Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska oo qabtay mudaharaad ay ku diidan yihiin damaca gurracan ee Itoobiya

London:-Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka UK oo ku hor banaan baxay safaarada Itoobiya ee dalkaas si ay uga dhiidhiyaan damaca guracan ee ay Itoobiya ku dooneyso Badda Soomaaliya.

Banaan baxan oo ahaa mid xooggan ayaa waxa soo qaban qaabisay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka dhisan dalka Ingiriiska,iyagoo isaga kala yimid gobolada dalka si ay uga hortagaan damaca gurracan ee Itoobiya.

Kumanaan shacabka ayaa hor tegay Safaaradda Itoobiya ku leedahay London kuwaas oo muujiyey sida ay uga soo horjeedaan Xadgudubka Itoobiya

Mareykanka oo duqeeyay bartilmaameedyo ku yaalla Suuriya iyo Ciraaq

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in ay duqeeyeen 85 bartilmaameed oo ku yaalla Suuriya iyo Ciraaq si ay uga aargoostaan dagaalyahannada ay taageeraan Iran oo dhowaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ku dilay saddex askari oo kamid ahaa ciidanka ku sugan Urdun .

 Weerarada Mareykanka waxaa cambaareeyay saraakiisha Ciraaq,waxaana jira  cabsi laga qabo in duqeymaha Mareykanka ee bariga dhexe ay sababaan  in uu faafo dagaalka Gaza.

Ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay MadaxdaTehran sida uu sheegay wariyaha Aljazeera ee ku sugan caasimada Iran.

In ka badan hal milyan oo Falastiiniyiin ah oo barokacay ayaa ka baqaya weerar cusub oo ka yimaada milatariga Israa’iil, ka dib markii wasiirka difaaca Israa’iil uu ballan qaaday in uu weerarayo Rafah oo ah aag mar lagu tilmaamay “aag nabdoon”.

UNICEF waxa ay sheegtay in illaa 17,000 oo carruur ah oo Gaza ku sugan ay yihiin kuwa aad u nugul oo ay saameeyeen colaadaha ka jira Gaza ,isla markaana u baahan gurmad bini’aadanimo.

Ugu yaraan 27,131 qof ayaa la dilay, 66,287 kalena waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar.

SHEEKADII EEDDO MAAD ISKA JOOGTID!

Beri baa nin muudal/dhabcaal ah waxaa u soo martiday sodohdiis, oo sodcaal dheer reerkeedii kaga timi, gabadheedana dhibaad iyo dheef kaleba ugu soo caga dhigatay.

Ninkii reerka lahaa sohdiina u soo martiday waxaa habeenkaasoo kale la gudbooneyd kash-kash iyo is-xilqaan dheeri ah,inuu wan shilis u loogo iyo inuu haruub gaallo caano ah hamuunta kaga rogo, shaah ay daalka iyo diihaalka socadka dhuux gororkooda isaga bi’isona dabka ugu tuuro ma’se yeelin.

Waxaa yidhi bariidinba xaggeedii uguma dhaqaaqine kolkuu maqlay inay joogto ayuu is moogaysiiyay, afadiisiiyoo hooyo sideen u soornaa ? Weydiin ahayd isla dul-taagtayna uma hal-celin, indho galka ka baxsan oo quursi iyo yesmo ku jiraan qoob iyo qadaad ayuu kaga eegay.

Gabadhii oo hooyadeed ka seexan La’, keynmadoobaha qaduucaa ee qabana xerada u gacan dhaafi la’ ayaa sodohdii geed reerka ka yar durugsan falag u dhigtay.

Sidii baanu duqdii oo gaajo iyo harraad bogga iyo bushimuhu la ololayaan, habaar iyo hiifna Hoos kaga ganuunacaysaahi habeenkaa Ku bariday.

Foog hore ayay toostay dhankii reerkana dhowr kol milicsatay, hayeeshee cid xageeda u soo dhaqaaqda way arki wayday.

Ayadoo si quman u istaagi la’ ayay ambabax u hilhilatay oo sodcaal u tafaxaydatay, kabaheedii jilfaha ahaana ilatay.

Kolkii ay dhaqaaqa u taxaydatay ayuu baraka beelihii gabadheeda qabay haleel ula soo jogsaday, kuna yidhi ” oo Eeddo miyaad baxaysaa?”, “Haa” bay cod hoose ku tidhi, indho gurran oo kol kol dan-darro iyo diihaal la madoobaadayana way ku eegtay.

Asagoon waxba is dhibin, dhoola-cadayn digasho u muuqatona dibnaha la luxaya ayuu af muggii ku yidhi ” oo eeddo maad iska joogtid illeen xaleyba wax inama yeeline”. Waxaan soo xusuustay maahmaahdii ahayd” qosol aan lagu la qabini waa qaraabo goys”.

W/Q: Liibaan Xirsi

SHEEKADII NINKII CIRKA WEYNAA

Beri baa nin safar ah u soo hoyday reer meel baadiye ah deggan. Reerkii ayaa sidii dhaqanka wanaagsan ee suuban ee soomaalidii hore ahaa, u sameeyay ninkii martisoor.

Ninkii waxaa loo keenay gogol uu ku nasto, marka uu seexanayana uu ku seexdo. Reerkii ayaa si ay ninkan safarka ah u sooraan ka soo soocay xoolihii ay dhaqanayeen neef dheyla ah oo buuran.

Hilibkii neefka oo dhan ayeey reerkii sifiican u karsheen dabadeedna u keeneen ninkii martida ahaa. Waxaa kale oo loo keenay caano badan oo dambar leh, oo markaa la soo lisay.

Markii cuntada loo keenay ayaa ninkii martida loo ahaa wuxuu doonay faraxal. Intii uu faraxalka ku maqnaa ayuu ninkii martida ahaa cunay wixii hilib iyo soor ahaa, oo kaddibna caanihii isaga dejiyay. Markii uu ninkii martida loo ahaa faraxalkii keenay ayuu arkay raashiinkii oo eber ah.

Sidii dhaqanka iyo caadada u ahayd soomaalida, waxba ma uusan oran ninkii oo wuu iska aamusay. Ninkii martida loo ahaa intuu fadhiistay ayuu weeydiyay ninkii safarka ahaa meesha uu u socdo. Ninkii safarka ahaa ayaa yiri, waxaan u socdaa magaalada oo waxaan rabaa inaan takhtar u tago.

Ninkii martida loo ahaa ayaa yiri, miyaad xanuunsan tahay. Ninkii safark ahaa ayaa ku warceliyey oo yiri, waxaa iga xiran cuntada oo daawaan doonanayaa. Ninkii baa intuu yaabay, wuxuu ku yiri ninkii martida ahaa ee safarka u socday, waxaan kaa codsanayaa inaadan marka cuntada laguu soo furo aadan isoo marin.

Ninkii martida loo ahaa wuxuu is yiri, ninkan neefkii iyo soortii cunay, caanihii aad ogeydna cabay, marka raashiinka loo soo furo, toloow muxuu cuni doonaa.

Xigasho:Web-Dhugasho.Com

Wasiirka Maaliyadda XFS shir muhiim ah khadka kula yeeshay Wasiirada Maaliyadda Maamul goboleedada

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐁𝐢𝐢𝐱𝐢 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝-𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐞𝐞𝐝𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐐𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐞𝐞𝐟𝐨𝐨𝐧𝐤𝐚.

Shirkaan oo uu qabanqaabadiisa lahaa Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige, isla markaana ku qabsoomay qadka Taleefoonka ayaa looga wada-hadlay arrimo badan oo ku saabsan horumarinta Maaliyadda Dalka maadaama Dowladda Federaalka Soomaaliya laga cafiyay deymihii lagu lahaa, kuwaa oo cuuryaamiyay dhaqaalaha Soomaaliya,
Hadaba halka hoose ka akhriso War-Saxaafadeedka oo dhameystiran.

Madax ka tirsan DFS oo ka qeybgalay xaflad loo sameeyay daahfurka Adeegga caymiska Caafimaadka

Mas’uuliyiin katirsan dowladda F.S ayaa ka qeyb galay xaflad lagu maamuusaayey daahfurka Adeegga caymiska Caafimaadka oo markii ugu horeysay laga hirgaliyay Magaalada Muqdisho.

Xafladdaan oo sidoo kale ay ka qeybgaleen madax ka socotay bangiyada Cisbitaalada iyo culuma’udiin kale, waxaa ka hadlay Wasiirka Caafimaadka Cali Xaaji, Wasiirka Dhallinyarada Maxamed Cabdi Barre iyo Senetor Cismaan Xaaji Maxamuud Dufle,Kuwaas oo xusay muhiimadda adeegga ceymiska uu u leeyahay bulshada iyo sida uu uga qeybqaadan karo daryeelka dadka danyarta ah.

Madaxa Adeegga caymiska Caafimaadka Baraka Kaaliye Care Sakariya Ibraahim iyo Shugri C/qaadir Jilacoow ayaa fahfaahiyay waxqabadka hey’addaan ,iyagoo sheegay in adeeg ceymiska caafimaadka uu yahay mid aad u qiimo jaban,dadkuna ay iibsan karaan, iyagoo xubin ka noqonaya Baraka Kaaliye Care.

Kenya:Qarax gaas oo sababay dhimashada laba qof iyo dhaawaca boqolaal kale

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay Magaalada Nirobi, 222 kalena waxaa soo gaaray dhaawac ,kadib markii Gaari xamuul ah oo siday gaas  uu ku qarxay degmada Embakasi ,sida uu sheegay afhayeen u hadlay dowladda.

Mr Mwaura ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay warshad gaas ,kadibna dabka uu ku fiday bakhaar lagu sameeyo dharka iyo dunta ka iyo sidoo kale guryo dabaqyo ah.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inay in dadka dhaawacmay ay  ku jira ugu yaraan 25 carruur ah, sida uu sheegay wargeyska Standard.

Afhayeenka dowladda ayaa sheegay in goobta uu qaraxu ka dhacay la adkeeyay, isla markaana la sameeyay xarun talis oo gacan ka geysata isku xirka howlaha samata bixinta.

Guryo, goobo ganacsi iyo baabuur ayaa ku waxyeeloobay dabkaasi ,waxaana dadla lagu wargeliyay in ay ka fogaadaan aagga go’doonsan si loo sameeyo howlgalka samatabbixinta.

Maxaa looga hadlay shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada?

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS ayaa guddoomiyay shirka golaha Wasiirrada oo looga hadlay arrimaha amniga, qorshaha la dagaallanka khawaarijta iyo ka mira dhalinta siyaasadda loo dhan-yahay.

Golaha ayaa warbixinno ku saabsan xaaladda amni ka dhagaystay Wasiirrada amniga iyo taliyayaasha ciidanka qalabka sida, iyagoo ka war-bixiyay xaaladda guud iyo dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

Shacabka degan Dhulkii Dab-damiska & Hoggaanka Dhismaha Boliska oo lagu amray in ay ka guuraan

Boliska Soomaaliya ayaa markale ku celiyey in kama danbees Arbacada soo socoto laga guuro Dhulkii Dab-damiska iyo Hoggaanka Dhismaha Boliska oo ku yaal gobolka Banaadir gaar ahaan ka soo horjeeda daarta Say-Biyaano.

Afhayeenka ciidanka Booliska oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri, “Waxaa lagu heshiiyey taliska Booliska iyo dadka deegaanka dadkii ay soo dirsadeen in la siiyo muddo laba isbuuc ah oo ku ekeyd maalintii uu waqtiga ka dhacay oo shaqaadadu ay dhacaysay, xilliga lagu ballamay ayaa ah in shaqaaqada halkaas ku dhammaato, dadka guryaha degan ee ku haray waxaa la gaarsiiyey in taliska ciidanka Booliska uu siiyey laba isbuuc oo kale.”

Sidoo kale Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sii hadlaya ayaa hadalkiisa waxa uu ku sii daray, “Isbuuc wuu dhammaaday waxaa soo haray hal isbuuc oo ku ek maalinta Arbacada ee soo socota.”

Ugu dambeyn Afhayeenka ciidanka Booliska Gaashaanle Sadiiq Doondishe ayaa sheegay in dadka degan dhulkaan ay dhammaatay muddadii loo qabtay ayna u hartay wax ka yar todobaad, isaga oo ka codsaday in ay ugu guuraan muddadii loo cayimaday in ay ku guuraan.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweynaha Jamhuuiryadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Isutagga Imaaraadka Carabta kaga qeybgaley shir caalami ah oo looga hadlayey amniga iyo la dagaalanka argagixisada Soomaaliya.

2- Madaxweyne Dr Xasan Shiikh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay shir madaxeedka Afrika iyo Talyaaniga ayaa tilmaamay in iskaashiga caalamka uu ku tiirsan yahay ixtiraamka sharciyadda iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir madaxeedka Afrika iyo Talyaaniga ka sheegay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya, fursadaha maalgashi iyo khayraadka dihan ee ceegaaga dalka, kuwaas oo waxtar u leh gobolka iyo guud ahaan caalamka

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga wuxuu kulan kula yeeshay Madaxweynaha dalka Comoros,ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika, Azali Assoumani .

5- Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray xulka Galmudug oo ku guuleystay tartanka maamul gobaleedyada dalka, kaas oo lagu soo gabgabeeyay magaalada Muqdisho.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka Switzerland u fadhiya Soomaaliya, Valentin Zellweger.

7- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo khubad ka jeediyay munaasabadda caleemo saarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in dhameystirka dastuurka uu muhiim u yahay doqlad dhiska Soomaaliya.

8- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa daah-furay shirka 6-aad ee Garsoorka,oo ay qeybgalayaan dhammaan bahda garsoorka dalka.
o
9- Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareeye) inuu noqdo Wasiirka Beeraha, halka Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) loo magacaabey Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay mashaariic la xiriirta dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo gargaarka oo ay ka hirgelineyso Soomaaliya, Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dib-u-howlgelinta Isbitaalka Sheikh Zayid ee magaalada Muqdisho oo ay maalgeliso Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

12- Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Rome ee xarunta dalka Talyaaniga waxa uu kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaasi, Guido Crosetto.

13- Wasiirka Maaliyadda ee Mudane 𝐁𝐢𝐢𝐱𝐢 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 ayaa kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya 𝐊𝐫𝐢𝐬𝐭𝐢𝐧𝐚 𝐒𝐯𝐞𝐧𝐬𝐬𝐨𝐧.

14- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xassan Macallin Maxamuud ayaa Muqdisho kulan kula qaatay madaxda Hey’adda TIKA ee Turkiga.

15- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys ayaa khadka fogaan aragga uga qeyb galay banaanbax ay jaaliyadda Soomaaliya ee gobolka Minnesota uga soo horjeedeen xadgudubka Ethiopia ee qaranimada Soomaaliya.

16- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige aya shir-guddoomiyay kulanka guddiga maamul-wanaaga maaliyadda ee ay ku mideysan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay/adaha dhaqaalaha adduunka.

17- Ku-Simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Mudane Cali Cumar, ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo Madaxa IGAD ee Soomaaliya Danjire Maxamuud Cabdi Axmed.

18- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane 𝐁𝐢𝐢𝐱𝐢 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 oo hadal ka jeediyay munaasabadda maalinta furdada ayaa uga mahadceliyay dhammaan madaxda iyo shaqaalaha furdooyinka, hawlaha muhiimka ah ee ay qaranka u hayaan.

19- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dhameystirka dib u eegista iyo wax ka beddelka dastuurka.

20- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa hambalyo u diray xulka kubadda cagta ee Galmudug oo ku guuleystay tartanka maamul gobaleedyada dalka.

21- Xulka kubadda cagta ee dowlad gobaleedka Galmudug ayaa ku guuleystay koobka tartanka ciyaaraha ee maamul gobaleedyada dalka.

22- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliya Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa munaasabad kooban oo ka dhacday Dakedda Muqdisho waxa uu dowladda Ruushka kala wareegay mar kale markab sida shixnad mucaawino ah oo loogu talagalay dadka soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha iyo daadadkii El Nino.

23- Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa ka qayb galay shirka Hay’adaha Sirdoonka ee Bariga Afrika oo ka dhacay magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

24- Howlgal qorsheysan oo ay wadajir uga fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamiga ah degaanka Jeex jeexa ee koonfurta gobolka Mudug ayaa lagu burburiyay gaari Khawaarijtu ku soo raratay waxyaabaha qarxa iyo maleeshiyaad la socday oo halkaasi lagu laayey.

25- Hawlgal ay sii wadajir uga fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa lagu dilay 30 ka mid ah Khawaarijta degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

26- Ciidamada Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamiga ah oo kaashanaya xogta dadka degaanka ayaa howlgal milateru ka fuliyay degaanka Cali Xayle ee ku yaalla xadka Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

27- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo jab xooggan gaarsiiyey Khawaarij isku dayay in ay weeraran deegaanka Caad ee gobolka Mudug.

28- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidanka Cirka Mareykanka ayaa duqeyn ku dilay 6 ka tirsan Khawaarijta Al Shabab degaanka Caad ee koonfurta gobolka Mudug ee Galmudug.

29- Hawlgal ay iska kaashadeen hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamka ayaa lagu burburiyay xarunta kaydka gaadiidka iyo hubka Khawaarijta ee Buq-Aqable ee bartamaha Soomaaliya.

30- Dowladda Soomaaliya ayaa qaadacday qodobadii ka soo baxay shirka 32aad ee dalalka Bariga Afrika ee ciidamada heeganka, kadib markii bayaankii ka soo baxay aan lagu caddeyn mowqifka dalalka ee xad gudubka Itoobiya ee madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.

31- Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa si adag uga hadashay damaca gurracan ee Itoobiya ee Badda Cas, iyada oo sheegtay in xilligaan dhulka iyo biyaha Soomaaliya aan lagu soo xadgudbi karin.

32- Salaadiinta, odayaasha dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee gobolka Awdal ayaa mar kale ka soo horjeestay heshiiska sharci darrada ah ee Ethiopia ay la gashey Somaliland kaas oo xadgudub ku ah qaranimada Soomaaliya.

33- Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Danjire Mukhtaar Maxamed Waare ayaa raali galin ka bixiyay wareysi uu dhawaan siiyay warbaahinta Dowladda Itoobiya oo ugu gafay dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

34- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan ayaa toogtay mid ka mid ah argagixisada naf la caariga ah oo doonayay in uu dhibaato u geysto bulshada Beledweyne.