Kooxda Kubadda Cagta Toronto FC oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho

Madaxda xiriirka kubadda gacta Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee xiriirka Mudane, Yusuf Xuseen ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Koox ka socata dalka Canada oo lagu magacaabo Toronto FC.

Guddoomiye Yuusuf Xuseen ayaa waxaa soo dhawaynta ku wehlinaayay Mudane Cumar Maxamud Mugaanbe oo ah xubin ka tirsan guddiga fulinta ee Xiriirka Kubadda Cagta iyo xubno kale oo ka tirsan bahda Sportiga Soomaaliyeed.

Kooxda Kubadda Cagta Toronto FC ayaa kullamo Saxiibtinimo ku ciyaari doonro magaalada Muqdisho, waxa ay ka qeyb qaadan doonaan qorshaha horumarinta Kubadda cagta iyo isdhexgalka bulshada.