Garsoore Cumar Cartan oo caawa markale ka soo muqan doono Tartanka Kubadda Cagta Qaarada Afrika

Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan oo caawa ka soo muuqan doona kulankii shanaad Tartanka Kubadda Cagta Koobka Qaramada Qaarada Afrika ee AFCON 2023.

Garsoore Cartan ayaa caawa noqon doona garsooraha dhexe ee  kulanka derbiga ah  ee u dhexeeya xulalka dalalka GUINEA  vs EQUATORIAL GUINEA.

Kulan ciyaareedka ayaa  dhici doona caawa 8:00 Fiidnimo saacadda geeska Afrika.