R/Wasaare Ku-Xigeenka Ethiopia Demeke Mekonnen oo is casilay.

R/Wasaare Ku-Xigeenka Dalka Ethiopia Demeke Mekonnen oo sidoo kale ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee dalkaasi ayaa lagu waramay in uu iska casilay xilalkii uu ka hayey dalkaasi.

Lama shaacin sababaha uu isku casiley mas;uulkaasi oo jagooyinkaasi soo haayey tan iyo bishii November 2020ka.

Demeke Mekonnen waxaa uu ka soo jeedaa qowmiyadda Amxaarada oo haatan dagaal culus oo hubeysan kula jirta Dowladda Ethiopia ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Dalka Ethiopia waxaa ka taagan dagaalo sokeeye oo qowmiyado ku saleysan, kuwaas oo khatar ku ah amniga dalkaasi iyo kan gobolka intaba.

Hiiraan: Ciidanka Xoogga oo toogtay mid kamid ah Kooxaha argagixisada

Ciidamada Xoogga dalka  Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa toogtay mid kamid ah Argagixisada naf la caariga ah oo doonayay in uu dhibaato u geesto bulshada Beledweyne.

Howlgalkaan oo ka dhacay xaafadda Buundo-weyn ayaa waxaa fuliyay Askar ka tirsan guutada 5aad qeybta 27-aad oo ku howlgalay xogta Bulshada Xaafadda Buundo-weyne.

Meydka dhagarqabaha oo kamid ahaa xubnaha u xuubsiibtay dhibaateynta Bulshada ayaa ku baxay gacanta Ciidamada geesiyaasha ah, waxuuna watay hub kala duwan sida Bam-gacmeed iyo Bastoolad.

Taliyaha guutada 5aad Qeybta 27-aad korneel Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay ayaa ku bogaadiyay howsha Qaran ee CXD ka qabteen Argagaxisada, waxuuna carabka ku dhuftay in ay dhammaatay waqtiga dadka bulshada indhaha u ah inta la dilo la oran jiray wuu baxsaday iyo lama yaqaan.

Bulshada Gobalka Hiiraan ayuu ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka si loogu guuleysto amniga Gobalka iyo Magaalada Beledweyne intaba.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeybgalay xaflad loo sameeyay xuska maalinta furdooyinka dunida

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana lagu maamuusayay Maalinta Caalamiga ah ee Fudooyinka ayaa lagu qabtay Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadaas waxaa ka qeyb galay dhammaan masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Maaliyadda, qeybaha kala duwan ee Maamulayaasha Fudooyinka, Ganacsato iyo Saraakiisha Hoggaanka ilaalada cashuuraha.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane 𝐁𝐢𝐢𝐱𝐢 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 oo hadal kooban ka jeediyay Munaasabadda ayaa  u mahadceliyay dhammaan Madaxda iyo Shaqaalaha Fudooyinka ,isagoo sheegay in uu qirsan yahay in shaqaalaha ay qabteen howl muhiim u ah dib-u-habeynta iyo kobcinta dakhliga.

wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in la casriyeeyay hannaanka dekhli uruurinta, waxa uuna intaa ku daray in la sii horumarin doono qaabka shaqo ee Kastamyada Dowladda.

Maxkamadda ICJ oo maanta go’aamineysa in Isra’el ay joojiso howlgallada milateri ee Gaza.

Masxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ee hoostagta Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay soo saarto tillaabooyin deg deg ah oo Israa’iil ku amraya inay joojiso howlgallada milateri ee ay ka waddo Gaza.

Fadhiga maxkamadda ICJ oo maanta oo Jimco ah  dhacaya ayaa qeyb ka ah dacwad ay Koonfur Afrika soo gudbisay oo ku saabsan in Israa’iil ay geysatay xasuuq.

Xukun ka dhan ah Israa’iil ma aha mid ay fulinayso maxkamaddu balse waxa ay noqonaysaa mid siyaasad ahaan muhiim ah.

Koonfur Afrika oo si weyn u taageerta falastiiniyiinta ayaa maxkamadda ka codsatay in ay soo saarto sagaal qodob oo ku meel gaar ah, oo ay ku jiraan joojinta dhaq-dhaqaaqa militari ee Israa’iil.

In ka badan 25,000 oo falastiiniyiin ah oo u badan haween iyo carruur ayaa la dilay tobanaan kun oo kalena waa la dhaawacay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Gaza, tan iyo markii Israa’iil ay billowday weerarkeeda.

Maxay ka yiraahdeen madaxda maamul gobaleedyada dhameystirka Dastuurka?

Qaar ka mid ah Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada dalka oo ka hadkay dhameystirka Dastuurka KMG ah ayaa soo dhaweeyey tallaabadii todobaadkaan ay qaadeen labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo ahaa dhameystirka Dastuurka dalka.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ka hadlay dhameestirka Dastuurka ayaa sheegay in maanta loo dhan yahay dhameestirka Dastuurka, “Maantaa loo dhanyahay dhameystirka Dastuurka, waxaan ugu hambalyeynayaa dadaalka iyo wadatashiga uu galiyayay Madaxweynaha JFS.”

Laftagareen oo ka hadlay marxaladihii uu soo maray dhameestirka Dastuurka ayuu sheegay in dhameystirka Dastuurka uu noqday tixine, isaga oo xusay tallaabadii uu qaaday Baarlamaanka ay ahayd  ansixinta dhameestirka dastuurka balse aysan ahayd dhameystirka dastuurka, “Albaabkii dhamaystirka Dastuurka ayaa furmay, baarlamaankuna waxay qabteen shaqo taarikhi ah.”

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo khudbad ka jeediyey caleema saarka Madaxweynaha Dani ayaa amaanay Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in uu ku dhiiraday dhameystirka Dastuurka, loona baahan yahay in la garab istaabo Madaxweynaha.

Dhanka kale Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo dhankiisa ka hadlay caleemsaarka Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in xilligaan loo baahan yahay in laga shaqeeyo waxyaaba hortabinta u leh dowladnimada, isaga oo carrabka ku dhuftay in baahi loo qabo dhameystirka Dastuurka, dalkana uusan ku sii jirin karin in uu sii ahaado qabyo.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa xusay in xilligaan lagama maarmaan tahay in la’iska daayo hadallada xanafta ah, lagana shaqeeyo waxa danta u ah ummadda Soomaaliyeed, isaga oo sii sheegay in dowladnimada ay u dhutinayso dhameystirka Dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Soomaali waxa aan rabaa in aan u sheego Dastuurka wakhti uma dhinna.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khubad ka jeediyay munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu hambaleeyay madaxa cusub ee dhawaan ku soo baxay doorashaddii Puntland ka qabsoontay.

Xafladda oo ka dhacday magaalada Garoowe ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS, Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, sidoo kale waxaa munaasabadda ka qeyb galay Ra’iisul Wasaarayaal hore, marti sharaf ka socoto waddamada dariska ah iyo qaar ka mi dha Wakiillada Beesha Caalamka.

Madaxda ka soo qeyb gashay munaasabadda ayaa Hambalyo iyo dardaaran u dirtay Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo dib loo doortay iyo ku xigeenkiisa, iyaga oo kula taliyey in ay si wanaagsan u gutaan mas’uuliyadda culus ee loo idmaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey ayaa ugu horreyn u hambalyeeyey Madaxweynaha dib loo doortay ee Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa oo Janaayo 8, 2024-ka loo doortay hoggaanka shanta sano ee soo socota ee Puntlan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray dhameestir Dastuurka iyo sida ay dowladdiisa muhiim ugu tahay, waxa uu sidoo kale sheegay in aanan loo joojin doonin cid kasta oo ka hortimaada.

Dr Xassan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka hadlaya Dastuurka ayaa yiri, “Soomaali waxa aan rabaa in aan u sheego Dastuurka wakhti uma dhinna. Dastuurkaan hanti Soomaaliyeed ayaa lagu dhameystiri doonaa dibad loo qaadi maayo.”

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in gacan dalka lagu xorreyn doono, gacanna lagu dhameestiri doona Dastuurka oo soo socday muddo ka badan 10 sano, iyada oo dowladihii hore ay ku guuleysan waayeen in ay dhameestiraan.

Hadalkaan uu ka sheegay Madaxweynaha caleema saarka Saciid Deni ayaa ku soo aadaya xilli maalnimadii fadhi wada jir ah ay yeesheen Xildhibaannada labada Aqal ay ku meel mariyeen Habraaca wax ka badalka Dastuurka dalka.

Guddiga arrimaha gudaha & amniga ee Golaha shacbka oo booqasho ku tagay xarunta SODMA

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu ku qaabilay Guddiga Arrimaha Gudaha iyo amniga ee Golaha shacbka ee BJFS , oo uu Hoggaaminayo Xogahayaha Guddiga Xilldhibaan Maxamed Ibraahim Cabdi Diyeeshe iyo Xubnaha kale ee guddigaan.

Guddigaan oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah ayaa kormeer ku sameeyey xafiisyadda Hay’adda ,Sido kale Guddigu wuxuu u kuurgalay nidaamka ay u shaqeyso Hay’adda SoDMA Sida Xarunta Qaran ee Ka disgista Halis wadareedka “National Multi-Hazard early warning Center.”

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa ugu warbixiyey Guddiga baaxada khasaaraha ka dhashay Fatahaadii  El-nino ee saameysay dalka  iyo Jawaabta Celinta ay ka bixisay Hay’adda iyado ka shaneysa Hay’adaha Caalamiga  iyo wax qabadka hay’adda, sidoo kale Guddiga ayaa uga mahadceliyay SoDMA soo dhaweeynta loo sameeyey iyo warbixinta loo soo bandhigay.

NISA oo 30 ka mid ah Khawaarijta ku dishay hawgal ka dhacay degmada Galhareeri

Hawlgal qorsheysan oo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ay ka fuliyeen Gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Galhareeri oo ah xarunta ugu weyn ee Khawaarijtu ku leedahay gobollada Dhexe ayaa lagu dilay 30 ka mid ah Khawaarijta oo isugu jiray Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal ay ka mid ahaayeen xubno Ajaanib ah halka dhaawacu uu yahay ilaa 20 kale.

Goobaha lagu bartilmaameedsaday hawlgalkan waxaa ka mid ahaa xarunta Idaacadda Andulus, xarun lagu farsameyo Qaraxyada, xarunta maaliyadda ee degmada Galhareeri, guri ay daganaayeen horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta gaar ahaan kuwa sameeya Filimada ee lagu magacaabo Al-Kataa’ib, guri uu deganaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka gobolka Sh. Dhexe iyo guryo ay ku shiri jireen Jabhadaha Khawaarijta.

Horjoogeyaasha Khawaarijta ah ee lagu dilay weerarkan waxaa ka mid ahaa;

  1. Qoor-Cadde oo ahaa horjoogaha xarunta Qurdubi, oo ah xarun ay ku faafiyaan fikradaha qaldan.
  2. Macalim Maxamed oo ahaa ku-xigeenka xarunta Qurdubi.
  3. Cabdikariin Shan-boqolle oo ka mid ahaa aasaasayaashii Khawaarijta ee Galguduud.
  4. Wareershe oo ahaa horjooge ka tirsanaa qeybta Gaadiidka.
  5. Yamiin oo ahaa horjooge ka tirsanaa Maleeshiyaadka Khawaarijta ee Mudug.
  6. Cabdullaahi Macalim Bashiir oo ka mid ahaa horjoogeyaasha Maleeshiyaadka ee Galguduud.
  7. Ismaaciil Abu-Ruqiya oo ka tirsanaa qeybta marin-habaabinta Khawaarijta Galgaduud.
  8. Ciise Maxamed Wehliye oo ahaa Horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka ee Gobolka Sh. Dhexe.
  9. Ciise Ruush oo ahaa Horjoogihii farsamada Hubka.
  10. Usaama oo ahaa Horjoogihii Isgaarsiinta.
  11. Xasan Nuur ka tirsanaa qeybta Gaadiidka.

Hawlgalkan oo jab xoog leh lagu gaarsiiyay Khawaarijta ayaa xubnaha lagu khaarijiyay waxaa ka mid ahaa Ajaanib ka shaqeyn jirtay dhinaca Warbaahinta gaar ahaan qeybta ay ugu yeeraan Al-kataa’ib.

May be an image of textMay be an image of text

Guddoomiye Aadan Madoobe oo shirguddoomiyey kulanka guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka. Waxaa ku weheliyay guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.

Kulanka oo ugu horeyn warbixin uu ka siiyay xubnaha Guddiga Guddoomiye Sheekh Aadan, ayuu ku faafaahiyay arrimaha dib eegista Dastuurka KMG ah iyo Shuruucda muhiimka u ah dowladnimadda dalka, waxaa ayna sidoo kale  Xubnaha Guddiga Joogtada ka doodeen hubinta ajandyaasha horyaala Golaha, waxayna isla eegeen kuwa hortebinta leh ee mudan in la hor keeno Golaha.

Xildhibaan Xuseen Iidoow oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dib u Eegista Dastuurka ee BJFS oo xubnaha guddiga hortooda warbixin looga dhageystay ayaa ka hadlay habraaca ay mudanayaasha Labada Aqal ansixiyeen, isagoo sheegay in soo jeedimihii Xildhibaanada ee aqrimihii koowaad iyo labaad lagu lifaaqay, isagoo tilmaamay in habraacaan muhiim u yahay shaqada dib u eegista dastuurka KMG ah ee JFS.

Madaxweynaha JFS oo gaaray Garoowe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland,Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Dowladda Federaalka iyo kuwa Puntland iyo dadweyne farabadan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Garoowe uga qeyb-galaya caleemasaarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Dani.