Wasiir Daa’uud Aweys” Marna ma aqbali doono gardarada qaawan ee Dowladda Itoobiya u bareertay,”

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys ayaa khadka fogaan aragga ah kala qeyb galay Jaaliyadda Soomaaliyered ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka munaasabad looga soo horjeedo damaca gurracan ee Dowladda Itoobiya ay ku dooneyso qeybo ka mid ah Badda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa marka hore uga mahadceliyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota isku soo baxaan weyn ee ay kaga soo horjeedaan gardarada qaawan ee Itoobiya ay u bareertay, taas oo ay wax ugu dhimeyso qaranimada iyo madax bannaanida dhuleed ee dalkeenna.

” Waad mahadsan tihiin dhammaantiin, si weyn ayaa idin kaga mahadcelineynaa isku soo baxaan weyn oo aad maanta ku dhigaeysaan Minnesota, idinka oo ka soo horjeeda gardarada qaawan ee Dowladda Itoobiya ay ugu bareertay, waxaan idin cadeyneynaa in Dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay diidmadeeda qayixan ee damaca Itoobiya,islamarkaana marnaba la aqbali doonin in la haweysto taako ka mid ah dhulkeenna,” ayuu yiri Wasiirka warfaafinta.

Sidoo kale, Wasiir Daa’uud Aweys oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in Soomaaliya markasta ay u taagan tahay deris wanaag iyo iskaashi, balse marnaba aysan ogolaan doonin in lagu soo xadgudbo madax bannaanideeda dhuleed.

”Soomaaliya waxay mar walba u taagan tahay derisnimo wanaagsan iyo iskaashi laakiin marka ay dhacdo xadgudub noocaan oo kale ah marnaba ma yeeleyno, waxaan ilaalineynaa oo aan difaaceynaa qaranimada, wadajirka iyo madax bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,”.

Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa uga digay Dowladda Itoobiya in ay ka waantowdo falalka gurracan ay waddo oo wax u dhimaya nabadda gobolka iyo kan caalamka, isagoo dhanka kale, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota, markale, uga mahadceliyay sida wadaniyadda leh ay u muujiyeen dareenkooda ku aaddan ilaalinta qaranimada Soomaaliyeed, waxaana idin rajeynayaa guul Soomaaliya ha noolaato, Soomaaliya ha guuleysato.

‘Yuusan nagula soo galgalan colaadda Dalkiisa’ (WARBIXIN)

Kacdoon xooggan oo looga soo horjeedo xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ka socda gobalka Amxaaradda ee dalka Ethiopia xili uu xilka iska casilay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenkii ahaana Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Ethiopia Demeke, kaasi oo Abiy Ahmed ay saaxiib isku dhow ahaayeen ilaa iyo 2020kii, waxaana la arkayay Muuqaallo laga duubay kooxaha kacdoonka oo isku soo baxay markii uu is casilay Mr. Demeke kuwaasi oo raasaas ridaya. Maamulka iyo Jabhadda Amxaarada ayaa horay bayaan ay u soo saareen waxay ka soo horjeesteen dhaqanka qar iska tuurnimada ah ee Abiy Ahmed uu isku dayayo inuu ku maaweeliyo Shacabka Itoobiya ee hadda diidan Xukunkiisa.

Demeke Mekonnen waxaa uu ka soo jeedaa qowmiyadda Amxaarada oo haatan dagaal culus oo hubeysan kula jirta Dowladda Ethiopia ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, waxaana xilkii uu hayay lagu bedelay Temesgen Tiruneh oo ah Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka, Dalka Ethiopia waxaa ka taagan dagaalo sokeeye oo qowmiyado ku saleysan, kuwaasl oo khatar ku ah amniga dalkaasi iyo kan gobolka intaba.

Demeke oo ahaa Gudoomiye ku xigeenka 3-aad ee xisbiga Barwaaqo-sooranka ee Xisbiga Talada haya, uuna ku matalayay Garabka Amxaarada ayaa sidoo kale laga qaaday xilkii uu hayay, Sidaasna waxa lagaga dhawaaqay Kulankii Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga PP, ilaa hadda lama yaqaano sababta, balse, Xuuraan loo qaateen ah ayaa daaha ka rogayaa in Xisbiga haya talada Ethiopia ee PP-da uu taageeray Is-afgaradkii ay Dawladda dalkaasi la gashay Maamulka Somaliland, kaasoo ogolaanayay in Dhul/Xeeb Soomaaliyeed laga dhiso Saldhig milateri oo ay Ethiopia leedahay, iyadoo uu ka soo horjeestay Mr.Demeke Meknnen. Ku darsoo bilihii ugu dambeeyay Kacdoonka kooxda FANO ee Hubeysan kana wadaan Gobolada Amxaarada ayaa la sheegayaa iney Degaano badan kala wareegeen Ciidamada Ethiopia oo u badan Qabiilka Oromada ee uu ka soo jeedo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Wararakii ugu dambeeyay oo mar dhow soo dhacay ayaa sheegaya in Ciidamada Jabhadda Amxaarada ay isku gadaameen xerada Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiyaha ee deegaanka Ensaro Shewa oo qiyaastii 93km u jirta magaalada Addis Ababa, ee Caasimadda Itoobiya, sida ay sheegeen xubno ka tirsan Jabhadda. Dagaalamayaasha Jabhadda Amxaara, iyagoo hadda Kaabiga ku haya magaaladda Addis Ababa ee uu ku shaqeeyo R/wasaare Abiy Axmed, waa sida qortay Amhara News Service, waxaa kaloo ay qortay in Gobalka Maamulka Axmaarada uu ka socda kacdoonkii ugu xoogganaa, waxaa laga maqlayay rasaas dabaal deg u muuqatay markii uu is casilay R/wasaare ku xigeenkii Itoobiya ahaana Wasiirkii Arrimaha Dibadda.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa markii ugu horreeysay ka hadlay xiisadda ka dhalatay is-afgaradkii Somaliland iyo dalkiisa dhexmaray bilowgii bishan, waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in hab diblomaasiyadeed lagu xalliyo xiisadda u dhexaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo aanay soo farogalin wax uu ku sheegay “dhinacyo ka baxsan.”

Abiy oo hadal ka jeedinayay  shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga talada haya ee Barwaaqo (PP), wuxuu intaa raacshey in Itoobiya ay kaga dhinteen boqollaal ciidan ah, si loo helo midnimo iyo nabad ka dhalata Soomaaliya, islamarkaana aanay dalkiisa dani ugu jirin colaad dhex dhexmarta labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya. “Itoobiya gabi ahaanba wax dan ah kama laha la dagaalanka Soomaaliya,” ayuu yiri Abiy Ahmed isagoo sheegay in uu dadaal xoog leh ay dowladiisu ka sameeysay sidii ay u midoobi lahaayeen Soomaaliya.

Marka dagaal Ooge Abiy Dadkiisana uma roona Deriskana uma roona, waxa uuna u isticmaalka aan loo meel dayin ee diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (UAVs) ee Itoobiya, gaar ahaan ujeeddooyinka dagaalka, ayaa noqday masiibo bini’aadantinimo oo ba’an oo u baahan in caalamku wax ka qabto. Tan iyo markii uu qarxay dagaalka Tigray bishii Noofambar 2020-kii, kumannaan qof oo rayid ah ayaa si xun loogu waxyeeleeyay duqeymo ay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee hawada ka goobaha ay ku noolaayeen. Weerarkii bahalnimada ahaa ee dhawaan lagu qaaday xarun dugsi oo ku taal Dedebit, Tigray, 07 Janaayo, 2022-kii, ayaa la xaqiijiyay in halkaasi oo lagu dilay in ka badan 55 qof oo rayid ah oo gabbaad halkaasi ka dhigtay.

Dhacdooyin ay ka mid yihiin weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ku qaadeen kaniisadda Full Gospel ee ku taalla Kombolcha ee gobolka Oromia, oo ay ku naf waayeen siddeed qof, iyo weerar lagu qaaday baabuur kuwa gargaarka deg-degga (ambulance) oo sahay caafimaad u siday gobolka ama deegaanka Amxaarada, oo ay ka dhasheen dhimashada shan qof, ayaa ka tarjumeysa sida aan ka fiirsiga laheyn ee loo beegsanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan iyo burburinta kaabayaasha muhiimka ah.

Tallaabada gurracan ee ay qaadday Ethiopia ee ay ku faragelinayso Qaranimada Soomaaliya ayaa loo arkaa mid si ula kac ah lagu wiiqayo guulaha iyo horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, dhanka kalena ay Ethiopia khatar ku gelinayso amniga gobolka iyo kan caalamka intaba. haddaba yuusan nagula soo gal galan colaaddda ka aloosan Dalkiisaa Itoobiya, taasi ayaa u baahan wax iska weydiin.

Madaxweynaha Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh ayaa sheegay in Itoobiya aysan doonayn oo keliya badda balse ay doonayso in ay ku darsato dhulka Soomaaliyeed, taasina aysan dhici doonin., wuxuuna intaasi ku daray in Soomaaliya iyo Itoobiya ay leeyihiin Taariikh ku suntan colaad iyo dagaallo, balse ay Soomaaliya boggaasi iska laabtay, iyadoo go’aansatay in ay waddamada gobolka kula noolaato nabad, sida uu sheegay Teledishinka Al-carabiya ayaa intaasi ku daray in haddii ay Itoobiya joojin weydo tallaabooyinka waallida ah ee ay qaadayso ay iyaguna cid walba weydiisan doonaan taageero gaar ahaan dowladda Masar.

Dhinaca kale inuusan dagaal Ooge Abiy dhanna u rooneyn waxaad ka garan kartaa sida uu ula dhaqmo Shucuubta Itoobiyaanka ah, mar uu gumaado Qowmiyadda uu ka dhashay ee Oromada, mar uu gumaado tan Tigreega, haddana waxa uu sifeyn ku hayaan midda Amxaarada, marka Shacabka Amxaarada dalka Itoobiya ayaa ka hor yimid damaca qalafsan ee Abiya Axmed ee ku wajahan dhulka Soomaaliyeed, iyadoo qaar ka mid ah shacabka Amxaarada dalka Itoobiya oo ka hadlay heshiis beenaadkii dhexmaray Abiy Axmed iyo Muuse Buxi ayay ku tilmaameen inuu ahaa mid qar iska tuurka ah, islamarkaana aan laga fiirsan, waxayna sheegeen Shacabka Amxaarada in shacabka Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin in ay ilaashadaan midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee jamhuuriyadda Soomaaliya.

By. C/lahi Ruush

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo booqday Xarunta SoDMA

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen Mahad Cabdiraxmaan Adam ayaa maanta waxa uu booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Md Maxamuud Macallim Cabdulle.

Guddoomiyaha iyo Taliyaha Asluubta ayaa kawada hadlay in gargaarka SoDMA bixiso la soo gaarsiiyo Maxaabiista ku xeran Xabsiyada dalka oo ay ugu horeyaan kuwa ku jira Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, in ay yeeshaan wada shaqayn dhaw, sidoo kale Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa waxa uu kormeray xafiisyada kala duwan ee xarunta SoDMA.

Kulankaan waxaa qayb ka ahaa Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidanka Asluubta iyo Masuuliyiin SoDMA ka tirsan oo iskugu jira Agaasimayaal iyo Lataliyayaal sare.

FATAHAADIHII GOBOLADA KA DHACAY OO SAAMEEYEY MACIISHADA.

Gobolada dalka qaar waxaa Ka curtay roobkii gu’ga ahaa oo in muddo ah ay sugayeen bulshada Soomaaliyeed muddo ayey lasoo daala dhacaayeen abaaro baahsan oo saameeyey dadka iyo xoolaha.

Roobab mahiigaanka ah ee Ka da’ay gobolada dalka qaarkood ayaa sababay dhibaatooyin kala duwan oo ay ugu horeyso fatahaadaha ay sameeyaan daadadka in ay waxyeelo Ka soo gaartay shacabka oo qaar ay ku dhinteen daadad kaas qaarna dhaacwacyo soo gaaray, waxaana daadadka uu sameeyey guryihii, xoolihii iyo dukaamadii oo dhan ayuu sameen Xooggan ku yeeshay.

Hadaba, haddii aynu u imaano roobabaka sameenta ganacsi uu ku yeeshay.

Roobabkii xooganaa ee Ka da’aayey gobolada dalka waxa uu saameen xooggan ku yeeshay dhanka maciishada oo laga dareemaayo suuqayada waaweyn ee magaalooyinkaas waxaana sara u kacay qiimaha maciishada.

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolada uu saameeyey roobabkii ayaa ka walaacsan maciishada sara u kaca ku yimid ayaga oo aan awoodin in ay iibsadaan adeegyada ay u baahan yahay waxaana ay sheegeen in ay dhibaato xooggan ay ku qabaan qiimo kororka ku yimid maciishada.

Haafkii bariiska ayaa qiimiha lakala iibsado ayaa ah afartan dollar oo ah qiimo aad u sareeya waxaana ay dhibaato xooggan ay ku leedahay bulshada Soomaaliyeed ee kala heerka ah ee qaarkood aan awoodin in ay afartan wax ku iibsadaan taasina waxa ay keentay daruuf adag in ay bulshadii ay ku noolaadaan.

Maciishad kororka bulshada Soomaaliyeed markasta dhibane ayey u yihiin waxaana ay u baahan yihiin xal maadaama aysan awoodin qiimaha lacagta oo badan.

Inkastoo guud ahaan dalka iyo caalamkaba ay ka jiraan kororka qiimaha maciishada waxaana intabadan loo sababeeyaa dagaalka ka socda Yukreen taasina waxa ay sababtay in Ganacsiyada adduunka ay isbadalo xooggan ay ku yimaadeen waxaana kordhay qiimaha wax lakala iibsado.

Dowladdu waxaa looga baahan yahay in qorshayaal ay u dajiso shacabka marka ay dhibaatooyin ay lakulmaan waxaana ay u baahan yihiin gar gaar dag dag ah iyo in dowladdu ay keento Raashin ku filan.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

 

QALABKA ISGAARSIINTA EE XIRIIRKA BULSHADA IYO SAAMEYNTA TAHRIIBKA

Muddo haatan laga joogo 40 sano ayuu qalabka isku xirka bulshada (Social Media  ku soo biiray caalamka waxaana emailkii ugu horreeyey la is weydaarsaday 1971kii iyadoo qalabkan oo ay ku jiraan Facebook , Twiter iyo isgaarsiinta kale sida telefoonnada  thuraya-ha ay la yimaadeen horumar dhnaca isku xirka .

Qalabkan ayaa haatan afartii qofba qof uu caalamka adeegsadaa iyadoo loo heysto mid aan dhib laheyn balse cilmi baareyaasha ayaa sheegaya in ay leeyihhin dhinac taban oo saameyn ku yeeelan kara qofka maskax ahaan iyo dabeecad ahaan.

Daraasad la sameeyey 2012kii oo ay sameysay jaamacadda Lehigh ee ku taalla gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka waxaa lagu ogaaday in ay shucuurta qofka samayen waxayna dadkii lagu tijaabiyey darasadda ka soo baxday oo ahaa Mareykan  15% ay qalabkani dabeecadooda bedeleen halka 51% laga ogaaday in saameyn xun ay ku yeesheen.

Hadaba dadka Soomaalida ah siiba dhallinyarada ayaa qalabkan adeegsada waxayna dhallinyaradu muddooyinakan dambe diiradooda saaraan safarada tahriika iyo wax ka ogaanshaha nolosha qurbaha ,,,

Qalabka teknolojiyada cusub oo ay ku jiraan isgaarsiinta casriga ah iyo kuwa baraha bulshada sidee loola xiriirin karaa tahriibka dhallinyarada Somaalida .

Xamsa Maxamed Shiikhdoon  oo ku nool magaalada Hargeysa  wuxuu daraaseeyaa saameynta baraha bulshada iyo isgaarsiinta ay ku leeyihiin tahriibka dhallinyarada wuxuuna sheegay in sababaha dhallinyaradu ay ugu hanqal taagaan tahriibka ay qalabkani ku hoggaamiyaan.

“ Dhallinyarada dalka ka tahriibtay ee tagtay dalalka kale waxay sawiradooda oo ay isaga soo qaadeen meelo qurxoon ayey soo dhigaan baraha bulshada ,, waxayna saameeyaan dhallinyaradii gudaha dalka ku nooleyd iyagoo isu ekeysiinaya dad barwaaqo ku hoortay ..”ayuu yiri Xamsa

Sadaam Maxamed Axmed waa aqoonyahan bartay sharciga aqoona u leh saxaafadda wuxuu qabaa in qalabkan isku xirka bulshada uu caalamka ku yeeshay saameyn kala duwan oo isugu jirta mid xun iyo mid wanaagsan

“Baraha bulshadu waxay sahleen isku xirka dadka iyo iska warqabkooda laakiin dhinaca tahriibka dhallinyarada waxay abuureen hiyi-kac ..iyo in dhallintii Afrika oo ay ku jiraan kuwa Soomaalida ay dalkoodii ka jeclaadaan dal aaney aqoon oo aney ogeyn waxa ay ka heli karaan” ayuu yiri Sadaam.

Isgaarsiinta ama qalabkani saameyntiisa kuma koobna xiriiradaa hase yeeshee waxay kaalin ku leedahay abaabulka safarada tahriibka ee kooxo dhallinyaro ah oo isku xirma inta badanna isticmaala isku xirka isgaarsiinta telefoonka si ay isugu abaabulaan safaradaa iyadoo qaarkood ka qarinaya waalidiinta sida uu sheegayo Xamsa Cali Shiikhdoon.

‘’Akhbaarta safarka waxay ku kala qaataan dhallinyarada baraha ay ku jiraan Facebook oo ay iska abaabulaan ,waxayna isku dhaafsadaan macluumaadka”ayuu yiri

Waalidiinta ayaa ku kala qeybsan safarada tahriibka dhallinyarada oo qaarna ku taargeeraan qaarna ka horjeestaan hase yeeshee marka safaradani bilowdaan ayaa hadana isgaarsiintan casrigan ah hadana kaalin ku yeelataa xiriirka waalidka, dhallinyarada tahriibtay iyo kooxo safarada abaabula oo sheegta lacago wuxuuna Cali Cabdi oo Muqisho ku nool xirriiro isgaarsiineeeed oo ay ilaa haatan la soo sameeyan kooxo ku sugan Liibiya oo heysta walaalkiis lacagta safarkana ku sheeganaya.

“Telefoonada waa meesha laga soo waco waalidiinta marka carruurtooda ay ku dhacaan dabinka kuwa wax tahriibiya oo telefoonada ku muujiya handadaad” . ayuuna yiri.

Mararka qaar sheegashada kooxahaasi aad bey u dhibtaa waalidinnta oo qaarkood aaney heli karin lacag ay carruurtooda oo loogu  hanjabayo in la dilayo ama ama iyagoo la ciqaabayo isgaarss inta loogu so gudbinayo aaney furan karin wuxuuna adeegsiga isgaarsiintan u arkaa C/naasir Aadan mid xoogaa wanaag leh oo qofkaa la heysto u keeni karta in uu badbaado helo wuxuuse ka horjeedaa in marka horeba la galo falkaa isbiimeynta ah.

“Mararka qaar hanjabadaadaha waxaa ku jira jir dil telefoonka toos looga maqlo ..taas oo ah calool xumo” sida uu sheegay .

Qalabkan isku xirka bulshada marka dhinaca kale laga eego waxaa lagu soo gudbiyaa dhibaatada tahriibka iyo tahriibayaal boqlaal ah oo badaha ku qarqamay iyo muuqaalo naxdin leh oo ku saabsan doonyo degay iyo tahriibeyaal ku baaba;ay hadana saacad walba iyo maalin walba dhallinyaradu qatartaa wey ku sii socdaan , waxyana dadku ka fekeraan su’aal ah maxay dhallintu ugu sii dhegan yihiin arrinta, wuxuuna Xamza Cali shiikhdon ka hadlayaa sababaha ku kallifaya dhallinta in aaney ka tanasuleyn safaradan.

“ Wey adag tahay in dhallintu ka tanaasulaan laakiin waxay u baahan tahay in loo helo fursado waxbarasho..shaqooyin iyo in kor loo qaado mooraalka dhallinyarada” ayuu yir Xamza.

WQ: Mohamed Hassan

 

QAADISTA CUNAQABATEYNTA HUBKA IYO KU BIIRISTA EAC WAA GUUL U SOO HOYATAY DALKA

Muddo dheer ayaa dalka soomaaliya  lagu hayay cunaqabateynta hubka haddaan fiirinno ilaa xilligii burburka dowladdii dhexe ee soomaaliya in ka badan 32 sanno waxaa saarnaa cunaqabateyn hubka taasoo looga danlahaa in aysan soomaaliya isku dulin.

Soomaaliya waqtiyo badan ayaa la isku dayey in laga qaado cunaqabteynta hubka laakiin mar walba waxaa soo baxayay dhaliillo kale, taasina waxay keentay in ay muddada nagu sii dheeraato.

Haddaba maanta waxaa dadaal dheeraad ah ku bixiyay dowladda nasiibka badan ee uu hoggaaminayo mudane Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ka dib markii uu soo jeesto inuu dhameystiro qabyadii uu ka kol hore ka tegay waqtiguna uu u saamixi waayay.

Madaxweynaha ayaa u tafaxeetay markii la doortayba in xaqiijiyo howlahiisa qabyada u ahaa kuwanina waxay ka mid yihiin dhameystirkiisa iyo xaqiijinta goolahshiisa wallow ay ka horyimaadeen caqabado badan balse uu si xowli ah u jiiray, guulahiisana waxaa ka mid ahaa ugu horreynba in uu dharbaaxo adag la beegsaday khawaariijta kuwaasoo manta maraya heerkoodii ugu dambeeyay ee dhammaadka iyo cirib tirkooda.

Tallaabada labaad ee ummadda ka farxisay waxay ahayd ku biiristii dallada bulshada bariga afrika oo ah mid aan isaga ka horreynin qof kheyrkii ah oo ku fikirayna aysan jirin.

Faa’iidada ku jirta ku biirista dalladda bariga afrika  maahan wax halkaan lagu soo koobi karo balse dalka soomaaliya wuxuu noqon doonaa dal isku filan xagga dhaqaalaha iyo istraatiijiyadda amnigiisa.

Soomaaliya dal dowlad leh isna difaaci kara, sideedana dowladnimadu  waa  awood markii ay hesho hubkii ay ku taameysayna waxaa shacabku arki doonaan soo laabashada Libaaxyadii geeska afrika ee ciidankeennu ku magaca dheeraa sidoo kale waxaa guul guulka naga deyn doona kuwa badan oo soo damaacinaya dalkeenna iyo badaheenna.

Dhanka kale waxaa sugmi doona ammaanka xudduudaha dalka iyo ammaanka gudaha

Haddaba, mar haddii la qaaday cunaqabateynta lana helo hub casri ah oo waddanka lagu  difaaci karo waxaa Meesha ka bixi doona waxyaabo badan oo manta caqabad ku ah qarannimada dalka.

Waxaa  si hagaagsan usocon doono howlaha dowladnimada waxaana fuli doona wax kasta oo dowladnimada iyo maamul wanaagga quseeya

Muwaadin waa inaad ogaataa in hub la’aan uusan wax qiimo ah lahayn dal lana difaaci karin

Haddaaba, qof kasta oo diida oo ka soo horjeesta qaadista cunaqabteynta hubka ogaada kaasi wuxuu ka soo horjeedaa qarannimada dalka iyo jiritaanka ummadda soomaaliyeed waana cadowga kowaad ee bulshada

Waxay ahayd arrin loo baahnaa oo xilligeedii ku timid wallow loo baahnaa xilli ka sii horreeyay laakiin nasiib wanaag maanta ayaa Alle u dooray oo la helay

Hambalyo waa guul u soo wada hoyatay dalka iyo dadka iyo qowmiyadda soomaalida meelkastooy dunida ka joogaanba sidoo kalena ay mahad u celiyaan marka hore Allaah Swt ka dibna madaxdii halganka u soo gashay guud ahaan gaar ahaanna Madaxweynaha JFS iyo Madaxda Dan qaran iyo intii u howlgashay inay sidaa maanta wax u dhacaan oo dalku yeesho awood dowladeed waxay soomaaliya ugu qoran yihiin Baal Dahab ah.

WQ: Abwaan C/Salaam Axmed Gabayre

 

 

 

 

DAADAD XOOG LEH OO KU HABSADAY QAYBO KA MID AH WADDANKA

Roobabkii xilliga dayrta ayaa si weyn uga da,ay dalka soomaaliya kaasoo buux dhaafiyey horooyinka, balliyada iyo togagga ay biyhu maraan waxaa uuna geystay qasaare baahsan oo naf iyo maalba leh iyadoo aysan halkaasi ka marneyn wixii laga digayay ee lagu sheegayay El Niino, dhibaatooyinka dhacayna waxaa ugu darnaa gobollada ay maraan webiyada Shabeelle iyo Ganaane.

kuwaas oo weli dadku geedaha saaran yihiin, sidoo kalena burbur ka geystay hadey noqon lahaayeen buundooyin, waddooyin iyo guryo isagoona tirtiray beerihii yabaalka ahaa

waxyeellada dhacay maahan wax la soo koobi karo waxaa ciriiri galay isu socodkii bulshada ku dhaqan meelaha ay dhibaatadu haleeshay waxaana yaraaday ama baab’ay quutkii la cuni lahaa iyo calafkii xoolaha.

Waxaa ka dhashay barakac aad u weyn ka dib markii ay biyuhu la tageen dad iyo duunyo waxay dadku dhaqanayeen, meelaha maanta ugu daran ee afku hayo waxaa ka mid ah magaalada Baar Dheere, Beled weyne, Buulo burte, Shabeellaha hoose iyo Sheebeelaha Dhexe meelo ka mid ah waxaa barakacay malaayiin qoysas ah oo soomaaliyeed oo ku hanti beelay nimcadaan da’day

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa nimo waliba nusqaanteeda leh, middaanna ilaaheygii keenay isaga uun baa naga caawin kara  dhibaatada soo gaartay ummaddiisa, waxaase loo baahan yahay in la ogaado qeybaha ugu daran ee looga baahan yahay  gurmadka iyo bini’aadannimada.

Shacabka soomaaliyeedna waxaa looga baahan yahay waxaan inay yihiin qaddar Alle oo ay tahay inay ku samraan oo dulqaadaan ka dibna ilaahey ma dayici doono gargaarkiisan wuu u soo dedejin doonaa, marka aad badisaan wax wada qabsiga, tawakalka iyo isku xirnaanta guul deg deg ah iyo faraj ayaa iman doona

Haddaba, waa inaan soo xasuusanaa soomaaliyeey maahmaahdii ahayd daad waliba intuusan ku soo gaarin baa leyska moosaa, tani waxay ku tuseysaa in loo baahan yahay in mar walba la feejignaado oo mar walba lagu xisaabtamo in la joogo xilligii gu’ga, xilligii deyrta, xilliyada wabigu buux dhaafo iwm waa in la gaashaantaa inta aysan da’in roobabka iyo dabeylaha.

 

Sidoo kale, waxaa loo baahan yahay in leyska hagaajiy webiyada iyo kannaalada inta aysan wax dhicin oo la muujiyaa dadaal badan iyo wacyigeli isdaba joog ah waayo dadka badanaa ma baraarugsana oo waxay ku mashquulsan yihiin raadinta quutul yoomka, runtiina guud ahaa dowladda ayaa looga fadhiyaa in ay arrintaan ka yeelato istraatiijiyad cad oo looga hortegi karo dhibaatooyinkaan soo noqnoqday ee sano kastaba dhacaya.

Ugu dambeyntiina iska hagaajiya kannaallada, dhammaan biyo mareennada, webiyagana ha lagu sameeyo carro bixin iyadoo la adeegsanayo xeelad iyo xoog middii la awoodo iyadoo la sameynayo carro tuur iyo qodaalba.

WQ: C/salaam Axmed Gabeyre

 

WARBIXINTA TODDOBAADLAHA EE DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayey go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka uga qaadey Soomaaliya.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka ku soo laabtey kadib markii uu dalka Isutagga Imaaraadka Carabta kaga soo qeybgaley shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada (COP28).

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay shirka isbeddelka cimilada ee COP28 ayaa soo bandhigay saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka xooggan ee ku socda cimilada, gaar ahaan fatahaadaha iyo roobabka El Nino.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan guusha qaadista cunaqabataynta hubka, waxaana uu sheegay in wax badani ka tari doonto ciribtirka Khawaarijta iyo sugidda amniga dalka.

5- Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, iyo madax kale ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee dalka looga qaaday cunaqabteynta hubka

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay culimada Soomaaliyeed ee magaalada Kismaayo, ayaa kala hadlay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin la dagaallanka iyo fikirka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo dowlad wanaagga.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuur-galayo xaaladda binni’aadamnimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka, waxa uu ku tagey degmada Af Madow ee gobolka Jubbada Hoose.
8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb galay dood furan oo ka dhacdey magaalada Kismaayo ayaa ka hadley waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda Dan Qaran iyo halka la hiigsanayo.
9- Shacabka magaalada Muqdisho ayaa sameeyay banaanbaxyo waa weyn oo lagu taageerayo guusha qaranka ee qaadista cunaqabateyntii hubka ee saarneyd Soomaaliya.

10- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Mudane Cali Maxamed Cumar Balcad ayaa la kulmay guddiga gaarka ah ee howlgalka Nabadaynta Qaramadda Midoobey (C34) oo Muqdisho u yimid si ay ula kulmaan Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo ATMIS.

11- Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa kormeeray isbadalka amni ee suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, halkaas oo hay’addu ka nadiifisay Khawaarijta dilalka iyo dhaca ku heysay ganacsatada Soomaaliyeed.

12- Amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee dalka Qatar Dr Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe).

13- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa dalka Sacuudiga wadahadal kula yeeshay mas’uuliyiinta dalkaasi.

14- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan muhiim ah la yeeshay qaar ka mid ah ganacsatada dhoofisa kalluunka.

15- Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u Eegsita iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga la Socodka iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ka yeeshay dardar galinya hawlaha dib u eegista dastuurka ku meel gaarka ah.

16- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa Khawaarij tiradooda gaareysa 60 ku dilay degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

17- Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ayaa laba doonyood waxa ay kala wareegtay Hey’adda Zamzam Foundation iyo Bankiga IBS ee Soomaaliya.

18- Hay’adda Maareynta Masiiboyinka oo deeq raashin ah kala wareegtay Hay’adda Bisha Cas Turkiga.

19- Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ee SODMA ayaa deeq gargaar ah gaarsiiyay qoysas ku sugan Lafoole oo ay soo barakiciyeen daadadka ka jira dalka.

20- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa ka qayb galay shirka Axdiga ka hortagga musiibooyinka kaas oo daba socday Shirka Isbedelka Cimillada ee ka socda dalka Isutagga Imaaradka Carabta.

21- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya shacabka ayaa degmada Ceeldheer ee gobolka Galguduud ku dilay 10 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.

22- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo xoogagga deegaanka ayaa hawlgal milateri oo ka dhan ah Khawaarijta Al Shabab ka wada deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan.

23- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa burburiyay xarunta diiwaan gelinta Khawaarijta iyo goob ay lacago baad ah uga qaadi jireen oo ku yaallay gobolka Bay.

24- Ciidanka Xoogga Dalka ee fadhigoodu yahay magaalada Buurdhuubo ayaa howlo samata-bixin ah u sameeyay shacabka ay saameeyeen fatahaaduhu.

25- Ciidanka Xoogga Dalka oo deegaano ka tirsan gobolka Baay ka sameeyey howgallo ka dhan ah Khawaarijta.

26- Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidanka deegaanka ayaa hawgalo lagu baacsanayo Khawaarijta ka fuliyay bariga Galgaduud.

=====DHAMMAAD========

 

Ciidamada jabhadda Amxaarada oo kaabiga ku haya caasimada Addis ababa

Ciidamada Jabhadda Amxaarada ayaa isku gadaamay xerada Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiyaha ee deegaanka Ensaro Shewa oo qiyaastii 93km u jirta magaalada Addis Ababa, ee Caasimadda Itoobiya, sida ay sheegeen xubno ka tirsan Jabhadda.

Dagaalamayaasha Jabhadda Amxaara ayaa hadda Kaabiga ku haysa magaaladda Addis Ababa ee uu ku shaqeeyo R/wasaare Abiy Axmed.

Gobalka Maamulka Axmaarada ayaa waxaa ka socda kacdoonkii ugu xoogganaa, waxaa laga maqlayay rasaas dabaal deg u muuqatay markii uu is casilay R/wasaare ku xigeenkii Itoobiya ahaana wasiirkii Arrimaha Dibadda.

Source: Amhara News Service

Kacdoon xooggan ayaa ka socda gobolka Amxaaradda iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenkii Itoobiya oo is casilay

Kacdoon xooggan oo looga soo horjeedo xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ka socda gobalka Amxaaradda ee dalka Ethiopia xili uu maanta xilka iska casilay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenkii ahaana wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Ethiopia Demeke kaas oo Abiy Ahmed ay saaxiib isku dhow ahaayeen ilaa iyo 2020kii.

Waxaa la arkayay Muuqaallo laga duubay kooxaha kacdoonka oo isku soo baxay markii uu is casilay Mr. Demeke kuwaas oo raasaas ridaya.

Maamulka iyo Jabhadda Amxaarada ayaa horay bayaan ay u soo saareen waxay ka soo horjeesteen dhaqanka qaras iska tuurnimada ah ee Abiy Ahmed uu isku dayayo inuu ku maaweeliyo Shacabka Itoobiya ee hadda diidan Xukunkiisa.