Wasiir Fiqi oo ka qaybgalay qado sharaf loo sameeyay Cayaaryahannada Dowlad Goboleedka Galmudug

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qaybgalay qado sharaf uu Maamulka Dagmada Dayniile u sameeyay Cayaaryahannada Dowlad Goboleedka Galmudug oo dhawaan ku guulaystay Koobka Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir.

Wasiir Fiqi oo u mahadecliyay Maamulka Dagamada Dayniile ayaa kalmad kooban uu ka jeediyay Munaasabadda ku sheegay in uu guulaystay Isboortiga Soomaaliya, isagoo sheegay in uu ku suuragalay amniga ka jira dalka, gaar ahaan caasimadda, isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiiri “Isboortiga Sanadkaan wuxuu kaga soocna kuwa kale dhanka Amniga oo suurtagaliyay jawi lagu qaban karo cayaaro, wuxuu kaga duwanaa sanadihii hore In Qurbajoog iyo muwaadiin aan dalka joogin ay qayb ka ahaayeen arrimahaan cayaaraha”

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa u mahadceliyay Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay suurtagliyeen in dunidoo dhan laga daawado Tartanka Kubbadda Cagta ee Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir. Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale bodaadiyay Taageerayaasha Kooxaha uu sheegay in ay Xamaasad u yeeleen Tartanka.

Madasha Qada sharafta ah waxaa sidoo kale kasoo qaybgaly Xubno ka tirsan XFS, Xildhibaanno, Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliyeed, Maamulka Gobolka Banaadir iyo kooxda Cayaaraha Kubbadda cagta ee Galmudug.

Dowladda Soomaaliya oo dalka ka mamnuucday Bacaha halka mar la isticmaalo

Wareegto ka soo baxday wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu mamnuucay Bacaha halka mar la isticmaalo kuwaas halis ku ah deegaanka.

Wareegtada ka soo baxday Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka kooban laba bogg ayaa lagu sheegay in guud ahaan dalka laga mamnuucay soo dajinta iyo ka gacansiga bacaha fudud ee halka mar la’isticmaalo.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb. Khadiija Mohamed Almakhzoum ayaa soo saartay go’aannada soo socda:-

  1. In gebi ahaanba Soomaaliya laga joojiyo soo dejinta, dhoofinta, soo saaridda, ka ganacsiga, iyo isticmaalka bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo laga bilaabo 30 ka Juun 2024.
  2. In dhammaaan ganacsatada soo dejisa bacaha, warshadaha soo saara, ganacsatada tafaariqleeyda iyo goobaha ganacsi ee dalka lagu wargelinayo in laga bilaabo 30 ka Juun 2024, aan bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo dalka la soo galin karin lagana isticmaali karin.
  3. Wasaaraddu waxa ay dhammaan shirkadaha iyo ganacsatada ku dhiirigelinaysaa hindisidda bedelka bacaha, kuwaas oo aan deegaanka waxyeelo u gaysanayn, Wasaaraddu gacan ayay ka gaysanaysaa taageeridda ganacsatada ku hawlan siddii loo heli lahaa walxo bedel ka noqda bacaha halka mar la isticmaalo.

Sidoo kale wareegtada ka soo baxday Wasaaradda ayaa lagu soo gabagabeeyey, “Haddaba waxaa lagu wargelinayaa dhammaan ganacsatada iyo shirkadaha ay quseyso warqadan in ay u hogaansamaan awaamiirta kor ku xusan. Waxaa laga codsanayaa dhamaan hay adaha dowladda ee warqadani ku socoto in ay gacan ku siiyaan wasaaradda dhaqan galinta wareegtadan.”

Ciidanka qaranka iyo saaxiibada Caalamiga ah oo burburiyey xaruntii Kaydka Hubka khawaarijta ee Galgaduud

Howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka, Hay’ada Nabad Sugida iyo Saaxiibada caalamka ayaa ka dhacay deegaannada kala Jacar iyo Garab la’ oo ka tirsan gobalka Galgaduud.

Howlgalka koowaad ayaa lagu burburiyey Xarun keyd hub u ahayd Khawaarijta halka midka labaad lagu beegsaday Garaash cadowga ay u yaaleen gadiid tiro badan.

FAAH FAAHIN DHEER GOORDHOW LA SOCO

Guddiga Haweenka Aqalka Sare ee BJFS oo booqday Golaha Sare ee Ruwanda

Kigali:-Guddiga Haweenka Aqalka Sare ee BJFS oo hawlo shaqo ku jooga dalka Ruwanda, ayaa booqday xafiisyada Golaha Sare ee Ruwanda, xarunta la socodka arrimaha Haweenka iyo xarunta lagu daryeelo dadka xadgudubyada loo geystay, gaar ahaan Haweenka xadgudubyada lagu sameeyey.

Xubnaha guddiga Golaha Aqalka sare ee Dalka ayaa warbixino ka dhageystay masuuliyiintii ay la kulmeen.

Madaxweyne Xasan Sh. ‘Hoggaamiye dhab ah’ (WARBIXIN)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Isu-tagga Imaaraatka Carabta kaga qeyb galay Shirka ku saabsanaa Amniga Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen dalalka sida dhow u taageera amniga dalka, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Qatar, Mareykanka, UK iyo Turkiga. Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo isku xirka kaalmada dhinaca amniga ee caalamka, iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu aad ugu nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida gobolka iyo in laga fogaado wiiqidda guulihii adkaa ee laga soo hoyay dagaalka ka dhanka kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab, taasi oo imaanaysaa haddii aan la ixtiraamin madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isagoo ula jeeda “ waxaan dagaal adag kula jirnaa Koxda Khawaarijta ah, waxaase hadda soo cusboonaaday cadowtinimo aan iska ilownay ee ka dhaxeyn jirtay Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib markii ay soo damaacisay dhulka iyo badda Soomaaliya”.

Labaatankii sano ee la soo dhaafay, Soomaaliya waxaa burburiyay Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, taasoo ka dhigtay mid ka mid ah dalalka ugu khatarta badan Adduunka. Si kastaba ha ahaatee, maamulka Somaliland weli ma aqoonsana waddan kasta. Dawladaha reer galbeedku ma aqoonsan doonaan ilaa wadamada Afrika, laakiin madaxda qaarada ayaa hakad galiyay, ka dib siyaasadii soo jireenka ahayd ee Midowga Afrika ee ka dhanka ahaa dib u habeynta xuduudaha qaranka ee laga dhaxlay gumaystayaashii.

” Soomaaliyeey dhulka haddii uu na dhaafo noo soo noqon maayo, maanta ayuu gacanteenna ku jiraa yaanu na dhaafin, war qof kasta oo Soomaali ahaw da’ kasta ahaw, maqaan kasta la haw, meel kasta caalamka iyo Soomaaliya gudaheeda uga noolow, waxaana maanta isku direynaa is fareynaa waxay tahay carada, dhulkeenna aan ilaashano,” ayuu yiri Madaxweynaha, waxaa kaloo uu Madaxqweyune Xasan kal hore Khudbaddiisa ku sheegay in Khawaarijta dadka Soomaaliyeed dagaalka kula jiraan iyo dowlada Itoobiya ay yihiin laba cadow oo duulaan ku ah madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in dowlad iyo shacaba diyaar loo yahay difaaca sharafka iyo dhowrista Qaranimada Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaadkii sannadkii tagay waxay ku qabatay Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York Shirka Amniga Soomaaliya, waxaa ka sii horreeyay mid isla noociisa ah oo lagu qabtay Dalka aan walaalaha nahay ee Turkiye, kaddib markii cunaqabateynta hubka laga qaaday dalka, kaasi oo looga hadlay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa in ay isku filnaasho amni u gaarto, iyadoo loo marayo dhismaha iyo qalabeynta Ciidamada Qalabka Sida.

Warbixin Bille ah ee ay soo saartay xafiiska Qaramada Misoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayay kaga hadashay xaaladda amni ee Soomaaliya waxayna ku xustay in  Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM oo dhawaan booqdey Soomaaliya uu aad u muujiyay Taageerada Howlgaleed, Atul Khare, ayaa booqdey Soomaaliya si uu u muujiyo doorka UNSOS iyo taageerada ay siiso Howlgalka Ku-meel gaar ka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo ciidamada amniga Soomaaliya, isaga oo kulamo la yeeshey saraakiil Soomaali iyo kuwa Modwga Afrika ah, waxaa uu rajo-wanaag ka muujiyey mustaqbalka Soomaaliya, waxaana uu carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in UNSOS ay dhisto kartida ayna taageero dhinaca howlgalka ah siiso ciidamada amniga.

UNSOS waxaa si firfircoon ay Dowladda Federaalka Soomaaliga gacan uga siineysey sii wanaajinta awoodaha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyo rayidka ka shaqeeya meelaha muhiimka ah. In ka badan 500 muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa ay tababarro kala duwan siisey UNSOS. UNSOS waxaa ay sidoo kale maamushaa Sanduuqa Amaanada Soomaaliya (the Somalia Trust Fund) oo xuddun u ah bixinta taageero aan hub aheyn oo la siiyo Ciidamada Amniga Soomaaliya ee howlgallada kala qeybqaata ciidamada ATMIS,  hase yeeshee, Sanduuqa Amaanada oo aan heysan kheyraad ku filan ayaa caqabad ku noqotey ballaarinta taageerada  – intii uu joogey Muqdisho, ayaa Mr. Khare waxaa uu dhammaan Dowladaha Xubnaha ka ah QM waxaa uu ugu baaqey in ay dhaqaale ku biiriyaan Sanduuqa Amaanada ah, si loo hubiyo in mustaqbalka ay jiraan tallaaboyinka amni ee loo baahan yahay.

Dhinaca kale Warbixin kale ayaa iyadana tilmaameysa in Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay dhamaadkii bishii December dib ugala wareegay kooxda Khawaarijta ah Shabaab magaalooyinka Ceeldheer iyo Masagawaay oo ku taalla bartamaha maamulka Galmudug, iyadoo guulo la taaban karo laga gaaray dagaalka. Masagaway ayaa qiyaastii 270 KM dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Muqdisho, waxaana ku yaala saldhig ciidan, waxaana ka dhacay dagaallo culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad deegaanka ah, waxaana muddo afar bilood ah gacanta ku hayay Al-Shabaab, kadib markii ay ka soo baxeen kuwa Dowladda.

“Argagixisada Al-Shabaab waa laga saaray magaalooyinka Ceeldheer iyo Masagawaay, howlgallada lagu baacsanayo ayaa hadda ka socda dhowr jiho oo ku yaalla bariga gobolka Galguduud,” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala. , ayaa lagu yiri warbixin uu daabacay wargeyska The EastAfrican.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa guushan ku tilmaantay “wax kasta oo muhiim ah”. Iyadoo Masleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay isaga carareen magaalooyinka Ceeldheer iyo Masagaway ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka waxa ay ku dileen tobaneeyo ka mid ah ciidamadaasi howlgal ka dhacay deegaan ku dhow degmada Caad ee gobolka Mudug. Ciidamada ayaa ku sii siqaya dhanka Camaara, iyagoo baacsanaya haraadiga Al-Shabaab ee baxsadka ah, sida ay sheegtay Warbaahinta dowladda.

Guulahan ayaa yimid dhowr todobaad kadib markii ciidamada Soomaaliya ay dileen 33 Khawaarij oo ka tirsan Al-Shabaab tiro kalena ay ku dhaawaceen howlgal gaar ah oo ka dhacay meel u dhow degmada Xarardheere oo ah magaalo muhiim ah oo ku taal badweynta Hindiya. Al-Cadaala ayaa sheegay in ciidamada ay la beegsadeen saldhiga koowaad ee kooxdaasi, islamarkaana ay burburiyeen xaruntii ay ku sugnaayeen, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen hub badan. “Waxaan u mahadcelineynaa doorka ciidamada deegaanka iyo kuwa XDS (Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed) ay ka qaateen sidii ay uga takhalusi lahaayeen Argagixisada aaggaasi ku sugan,” ayuu yiri Al-Cadaala.

Howlgalkii ugu dambeeyay ayaa yimid maalmo kadib markii ciidamada dowladda oo gacan ka helaya saaxiibo caalami ah ay 60 ka tirsan Al-Shabaab ku dileen meel u dhow magaalada Halgan ee maamulka Galmudug.

“Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa bishii Sebtembar ka codsatay Qaramada Midoobay in dib loo dhigo Wajiga labaad ee dhimista sababo la xiriira weerarrada argagixisada ee ka socda gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka. Dhammaan ciidamada ATMIS-ta ayaa la qorsheeyay inay ka baxaan Soomaaliya bisha December 2024. La wareegidda madaxtooyada ayaa dadka qaarkiis u arkaan inay muujinayso isku-kalsoonaanta iyo cufnaanta ciidamada Soomaaliya”, sida ay qortay African Defense Forum  ee Wsaaraddav Arrimaha Dibadda ee Dowladda Maraykanka.  “Guulihii ugu dambeeyay ee ay Soomaaliya gaartay ayaa yimid ka dib markii milatariga bishii September ay beddeleen xeeladaha ka dhanka ah al-Shabaab xilli ay sii kordhayaan weerarada ay geysanayaan xagjiriinta”, ayay sii raacisay Warbixinteeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraatka kaga qayb galay shir looga hadlayey Amniga Soomaaliya

Abu Dhabi:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Isu-tagga Imaaraatka Carabta kaga qeyb galay Shirka ku saabsanaa Amniga Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen dalalka sida dhow u taageera amniga dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Qatar, Mareykanka, UK iyo Turkiga.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo isku xirka kaalmada dhinaca amniga ee caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida gobolka iyo in laga fogaado wiiqidda guulihii adkaa ee laga soo hoyey dagaalka ka dhanka argagixisada, taas oo imaanaysaa haddii aan la ixtiraamin madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaadkii sannadkii tagay waxay ku qabatay Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York Shirka Amniga Soomaaliya, kaddib markii cunaqabateynta hubka laga qaaday dalka, kaas oo loga hadlay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa in ay isku filnaasho amni u gaarto iyadoo loo marayo dhismaha iyo qalabeynta Ciidamada Qalabka Sida.

  

Wasaaradda waxbarashada oo heshiis la saxiixatay hay’adda Samafalka ee Qatar

Heshiiskan ayaa waxa goobjoog ka ahaa safiirka Dowladda Qatar u joogo Soomaaliya, wafdi ka socday Wasaaradda Dhaqanka Dowlada Qatar, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Waxbarashda, Xoghayaha joogtada ah, Guddoomiyeyaasha Maktabadda iyo Akeedimayada iyo Maauuliyiin kale.

Heshiiska ayaa waxuu ku saabsanaa sidii loo hormarin lahaa Maktabadda Qaranka iyo Guud ahaan maktabadaha Dalka, si kor loogu qaado akhriska, cilmibaarista iyo garaadka ubadka Soomaaliyeed

Hashiiska ayaa dhanka Wasaaradda Waxbarashada waxaa u saxiixay Agaasimaha Akadeemiyada Qaranka halka dhanka kale uu u saxiixay Agaasimaha Xafiiska Somaliya ee Qatar charity.

Hay’adda maaraynta musiibooyinka oo kaalmo raashin ah ku wareejisay maamulka gobolka Gedo

Munaasabadd kooban oo ka dhacday Baqaarka kaydka raashinka hay’adda maareynta musiibooyinka ayaa maanta Guddoomiyaha hay’adda mudane Maxamuud Macallim Cabdulle waxa uu shixnad raashin iyo daawo iskugu jirta ku wareejiyey guddoomiyaha gobolka Gedo Cabdullaahi Shimbir iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Raashinkaan ayaa gaaraya 3,000 oo tan, sidoo kale waxaa wehliya shixnad daawo ah, waxaana hay’adda SoDMA gargaarkaan ugu talagashay in la gaarsiiyo Shacabka ku dhaqan degmooyinka iyo degaannada Gobolka Gedo oo kamid ah goobaha ay sida ba’an u saamaysay fatahaadaha iyo Daadadka El-Niño.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa waxaa xusid mudan in hore Gobolka Gedo u gaarsiisay Doonyo nuuca dheereye oo waqtigaas loogu talagalay in lagu samata-bixiyo Shacabka ku go’doomay Fataahadaha iyo daadadkaas.

Hangarka dayactirka Diyaaradaha oo Muqdisho laga furay

Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga daahfuray Blue Hangar, oo ah hangarkii ugu horreysay ee lagu hubiyo bedqabka diyaaraha, laguna dayactiro ee laga furo Soomaaliya burburkii ka dib. Blue Hangar oo laga dhisay gudaha garooonka Aadan Cadde ayaa waxaa hirgeliyay shirkadda Aerosom oo ay maalgashadeen ganacsato Soomaaliyeed.

Garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho wuxuu maalin kasta martigeliyaa in ka badan 130 duullimaad. Mana jirin xarun lagu dayactiro diyaaraddii ay cillad qabsato, taas oo sababi jirtay in ay u safraan Kenya iyo Uganda, si loo hubiyo bedqabkooda. Waxaase maanta baahidaas dabooshay oo ay hadda ka dib adeeggaas ka heli doonaan Blue Hanger, oo si casri ah loo qalabeeyay.

Guddoomiyaha Shirkadda Aerosom, Ismaaciil Cabdullaahi Gooni oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in hangarkan uu ka dhashay baahi Dalka ka jirtay, ayna isu kaashadeen sidii ay baahidaas uga haqabtiri lahaayeen diyaaraha duullimaadyada ka sameeya Muqdisho iyo gobollada Dalka.

Maareeyaha hay’adda Duulista Hawadda Soomaaliyeed, Axmed Macalin Xasan, ayaa sheegay in ay Soomaaliya tahay Dalka kaliya ee aysan kormeer ku sameynin Hay’adda International Civil Aviation Organization (ICAO), hangarkaanna uu ka mid yahay shuruudaha ay dalbatay Hay’adda Caalamiga ah ee Duulista Rayidka ee ICAO, si ay Soomaaliya ugu biirto dalalka ay kormeerto. Sababtaasna ay ku dhalisay in ay ganacsatada Soomaaliyeed u bandhigaan baahida taagan, kuna dhiirrigeliyaan in ay Dalka ka hirgeliyaan hangar caalami ah.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Fardowsa Cismaan Cigaal, ayaa shirkadda Aerosom ku bogaadisay waxqabadka ay Dalka ku soo kordhiyeen. Waxayna shirkadaha Soomaaliyeed ugu baaqday in ay maalgashadaan ganaciga gaadiidka iyo duulista, oo ay sheegtay in uu yahay ganacsi faa’iido badan u leh ganacsatada, diyaaraha, dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed.

Madaxdii iyo masuuliyiintii kale ee madasha ka hadashay ayaa shirkadda Aerosom uga mahadceliyay hirgelinta Blue Hangar oo daboolaya baahida taagan, ka qeybqaadanaya shaqo-abuurka iyo horumarinta dhaqaalaha Dalka, sidoo kalena bilaya magaca iyo sumcadda garoonka caalamiga ah ee Adan Cabdulle iyo guud ahaan Soomaaliya.

Maraykanka oo marka kale ku celiyey sida uu uga soo horjeedo damaca Ethiopia ee xeebaha Soomaaliyeed

Nairobi : Dowladda Maraykanka oo aad u adkaysay inay kala midaysantahay IGAD, Hay’adaha caalamiga ah iyo bahwadaagta kale ee Qaarada Afrika in Qaranimada iyo Madaxbaanida dhuleed ee Soomaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.

“Waxaan qabnaa walaaca ah in is afgaradka la soo bandhigay uu caqabad ku noqon karo halgankeena wadajirka ah kaas oo ay ku jirto kaalinta Ethiopia ee sanadihii la soo dhaafay ee aadanaa la dagaalanka Khawaarijta.” Ayay tiri Molly Phee Kaaliya Xogheeyaha arrimaha dibibada u qaabilsan arrimaha afrika

Dowladda maraykanka ayaa sheegtay sidoo kale inay taageersantahay wadahadalada u dhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Gobalada Waqooyi ee ku salaysan mustaqbalka Soomaaliya.