Xubno ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay koonfurta gobolka Mudug

Howlgal qorsheysan oo ay wadajir uga fuliyeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah Deegaanka Jeex jeexa ee koofurta gobolka Mudug ayaa lagu beegsaday Gaari Khawaarijtu ku soo raratay waxyaabaha qarxa iyo Maleyshiyaad la socday.

Howlgalka oo dhacay saaka salaaddii subax ka dib ayaa lagu burburiyey Gaarigii walxaha qarxa cadowgu ku diyaariyey waxaana halkaas lagu dilay tiro Maleyshiyo ah oo goobta ku sugnaa sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen Saraakiisha ciidanka.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa dowladdu kordhisay howlgalada lagu beegsanayo Khawaarijta waxaana lagu gaarsiiyay howlgaladii ugu dambeeyay khasaare xoogleh.

Xiriirka Kubadda Cagta oo u xushay garsoor Kaafi Xasan Shiine in uu dhex dhexaadiyo Ciyaarta adag ee galabta

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa u xushay in garsooraha heerka caalamiga ah ee Kaafi Xasan Shiine uu dhex dhexaadiyo kulanka adag ee kama dambeysta tartanka Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee maanta dhexmaraya Galmudug vs Hirshabeelle.

Garsoore Kaafi Xasan Shiine waxa uu ka mid yahay garsoorayaasha caalamiga ah ee u diiwaangashan Hay’adda FIFA, waxaana uu hore uga soo muuqday kulamo ka tirsan tartankan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiira Cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha iyo Howlaha Guud.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka xukuumaadda Soomaaliya ayaa loo magacaabay Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareeye),sidoo kale wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeenta Soomaaliya ayaa isna loo.magacaabay Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay).

Ismail Abdirahman Sheikh Bashir ayaa laga qaaday xilka wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeenta,halka Maxamed Madoobe Nunow aya isna laga qaaday xilka wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya

Boliiska oo Fariin nabadeed u diray labada koox ee galbta wada ciyaarayo iyo taageerayaashooda

Taliska ciidanka Boliiska Soomaaliyaa ayaa fariin nabadeed u diray labada koox ee Galmudug, Hirshabeelle iyo Taageerayaashooda in ay ilaaliyaan xasiloonida amniga

Qoraal kasoo baxay Boliiska ayaa lagu yiri sidan:-

“Farriin Nabadeed Muwaadin cayaaruhu waa isdhexgal Bulsho iyo aalad lagu muujiyo nabada iyo hormarka dalka ka jira. Hadaba, ka qeyb qaado sugida amniga ka hor cayaarta. Inta cayaartu socoto iyo cayaarta ka dib.”

Sidoo kale wuxuu Boolisku sheegay inay heegan ku jiraan, si loogu sugo amniga garoonka iyo badqabka ciyaartoyda labada kooxood.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Ciidamada kale ee amaanku waxey diyaar u yihiin sugida amniga iyo badqabka dadweynaha.” ayaa mar kale lagu yiri farriinta Booliska.

Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri “Qof walba masuuliyad ayaa ka saaran fulinta ujeedooyinkaas.

Mahadsanidiin

Mas’uuliyiin katirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimha Bulshada XFS oo kulan la qaatay madaxda hay’adda SoDMA

Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Xasan isaak ayaa booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Hay’adda SoDMA,  waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarey sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta guud ee ka dhaxeysa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka loona hormarin lahaa dadaallada Ilaalinta bulshada, si loo dhimo loogana hortago faqriga iyo nuglaanta dadkeenna.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane 𝐁𝐢𝐢𝐱𝐢 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 ayaa kulan miro-dhal ah kula yeeshay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya 𝐊𝐫𝐢𝐬𝐭𝐢𝐧𝐚 𝐒𝐯𝐞𝐧𝐬𝐬𝐨𝐧.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay taageerada farsamo iyo maaliyadeed ee Bangiga Adduunka uu siiyo Dowladda Soomaaliya. Waxa sidoo kale kulanka diiradda lagu saaray arrimaha dib-u-habaynta Maaliyadda iyo xoojinta hannaanka Maamulka Maaliyadda Guud.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda horumarineed ee uu Bangiga Adduuku ka wado Soomaaliya iyo sidii ay si dhaw uga wadashaqeyn la hayeen Bangiga Adduunka iyo  Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Hey’adaha ku shaqada leh dhaqangelinta Mashaariicda.

“𝙒𝙖𝙭𝙖 𝙖𝙖𝙣 𝙠𝙪 𝙛𝙖𝙧𝙖𝙭𝙨𝙖𝙣𝙖𝙝𝙖𝙮 𝙞𝙣 𝙖𝙖𝙣 𝙢𝙖𝙖𝙣𝙩𝙖 𝙠𝙪 𝙨𝙤𝙤 𝙙𝙝𝙖𝙬𝙚𝙚𝙮𝙤 𝙭𝙖𝙧𝙪𝙣𝙩𝙖 𝙒𝙖𝙨𝙖𝙖𝙧𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙈𝙖𝙖𝙡𝙞𝙮𝙖𝙙𝙙𝙖, 𝙆𝙧𝙞𝙨𝙩𝙞𝙣𝙖 𝙎𝙫𝙚𝙣𝙨𝙨𝙤𝙣 𝙤𝙤 𝙖𝙝 𝙒𝙖𝙠𝙞𝙞𝙡𝙠𝙖 𝘽𝙖𝙣𝙜𝙞𝙜𝙖 𝘼𝙙𝙙𝙪𝙪𝙣𝙠𝙖 𝙚𝙚 𝙎𝙤𝙤𝙢𝙖𝙖𝙡𝙞𝙮𝙖. 𝙒𝙖𝙭𝙖 𝙖𝙖𝙣 𝙠𝙖 𝙬𝙖𝙙𝙖 𝙝𝙖𝙙𝙖𝙡𝙣𝙖𝙮 𝙗𝙖𝙧𝙣𝙖𝙖𝙢𝙞𝙟𝙠𝙖 𝙙𝙞𝙗-𝙪-𝙝𝙖𝙗𝙚𝙮𝙣𝙩𝙖 𝙢𝙖𝙖𝙡𝙞𝙮𝙖𝙙𝙙𝙖, 𝙭𝙤𝙤𝙟𝙞𝙣𝙩𝙖 𝘿𝙤𝙬𝙡𝙖𝙙-𝙬𝙖𝙣𝙖𝙖𝙜𝙜𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙢𝙖𝙨𝙝𝙖𝙖𝙧𝙞𝙞𝙘𝙙𝙖 𝘽𝙖𝙣𝙜𝙞𝙜𝙪 𝙣𝙖𝙜𝙖 𝙩𝙖𝙖𝙜𝙚𝙚𝙧𝙤 𝙚𝙚 𝙠𝙪 𝙖𝙖𝙙𝙖𝙣 𝙙𝙞𝙗-𝙪-𝙝𝙖𝙗𝙚𝙮𝙣𝙩𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙝𝙤𝙧𝙪𝙢𝙖𝙧𝙞𝙣𝙩𝙖 𝙙𝙝𝙖𝙦𝙖𝙖𝙡𝙖𝙝𝙖 𝙙𝙖𝙡𝙠𝙖” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige.

Bangiga Adduunka ayaa Soomaaliya siiyo taagero maaliyadeed iyo mid farsamo, si uu gacan uga siiyo horumarinta dhaqaalaha dalka iyo xoojinta hannnanka horumarinta Hey’addaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

   

Soomaaliya oo qaadacday qodobadii ka soo baxay shirka dalalka Barigga Afrika ee ciidamada Heeganka

Nairobi- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadacday qodobadii ka soo baxay shirka 32aad ee dalalka bariga Afrika ee ciidamada heeganka kaasi oo lagu soo gabagabeeyay Dalka kenya.

Shirkan oo 22kii bishan ka furmay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya uuna shir guddoominayay wasiirka Gaashaandhigga Kenya ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirada Gaashaandhigga dalalka Bariga Afrika, iyadoo dhanka Soomaaliya ay uga qeybgaleen wafdi uu hogaaminayay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka iyo xubno sar sare oo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ka tirsan, kaasi oo looga hadlayay qorshaha iyo Istaraatiijiyadda shanta sano ee soo socoto.

Shirka ayaa qeybaha hore waxaa diirada lagu saaray sidii tababaro joogto ah loo siin lahaa ciidamada heeganka ee qeybta ka ah dalalka bariga Afrika, isla markaana looga wada shaqeyn lahaa amniga iyo xasiloonida Gobalka.

Lataliyaha Sare xaga Amniga ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane Cabdi Diirshe oo saxaafadda kula hadlay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa xusay inay shirka ka cadeeyeen mowqifka dowlada Federaalka Soomaaliya ee laga soo horjeedo damaca Ethiopia ee badda Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in wafdiga Soomaaliya ka socday ay gebi ahaanba ka soo baxeen shirka oo ay qaadaceen qodobada laga soo saaray.

“Soomaaliya waxa ay qaadacday qodobadii ka soo baxay shirka 32aad ee dalalka bariga Afrika ee ciidamada heeganka kaasi oo lagu soo gabagabeeyay Dalka Kenya”. Ayuu yiri Lataliyaha Sare Xagga Amniga ee Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdi Diirshe .

Mudane Cabdi Diiirshe ayaa tilmaamay in Madaxda shirka ka qeybgashay ay u gudbiyeen mowqifka dowlada Soomaaliya, ayna ka filayaan in markale dib loo soo saaro bayaan cad , kaasi oo lagu taageerayo go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka istaagtay xadgudubka Ethiopia.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Roma kaga qeyb galaya shirka Talyaaniga iyo Afrika

Roma-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay kaga qeyb-geli doonaan Madasha Talyaaniga iyo Afrika, oo ah shir muhiim ah oo ay isugu imaanayaan madax ka kala socota Afrika iyo Yurub.

Shirkan waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ka jeedin doonaa khudbad uu diiradda ku saarayo iskaashiga dhaqaale, fududeynta isu-socodka iyo arrimaha amniga, sidoo kale, waxa uu ku soo bandhigi doona muhiimadda xasilloonida gobolka, ixtiraamka mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka, isagoo si gaar ah u dul istaagi doona xad-gudubka ka dhanka madax-bannaanida Soomaaliya ee dhawaan ay Itoobiya ku dhiirratay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iftiimin doona dadaalka aan kala joogsiga lahayn ee Soomaaliya ay ugu jirto la dagaallanka argagixisada iyo dib u dhiska ciidamada.

Madaxweynaha ayaa shirku inta uu socdo waxa uu kulammo labo geesood ah la qaadan doonaa madax iyo mas’uuliyiin ay ka mid yihiin;

  1. Mudane Azali Assoumani, Madaxweynaha dalka Comoros, ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika.
  2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane William Ruto.
  3. Madaxweynaha dalka Eritrea Mudane Isaias Afwerki.
  4. Agaasimaha Maamulka ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) Marwo Kristalina Georgieva,

 

Ra’iisul wasaare Xamse oo daah furay mashruuc 40 milyan lagu maalgalinayo oo Soomaaliya laga fulinaayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay mashaariic la xiriirta dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo Gargaarka oo ay ka hirgelineyso Soomaaliya, Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Samafalka, kuwaas oo ay ku baxayso lacag dhan 40 milyan oo dollar.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in mashaariicdani ay wax weyn ka tari doonaan baahiyaha adeegyada bulshada ee ka jira dalkeenna, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha oo kamid ah adeegyada aasaasiga ah ee ay baahida weyn u qabaan shacabkeena.

La-taliyaha Boqorka Sacuudiga, ahna Kormeeraha Guud ee Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Samafalka, Dr Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Rabiica, oo hoggaaminayay wafdiga Dowladda Sacuudi Carabiya ee maanta u yimid daahfurka mashaariicda, ayaa sheegay in dowladda Sacuudi Carabiya ay ka go’an tahay taageerada dhinacyada kala duwan leh ee shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey Boqortooyada Sucuudiga garab istaagga iyo taageerada noocyada kala duwan leh ee ay mar walba siiso dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isaga oo hoosta ka xariiqay in tallaabadani ay sii xoojinayso xiriirka walaaltinimo ee u dhaxeeya labada dal.

                               

Xildhibaanad Ilhaan Cumar ” inta aan Congers-ka joogo Badda Soomaaliya cid kale ma qaadan karto”.

Minneapolis:-Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka Mareykanka ayaa si adag uga hadashay damaca gurracay  Itoobiya ee Badda Cas, iyada oo sheegtay in xilligaan Biyaha Soomaaliya aan la iska qaadan Karin.

Ilhaan Cumar oo ka hadashay munaasabad ka dhacday magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa sheegatay in aysan.suuragal ahayan badda Soomaaliya ay dad kale qaataan

“ Intaa aan anniga Congress-ka joogo Badda Soomaaliya dad kale ma qaadanayaan”Ilhaan Cumar

Sidoo kale Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka uusan taageereeniin uu dal kale dhaco Soomaaliya, “Waddanka Mareykanka kuma taageerayo dad kale in ay annaga na dhacaan, marka taas ka seexda.”

xildhibaan Ilhaan oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u maqan tahay iyada wakiil u ah, “Gabadhii aad Congress-ka u dirsateen way idinka warheysaa, sida idinka u dareemaysiin dantaas ayey u dareemaysaa.”

Dhanka kale Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa Madaxdweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku bogaadisay go’anka addag ee dowladda iyo sida shacabka Soomaaliyeed ugu baraarujiyeen in ay sid wadajir ah ugu kacaan difaac qarannimada soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa aan leenahay waan kuugu faraxsannahay, shaqada fiican ee aad qabatay, in dadka Soomaaliyeed aad dareensiisay si kasta aan annaga u dhibannahay Soomaali haddii aan nahay, waxa aan nahay dad karti leh dad waddankooda aqoonsan, dad waligood dalkooda khatar laga galin Karin.”

Ugu dambeen Ilhaan Cumar ayaa shacabka Soomaaliyeed ku ammaantay sidii ay uga falceliyeen damaca gurraca ee dowladda Itoobiya,iyadoo ugu baaqaday in ay u midoobaan oo ay garab istagaan dowladooda