Argagixisada oo meelo kala duwan laga Ugaarsanayo (WARBIXIN)

Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa magalaada Muqdisho ku qabtay horjooge Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud (Muxiyadiin Daqare) oo ka tirsanaa Khawaarijta, haddana ka mid ahaa Gacanyarayaasha Horjooge Axmed Diiriye. Horjoogahaan oo si wayn loogu raadjoogay ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho xili uu si dhuumaalaysi ah ku soo galay, iyada oo markii dambe ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA.

Qoraal ay Barteeda X ku leedahay ayay Hey’adda Sirdoonka Soomaaliya ku shaacisay inay howlgal ay ka fuliyeen magaalada Mogadishu ku soo qabteen Horjooge Muxyadiin Daqare, isagoo ka mid ahaa Horjoogayaasha Kooxda kuwaada ugu firfircoona. Horjogahaan ayaa laga qabtay magaalada Mogadishu oo muddo ku dhuumaaleysanaayay, wuxuuna ka qeyb qaatay Shirqiiladii lagu dilay Taliyihii Qeybta 21-aad ee Xooga Dalka Soomaaliya sida ay qabaan ‘Saraakiisha qaar ka mid ah’, wuxuuna ka soo howlgalay Gobolada Mudug, Galguduud, Bay iyo Gobolka Shabeelada hoose, wuxuuna ka mid ahaa Kaaliyayaasha Horjoogaha guud ee Kooxda Argagixisada Shababka Axmed Diiriye, iyadoo Horjooge Muxidiin Dhangad (Daqare) oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab, Deegaan ahaana kasoo jeeda Koonfurta Gobolka Mudug, kaasi oo muddooyinkii dambe ku Dhumalesanayay deegaanno ka tirsan Jubbooyinka.

Sida warar hor dhac ah ee ay heshay Wakaaladda SONNA ayaa sheegaya in Horjooge Daqare laga qabtay Guriga Aabihiis oo degan Xamar, Xilli uu Booqasho Dhuumaleysi ah halkaasi ugu tegay, waxana la tilmaamayaa in Horjooge Daqare uu kooxda Al-Sabaabka uga biiray Degmada Xarardhere ee Gobolka Mudug, wuxuuna sanadihii dambe u wareegey Gobolada Jubboyinka ee Argagixisadu ku dhumalesanayaan.

Wararka naga soo garaya Degmada Ceeldheer ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay  howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka fuliyay deegaano dhaca bariga gobolka Galgaduud., kaasi oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidamadu ka sameyeen deegaanada kala ah Bacadka Digireed, Joqofoow, Dahar Faqay, Cali Yabaal, Isgooska Xeydoow, Galka Dhaaleey, Xaaji dhagax, iyo Maraayga Sodonka oo dhammaantood ka tirsan Degmada Ceeldheer, halkaasi oo khasaaro lagu gaarsiiyay khawaarijta.

Sarreeye Gaas Cali Caraaye Cosoble Gacma Dulle oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, islamarakaana ka mid ahaa Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in sidii loogu talagalay uu u dhacay howlgalka, jab xoogganna lagu gaarsiiyay khawaarijta, iyadoo la soo warinayo in Howlgalada intii ay socdeen lagu burburiyay fariisimo Khawaarijta ay ku lahaayen deegaanadaasi, sidoo kalena Ciidamada ayaa soo furtay Agabyo Milatari oo ay Khawaarijta isaga carareen.

Wararka laga helayo NISA ayaa waxaa kaloo tibaaxayaa in howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomkaaliyeed, Hey’ada Nabad Sugida iyo Saaxiibada caalamka ayaa ka dhacay deegaannada kala ah Jacar iyo Garab la’ oo ka tirsan gobalka Galgaduud, iyadoo Howlgalka koowaad lagu burburiyey Xarun keyd hub u aheyd Khawaarijta, halka midka labaadna lagu beegsaday Garaash cadowga ay u yaaleen Gaadiid tiro badan.

Dhinaca kale Hey’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaacisay inay 20-Website oo Kooxda Argagixisada leedahay ay xireen, iyadoo Mareegtooyinkaan ay ahaayeen kuwa ay kooxdu ku faafin jirtay Afkaartooda iyo Howlgaladooda, waxaana shaki ku jirin in ay fududayay in Accountiyada Baraha bulshada (Facebook, Tweeter, Tiktok iyo kuwa kale) la xiro, iyadoo toos loo la xiriiraayo Shirkadaha iska leh lana sababeynaayo dhibaatada ay Bulshada ku hayaan, isla markaana waafaqa xeerarka caalamiga ah iyo kuwa dalalka laga leeyahay.

“Si la mid ah, shirkadaha keydiya xogta Mareegaha internet-ka ayaa iyaguna leh sharciyo ay kaga hor tagaan Akoonada ay ku qancaan inay yihiin kuwa Argagixiso ama cid kale oo mudan in laga xiro, sidaasi darteed Dowladdu shirkadahaasi ayay soo ogaataa kadibna xiriir la samaysaa, Balse waxaas oo dhan waxaa ka muhiimsan in lacagaha khidmada ee mareegaha loo adeegsado kaarar Bangi, taasoo la sheegay inay noqon karto si dhib oo looga hortago mareegyadaasi”, ayuu yiri Ciise Xasan oo ah Falanqeeye arrimaha Amniga, kaasi oo degan Magaalada Helsinki ee Dalka Finland .

“Dawladaha Horumaray waxay leeyihiin hal meel oo laga xakameeyo guud ahaan Internet-ka taasoo u fududeynaysa in laga war hayo tilaabana laga qaado Bogagga iyo Mareegaha noocaas oo kale ah, hase yeeshee waxaasi shaki laga muujiyay in Dowladda Federaalka ay haysato nidaamka noocaas ah ee horumarsan”, ayuu sii raaciyay Falanqeeye Ciise Xasan.

Wararka naga soo gaaraya Dalka Kenya ayaa sheegaya in 3-Eedeysane lagu eedeeyay inay Dalka Konfur Afrika ka keeneen Diyaarad aan duuliye laheyn, si ay uga iibiyaan ama u adeegsato Kooxda Argagixisada ah ee  Shabaabka, iyadoo Maxkamada Kahawa amartay in la horkeeno 6-da bisha March, iyadoo Eedeysanayaasha oo magac-yadoodu lagu kala sheegay Shuceyb Rashiid Xaaji, Deeqow Sheekh C/raxmaan iyo John Kibe Kahiga ayaa Xoogaga Amaanka ee la dagaalanka Argagaxisada (ATPU) ay fashiliyeen 27-kii bishii October ee sanadkii hore, markaasoo laga soo qabtay meel aan la shaacin oo gudaha Dalka ah, waxaana la horkeenay Maxkamada la dagaalanka Argagixisada oo ay dambi-baarayaal ka doonayeen Muddo ku heyn Xabsi oo dhan 3-Maalmood ah, si kiiska loo baaro Kiiskooda.

Eedeesanayaasha Shuceyb iyo Deeqow ayaa midkiiba loo haystaa 3-Dembi oo kala ah inay maleegayeen weerar Argagixisanimo, bixinta hantida, Adeegyada fulinta fal Argagixisanimo iyo inay taageero u raadiyaan fulinta fal Argagixiso oo lidi ku ah sharciga ka hortagga Argagixisada halka Kibe uu yahay oo wajahaya laba Eedeymo oo ah inay ku shirqooleen dad kale oo ka baxsan Jamhuuriyadda Kenya, si ay u helaan badeecooyin xaddidan oo kala ah diyaarad aan duuliye laheyn oo laga leeyahay Jamhuuriyadda Koonfur Afrika ujeeddooyin ay ka mid yihiin fal Argagixiso iyo dejinta badeecado aan xaddidnayn ka dib marka la keeno.

Sida xogta lagu helay Eedeysan Deeqow, oo ka tirsan Shaqaalaha ASCC Logistics ee Nairobi iyo Kibe, oo ah Wakiilka soo gudbinta iyo soo gudbinta ee fadhigiisu yahay Lungalunga ayaa la sheegay inay ka caawiyeen Shuceyb, oo deggan xerada qaxootiga ee Hargadera si uu u nadiifiyo shixnadda la gudbiyo kooxda Shabaabka marka ay dalka soo galaan.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa  Magaalada Riyaad ee Boqortooyada Saudi Carabiya kaga qeybgaley Meertada labaad ee Wasiirdda Difaaca Wadamada  ku bahoobey Isbaheysiga Militeriga La-dagaalanka Argagaxisada ee wadamada Islaamka (IMCTC), isagoo kaga warbixiyey guulaha Shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed ay ka gaareen la dagaalanka iyo Ciribtirka kooxda Khawaarijta Argagixisida ah, wuxuuna islamarkaana shirka kula wadaagey khatarta ay u leedahay geeska Afrika iyo Badda-cas xad gudubka Dowlada Itoobiya ay ku baal martay dhammaan Shuruucda Caalamiga iyo kan Gobolka, islamarkaana ugu xadgudubtay Madaxbanaanida iyo bed-qabka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

By. C/lahi Ruush

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo daah-furay kulan wadatashiga,Naqashadaynta iyo dib-u-eegista Hannaanka Qaran ee Wadajir

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta Muqdisho ku daahfuray kulan ay Wasaaraddu qabatay oo ah Wadatashiga iyo Naqashadaynta iyo dib-u-eegista Hannaanka Qaran ee Wadajir.

Khudbaddiisa waxaa uu mudane Ahmed Moallim Fiqi ku faahfaahiyay hannaanka qaran ee Wadajir gaar ahaan dib u eegista isaga oo yiri “Geedi socodyadyada lagu yegleelaayay goleyaasha deegaanka waxay daboolka ka qaadeen caqabado iyo daldaloolo muhiim ka dhigaya in dib u eegis lagu sameeyo hannaanka wadajir iyada oo laga jawaabaayo dalabka muwaadiniinta ee ku aadan maamul shaqeynaya, daahfun, xilkas ah, bixiyana addeeg bulsho, isla markaana xaqiijiya ka qeyb galka dadweynaha, waxaa la dejiyay sharciyada, siyaasada  iyo mashaariicda awood siinta dowladaha hoose. Sidaas oo ay tahay  hadana waxaa soo baxay caqabado intii lagu jiray unkidda goleyaasha deegaanada tasoo muhiim ka dhigtay, dib u eegista lagu saxaya arimahaas iyada oo la dabaqayo casharadii laga bartay  caqabadaha lagu ogaaday intii lagu jiray taabo gelinta Wadajir. Su’aalaha addag ee kulankan ka jawaabaayo waxaa ka mid ah:

“Lix sanno ka dib xageen joognaa? Ma gaarnay Yoolka Hannaanka Qaran ee Wadajir oo ahaa dhisidda goleyaal iyo maamulo deegaan oo la doortay,  loo dhan ayahy, shaqaynaya isla markaana joogto ah taasoo lahaanshaheeda iyo maamulkeeduba leeyihiin muwaadiniintooda deegaanka, Maxaa shaqeeyay, Maxaan shaqayn iyo sababta? Maxaa Maqan oo loo baahan yahay in lagu daro?” Ayuu intaa raaciyay.

Dhanka kale, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya waxaa uu ka hadlay ujeedka kulankan iyo waxa laga filan karo labada maalin ee uu socdo “Ujeedka kullankan waa Dadaal wadareedkeed ku saaleysan sidii laysigu keeni lahaa aragtiyo, waaya aragnimo iyo khibrado kala duwan si loo helo hal abuur iyo  xal waara oo waxtar leh. Dadaal wadareedkeena dib u jaleecida Hannaanka Qaran ee Wadajir, wuxuu udub dhexaad u yahay fududeynta dowlad iyo bulsho dhiska dalka gaar ahaan abuuritaanka hannaanka goleyaashe deegaananda. Sidaas darteed, Labada maalmood ee soo socda waxaan waxaan si wadajir ah u qiimeyn doonaa guuliyihii, horumarki, caqabadihii iyo casharadii sax iyo qalad laga bartay hergelinta Wadair ee lixdii sano oo la soo dhaafay. Waxa ka soo baxa kulankaa waxay qaabeyn doonta jihada iyo siyaasada lagu hagi doona Hannaanka Wadajir, taasoo ku wajahan xal u helida iyo wax ka qabashada baahiyaha heerka bulshada isla markaana waxay wax ka tari doonta geedi socodka iyo horumarinta guud ee  heer qaran. Waxaan ku kalsoonahay inaad wax ku biirintaada doodda wadatashiga iney noo horseedi doonta hannaan ku saleysan istaraatajiyad lagu dhisay xog saxan iyo wadatashi loo dhan yahay”.

Hanaanka Wadajir, waxaa uu ka kooban yahay 1 yool, 5 qeybood oo kala duwan, laakiin isku xiran, ahna qeybo is dhamaystiraya iyo 5 ujeedo, waana hannaan Qaran ka jawaabaya baahida loo qabo dib-u-heshiisiin dhab ah, hergelinta iyo horumarinta mashaariicda bulshada, wada hadalka bulshada, yagleelida goleyaasha  dowladaha hoose iyo soo nooleynta waddaniyadda. Macnaha Wadajir waa “Midnimo” waxaana  loogu talagalay in uu bixiyo nidaam isku xiran kaasoo taageerayo, isla markaana horumarinaya wadashaqayn iyo isku xirnaan xoogan oo ka dhexeysa heerarka kala duwan ee dowladda waxaana  loogu talagalay in uu bixiyo nidaam isku xiran kaasoo taageerayo, isla markaana horumarinaya wadashaqayn iyo isku xirnaan xoogan oo ka dhexeysa heerarka kala duwan ee dowladda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo daah-furay kulan wadatashiga,Naqashadaynta iyo dib-u-eegista Hannaanka Qaran ee Wadajir

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta Muqdisho ku daahfuray kulan ay Wasaaraddu qabatay oo ah Wadatashiga iyo Naqashadaynta iyo dib-u-eegista Hannaanka Qaran ee Wadajir.

Mudane Ahmed Moallim Fiqi, ayaa hadal uu hakaas ka jeediyey waxa uu ku faahfaahiyay hannaanka qaran ee Wadajir gaar ahaan dib u eegista isaga oo yiri “Geedi socodyadyada lagu yegleelaayay goleyaasha deegaanka waxay daboolka ka qaadeen caqabado iyo daldaloolo muhiim ka dhigaya in dib u eegis lagu sameeyo hannaanka wadajir iyada oo laga jawaabaayo dalabka muwaadiniinta ee ku aadan maamul shaqeynaya, daahfuran, xilkas ah, bixiyana addeeg bulsho, isla markaana xaqiijiya ka qeyb galka dadweynaha, waxaa la dejiyay sharciyada, siyaasada  iyo mashaariicda awood siinta dowladaha hoose. Sidaas oo ay tahay  hadana waxaa soo baxay caqabado intii lagu jiray unkidda goleyaasha deegaanada tasoo muhiim ka dhigtay, dib u eegista lagu saxaya arimahaas iyada oo la dabaqayo casharadii laga bartay  caqabadaha lagu ogaaday intii lagu jiray taabo gelinta Wadajir.

Su’aalaha addag ee kulankan ka jawaabaayo waxaa ka mid ah:

“Lix sanno ka dib xageen joognaa? Ma gaarnay Yoolka Hannaanka Qaran ee Wadajir oo ahaa dhisidda goleyaal iyo maamulo deegaan oo la doortay,  loo dhan ayahy, shaqaynaya isla markaana joogto ah taasoo lahaanshaheeda iyo maamulkeeduba leeyihiin muwaadiniintooda deegaanka, Maxaa shaqeeyay, Maxaan shaqayn iyo sababta? Maxaa Maqan oo loo baahan yahay in lagu daro?” Ayuu intaa raaciyay.

Dhanka kale, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya waxaa uu ka hadlay ujeedka kulankan iyo waxa laga filan karo labada maalin ee uu socdo “Ujeedka kullankan waa Dadaal wadareedkeed ku saleysan sidii laysigu keeni lahaa aragtiyo, waaya aragnimo iyo khibrado kala duwan si loo helo hal abuur iyo  xal waara oo waxtar leh. Dadaal wadareedkeena dib u jaleecida Hannaanka Qaran ee Wadajir, wuxuu udub dhexaad u yahay fududeynta dowlad iyo bulsho dhiska dalka gaar ahaan abuuritaanka hannaanka goleyaasha deegaanka. Sidaas darteed, Labada maalmood ee soo socda  waxaan si wadajir ah u qiimeyn doonaa guuliyihii, horumarki, caqabadihii iyo casharadii sax iyo qalad laga bartay hergelinta Wadajir ee lixdii sano oo la soo dhaafay.

Waxa ka soo baxa kulankaa waxay qaabeyn doonta jihada iyo siyaasada lagu hagi doona Hannaanka Wadajir, taasoo ku wajahan xal u helida iyo wax ka qabashada baahiyaha heerka bulshada isla markaana waxay wax ka tari doonta geedi socodka iyo horumarinta guud ee  heer qaran. Waxaan ku kalsoonahay inaad wax ku biirintaada doodda wadatashiga iney noo horseedi doonta hannaan ku saleysan istaraatajiyad lagu dhisay xog saxan iyo wadatashi loo dhan yahay”.

Hanaanka Wadajir, waxaa uu ka kooban yahay 1 yool, 5 qeybood oo kala duwan, laakiin isku xiran, ahna qeybo is dhamaystiraya iyo 5 ujeedo, waana hannaan Qaran oo ka jawaabaya baahida loo qabo dib-u-heshiisiin dhab ah, hergelinta iyo horumarinta mashaariicda bulshada, wada hadalka bulshada, yagleelida goleyaasha  dowladaha hoose iyo soo nooleynta waddaniyadda. Macnaha Wadajir waa “Midnimo” waxaana  loogu talagalay in uu bixiyo nidaam isku xiran kaasoo taageerayo, isla markaana horumarinaya wadashaqayn iyo isku xirnaan xoogan oo ka dhexeysa heerarka kala duwan ee dowladda waxaana  loogu talagalay in uu bixiyo nidaam isku xiran kaasoo taageerayo, isla markaana horumarinaya wadashaqayn iyo isku xirnaan xoogan oo ka dhexeysa heerarka kala duwan ee dowladda.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Riyaad kaga qeybgalay Meertada labaad ee Wasiirdda Difaaca wadamada Islaamka (IMCTC)

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa  Magaalada Riyaad ee Boqortooyada Saudi Carabiya kaga qayb galey Meertada labaad ee Wasiirdda Difaaca Wadamada  ku bahoobey Isbaheysiga Militeriga La-dagaalanka Argagaxisada ee wadamada Islaamka (IMCTC).

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa ka warbixiyey guulaha Shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed ay ka gaareen la dagaalanka iyo Ciribtirka Khawaarijta Argagixisida ah.

Dhanka kale  kale Wasiirka ayaa shirka la wadaagey khatarta ay u leedahay geeska Afrika iyo Badda-cas xad gudubka Dowlada Itoobiya ay ku baal martay dhammaan Shuruucda Caalamiga iyo kan Gobolka islamarkaana ugu xadgudubtay Madaxbanaanida iyo badqabka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

  

 

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhan ah khawaarijta ka sameeyay degaano dhaca Bariga gobolka Galgaduud

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa degaanka ayaa  howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka fuliyay degaano dhaca bariga gobolka Galgaduud.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidamada ka sameyeen deegnada kala ah Bacadka Digireed, Joqofoow, Dahar Faqay, Cali Yabaal, Isgooska Xeydoow, Galka Dhaaleey, Xaaji dhagax, Maraayga Sodonka,halkaa oo khasaaro lagu gaarsiiyay khawaarijta.

Sareeye Gaas Cali Caraaye Cosoble Gacma Dulle, ayaa tilmaamay oo kamid ahaa sarakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in sidii loogu talagalay uu u dhacay howlgalka jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta

Howlgalada intii ay socdeen ayaa lagu burburiyay fariisimo Khawaarijta ay ku lahaayen deegaanadaasi sidoo kale Ciidmada ayaa soo furtay Agabyo milatari oo ay Khawaarijta isaga Carareen.

Guddoomiye Aadan Madoobe ahna ku simaha Madaxweynaha oo kulan la yeeshay Taliyeyaasha CQS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Taliyeyaasha ciidamada Qalabka-Sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa ugu horeyn warbixin ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka-sida oo guulo waaweyn ka soo hooyay la dagaalanka Khawaarijta iyo sugida amniga guud ee dalka, waxaana kulanka diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha amniga guud ee dalka iyo ka hortaga dhagarta Khawaariijta.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee bulshada dhexdeeda ka soo cusboonaaaday, iyadoo Taliyaha Boolisku ka warbixiyay kiisas dil ah oo maalmihii u dambeeyay ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Qoryooleey.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa talisyadda ciidamada Qalabka-sida gaar ahaan taliska Booliiska Soomaaliyeed ku amray in arxan laawayaashii geystay falalkaan ka baxsan diinta Islaamka, dhaqanka Soomaaliyeed iyo bini’aadanimadda lasoo qabto goob walba oo ay ku sugan yihiin, isla-markaana la horkeeno cadaaladda.

Xubin ka tirsan Khawaarijta oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda

Maxamed Nuur Aadan oo 6-dii Sano ee la soo dhaafay kamid ahaa Khawaarijta ayaa maanta isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga, gaar ahaan guutada 14-ka October.

Maxamed ayaa 2017-ka waxa uu Khawaarijta kaga biiray degmada Buur-hakaba ee gobolka  Baay, isaga oo intaas ka dib noqday Dareewal iyo Farsamayaqaan Cilad bixiya gaadiidka ay Argagixisada isticmaalaan.

Sidoo kale Maxamed Nuur ayaa Intii uu ka tirsanaa Khawaarijta wuxuu ka soo shaqeeyay gobollada Jubooyinka, Hiiraan, Baay iyo Shabeellaha Hoose, sida uu sheegay inuu soo gaba-gabeeyo Safarkiisa Argagixisanimo ayaa ku kaliftay Nolosha adag ee ay Xiligan wajaheyso Khawaarijta iyo Cadaadiska ay Cir iyo dhul ka saareen geesiyaasha Qarankeenna.

Isasa soo dhiibista Maxamed Nuur Aadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay gobollada dalka ka wadaan dagaal ka dhan ah Khawaarijta kaas uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday dhacdadii dhawaan ka dhacday Muqdisho

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa maanta shirguddoomiyey Kalfadhiga 4aad kulankiisa 14aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS

Kulanka maanta ee Golaha  ayaa ajandihiisu waxa uu ahaa Akhrinta 1aad ee Hindise -Sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa Mudanayaasha Golaha Shacabka ka hor akhrisay Hindise -Sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga Ah si waafaqsan Qodobka 84aad (4) ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.

Xildhibaanada ayaa aragtidooda ka dhiibtay mabda’ guud iyo ujeedada Hindise-Sharciyeedka, iyaga oo Su’aalo ka weydiiyay wasiirka Hindise -Sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa faray Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” in uu ku wareejiyo Guddiga Kushaqada lah si ay Akhrinta 2aad ay ku soo biiriyaan talo soo jeedinta iyo turxaan bixinta Mudanayaasha Golaha Shacabka BJFS.

Intaasi kadib Guddoomiye Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa tacsi tiiraanyo lah udiray Dhamaan Shacabka Soomaliyeed gaar ahaan ehelka ay kabaxday Allah unaxariistee Marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed asigoona sheegay in laamaha Amniga looga fadhiyo in sida ugu dhaqsiyaha badan ay gacanta ugu soo dhigaan gacan ku dhiigalaha falkaas arxan-darada ah geestay.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa si adag ugu dooday dilka uu Ninkeeda ugeestay iyada oo noolna dab qabadsiiyay Marxuum Luul Cabdicasiis Maxamed oo u shaqayn jirtay 6 carruur oo agoon ah iyadoo xaamila ah.Xildhibaanada oo doodoodii siiwatay ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay inaan wali la soo qaban eedeysanaha, waxa ayna Hay’adaha amniga, Iyo garsoorka ay fareen in ay xil wayn iska saaraan gacantana lagu soo dhigo eedeysanahaas.

Ugudanbeynt Guddoomiyaha oo soo xiray kulanka maanta ayaa faray guddiga Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu howlgalaan dhacdadaan ayna u yeeraan laamaha amiga iyo garsoorka warbixin dag dag ahna ay ku sooceliyaan fadhiga Golaha.

NISA oo gacanta ku soo dhigtay Muxiyadiin Daqare oo ahaa gacanyaraha horjooge Axmed Diiriye

Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa magalaada Muqdisho ku qabtay horjooge Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud (Muxiyadiin Daqare) oo ka tirsanaa Khawaarijta, haddana ka mid ahaa Gacanyarayaasha Horjooge Axmed Diiriye.

Horjoogahaan oo si wayn loogu raadjoogay ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho xili uu si dhuumaalaysi ah ku soo galay, iyada oo markii dambe ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA.

Horjooge Muxudiin Daqare ayaa ka soo howlgalay qaar ka mid ah gobollada dalka, waxaana uu ka soo shaqeeyey gobollada kala ah; Bay, Galgaduud Mudug iyo Shabeelaha Hoose.

Laamaha ammaanka oo gacanta ku soo dhigay ayaa sheegay in ay dhawaan soo saari doonaan xog ku saabsan horjooge Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud (Muxiyadiin Daqare) oo ka tirsanaa Khawaarijta, haddana ka mid ahaa Gacanyarayaasha Horjooge Axmed Diiriye.

Guddomiyaha Haya’adda Maaraynta Masiibooyinka oo kulan la qaatay kuxigeenka Ergayga QM ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Soomaaliya Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya George Conway ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan diiradda lagu saarayay saamayntii ka dhalatay cimiladii El-nino.

Shirkaan oo ay ka soo qayb galeen madax ka socotay hay’adaha Qaramada Midoobay, ayaa looga hadlay qorshaha lagu qiimaynayo masiibidii fatahaadaha El-nino iyo saamaynta ay ku yeelatay bulshada iyo dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale waxaa qorshaha ka mid ah in ay qiimayntaan ka soo baxdo nidaamka ka soo kabashada dhibaatooyinkii ka dhashay fatahaadaha iyo hannaanka dhisidda awoodaha bulshada ee masiibooyinka dalka.