNSOM ee Deeganada Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen,ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wakiilka Cusub ee UNSOM Deeganada Koonfur Galbeed Dr Mangnus Bjarnason iyo Wafdi uu hoggaaminayo

Madaxweyne Laftagareen iyo Wakiilka Cusub ayaa ka wada hadlay Xoojinta Wadashaqaynta UNSOM iyo Dowladda Koonfur Galbeed, Taageerida Mashaariicda Hormarineed, Amniga, Siyaasada iyo Arimaha Biniadanimada.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Ku-Simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlaamnka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed nuur Maxamed Macalin iyo La Taliye Sare Cabduqaadir Yaanyuurow.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Sheegay in Nidaamka Wadomarista uu qeyb weyn ka qaadanayo Badqabka Bulshada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasada Gobolka Banaadir ayaa kormeeray qaar ka mid ah Wadooyinka Caasimadda Muqdisho oo loo diyaarinaayo nidaamka wadomarista wadooyinka.

Taliyaha Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka Jeneraal Bishaar Axmed Geedi ayaa mas’uuliyiinta ugu warbixiyay qorshaha hirgelinta xeerka Nidaamka Wadomarista Magaalada Muqdisho oo meel wanaagsan maraya, asigoona sheegay in ay jiri doonto dhaqan gelinta xeerka iyo isla xisaabtan ku aadan ku xad-gudubta Nidaamka Wadomarista.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Qorshaha Nidaamka Wadomarista uu qeyb weyn ka qaadanaayo Badqabka Bulshada, yarenta saxmada wadooyinka iyo bilicda Caasimadda, asigoona ka digay in lagu xad-gudbo goobaha ka dhaxeeya Bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Madaxweynaha Bangiga Adduunka

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa la kulmay Ku-xigeenka Madaxweynaha Bangiga Adduunka ee u qaabilsan Horumarinta Karaanka Aadanaha, Marwo Mamta Murithi oo maanta dalka soo gaartay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorsheyaasha Istaraatiijiyadeed iyo kuwa hortabinta u leh Soomaaliya ee horumarinta karaanka bulshada iyo sidii Bangiga Adduunku u sii wadi lahaa, loona ballaarin lahaa taageerada uu Soomaaliya ka siiyo xagga horumarinta awoodda waxqabad ee bulshada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa la wadaagay wafdiga Bangiga Adduunka muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado horumarinta xirfadda iyo aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Dhankeeda Ku-xigeenka Madaxweynaha Bangiga Adduunka ayaa ugu hambalyeysay Xukuumadda #DanQaran guulaha waawayn ee ay gaartay muddadii ay jirtay, gaar ahaan dhammaystirka hannaanka dayn cafinta dalka oo guul ku soo idlaaday dhammaadkii sanadkii tagay, Iyada oo sheegtay in ay xoojin doonaan taageerada dhinacyada kala duwan iyo wada shaqaynta ay la leeyihiin Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda.

Guddoomiyaha ururuka Culimada Muslimiinta oo booqasho ku yimid Muqdisho

Gudoomiyaha  ururuka Culimada Muslimiinta, Sheekh Cali Muxyidiin Al-Qaradaaghi, ayaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho, waxa uuna kulummo la qaadanayaa, masuuliyiinta iyo Culimaa’udiinka.

Sheekh Cali Muxuyidiin Al-Qara Dhaagi ayaa lagu wadaa in uu bixiyo dood  cilmiyeed ku saabsan fiqiga: macaamilka maaliyadeed ee casriga ah, waxaana soo qabanqaabisay xarunta cilmi baarista iyo daraasaadka ee Maqaasid Soomaaliyeed.

Sheekh Cali Muxyidiin Al-Qaradaghi ayaa bishii Janaayo ee sanadkan cusub ee 2024-ka loo doortay guddoomiyaha ururka culimada muslimiinta , iyadoo cod aqlabiyad ah lagu doortay kalfadhigii lixaad ee ka dhacay caasimadda Qatar ee Dooxa.

Sheekhu wuxuu booqday Muqdisho 2023.

Sheekh Cali Muxyidiin Al-qara Dhaghi waxa uu ku dhashay degmada Qara-dag ee gobolka Sulaymaaniya ee gobolka Kurdistaan ​​ee dalka Ciraaq, waxa uu shahaado jaamacadeed ku qaatay magaalada Baqdaad sanadkii 1975-kii.

Sidoo kale waxa uu shahaadada labaad ee Master-ka ka qaatay kuliyadda Shareecada iyo Qaanuunka ee Jaamacadda Al-Azhar sannadkii 1980-kii, waxa uu sidoo kale 1985-kii ka qaatay shahaadada PHD ee Shareecada iyo Qaanuunka ee dhinaca qandaraasyada iyo macaamilka dhaqaalaha Jaamacadda Al-Azhar 1985-kii.

Dr. Ali Al-Qaradaghi waxa uu ahaa Xoghaye Guud ee Ururka Midowga ilaa 2010. Waxa uu sidoo kale ahaa Guddoomiyaha Golaha Sare ee La-talinta  Isku-soo-dhowaynta Qaybaha Ururka Iskaashiga Islaamka.

Ra’isul Wasaare Kuxigeenka XFS oo daah-furay Shir u dhaxeyo Xukuumadda Federaalka iyo Saaxibada Caalamiga ah

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay kulanka siyaasadda loo dhanyahay ee u dhaxeeya Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Saaxibbada Caalamiga ah ee Soomaaliya.

Shirka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo dardar-gelin lahaa, loogana miro dhalin lahaa qorshaha Xukuumadda #DanQaran ee siyaasadda loo dhan yahay.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa madasha la wadaagay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay geeddi-socodka dowlad dhiska dalka, caqabadaha jira iyo qorshaha dowladda ee sanadkan 2024. Isaga oo soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado taageerada horumarinta ee saaxiibbada caalamiga ah ay  siiyaan Soomaaliya.

Ra’isul Wasaare Kuxigeenka XFS oo daah-furay Shir u dhaxeyo Xukuumadda Faderaalka iyo Saaxibada Caalamka

Ra’isul Wasaare Kuxigeenka XFS mudane Saalax Axmed Jamac,ayaa maanta daahfuray kulanka siyaasadda loo dhanyahay ee u dhaxeeya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Saaxibada Caalamiga  ee Soomaaliya ka taageera dhinaca Dowlad dhiska.

Shirka waxaa ka qeybgalay wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka mudane Xasan Macallin iyo xubno ka socda beesha Caalamka.

Shirkan oo socon doono mudda laba cisha ah ayaa lagu wadaa in looga arrimo ay ka mid yihiin geedi socodka dowlad dhiska, caqabadaha iyo hiigsiga 2024-ka iyo kuwo kale iyadoo  hadalo ay ka jeedin doonaan masuuliyiin uu kamid yahay wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Fiqi.