𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢𝐝 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐤𝐮 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐬𝐞𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadam ayaa maanta sedax Gaari oo labo ka mid ahi yihiim naaca gargaarka deg degga ah (Ambulance) halka kan sadexaadna uu yahay nooca Hartop-ka oo isgaguna loogu talagaley fududeynta adeegyada Caafimaadka ku wareejiyey Wasiirka Caafimaadka Dowlad goboleed Galmudug.

Munaasabadda Wareejinta Gawaarida waxaa goobjoog ka ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Guuleed Abdijaliil, agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka dowlad gobaleed Galmudug Cabdiwali Maxamed Axme iyo xubno kale.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Dr. Ali Haji Aden ayaa sheegey in Gawaaridan qalabaysan ay wax wayn ka tari doonaan Caafimaadka dowlad goboleedka Galmudug, isagoona sidoo kale tilmaamey in Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u taagan tahay xilli kasta horumarinta Caafimaadka guud dalkeen.

Dhankiisa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dowlad goboleed Galmudug Dr. Yaasiin Cabdi Jaamac ayaa ka mahadceliyey Gaadiidka lagu wareejiyey, waxa uuna tilmaamey in loogu adeegi doono bulshada dowlad goboleed Galmudug si loo xaqiijiyo bedqabka bulshada iyo guud ahaan yoolka Qaranka ee Caafimaadka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka ee Dowladda.

 

Mareykanka oo mar kale taageeray midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika, Molly Phee ayaa sheegay in dalkiisu uu Midowga Afrika, IGAD, iyo ururrada kale ee caalamiga ah la wadaagayo aragtida ah in la  ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Waxaan walaac ka qabnaa in heshiiska is-afgarad ee la soo jeediyay uu wax weyn u dhimi karo halganka aan wadaagno ee sidoo kale Itoobiya ay uga qeybqaadaneyso  la dagaalanka Al-shabaab iyo saameynta xun ee ay ku leedahay dadka Soomaaliyeed ayuu yiri kaaliyaha xoghayaha.

Kaaliyaha ayaa xusay in uu  taageersan yahay  wada-hadallada u dhexeeya dadyowga Soomaaliya iyo Somaliland ,kaas oo ku saabsan in mustaqbalka ay wadaagaan arrimahooda.

Guddoomiye Sacdiyo oo Shir guddoomisay kulanka Guud ee Golaha Shacabka BJFS

Kalfadhiga 4aad kulankiisa 13aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayaa waxaa shir guddoominaayay.Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa:

1) Dhaarinta Wasiiradda Cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Howlaha Guud.
2) Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise -Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.
3) Qeybinta Hindise -Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed.

Ugu hhorreyn abdhowraha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay Wasiiradda Cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Howlaha Guud Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Maryan Maxamed Ciise oo ka mid ah guddiga Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ayaa Mudanayaasha Golaha Shacabka ka hor akhrisay Hindise -Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed si waafaqsan Qodobka 84aad (4) ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.

Xildhibaanada ayaa aragtidooda ka dhiibtay mabda’ guud iyo ujeedada Hindise-Sharciyeedka, iyagoo tala-soo jeedin iyo erayada qaar ay ubaahan yahiin turxaan bixin ay ku soo sameeyaan guddiga Xuquuqul Insaanka.

Xubnaha guddiga ayaa mid mid ugu jawaabay dhamaan weydiimaha Xildhibaanada.

Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo kulanka soo xirtay ayaa fartay guddiga Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada in ay Akhrinta 3aad ay ku soo biiriyaan talo soo jeedinta iyo turxaan bixinta Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka oo xarigga ka jartay xarunta dayactirka diyaaradaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada XFS Marwo, Fardowso Cusmaan Cigaal ayaa xarigga ka jartay xarunta dayactirka diyaaradaha oo markii ugu horeysay 34-kadib maanta dib loo howl geliyay .

Blue Hanger waa xaruntii ugu horreysay ee lagu hubiyo bedqabka diyaaradaha lagu dayactiro ee burburkii ka dib laga hirgeliyo dalka Waxaana hirgeliyay shirkad ay aasaaseen ganacsatada diyaaradaha.

Kooxda Kubadda Cagta Toronto FC oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho

Madaxda xiriirka kubadda gacta Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee xiriirka Mudane, Yusuf Xuseen ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Koox ka socata dalka Canada oo lagu magacaabo Toronto FC.

Guddoomiye Yuusuf Xuseen ayaa waxaa soo dhawaynta ku wehlinaayay Mudane Cumar Maxamud Mugaanbe oo ah xubin ka tirsan guddiga fulinta ee Xiriirka Kubadda Cagta iyo xubno kale oo ka tirsan bahda Sportiga Soomaaliyeed.

Kooxda Kubadda Cagta Toronto FC ayaa kullamo Saxiibtinimo ku ciyaari doonro magaalada Muqdisho, waxa ay ka qeyb qaadan doonaan qorshaha horumarinta Kubadda cagta iyo isdhexgalka bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Talyaaniga

Rome- Madaxweynaha Jamhuiriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kulamo kula qaatay Madaxweynaha dalkaasi mudane, Sergio Mattarella iyo Ra’iisul Wasaare Mss, Giorgia Meloni.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.

   

Baarlamaanka dalka oo bilaabaya ka doodista cutubyada Dastuurka

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo ay wehelisay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa maanta xarunta Aqalka sare kulan kula qaatay guddoonka guddiga Dastuurka Baarlamaanka JFS.

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ayaa xubnaha guddiga Dastuurka kala hadlay qaabka ay ugu diyaar garoobeen guda galka doodda afarta cutub ee ugu horraysa Dastuurka, qaabka loo hagayo maalmaha doodda iyo jadwalaynta afarata cutub ee ugu horraysa.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde iyo xoghayaha guud ee aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo daah-furtay mashruuca iskuxirka hanaanka casriga ah ee gobolka bariga Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Fedeka Soomaaliya 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐁𝐢𝐢𝐱𝐢 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐊𝐡𝐚𝐥𝐢𝐢𝐟 ayaa maanta waxa ay si wadajir ah u daah-fureen mashruuca Iskuxirka hanaanka casriga ah ee gobolka bariga Afrika (𝐓𝐡𝐞 𝐞𝐚𝐬𝐭𝐞𝐫𝐧 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐜𝐚 𝐑𝐞𝐠𝐢𝐨𝐧𝐚𝐥 𝐃𝐢𝐠𝐢𝐭𝐚𝐥 𝐈𝐧𝐭𝐞𝐠𝐫𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 𝐏𝐫𝐨𝐣𝐞𝐜𝐭) kaas oo maanta Muqdisho lagu qabtay munaasabaddii lagu soo bandhigayay.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda dowladda FS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka hadlay muhiimadda uu lee yahay Mashruuca hannaanka 𝐃𝐡𝐢𝐣𝐢𝐭𝐚𝐥𝐤𝐚 ah oo ahmiyad gaar ah siinaya ku biiristii Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) isagoo xusay in mashruucan uu Soomaaliya ku saacidayo inay ka faa’iideysato ururka ay xubinta ka tahay, iyadoo la jaanqaadaysa Tiknolojiyadda casriga ah.

Wafdi ka socda guddiga Midowga Afrika iyo ATMIS oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Kulanka oo looga hadlayey amniga dalka waxaa ka qaybgalay wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimaha guud ee wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Yuusuf Cali Maxamed, iyo mas’uuliyiin yihiin iyo lataliyiin ka kala socday hay’adaha dowladda, dhinaca Midowga Afrika kulanka waxaa uga qeyb galay Wakiilka Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS Danjire Maxamed Al-amin Souef, Taliyaha Ciidanka ATMIS iyo wafti ka socda Midowga Afrika African oo uu hoggaaminayay agaasimaha maaraynta khilaafaadka, aririmaha siyaasadda, Nabadda iyo Amniga mudane Alhadji Sarjoh Bah.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray horumarka Amniga Soomaaliya, guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro Khawaarijta, iyo dhameystirka bixitaanka Ciidanka Hawlgalka Midowga Afrika ee dhammaadka sanadkan.

Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya ee kulanka qeyb galay ayaa bandhigay horumarka Ciidanka Qaranka ka sameeyeen dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Argagixisada iyo sida ay dowladda uga go’an tahay oa wareegista Amniga marka ay dalka baxaan ciidanka Hawlgalka Midowga Afrika December 2024.

Guddoomiyaha SoDMA oo furay shirka ka jawaabista arrimaha bini’aaddannimada Soomaaliya ee 2024

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Md, Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta furay shir looga hadlayo qorshaha ka jawaabista baahiyaha bini’adamnimo ee sanadkaan 2024.

Shirkan waxaa ka soo qayb-galay ku-xigeenka Ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna xiriiriyaha gargaarka bini’aadamnimo ee Soomaaliya George Conway, xubno ka socda wasaaradaha gargaarka dowlad goboleedyada, hay’addaha samafalka, deeq-bixiyayaasha iyo madax ka tirsan QM.

Hay’addaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn ee qaabbilsan arrimaha samafalka ayaa waxay dalbadeen lacag dhan $ 1.6 bilyan si loo caawiyo dad gaaraya 5.2 Milyan oo Soomaali ah sanadka 2024.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in sanadkii tagay dadka Soomaaliyeed ay aad u waxyeelleeyeen fatahaado ka dhashay roobabkii Elnino, kuwaas oo sababay barakac fara badan isagoo sheegay in 80% dadka ku barakacay ay yihiin Caruur iyo Haween.