Waiirka Arrimaha Gudaha XFS oo khudbad ka jeediyay Shirka Xukuumadda Federaalka Saxiibad Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa khudbad uu kajeediyay shirka Xukuumadda Federaalka ah iyo Saxiibada Soomaaliya oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac

Shirka ayaa looga hadlayay Siyaasadda loo dhanyahay, geedi socodka, caqabadaha iyo hiigsiga 2024-ka waxaa uu dul istaagay wasiirka arrimo ay ka mid yihiin sooyaalka qaran dhiska, caqabaha, fursadaha iyo ahmiyadda iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Ugu horreyn, Mudane Ahmed Moallim Fiqi waxaa uu khudbaddiisa uga hadlay caqabadaha uu dalkani ka gudbay tan iyo 1991-kii kuwaas oo dib u dhigi lahaa qaran dhiska, arrimahaas oo looga guulaystay biseyl siyaasadeed, adkeysiga umadda Soomaaliyeed iyo garab istaagga saxiibada Soomaaliya.

“Ujeedka fadhigeenna kuma koobna in laga doodo Siyaasada loo dhanyahay, balse waa dadaallo wadajir ah oo lagu qaabeynayo helidda Soomaali horumarnsan, adkeysi leh, oo iskuna filan” isaga oo Intaasi raaciyey ahmiyadda in siyaasadda la toosiyo si aan loo gelin khatar dowladnimo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Ahmed Moallim Fiqi waxaa kale uu ka hadlay howlgallada dowladda Soomaaliya ee dalka looga xorreynayo Shabaab, taas oo sida uu sheegay keentay in gacanta lagu dhigo 800 oo KM, lagana hirgeliyay xasillin iyo adeegyo kala duwan, iyada oo guulo badan laga gaaray, dib loo howlgeliyay adeegyo sida Iskuullo, isbitaallo, leyrar, biyo, garsoo iyo qaar kale oo ay adkeyd in ay dadku helaan xiliigii ay ku hoos jireen Argigixisada.

Dhanka kale, Mudane Ahmed Moallim Fiqi waxaa soo hadal qaaday Heshiiskii madasha ee Golaha Wadatashiga Qaran (NCC) oo ilaa 5 gaarayay oo ahaa baahinta fedelaaleynta sida qeybsiga awoodaha, doorashooyinka oo waqtiyeysan iyo guud ahaan qaab dhismeedka Federaalka ah oo fursad u noqon karta dowlad dhiska.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya waxaa uu dul istaagay Hannnaanka Dhab u heshiisin qaran oo hannaan mideysan oo Dib u heshiisiin, isaga oo bogaadiyay dowlad goboleedyada ay ka socdaan howlaha dhab u heshiisiinta. Waxaa kale oo uu soo qaatay in Wasaaraddu ay hirgelisay Nidaamka hagidda iyo khariideynta khilaafyada oo sahlaya kahortag iyo yareynta colaadaha iyo kobcinta dhaqanka nabadda iyo wada noolaashiyaha

Arrimaha uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi uga Hadlay khudbadiisa waxaa ka mid ah;  Hannaanka Aqoonsiga Qaran iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo fursaha looga baxayo garan waaga, Laguna helayo xuquuqaad dastuuri ah iyo sida uu uga qeyb qaadanayo xasillinta.

Ugu dambeyntii, mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya si loo joogteeyo horumarada laga gaaray dowlad dhiska, waxaa uu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo taagerada beesha caalamka ee qorshayaasha xukuumadda ee 2024-ka.

Dood ku saabsaneeyd Tartankii Ciyaaraha dowlad goboleedyada & Gobolka Banaadir oo lagu qabtay Muqdisho

Waxaa xalay xarunta Wasaaradda Warfaafunta lagu qabtay kulan dood ah oo looga hadlayay sidii uu u qabsoomay Ciyaarihii kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Kulanka waxaa ka qeybgalay masuuliyiin katirsan dowladda iyo bulshada qeybaheeda kala,kuwaa oo is dhaafsaday doodo la xiriiray hormarada iyo caqabadihii jiray inta uu tartanku socday.

Guddoomiyaha xiriirka kubadda Cagta Cali Shiino ayaa dhankiisa sheegay in tartanka uu si nabad ah kusoo dhammaaday, taasoo uu sheegay in ay suurta galisay wadashaqeynta ka dhaxeysay xiriirka iyo wasaaradda ciyaaraha.

“Haddii aysan wadashaqeyn xiriirka iyo Wasaaradda tartanku nabad kuma soo dhamaadeen ayuu yiri”.Cali Shiine oo ah Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta soomaaliyeed.

Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu ay dadaal badan ku bixisay sidii ay si nabad ah ugu qabsoomi lahayd Ciyaarta,waxii Caqabad jirana la saxi doono tartamada xiga.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane, Cabdullaahi Xayir Ducaale, oo ka qeybgalay dooda ayaa yiri “Wariyaasha ciyaaraha tabiya waa loo tababaraa, waxaan jecelnahay in aan tababar siino wariyaasha ciyaaraha”.

Sidoo kale waxaa dooda goobjoog ahaa qaar kamid ah guddoomiyayaasha Degmooyinka gobolka Banaadir oo ka hadlay dhankooda caqabadihii jiray intii uu tartanka socday iyo xalkooda.

Duqa Muqdisho oo kulan Casha Sharaf u sameeyay Culuma’udiin Soomaaliyeed oo ka yimid waddamada Bariga Afrika

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan Casho sharaf ah Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ugu sameeyay Culuma’udiin Soomaaliyeed oo isaga kala yimid wadamada Bariga Afrika, kuwaasi oo bulshada gaarsiiya Faafinta Diinta Islaamka.

Culumadan oo Magaalada Muqdisho u yimid in ay bulshada ugu nasteexeeyaan Diinta Islaamka ayaa waxaa hoggaaminaayay Sheekh Xuseen Cali Sugaal (Sheekh Xuseen Jabuutaawi) iyo Sheekh Cabdiraxmaan Macalin Jigjiga. Iyagoona munaasabadda ka jeediyay khudbado isugu jirtay mahadcelin iyo guubaabo.

Munaasabada waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada, Xoghayaha Guud, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Agaasimeyaal, Haweenka iyo marti sharaf kale.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Ganaraal Sulub Axmed Firin ayaa ku amaanay Culuma-udiinka Soomaaliyeed sida ay had iyo jeer ummada ugu nasteexeeyan Dacwada Diinta Islaamka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi oo ka qeybgalay casha sharafata ayaa sheegay in Culumada Soomaaliyeed ay tiir adag u yihiin bulshada iyo faafinta Diinta Islaamka.

 

  

Madaxweynaha Galmudug oo guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir guddoomiyay kulanka Golaha wasiirrada oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Dowladda mudnae Cali Daahir Ciid.

Ugu horreyn golaha ayaa wasiirka amniga ka dhageystay warbixin la xariirta guud ahaan xaaladda guud ee amniga Galmudug.

Intaas kaddib Golaha Wasiirrada Dowladda Galmudug ayaa aad uga dooday mashaariicda socota iyo kuwa hortabinta iyo mudnaanta u leh bulshada Reer Galmudug.

Ugu dambeyn madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa golaha kula dardaarmay dardargelinta qorshaha Dowladda.

Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka sare oo kulan la qaatay Wasiirka xanaannada Xoolaha

Guddiga Khayraadka Qaranka, kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare, ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray wasiirka wasaaradda xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eeley).

Xubnaha Guddiga oo gudnaya waajibaadka ka saran korjoogtaynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda, ayaa Wasiirka si gaar ah wax uga waydiiyay shuruucda xannanada Xoolaha iyo kobcintooda, maaraynta mashaariicda caalamiga ah iyo sida looga faa’iideeyo dowlad Goboleedyada, hannaanka ka faa’iideysiga xoolaha nool, qorshaha Wasaaradda ee reer guuraaga xoolohooda ku waayay fatahaadihii dalka ka dhacay iyo su’aalo kale oo muhiim ahaa.

Wasiir Xasan Xuseen Maxamed (Eeley) ayaa mid mid uga jawaabay dhammaan su’aalihii ay waydiiyeen xubnaha Guddiga, waxaana lagu ballamay wadashaqayn dheeraad ah iyo isla xisaabtan iyada oo lagudanayo waajibaadka Qaranka.

Guddomiyaha Gobolka Banaadir oo Villa Hargeysa kulan kula qaatay Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha BJFS

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan kula qaatay xarunta Villa Hargeysa, Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho ayaa ugu horeyn Guddiga warbixin dhameystiran ka siiyay Xaalada Magaalada Muqdisho iyo howlaha shaqo ee Maamulka Gobolka Banaadir, waxa uuna sidoo kale kala hadlay Qorshaha dhameystirka Dastuurka dalka oo xuquuqda matalaad ay ugu maqan tahay shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu baaqay dhameystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo muhiim u ah jiritaanka Dowladnimada Soomaaliya.

Wasiir Xagaa “Waxaan cod dheer ku leenahay ma oggolin qaadashada Baddeenna,waxaana u hureynaa nafteena iyo maalkeena difaaca dhulkayaga”

Wasiiru dowlaha wasaaradda Amniga gudaha XFS mudane Maxamed Cali Xagaa oo ka qeybgalayay kulan looga soo horjeeday damac gurracan dowaldda Itoobiya ee baddeenna Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda soomaliya aysan marnaba aqbali karin qaadashada iyo ku xadgubka qaranimad iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed,naftana loo horayo difaaca dalka.

“waxaan cod dheer ku leenahay ma ogolin qaadashada Baddeenna , waxaana u hureynaa nafteenna iyo maalkeenna difaaca dhulkayaga”Wasiir Xagaa

Wasiira xagaa ayaa dhammaan ummadda soomaaliyeed meel walba oo ay jogaan gaar ahaan shacabka ku nool gobolada waqooyi ugu baaqay in ay u midoobaan difaaca dalka,oo xadgudub qaawan ay ku soo sameeysay dowladda Itoobiya.

Wasiiru dowlaha Amniga gudaha Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa Maamulka waqtigiisu dhamaaday ee Muusa Biixi anan marnaba laga ogolaan doonin in uu bixiyo taako kamid ah dhulka,layskana cilin doono haddii Itoobiya isku daydo in ay u soo dhaqaado Badda Soomaaliyeed.

Tan iyo markii horantii bishii koowaad ee sanadkan Itoobiya ay kuwada saxiideen heshiis benaad Ra’iisul wasaaraha Itoobiyo Iyo Muusa Biixi waxa gudaha dalka iyo dibadda inta ka dhacay dibad-baxyo waweyn oo looga soo horjeeday damac gurrac Itoobiya ee Biyaha Soomaaliya

Kulan looga soo horjeeday damaca gurracan ee Itoobiya ee Badda Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Waxaa Magaalada Muqdisho maanta lagu qabtay kulan ballaaran oo looga soo horjeeday damaca gurracan Itoobiya ee badda Soomaaliya.

Kulan oo ay soo qaban qaabiyeen siyaasiinta iyo bulshada gobolka Awdal ayaa waxa ay ka dhiidhiyeen damaca itoobiya iyo xadgudubka ay ku sameysay qarnimada iyo madaxbannaanida ummadda Soomaaliyed.

Waxaa ka qeybgal kulanka xildhibaano katirsan  labada gole ee BJF,wasiirro iyo bulshada kasoo jeeda gobolka Awdal kuwaa oo sheegay in dowladda ay ku garab taaganyihiin go’aanka ay ka qaadatay damaca liita ee dowladda Itoobiya.

Suldaan Diire oo waxgaradkii goobta ka hadlay kamid ahaa ayaa sheegay in Soomaalida meel walba oo ay joogta looga.baahanyaha y in ay u istagaan difaaca dalka.

“Inaan dirirno mooyee dawo kale ma heynee dabka qaata oo kaca xeebahana difaaca ”Suldaan Diiriye

Sanator Bilaal Ismaaciil Cabdullaahi oo kamid ah sanatarada kasoo jeeda gobolka Awdal ayaa yiri“Reer Awdal maanta waxa ay muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan Damaca Ethiopia”

Xildhibaan Maxamed Xuseen Haadi “ogolaan meyno innagoo Muslimiin ah inaan baddeenna ka iibino Gaalo”

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Dr Maxamed Xasan oo ku hadlayay afka guddiga qabaan qaabada kulan difaaca Badda Soomaaiya ayaa sheegay sida shacabka rer Awdal aysan marnaba raali uga ahayn in la qaato badda Soomaaliyeed.

“Haddii aan nahay shacabka reer Awdal marnaba raalli kama noqoneyno in baddeenna iyo dhulkeennu gacmaha ka baxaan”sidaa waxa yiri Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Soomaaliya

Wasiir Xagaa oo isna hadlay ayaa yir “waxaan cod dheer ku leenahay ma ogolin qaadashada Baddeenna , waxaana u hureynaa nafteenna iyo maalkeenna difaaca dhulkayaga”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Madaxweynaha Namibia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka iyo dowladda Namibia uga tacsiyeeyay geerida H.E. Dr. Hage G. Geingob, Madaxweynihii Jamhuuriyadda Namibia.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa shacabka iyo dowladda Namibia ee uu ka geeriyooday H.E. Dr. Hage G. Geingob, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Namibia.

Dr. Hage G. Geingob waxa uu ahaa hoggaamiye caan ah oo naftiisa u huray u adeegida dadkiisa, isla markaana ahaa cod laga ixtiraamo qaaradda Afrika.

“Inta lagu jiro wakhtigan adag, waxaan garab istaagnaa qoyskiisa iyo dadka Namibia sida ay u murugaysan yihiin geeridii hoggaamiye weyn”sidaa ayuu yiri Madxweyne Xasan Sheek

Maxkamadda Racfaanka oo mar kale dhageysaneysa dacwad la xariirta musuq-maasuq

Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta markale u fariisatay dhageysiga dacwad loo heysto sarakiil katirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo la xariirta Musuq maasuq.

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Saciid Cali Maxamed ayaa sheegay in dib loo dhigay su’aalo weydiinta eedeysane Cabdullaahi Cosoble oo xaalad cafimaad darteed u taagnaan waayay xilliga Su’aalo weydiinta kana mid ah edeysanayaasha.

Sidoo kale qareennada u doodayo Eedaysanyasha ay soo bandhigo qoraalo ay ku difaacayaan Muwakiliintooda oo ay shegeen in aysan galin dambiyada lagu soo Eedeeyay.

Qareen Cabduqaadir Maxamed oo ah qareenka Eedeysane Cumar ayaa ka hadlay eedaha dambi ee loo heysto muwakilkiisa.

Avv Maxamed Xasan oo qareen u ah eedeysane Cabdullaahi Cosoble ayaa ka hadlay difaaca eedaha loo soo jeediyay.