NISA oo soo afjartay kooxo dadka ka cabsi gelin jiray Internet-ka

Hay’adda nabad sugidd iyo amniga Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa war saxaafadeed ay dhowaan soo saartay waxa ay ku sheegtay in ay burburisay 20 koox oo shacabka ka cabsi gelin jiray Internetka, iyagoo isticmaalayay Group-yo ay lahaayeen Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay madaxa Hay’adda IMF

Rome- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheikh Maxamuud oo ka qeyb galay shirka Afrika iyo talyaaniga ayaa Magaalada Rome ee dalka talyaaniga kulan gaar ah kula yeeshay Madaxa Hay’adda IMF Kristalina Georgieva.

Mrs, Georgieva ayaa bogaadisay dadaalada horumarinta dhaqaalaha ee dowladda Soomaaliya ay ku talaabsatay.

Waxay si gaar ah u xustay isbadalada dowladdu ay qaadday kuwaas oo dhaqaalaha dalka sare loogu qaadayo laguna dhimayo saboolnimada islamarkaana lagu xoojinayo heyadaha dowlada

Xasan Sh.“Soomaaliya waxay ku faani khayraadka Alle siiyay” (WARBIXIN)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Shiikh Maxamuud ayaa tilmaamay in iskaashiga caalamka uu ku tiirsan yahay ixtiraamka sharciyadda iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka. “Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xadgudbo xuduudaha dal kale, waxaana tusaale u ah isku dayga fashilmay ee faro-gelinta Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida dalkeenna, isagoo Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay Madasha Talyaaniga iyo Afrika ayaa xusay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya, fursadaha maalgashi iyo khayraadka dihan ee ceegaaga dalkeenna oo wax tar u leh gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in xoreynta deegaannada ku jira gacanta Argagixisada ay barbar socdaan qorsheyaal lagu adkeynayo dowladnimada, laguna xoojinayo iskaashiga iyo doorka Soomaaliya ee Gobolka, kuwaasi oo ay ka mid yihiin; ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, qaadista cunaqabateynta hubka iyo dhammeystirka deyn cafinta. “Soomaaliya waxay ku faani kartaa khayraadka Alle ku mannaystay ee dhinacyada Beeraha, Xoolaha, Kalluumeysiga, Tamarta, iyo meeha ay ku taal oo istaraatiijiga ah, kuwaasi oo ay wehelinyaan in ay yihiin dad fir fircoon, dhallinyaro u badan, kuna tilmaaman hammi iyo hal-abuur. Ku biirista Bulshada Bariga Afrika waxa ay si weyn u dhiirri-gelisay aragtidayada ganacsi”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay kaga qeyb-gelayo Madasha Talyaaniga iyo Afrika, oo ah shir muhiim ah oo ay isugu imaanayaan madax ka kala socota Afrika iyo Yurub.

Wasiirka gaashaandhigga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ka mid ah wefdiga Madaxweynaha ayaa magaalada Rome ee xarunta dalka Talyaaniga waxa uu kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaasi, Guido Crosetto, iyagoo Labada mas’uul ay ka wada hadleen sidii loo xoogin lahaa wada shaqeynta labada Wasaaradood ee arrimaha Difaaca, waxayna Dowladda Talyaanigu ka mid tahay saaxiibbada naga taageera difaaca iyo amniga Soomaaliya.

Dhinaca kale Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka Mareykanka ayaa si adag uga hadashay damaca gurracay  Itoobiya ee Badda Cas, iyada oo sheegtay in xilligaan Biyaha Soomaaliya aan la iska qaadan Karin, iyada oo ka hadashay munaasabad ka dhacday magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayay sheegatay in aysan suuragal ahayen in badda Soomaaliya ay dad kale qaataan. “ Intaa aan anniga Congress-ka joogo Badda Soomaaliya dad kale ma qaadanayaan”, ayay tiri Ilhaan Cumar

Ilhaan Cumar oo ka hadlaysay masuuliyaddeeda ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka uusan taageereeniin in uu dal kale dhaco Soomaaliya, “Waddanka Mareykanka kuma taageerayo dad kale in ay annaga na dhacaan, marka taas ka seexda.” Xildhibaan Ilhaan oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u maqan tahay iyada oo Wakiil u ah, “Gabadhii aad Congress-ka u dirsateen way idinka war heysaa, sida idinka u dareemaysiin sidaasi oo kale ayey u dareemaysaa.”

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa Madaxdweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku bogaadisay go’anka addag ee dowladda iyo sida shacabka Soomaaliyeed ugu baraarujiyeen in ay sid wadajir ah ugu kacaan difaac qarannimada Soomaaliyeed, waxaayna Madaxweyne Xasan Sheekh ku  leedahay “waan kuugu faraxsannahay, shaqada fiican ee aad qabatay, in dadka Soomaaliyeed aad dareensiisay si kasta aan annaga u dhibannahay Soomaali haddii aan nahay, waxa aan nahay dad karti leh dad waddankooda aqoonsan, dad waligood dalkooda khatar laga galin Karin.” Ugu dambeen Ilhaan Cumar ayaa shacabka Soomaaliyeed ku ammaantay sidii ay uga falceliyeen damaca gurraca ee dowladda Itoobiya, iyadoo ugu baaqaday in ay u midoobaan oo ay garab istagaan dowladooda.

Caqabado Iyo Sumcad Xumo ay Ethiopia Siyaasadeeda Dibeda wajaheyso kadib Heshiis beenaadkii ay wada gaareen Itoobiya iyo maamulka Somaliland, sida uu sheegayo Ciise Xasan oo ka faallooda arrimaha siyaasadda, islamrkaana ah falanqeeye arrimaha amniga, kaasi oo degan magaalada Helsinki ee wadanka Finland, waxa uuna intaasi raaciyay  Macluumaad la helayo ayaa muujinaaya in Dil-dilaac uu ku yimid fulinta Heshiiskii 1-dii Bishaan wada gaareen Ethiopia iyo Maamulka Gooni goosadka Somaliland, Heshiis beenaadkaan ayaa xeerinaaya in laga kireeyay Dhul/Xeeb dhan 20-Meyl Ethiopia oo xarun Ciidamo Badeed ka dooneysa iney ka dhisato Xeebta Lughaya.

“Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Dowlada France oo tan 2019-kii ka aheyd Mashruucaan tababar u fidineysa Ciidamada Badda Ethiopia ayaa uga digtay Ethiopia inay joojin doonaan Tababarka heshiiskana ka bixi doonaan haddii aysan ka laaban Heshiiska, Maamulka Abiy ayaa la sheegay inuu weydistay Dalalka Russia iyo UAE iney u tababaraan Ciidamadaan haddii ay France joojiso Tababarida Ciidamada Badda Ethiopia”, sidaasina waxaa Wakaalada SONNA u sheegay Falanqeeye Ciise Xasan, iyadoo lagu soo waramayo In dowladda Soomaaliya ay dacwad ka gudbisay Itoobiya, una gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Haldoorka Somaliland oo Diiday Heshiiska: “Todobaadyadii u dambeeyay waxaa aad u soo kordhaayay cadaadiska iyo culeys saarka Waxgaradka, Ganacsatada iyo Culumaa’udiinka, kuwaasoo farta ku goday in Heshiiskaan uu dhabar jab ku yahay dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee Dhoofinta iyo soo dejinta Dekadaha Berbera & D’jibouti, ayna xirmi doonaan haddii uu sii socdo qorshaha fulinta Heshiiska, waxeyna Mr.Biixi ku cadaadiyeen in marka hore ay Ethiopia aqoonsato Maamulkooda”, ayuu sii raaciyay Falanqeeye Ciise Xasan.

“Hase yeeshee Mr.Abiy oo fahamsan dhibaatada iyo culeyska ay leedahay inay qaadato go’aan noocaan oo kale ah ayaa ka meermeeraya inuu ku dhiirado aqoonsiga, haddii ay dhacdana waxaa soo af jarmaaya xiriirka Somalia iyo Ethiopia, ku darsoo Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ayaa shaki ka muujiyay hirgelinta heshiiskaan, sababo la xiriira inay dib u soo noolaanayaan Jabhaddii xornimo doonka Somali galbeed”, ayuu yiri. Waxaan maqli jiray wax gad gadi ha kula gadoontee, waa waxa heysta dagaal Ooge Abiy Axmed.

By. C/lahi Ruush

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo iska kaashanaya arrimaha difaaca

Rome- Wasiirka gaashaandhigga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Rome ee xarunta dalka Talyaaniga waxa uu kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaasi, Guido Crosetto.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada wasaaradood ee arrimaha Difaaca.

Dowladda Talyaanigu waxay ka mid tahay saaxiibada naga taageera difaaca iyo amniga Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Comoros oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Rome- Madaxweynaha JF Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga wuxuu kulan kula yeeshay Madaxweynaha dalka Comoros, Azali Assoumani ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika, xilli ay ka wada qayb galayeen Shir Madaxeedka Talyaaniga iyo Afrika.

Labada madaxweyne ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha gobolka, sare u qaadidda danaha labada dhinac iyo xoojinta dedaallada iskaashi, si Qaaradda Afrika ay u gaarto mustaqbalka horumar iyo barwaaqo.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla qaatay in ay lama huraan tahay dhowridda madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dhammaan waddamada xubnaha ka ah Midowga Afrika, si looga mira dhaliyo hiigsigsa iyo horumarka Qaaradda.

Taliya nabad sugidda Soomaaliya oo ka qayb gashay shir looga hadlaya amniga bariga Afrika

Mombasa-Kenya- Taliyaha Hayadda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa ka qayb galaya shirka Hay’adaha Sirdoonka ee Bariga Afrika kaas oo ka socda magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa iskaashiga dhinaca ammaanka iyo isdhaafsiga macluumaadka muhiimka u ah xasilloonida, si loo helo bariga Afrika oo nabad ah kana caagan wax kasta oo wax u dhima kara xasiloonida.

Madaxda ka qaybgalaysa shirkaan ayaa ka kala socda wamada Kenya, Tanzania, Uganda, Somalia, Ethiopia, Burundi, Rwanda, Eritrea, Mozambique, Comoros, the Democratic Republic of Congo, Djibouti, Malawi, South Sudan, iyo Seychelles.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) ayaa xiriir iskaashi oo heer sare ah wuxuu kala dhaxeeyaa Hay’adaha dalalka Gobalka, iyagoo qaarkood kuwada guulaystay howllo ay iska kaashadeen.

Madaxweyne Xasan ” Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeyo hadii dal Afrikaan ah ku xadgudbo dal kale”

Roma;- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Madasha Talyaaniga iyo Afrika ayaa xusay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya, fursadaha maalgashi iyo khayraadka dihan ee ceegaaga dalkeenna oo wax tar u leh gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga caalamka uu ku tiirsan yahay ixtiraamka sharciyadda iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka.

“Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xadgudbo xuduudaha dal kale, waxaana tusaale u ah isku dayga fashilmay ee faro-gelinta Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada ay barbar socdaan qorsheyaal lagu adkeynayo dowladnimada, laguna xoojinayo iskaashiga iyo doorka Soomaaliya ee Gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin; ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, qaadista cunaqabateynta hubka iyo dhammeystirka deyn cafinta.

“Soomaaliya waxay ku faani kartaa khayraadka Alle ku mannaystay ee dhinacyada Beeraha, Xoolaha, Kalluumeysiga, Tamarta, iyo booska istaraatiijiga ah, kuwaas oo ay wehelinyaan in ay yihiin dad fir fircoon, dhallinyaro u badan, kuna tilmaaman hammi iyo hal-abuur. Ku biirista Bulshada Bariga Afrika waxa ay si weyn u dhiirri-gelisay aragtidayada ganacsi”.

Madaxweynaha Galmudug oo codsaday in ay martigaliyaan koobka dowlad goboleedyada ee 2025-ka

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa hambalyo u diray xulka Galmudug oo galabta ku guuleystay tartanka maamul gobaleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, kaas oo garoonka Muqdisho Stadium lagu soo gabagabeeyey galabta.

Qoraal kooban uu madaxweynaha soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku yiri, “Hambalyo Habmalyo dhallinyaro. Waxaan idin daawaday dhammaan daqiiqadihii ciyaarta, waxaad u ciyaarteen si cajiib ah, waxaad muujiseen akhlaaq wanaag iyo xirfad sarreysa.”

Sidoo kale qoraalka uu soo dhigay Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayuu ku soo gabagabeeyey, “Koobkiina waad keenteen. Waa inoo dabbaal degga idinka Ilaahey.”

Dhanka kale Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo wareysi siiyey Astan Sport oo ah Tv ka hadla arrimaha ciyaaraha dalka iyo dibadda ayaa sheegay in ay codsanayaa inay marti galiyaan koobka dowlad goboleedyadda ee Sanadka danbe ee 2025-ka.

Xulka Galmudug ayaa galabta guul ka gaaray dhiggiisa Hirshabeelle ciyaar la’isla gaaray gool kullaad, taas oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 50 kun oo taageerayaal kala sitay calamada labada xul ee wada ciyaarayey finalka tartanka.

Galmudug oo ku guulaysatay tartanka maamul gobaleedyada dalka

Xulka kubadda cagta ee dowlad gobaleedka Galmudug ayaa ku guulaystay tartanka ciyaaraha ee maamul gobaleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, kaas oo ay ka qaadeen dhiggooda Hirshabeelle, ciyaar la’isla gaaray gool kullaad.

Ciyaarta oo ahayd mid xiiso leh ayaa 90-kii daqiiqo ee loogu talagay waxa ay ku soo idlaatay barbar dhac 0 iyo 0 ah, taas oo keentay in la aado gool kullaad, waxayna sidaas guusha ku raacday xulka dowlad gobaleedka Galmudug.

Tartanka oo sanadkaan ka duwan sannadihii hore ayaa sanadkaan waxaa uu ka dhacay garoonka ciyaaraha ee Muqdishi Stadium, kaas oo markii ugu horreysay lagu qabto tartanka maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir.

Xulka kubadda cagta ee maamul gobaleedyada Galmudug ayaa sanadkii ugu dambeeyey ee la ciyaara koobkaan waxa uu finalka la tagay xulka gobolka Banaadir, kaas oo ciyaar gool kullaad ah looga guuleystay.

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda oo warqadaha aqoonsiga Danjirnimo ka guddoomay Madaxa hawlgalka IGAD ee Soomaaliya

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Mudane Cali Cumar, ayaa maanta oo Isniin ah ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Madaxa IGAD ee Soomaaliya.

Danjire Maxamuud Cabdi Axmed ayaa hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ay leedahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga iyo dhinacyada Hourmarineed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur goblleedka IGAD.

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa guul u rejeeyay mas’uulka cusub ee IGAD in uu ku guuleysto xilka loo magacaabay, si sare loogu qaado xiriirka wadashaqeyneed ee dhow ee Soomaaliya iyo IGAD.

Warbaahinta Qaranka ayuu la hadlay markii warqadaha aqoonsiga Danjire laga guddoomay Madaxa hawlgalka IGAD ee Soomaaliya Danjire Maxamuud Cabdi Axmed oo sheegay in uu Adkeyn doono Xiirarka, Iskaashiga, iyo horumarinta dhaqan dhaqaale ee urur gobolleedka IGAD iyo Somalia.

Xog-hayaha Fulinta Urur Gobaleed IGAD, Danjinre Dr. Workneh Gebeyehu ayaa 26 November 2023 u soo magacaabay Madaxa hawlgalka IGAD ee Soomaaliya (IGAD Head of Mission to Somalia) Danjire Maxamuud Cabdi Axmed.