Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya oo raali galin ka bixiyay wareysi uu dhawaan siiyay warbaahinta Dowladda Itoobiya

Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya danjire Mukhtar Maxmed Waare ayaa raali galin ka bixiyay wareysi uu dhawaan siiyay warbaahinta Dowladda Itoobiya.

“Waxaan raali galin ka bixinaya waraysigii aan dhawaan warbaahinta dalkeyga aan siiyey ma ahayn mid lagu qanci karo, waxaana cafis weydiisanayaa walalaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,Soomaaliya iyo itoobiya waxay wadaagaan xariir qoto dheer, waxaa iga go’an ka Safiir ahaan inaan si xoog ah ugu shaqeeyo oo aan xoojiyo xariirka labadeena dal ee walalaha si loo xoojiyo wada shaqeeynteena” ayuu yire danjire Mukhtar Maxmed Waare safiirka Ethiopia ee Soomaliya oo qoraal soo dhigay bartiisa X Space.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya, Valentin Zellweger.

Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa diiradda waxaa lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Sida lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada.

Kulanka oo ka qabsoomay xarunta xalane ayaa hoosta looga xariiqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo kobcinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah ee caalamiga ah si wax looga qabto caqabadaha la wadaago loona horumariyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Garsoore Cumar Cartan oo caawa markale ka soo muqan doono Tartanka Kubadda Cagta Qaarada Afrika

Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan oo caawa ka soo muuqan doona kulankii shanaad Tartanka Kubadda Cagta Koobka Qaramada Qaarada Afrika ee AFCON 2023.

Garsoore Cartan ayaa caawa noqon doona garsooraha dhexe ee  kulanka derbiga ah  ee u dhexeeya xulalka dalalka GUINEA  vs EQUATORIAL GUINEA.

Kulan ciyaareedka ayaa  dhici doona caawa 8:00 Fiidnimo saacadda geeska Afrika.

Jubbaland oo tababar u furtay ciidan cusub oo ka qeyb qaadan doono sugidda amniga degaannada jubbaland

Madaxweyne ku xigeenka kowaad ee Dowlad goboleedka jubbaland ahna ku simaha Madaxwaynaha Maxamuud Sayid Aadan ayaa  kormeer ku tagay dugsiga Tababarka Ciidamada daraawiishta Jubbaland ee xerada (Ma dhammaato).

Waxaa uu halkaas kula hadlay Ciidamo cusub oo ka mid ah Ciidamada Darawiishta Jubbaland  loo diyaariyay la  dagaalanka khawaarijta.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa u sheegay Ciidamadan cusub inay qeyb ka yihiin dadaalka loogu jiro sidii Anmiga degaannada Jubbland loo sugi lahaa ayna ka qeyb qaadan doonaan dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Xerada Ma dhamaato ayaa  dhawaan waxaa banayeeyay  Ciidamo ka tirsan Hawlgalka ATMIS waxaana halkaas la wareegay Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Jubland .

 

Shirka 6-aad ee Garsoorka dalka oo lagu wado in Maanta uu ka furmo Muqdisho

Waxaa maanta lagu wadaa in Muqdisho uu ka furmo shirka 6-aad ee Garsoorka dalka, kaa oo ay ka qeybgalayaan bahda Garsoorka dalka.

Garsoore Abubakar Axmed Cali, Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Shirka oo la hadlay Warbaahinta qaranka ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid sanadkii 6-aad la qabanayo,isagoo sheegay in looga hadli doono muddada uu socda shirka dowlad wanaaga iyo ciribtirka Musuq-maasuaqa.

Shirkaan oo socon doono mudda laba cisho ah ayaa waxaa ka qeybgali doono bahda Garsoorka, xeer ilaalinta,Kaaliyaasha maxkamdaha heer fedaraal iyo mid dowlad goboleed iyada oo  inta uu socoda lagu falanqeyn doono horumarada iyo caqabadaha ku gadaaman laamaha caddaaladda dalka.

Howlgal dhinaca cirka ah oo lagu beegsaday horjoogayaal ka tirsan khawaarijta

Ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah oo kaashanaya xogta dadka Deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay Deegaanka Cali hayle ee ku yaala xadka Sh/dhaxe iyo Galgaduud.

Gaari ay la socdeen maleeshiyada argagixisada ah ayaa lagu burburiyay howlgal maqribnimadii caawa ka dhacay Deegaanka Cali Hayle ee Galgaduud, waxaana gaariga saarnaa hor-joogayaal ka tirsan nabadiidka.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa la kordhiyay Howlgallada dhanka cirka ah Ee lagu beegsanayo kooxaha naf la caariga ah ee caadeystay gumaadka Shacabka Soomaaliyeed, waxaana la qaarijiyay maleeshiyaad badan.

Wasiirka Caddaaladda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxa hey’adda TIKA ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Macallin Maxamuud ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxda Hey’adda TIKA ee Turkiga.

Kulanka ayaa ku saabsanaa sagootin loo sameynayay madaxii hore ee Hey’adda TIKA Mudane İlhami TURUS iyo soo dhaweynta madaxa cusub ee hey’adda TIKA Mudane Zafer EŞKİ.

Wasiirka ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ay hey’adda TIKA ka heyso dalka, waxaa uu sidoo kale uga mahadceliyay dadaalka hagar la’aaneed ee ka geysato Hey’adda TIKA arrimaha dib u dhiska dalka iyo taageerada hey’adaha caddaaladda iyo asluubta Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa ka faalooday xiriirka iyo iskaashiga 12 sano ka hor soo bilowday ee miro dhalay, isagoo qeyb ka ahaa dib u soo nooleynta xiriirka labada dal. Waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga, isagoo bogaadiyay  garab istaaggooda Soomaaliya, waxaa uu si weyn uga faalooday qoto dheerida xiriirka qadiimiga ee u dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.

       

Ciidanka sirdoonka qaranka oo howlgal qorsheysan ku burburiyay xaruntii kaydka hubka Khawaarijta ee Buq-aqable

Beledweyne- Howlgal galinkii dambe ee maanta ay si wadajir ah  Gobolka Hiiraan uga fuliyeen ciidanka sirdoonka Qaranka iyo Saaxiibada caalamiga ah ayaa khasaare xoogleh lagu gaarsiiyay Khawaarijta.

War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa lagu yiri ” Hawlgal ay iska kaashadeen Hay’adda NISA iyo Saaxiibada Caalamka ayaa lagu burburiyay Xarunta kaydka Gaadiidka iyo Hubka Khawaarijta ee Buq-aqable, waxaana jira Khasaaro badan oo la gaarsiiyay cadowga.

Howlgal qorsheysan ee jab xoog leh lagu gaarsiiyay Khawaarijta ayaa ka dhacay magaalada Buq-aqable ee gobolka Hiiraan. Waxaana la beegsaday xaruntii kaydka Gaadiidka iyo Hubka Khawaarijta ee Buq-aqable sida lagu sheegay warka NISA.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka sare oo guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ee Aqalka Sare

Guddoomiye ku xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.

Kulanka oo uu goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde oo ajandihiisu ahaa ka tashiga arrimaha dib u eegista Dastuurka  ayaa ugu horrayn warbixin looga dhagaystay xoghayaha guddiga Dastuurka Baarlamaanka JFS, Sanatar Saciid Cabdi Xuseen, isagoo ka hadlay habraaca ay mudanayaasha Labada Aqal ansixiyeen muhiimaddiisa iyo in inay u diyaarsan yihiin ka guddi ahaan afarta cutub ee ee ugu horraysa dastuurka.

Intaas kadib xubnaha Guddiga joogtada Aqalka Sare ayaa dood iyo falanqayn ay ka yeesheen habraaca dib u eegista Dastuurka, waxay soo jeediyeen in tobanka bisha Febaraayo la guda galo doodda afarta cutub ee ugu horraysa Dastuurka KMG ah, taas oo ay ugu dambayn isla qaateen.

        

Itoobiya: in ka badan 20 malyan oo Shacab ah ayaa wajahaya cunto la’aan daran

Ethiopian refugees stand in for supplies at the Um Rakuba refugee camp which houses refugees fleeing the fighting in the Tigray region, on the Sudan-Ethiopia border in Sudan, November 29, 2020. REUTERS/Baz Ratner - RC2ADK93HUQB

Xafiiska isku duwida arrimaha bena’aadinimo ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in 20 miliyan oo Itoobiyaan ah ay deg-deg uga baahan yihiin wax ay cunaan, waxana la soo warinaya in macluul ay gaysanayso dhimashada carrur badan oo ku nool deegaanada fog-fog ee gobalada Amxaarada iyo Tigreega.

Colaad iyo abaaro xun oo hadda taagan ayaa isu biirsaday Itoobiya, waxa jira barakaca 1.5 milyan, waxana hay’adaha gar-gaarka caalamka ay eeda saarayaan dawladda Itoobiya oo bixisay war aan ku saleysnayd xaqaa’iqa nolosha dadka ku saamoobay.

Ra’isul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegay in waddankiisa uu gaaray isku filnaansho, oo soo saaraya Qamida taasi oo xitaa debadda loo dhoofinayo.

Dawladda Federal-ka Itoobiya ayaa dafirtay xaaladaha adag ee waddanka ka jira oo ay khubarada isbar-bar dhigayaan duruufo nololeed oo sidan oo kale uga dhacay waddanka siiba abaar dhacday 1986-dii markaa oo gaajo daran dhacday.

“Waa dhab dhibaatada cuni yarida ee dalka Itoobiya, waxaana sababay Colaada iyo abaarta daba-dheeratay taasi oo aan mar-marsiyo looga dhigan Karin macluusha Tigrey balse waa siyaasada dawladda ee ku dhisan ciqaabta iyo go’aanada kaalmada beni’aadinimo ee caalamka oo in la’isa su’aalo tahay”, Mukesh Kapila, Professor ahna qoraa ka faalooda arrimaha collaadaha.

Iyada oo jirta dhibaatadan ayaa ra’isul wasaaraha Itoobiya waxa uu gobalka u horseedaya colaad hor leh, sida in uu ka fekeray in madax banaanida waddanka Soomaaliya in uu fara-gelin ku sameeyo isaga oo doonaya dhul & bad boob, waxana hore colaad waddanka kala dhaxeysay waddama Sudan iyo Masar oo biyo xireen ay ahayd in waddamada wadaagaan uu iskiis go’aan ku qaatay in uu sameysto.

Dawladda Itoobiya ayaa wajahayso dhibaato dhinacyo badan oo ay ku jirta diidmo ka imaanaysa maamulada iyo xitaa xisbiga talada hayo oo bilaabay in ay shaqada iska tagaan ka dib markii uu ka jawaabi waayey baahiyaha bulshada iyo qaadashada go’aan aan la isku raacsanayn oo waxa ka dhalan kara la ogeyn.